Cali Khaliif Galayd Awawgii waxa uu ahaa ninkii wiilkiisu dilka geystay ee markii la yidhi 100 halaad ee magta ahaa

Cali Khaliif Galayd Awawgii waxa uu ahaa  ninkii wiilkiisu dilka geystay ee markii la yidhi 100 halaad  ee  magta ahaa, halbaa kugu soo hagaagtay ee bixi yidhi hal sumadayda leh  nin kale xeradiisa u Hogan mayso

Gabaygii Ismaciil Mire : Ragaw kibirka waa lagu kufaaye kaa ha la ogaado : ( Kalmadduu lahaa Ina Galaydh kohay gadaashiiye
Kaarkuba ma joogeen hadduu keeno tuluddiiye
Baallacad kalyaha kuma jareen kii uu quudhsadaye
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado )

Muddo hadda laga joogo sannado badan waxa taariikhda galay nin ay isku qoys ka soo jeedaan , cali khaliif galayd kaas oo kibirkiisa somaali oo dhami la yaabtay

Waxa uu ahaa oday geel badan wiilalna dhalay , mid ka mid ah wiilashiisa ayaa nin dilay beeshii uu ka soo jeeday ninkaasi ayaa isku tegay waxaanay go,aansadeen inay magta dhiiga u soo hoyday iska bixiyaan si loo kala nabad galo

Reerkii ninkaasi ka soo jeeday waxay iska uruuriyeen 99 halaad oo geel ah, waxaanay u yimaadeen odaygii wiilkiisu dilka geystay si uu ugu daro , hasha geela ah ee ka dhiman 100 halaad ee magta loo kala qaato

Balse waxa nimankii magta 99 halaad soo uruuriyey kaga soo baxday arrin aanay markii hore filaynin isla markaana ku noqotay af kala qaad iyo amakaag , aan hore loo maqal

Odaygii wuxuu af buuxa ku yidhi hasha aad iga doonaysaan , inaan bixiyo way igu adag tahay sababtoo ah sumadii geelayga ayaa ku taalo, waana waxaan dhici Karin in hal sumadda geelayga leh , geel kale lagu dhex arko

Waa kibir kii ugu dambeeyey ee qof binu aadam ahi sameeyo sababtoo ah ninka wax dilay ee magta laga bixinayaa waa wiilka uu dhalay , waxa lagu xukumayna waa hal geela , halka 99kii kale tolku soo uruuriyey , balse santaagiisa ayaa ku yidhi ma geelaaga ayaa isagoo sumadii leh cid kale maali doontaa

Kibirka qaarkiis waa nacasnimo tan ugu weyn , hadii uu ogolaan lahaa hal geela inuu ka bixiyo wiilkiisa dilka geystay , isaguna wuu nabad gali lahaa , reerkiisa oo wiilka dhibka geystay ku jirana wuu nabad gali lahaa

Tolkii markii hore is xilqaamayna qof walba geelii laga soo qaaday waa loo celiyey ,reerkii wiilku ka dhintayna ,markii ay maqleen in ninkii wiilkiisu dhibka geystay diiday inuu hashii ku soo hagaagtay bixin waayey , ayey dulaan ku soo qaadeen oo ay isaga iyo wiilashiisiiba dhegta dhiiga u dareen

Wiilkii dhibka geysta oo naftu ka sii baxayso ayaa laga qoray , aabo haddii aad hashii bixin lahayd dhamaanteen waynu badbaadi lahayn

Cali khaliif Galaydhna saaka waxaa laga baryayaa waar hadii aad reerkaagii iyo caruurtaadi maraykan oo amniya kaga timi reeraha degan iyo maatidooda dab ha ku shidin

Balse waxaan ka baqayaa inuu gadaal ka qoomayeeyo sidii awgii

By Abdikadir mohamud Mohamed

Hargeisa/Somaliland

Higsi2004@hotmail.com

Leave a Reply

*

Send link to Friend

If you thought this page is useful to your friend, use this form to send.
Friend Email
Enter your message
Enter below security code