Falanqeyn: Shirka London Conference in Somalia iyo Doorka Somaliland ka Ciyaari Karto

Marka hore waxaan halkan ka salamaya shabakada somalilandinfo.com oo hawl fiican oo warbaahineed oo dhinac kasta ah u haysa bulshada reer somaliland meelkasta oo ay jooganba, waxaan sidoo kale salaan u diraya dhamaan bulshada reer somaliland gaar ahaan ciidanka qaranka somaliland ee jiida hore kaga jira difaac wadeenkeena, oo aan leeyahay guuleysta geeshkaygow.
 
Inta ka dib, waxaan halkan qalinka u qaatay inaan iftimiyo oo aragtiyada ka dhiibto shirka dawlada ingriiska  23 february 2012 ku qabanayso London oo lagu casuumay inay dawlada somaliland ka soo qeybgasho si ay aragtideeda siyaasadeed halkaas uga soo jeediso iyo sidii somaliland door muhiim ah uga ciyaari lahayd shirkaas oo arrimo badan oo mandaqada geeska afrika saameyn ku leh lagu soo qaadayo. Haddba, waxaan jecelaystay bal inaan u kuur galo waxa uu yahay shirku iyo agendaha shirkaas aniga oo cidna ka dhegeysan aragtidiisa oo aan bal maanta eego waxa ay dawlada ingriisku ay meesha ku hayso ee ay inoogu yeedhayso.
 
Hordhac: Waa maxay Shirku iyo Ajandiyaashiisuba?
 
Akhristow Marka hore  aynu fahno Qodobada ama ajendaha Shirka ay somalida u qabanqaabisay dawlada ingiriisku waxa uu yahay si aynu markaas bal u falanqeyn karno waxa inaga khuseeya iyo saameyntiisaba intaba. Haddba, shirkaas waxa u sita magacan (london conference in Somalia: building Momentum), waxa shirkaas qabanqabadiisa iyo isku dubaridkiisa dawlada Britian uga wakiil ah argeyga wadanka ingriiska u qaabilsan somalia iyo somaliland oo la yidhaahdo Matt Baugh ( Senior representative for Somalia / Somaliland, Nairobi, Kenya) oo fadhigiisu yahay Wadanka Kenya. waxaana markii aan baadhay qodobada ama ajandaha shirkaas ku saabsan yahay ilaa imika inta la og yahay sidan hoose ku qoran:
 

  • Sidii looga hadli lahaa Mushkilada iyo colaadaha daba dheeraday ee ku habasaday koonfurta somalia iyo sidii dawlada midnimo qaran loogu sameyn lahaa qolyaha shookanta u haya siyaasada koonfurta somalia.
  • Sidii loo caawin lahaa Bulshada koonfurta somalia ku nooli inay guryahoodii ugu noqon lahaayeen oo u sameyn lahaayeen nolol wacan Gaar ahaan dadkii ka qaxay magaalada muqadisho.
  • Sidii meel looga soo wada jeesan lahaa in la cidhib tiro kooxada alshabaab iyo Budhacad badeeda ka qadhaabta xeebaha koonfurta somalia.
  • Sidii loo tageeri lahaa dimqraadiyada, nabada iyo horumarka Somaliland.
  • Iyo ugu danbeyntii sidii loo xoojin lahaa amniga iyo kala danbeynta ka jirta goobaha nabadoon ee Puntland, Galmudug iyo Ximin Iyo Xeeb.

 
Horta ajendaha shirku waa kaas, waxaana aad ka heli karta linkan sida aad u akhirsato ama aragtidaada uga dhiibto ajandaha shirka lagu soo qadayo http://blogs.fco.gov.uk/mattbaugh/2012/01/17/london-conference-on-somalia-building-momentum/ , waxa kale oo aad akhriyi karta oo daalacan karta Profile ka Matt baugh oo ah ergeyga somaliland/somalia u qaabilsan dawlada uk ee wada hawsha shirka http://blogs.fco.gov.uk/mattbaugh/about-matt/ .
 
Aragtidyda Shirkan Iyo Waxa iga Baxay?
 
