“Sida Sumcada loo Raadiyo, uma Raadino Runta, sida aynu Sumcada u Jecelnahay uma Jeclin Runta” Qoraagii Caanka ahaa ee Abdifataah Mohamed Ahmed Ceelaabe

Si guud haddi aynu u sheegno wax kasta oo nooli wuxuu ka kooban yahay laba, laba ayaa nolosha loo wadaagayaa, noole kastaa waa lamaane. waa lab iyo dhedig iska soo horjeeda, sidaasi ayey noloshu qiimo ku leedahay, sidaasi ayey miisaan ku leedahay, sidaasi ayaa jiritaanka dadkuna ku waarayaa. wax kasta oo laba ka kooban waad garan kartaa, sirtuna waa in aad fahmi karto wixii aan weli laba noqon ama aan aheyn. waxa kale oo tijaabo kaaga baahan in maskaxdaadu xasuusato ama is weydiiso wax kasta oo nool oo lamaane ah magacyadooda. qaar ka mid ah oo aad taqaano ama deegaanka kugula nool waxa suurta gal ah in aad xasuusato, hase ahaate kuwa aanad arag ama kaa fog maya. wax kasta marka uu keliga yahay iyo marka uu lamaane noqdo wuu kala duwan yahay, fikrada lamaane (pairs) waa mid isbedel muuqda oo wax ku oola ku dhalisa kuna soo kordhisa dhinaca kale.

waxa jira haddaba wax qof kastaaba jecel yahay oo keligeed meel taaqan, qofkana haddii ay ku lamaan tahay ama uu helo ka dhigta sida qof lamaane heysta. waa sumcada, qof kastaaba wuxu raadinayaa sumcad iyo aqoonsi ama magac. sumcadu waa keli meel taagan waxa ay sugeysaa qof soo saara oo ay isku lamaaneyso. dadka qaar waxa ay doonayaan in si heer caalami ah ay u soo baxaan, sumcadna ay ku helaan shaqo ay wadaan. dadka qaar waxa ay ku hamiyayaan sidii ay u noqon lahaayeen kuwa ugu sumcada iyo magaca weyn wadankooda. sumcad wanaagsan iyo abaal marinta fiican, dadka qaarna waxa guul iyo sumcad u ah in uu qoyskiisa keliya si fiican u maamulo, halka dadka qaarkood ay hayaan xil ama masuuliyada maamulka xaafada ama waaxda ay ku nool yihiin, halkaasi oo ah meesha ay ka soo fuulaan salaanka sumcada. waa beer ubax ah oo la beeraayo sumcadu, qurux iyo udgoonba leh soo dhaweysa dadka. waana wax qoraal iyo mahadhooyin buugaagta taariikhda ku dhacda  reebeysa.

Sida sumcada loo raadiyo, uma raadino runta, sida aynu sumcada u jecelnahay uma jeclin runta. qof kastaa hamiga uu leeyahay iyo wuxuu rajeynaayo ama sumcada uu sida qeyrkii u halgamayaa waa mid xitaa qofku isaga oo aan wada gaadhin laga dhinto. waxaan jeclaan lahaa in aan noqdo, waxaan jeclaan lahaa in aan gaadho, waxaan rajeynayaa in aan sida hebel aqoonsi ka dhex helo bulshada la xidhiidha shaqada aan soo bandhigo/waa hami iyo fikir dad badan ku jira kaasi oo ah midka dhaqaajinaaya ee dadaalka ugu wacan.

sumcadu waxa ay qofka siisaa awood buuxda oo deg, deg ah. mararka qaar marka qofku helo sumcad waxa uu ku helaa dhaqaale, waana arin inta badan dhaqaale lagu helo ama raadsado magaca ama sumcada ama caanimadu. dad badan marka ay bulshada sumcad ku dhex yeeshaan, waxa ay ku helaan tixgelin , ixtiraam iyo sharaf ama maamuusid. waa lagu xurmeeyaa magaca iyo sumcadooda. dadka qaar ayaa isku lamaaneysiiya had iyo jeerna jecel in ay ka ag dhawadaan dadka magaca leh si loogu hor arko, sawiro la gala, la jooga, ka fa, ideysta kuna soo baxa mararka qaar ama ay soo saaraan. maxaa haddaba qofka sumcadii ka qaada ?maxaa ugu weyn ee sumcad iyo magaca keena, ma maamulka mise dhaqaalaha iyo taajirnimada?ma og tahay in markasta oo qofku lacag yeesho in uu ku helaayo sharaf iyo tixgelin ama xushmeyn intaba. “FIRST GET MONEY AND ALL THE REST WILL FALL IN THE LINE”. wax badan lacag ayaa lagu iibsadaa, xitaa magaca iyo sumcada ayaa ka mid ah. laakin wax kasta oo lacag lagu iibsaday waa in la sii iibin karaa, waxa la arkaa in qof sumcad ku cararaayey markii uu helay ay si kale ka noqoto ama uu dadkaba u cuntami kari waayo. bulshadeenu ninkasta oo wax bixiya ama lacag siiya wey daba yaacaan, wey amaanaan, weyna jecel yihiin. dad badana marka ay qorshe wataan waxa ay wax ku muquuniyaan lacago si musuq ah loo bixiyo,

