Barnaamijka Caafimaadka “Waxa Ku Dhacay Hargab! Qaybtii 1-aad Qalinkii: Abdifataah Mahamed Ahmed Ceelaabe
Waa mid ka mid ah xanuunada inta badan hawada lagu kala qaado, waana xanuun ka mid ah xanuunada aan si rasmi ah loogu heynin daawo rasmi ah. waa xanuun aan markasta la arag haddana aan dadka ka maqnaanin. muddo markii la joogaba waxa laga yaabaa in uu si uun ku soo mari karo. goobaha dadku ay iskugu yimadaan sida maqaaxiyaha, basaska, xafiisaadka shaqada, masaajidada, hudheelada iwm ayaa inta badan lagu kala qaadi karaa. ogow saddexda cisho ee ugu horeeya ayaad qofka ka qaadi kartaa hargab hase ahaate marka uu ku qarxo ama ku dilaaco kuuma gudbin karo. waa xanuun hawadu ay ka qeyb qaadato, inta badana waxa keena qofka oo aan gacmihiisu nadaafad laheyn.
Mr Nuur (Not Real Name) Maalmahanba wuxuu dareemaayey culeys, waxaana si joogta ah ugu bilaabantey hindhiso badan, waxa uu isku arkey xanuun si guud jidhka oo dhan uga qabsaday, wuxuu noqday tabcaan ama qof daalan oo kale, lafaha oo dhan ayaa xanuney markaasu marna yidhaahdaa hargab ayaa i haya marna lafo garaac ayaa igu dhacay. madax xanuun ayuu yeeshay, sankana waxa ka socda duuf badan. wuxuu yeeshay xabeeb badan, cunaha ayaa xanuuney, xitaa cuntada ma liqi karo. hase ahaate 2 cisho ayey kaga tagtey xabeebtii badneyd. muruqyadii ayaa xitaa wada xanuuney. qufac badan ayuu yeeshay weliba uu wax badan tufaayo. caloosha ayaa taagan oo ka qeyb qaadatey. xumadna wuu dareemay. maalin ayuu xitaa hunqaaco yeeshay. laabta iyo xabadka ayaa xanuun uu ka daremay. 7 cisho ayuu la baxaa dagaayey wuxuuna markii danbe si tartiib, tartiib ah u dareemay caafimaadkiisii oo soo noqdey.
xanuunka hargabka ah ee ku dhacay waxa kaga darnaa dhibaatadii ka soo gaadhay markii xanuunkani uu ku dhacay ee kaga timi qaar ka mid ah dadkii. hadda wuxuu ka soo baxay 7 cisho oo lafo garaac ah wuxuuna mar danbe idinka sheekeyn doonaa qeybta danbe wixii uu la kulmey intii uu hargabku hayey.
LA SOCO. . . . . . . . . . . . . . . . . .
abdifataah mahamed ahmed Ceelaabe
ceelaabe_10@hotmail.com