Markii aan eegay miisaanka shirka uu leeyahay oo ah shir heer caalamiya oo ay ka soo qeybgalayaan madax ka badan konton dawladeed oo diirada lagu saarayo dhibaatada ka aloosan Somalia iyo guud ahaan manadqada geeska afrika iyo cida qabanqabadiisa wada oo ah wadan aynu saaxiib dhownahay oo ah boqortooyada ingriiska oo aynu maxmiyad u ahayn oo si wacan u garanaysa somalida gaar ahaan wadanka somaliland ilaa iyo haddna la leh xidhiidh sokeeye, taageerna ina siisa dhinacyada Amniga, Sirdoonka, Doorashooyinka iyo Maamul wanaaga iwm. waxa i soo baxday in dawladeena somaliland aanay ka maqnaanin shirkaas oo saameyn badan ku yeelan kara qadiyadeena, oo aynu tagno inaga oo gacmaha is haysana oo ku garab galno Xakuumada sidii ay qadiyadeena u dhigi lahayd Miiskaas lagu gorfeynayo arrimaha somaliya oo aynu weli ka mid ka nahay sida Aduunka intiisa kale inoo aragto.
Sida aan ka arkay wareysigii safiirka ku xigeenka UK u fadhiya addisababa Chriss Allan uu siiyey Horn Cable Tv ka dib kulankii dhawaan u la yeeshay Madaxweyne ahmed mahmuud siilaanyo, waxa uu u gudbiyey martiqaad rasmi ah oo Raiisal wasaaraha uk u fidiyey madaxweynaha somaliland sidii ay uga soo qeyb gali lahayd somaliland oo ugu kordhin lahayd shirkaas waayo aragnimada somaliland u leedahay Nabadeynta, Dawlad wanaag, Doorashooyinka, Horumarinta Bulshada iyo kaabayaasha Dhaqaalaha, la dagaalanka aragagixsada iyo Budhcadbadeeda.
Haddba, Akhristow, suaalaha u baahan in aynu is weydiino ayaa ah maxaa somaliland ka hortagan sidii kaalin muhiim ah uga ciyaari lahayd oo gacan uga geysan lahayd nabadeynta koonfurta somalia oo dawlado iyada ka weyni daneynayaan sida UK, USA, EU, AU, IGAD iyo ARAB LEAGUE?
Maxa u diidan somaliland inay qeyb ka noqoto gurmadka beesha caalamaka ugu jiraan furdaaminta colaada ka taagan koonfurta somalia ileen dhibaatada halkaas ka taagani waa mid somaliland saameyn ku yeelan kartee ileen gaajada ka dilaacadayba waynaga u gurmnaye??
 
Any way, waxa hubaal ah dhibaatada koonfurta somalia oo aynu wax ka qabano oo aragtideena ku kordhino inay dejin karto halkaas oo marka ay dawlad ka dhalato aynu wada hadal furi karno sidii inaga oo walaalo ah u kala dhaqaajin lahayn oo u noqon lahayn laba dawladeed oo ku dhisan xuduudihii lixdankii (26 june 1960).
 
Talo soo jeedin Xukuumada iyo Shacabka Somaliland
 
Guntii iyo gebogadii, waxaan halkan talo u jeedinaya Xukuumada somaliland in la gaadhay xiligii somaliland siyaasadeeda Arrimaha Dibadda furfuri lahayd oo hoose loo eegi lahaa Arrimo badan oo hore loo soo hadal qaadi jirin oo ay ka mid tahay in aan laga qeyb gelin shirarka muhiimka ah ee somalida loo qabanayo ee aan ahayn dib u heshisiinta kooxaha somaliya, oo somaliland saameyn taban ku yeelan kara oo haddii somaliland ka maqnaato cadowga somaliland (Khaatumo Seeg State iyo Other Uknown States kale) qoraalo been ah ku marin habaabin karan bulshada caalamaka iyo deeq bixiyayaasha intaba. Somalida ayaa tidhaa Nin aan hadlin Hooyadii Qadisay, Xukuumada somaliland waxa waajib ku ah inay geed dheer iyo mid gaaban u fuusho sidii loo iib geyn lahaa qadiyada reer somaliland oo la tago fagaarayaasha lagu gorfeynayo danaha somaliyeed oo weli bulshada caalamka iyaga inagu milayaan aynu ka sheegno firkirkeena iyo go’aankeenba. waxaana dawlada ku waajib ah in arrimahaas iyo kuwo kale oo badan oo saameyn ku leh somaliland u talo badsato oo laga qeyb geliyo Axsaabta, Golayaasha Qaranka iyo Aqoonyahanka si loo helo talo qaran oo lagu mideysan yahay. 
 
Lastly, waxaan sidoo kale halkan bulshada reer somaliland u soo jeedinaya inay somaliland maanta ka weyn tahay wax go’a lagu qaado oo qofna muxaafid iyo mucaarid midna meel geyn karin oo aynu ilaashanayno, cidna wax yeeli karin Allah (SCW) mooyaane, laakiin loo baahan yahay in aynu ka shaqeyno sidii aynu gadoonka 20 sano ku jirno uga bixi lahayn oo la iman lahayn siyaasad furfuran oo qadiyadeena adduunka kaga dhaadhicin karno, oo aynaan gacmaha laaban,  waayo maanta somaliland wax ka maqan ma jiro laakiin waxa inaga dhiman waa in  aynu siyaasadeedna gobolka iyo guud ahaanba adduunka dib u eegis ku sameyno oo aynu saxiibadeen kala shaqeyno sidii nabad loogu soo dabaali lahaa koonfurta somalia si aynu halkaas marka ay degto la inoo kala furdaamiyo.
 
Alla Mahad Leh
Said Abdullahi Dualeh
Ex-lecturer Admas University, Hargeisa
Now in Bristol, United Kingdom.

Leave a Reply

*

Send link to Friend

If you thought this page is useful to your friend, use this form to send.
Friend Email
Enter your message
Enter below security code