Madaxweyne hadii ku xigeenkaagii laydiin garnaqayo, hadii xildhibaanadii gobolada bari kaa cabanayaan

MADAXWEYNE HADII KU XIGEENKAAGII LAYDIIN GARNAQAYO, HADII XILDHIBAANADII GOBOLADA BARI KAA CABANAYAAN, HADII GOBALO DALKII KASII GOOGO’AYAAN, SIDEEBAA LOO ASTURIKARAA CAW-RADDA SIYAASADAADA!!!?

Marka ugu horaysa: Asalaamu Calaykum dhamaan shacbiga somalilandoow Gude iyo Dibadba. Waxaad moodaa in iminkuun aynu Arbushkii iyo Mijo-xaabintii Somaliland si fiican u muquuranay!

U fiirso, waxaad moodaa in loo qorsheeyay Somaliland Burburkeeda Bisha koobaad ee sanadkan aynu ku jirno (January 2012-01-1).

Waaryaadhaay/Shacbigoow looma baahna in cid gaara lagu taageero Siyaasad xumo iyo Qabiil, waxa loo baahan yahay waa inaynu Galno Halgan hor leh oo aynu ku difaacayno Qaranimadeena. Markaan sidan u hadlayo, waxaan u jeedaa hadii Midnimadii iyo Wadajirkii Uunka walaalaha ah(Beelaha Somaliland), maanta lagu guulaystay in la kala dhex galo, dee waa inaynu Arin keenaa.

Madaxweyne Siilaanyona wuxuu noqday nin aad u Siyaasad doorsoomay, u fiirso Karaamo-xumaanta Siyaasadiisa isagoo madaxweyne noqday iyo Barigii Dhawayd ee uu ahaa Gudoomiyihii Xisbigii Kulmiye. Waa kaaf iyo kala dheeri labadaa wacyi siduu kala ahaa!

Halkan hadaan u dhuun galo, horta ninku markuu M/weyne noqdo, way dhacaysaa in isbadal ku yimaado laakiin waxay ku xidhantay: Heerka Waayo- Aragnimadiisa siyaasadeed iyo Aqooneedba. M/weyne Siilaanyo labadaba wuu lahaan jiray ama wuu leeyay aan idhaahee, hadana wax wayn oo Dawladiisii iyo Isagiiba Jaanjaanimo, Iska-Hor-Imaad iyo Muran faashila ku ridaya ayaa jira!

Waxaan hadaba umada xasuusin lahaa hadalkan Mr.Jetley (s/l foreign Minister) uu yidhi sanadkii lasoo dhaafay dabayaaqadiisii oo ahaa: Kama Qayb Galayno shirka dawlada ingriisku u qabanayso Somaalida. Waliba BBC-da iyo Warbaahinta Maxaliga ahba wuu ka cadeeyay. Maxaa maanta siilaanyo Safiir ku xigeenka UK ee Itoobiya ugu yidhi: Qasab waxaan ku yeelsiin karaa, Qoolka Naylahee! Kasoo bax meesha oo kaalay shirka hadii kale Gob-lan Land iyo Khaatumo land fara badan naga filo! Waa Iska-Hor-Imaadka aan kor ku xusay, maanta waakaa Galab Caraabay Siilaanyo ee Sandule ku tagay iyadoo uu diidi karayay.

Waxa iga sii yaabisay 1000-kii Shilin ee Somalia oo ay Dawladan Siilaanyo S/land usoo daabacday u fiirso sawirkan.

Waar waxa jira QORSHE CAALAMIYA oo aynaan guntiisa gaadhi karin, Ajandhaha Shirka Somaalida ee London-na maaha wax loosoo bandhigi karo dadka somalida Rayidka ah oo waa wax ujeedo fog laga leeyahay. Cida si qoto-dheer u ogi waa inta somalida ah ee ka qayb galaysa, waana farsamo qarsoon oo loogu talo galay inay madaxda halkaasi si dadban u gaadhsiiso Dadka somalida ah ee ay maamulaan ee heer Gobol lama Dawladnimo ha noqotee. Qorshaha noocan ah waxay lagu magacaabaa: Diplomatic Covert Mission. Waxaana loo isticmaalaa Dalalka Jahawareerku ka jiro sida Koonfurta Somaalia. Cidna ma ogaan karto nidaamka noocan loo qorsheeyo, laakiin waxa laynoo soo bandhigayaa inteena kale wax aad qaadan karto, oo maankaaga iyo masiirkaaga waafaqsan.

Mudahaardka Bari Somaliland laga samaynayaana maaha mid keenaya macno sidaas u wayn, sababtoo ah: Khaadumo Land-na way banaanbaxaysaa. Daadka hadaanad iska moosin goor hore, mooskiisu macno malaha markay biyuu ku qaadaan. Waa aragtidayda. Salaamu calaykum.

F/Gaara: Shaqsi uma jawaabo, Afxumana Umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal.

SANWAA CUMAR YARE
XISBI QARAN SUGE.

E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com

Leave a Reply

*

Send link to Friend

If you thought this page is useful to your friend, use this form to send.
Friend Email
Enter your message
Enter below security code