awooda sumcadu ku siiso waa in aad og tahay halka aad ka keentay iyo sida ay kugu soo gashay, waana in aad u isticmaasha si waafaqsan habka iyo nidaamkii ay kugu soo gashay, waana in aad ku ixtiraamta uguna shaqeysaa dadkii ku saaray ama codka kugu caawiyey. hogaamiye kasta wuxu sumcada ku helay waa dadkiisa xilka saaray una codeeyey. hudheelka cida sumcada saartay ama ku xidhani waa macaamiisha wax ka cunta ee ku qanacday cuntada markaasi waa in uu ogaada, waalidka cida sumcada saartay waa caruurta ay heleen. sidaasi ayaa wax kasta oo nolosha ah ay u jirtaa cid sumcada uu heysto ka caawisay.

dad badani inkasta oo ay kelinimo ku nool yihiin oo aan lamaane kale wehelin, haddana waxa ku lamaan sumcad ay heleen. sumcadaasi ayaana waxa ay u noqotay qof kale oo la jooga, maxaa yeelay dadkii ayaa iyaga wada jecel. waxa ay ku nool yihiin nolol malaayiin qofi ay u mahadnaqayaan.

waxaanu ka soo baxney masaajid aan ku tukaday salaadii duhur, waxa ila socday mid ka mid ah shaqaale aanu wada shaqeyno, waxaanu taagneyn dibada hore ee masaajidka, waxa masaajidkii ka soo baxay oo nagula tukanaayey mid ka mid ah xubnihii dawladihii  hore xilalka ka hayey, qofkii aanu wada soconey ayaa igu yidhi bal eeg sowkaa hebel miyaanad garaneyn, isaga oo qudhi muu arkeyn ama muu egeynin, hase ahaate dad badan ayaa arkaayey, qaar ayaa daba socday, qaar kale salaan ayey xagiisa ula wada dhaqaaqeen. waa hebel, waa hebel, tolow dadkan kale miyaan laba arkeyninba. markaasi ma caan ayuu ahaa mise sumcad wanaagsan iyo caanimo ayaa isugu biirtay tolow, mise waa qof sumcad leh oo dadkeenu markiiba wax bay iska ilaawaan oo qofku marka uu xilka ka tago ayuun baa la yidhaahdaa nin fiican ayuu ahaa, mise waxba lagama dabo sheego qofka xilka laga qaaday oo arimo qabyaaladeed ayaa la xeerinayaa.

Sumcada waxa ka horeeya adeeg iyo shaqo wanaagsan, adeega iyo shaqada fiican ayaa sameeya sumcada, waxaanad arki iyada oo qof kastaa ku amaanayo ama uu ku raadinaayo, dadkii kalena ka dhex muuqda, markaad sumcad hesho waxaad ku noolaan nolol in badan lagu xasuusto xitaa markaad dhimmato dadku ku sii hadal hayaan caanimadaadi iyo shaqadii fiicneyd ee aad ka tagtay. hana ilaawin in dadka qaar dhib iyo xuman ay ku kacaan si ay sumcad u helaan, ogowna in sumcad xuni ay jirto iyo waxa lagu kasbado. dad badan ayaa sida haraadka iyo oonka biyo loogu baahdo ugu baahan sumcad iyo magac.


Abdifataah Mohamed Ahmed

ceelaabe_10@hotmail.com

Leave a Reply

*

Send link to Friend

If you thought this page is useful to your friend, use this form to send.
Friend Email
Enter your message
Enter below security code