MARKAAN DHULKEYGA IIBIYO Qalinkii Qoraagii Caanka ahaa ee Mr. Abdifataah Mahamed Ahmed Ceelaabe

Waa Markii labaad ee aan Mawduucani ku soo noqdo arimaha Dhulka aan kaga hadlo.Sannadii ………. waxaan idin soo gaadhsiiyey qoraal laba Qeybood ka koobnaa oo aan ugu magac darey DHULKA.Inkasta oo dad badani ay aamisan yihiin in dhaqaalaha wadanku aanu joogin meel lagu faano ama heer sare ah.inkasta oo dadka qaar ay aaminsan yihiin in ayna jirin ifafaalo muujinaaya koriinka ku socda dhaqaalaha somaliland.haddana Dhismaha magaalada ka socda iyo Lacagta Tirada badan ee dadka qaar ay helayaan ayaa ciida ka soo badaneysa.Haddii berigii hore qof Sita 2,000$ uu ku heli jirey Jago ama dhul meel fiican ku yaala maanta 25,000$ ayuu sitaa oo dhulkii lagu kala iibsanayaa meelaha qaar.

Dad badan oo ka yimi miyiga ama dhulkii baadiyaha ama tuulooyinka ama degmooyinka ahaa ayaa maanta qaarkood ku tartamayaan Dhismayaasha.Dadkii inta ay beerahoodii ama Jagooyin banaan soo wada iibiyeen ayey magaaladii iskugu wada yimaadeen oo Fooqyo lagu tartamayaa.Malaa waa calaamadihii Qiyaamaha.Dadkaasi xitaa qaarkood waa kuwa ganacsiga xoogan magaalada ka bilaabey ee meel kasta soo fadhiistey adhigiina ka soo madhey ama soo iibiyey.Dad badani Dhaxal looga tagay ayey cunayaan oo ay ku fanaan ama Ragg ku noqdeen.Halka ragga qaarna ay u soo shaqeystaan wax kasta oo ay heystaan.

Dhul looga dhintey ama reerkoodu leeyahay ayuu iibin doonaa.Markaasu ku dhoofi doona ama Hargeisa Ganacsi kaga furan doonaa.Kaama xoog badna ,kaamana aqoon badna laakiin dhulkaasi yar ayaa caawiyey ama uu kugu dhaafey.Kirada Meheradaha u socda ayuu iska cunaa.wuu seexdaa ,wuuna soo toosaa,Kiilooyo Jaad ahna wuu iska cunaa.Nina xoogiisii iyo orod ayuu inta yar kula soo baxaa.Dad badan oo Niyada ku haya Horumar ayaa jira laakin aan heysanin Lacagtii ay ku gaadhi lahayeen.Kolba Jago ama Baloodho ayey iibin doonaan,Lacagta uga soo baxdana wey biishan doonaan.

Dad badan ayaa maanta u xiiqsan sidii ay dhul ama hanti u sameysan lahayeen.Meel aan dago uun haddii aan helo oo aan kiradan ka baxo.Dad badan ayaa dhulkoodii iska iibinaaya ama lacag yar ku fasaxaaya.Ogow markaad iibiso ama lacag yar ku iibiso weligaa dib ayaad uga qoomamoon doontaa ama aad uga wer-weri doontaa dhulkii aad sida fudud iskaga iibisey.Ogow lacagta dhulkaasi ka soo gashaa si kastaba wey kaa wada bixi doontaa ama waad cuni doontaa dhulkiina wuu kaa tagey.Dhul nimaan laheyn maanta lama amaaneynin sidii Geela ayuu noqdey.Markaasi ka fiirso iibka deg-dega ah.Haddii fikirkeenii u noqday in aan dib u cuno wixii aynu hore u shaqeysaney waxa ay arintaasi keeneysaa in aynu garan weyney wax cusub oo aynu soo kordhino.sixir bararka dhinaca dhulka bal maanta si weyn u fiirso.

Saaxiib ayaa igu yidhi Weli nin ayaanu muddo ku dhow 10 sano isku heysanaa dhul jago banaan ah,arintaasina weli maxkamada ayey ku jirtaa.Bal akhristow u fiirso inta kiis maxkamada ku jira tobonaan sannaddood.lacag kasta haddii aynu helno waxa ay ku bixi doontaa dhisme cusub,hantiyo kale,dhul,dahab iwm.lacagta ugu badana inta badan waxa ay kuugu iman kartaa dhaxal lagaaga dhintey mararka qaar.Dadkii ka hadli jirey 1,000 $ ayaa maanta isku eryanaaya 10,000$.laakin qiimihii 1,000$ berigaasi hore uu lahaa ayaa maanta 10,000$ ay leeyihiin.waxa kale mey soo kordhin aan aheyn 0.

Lacag kasta ama hanti kasta oo aanad u shaqeysanin ama xoogaaga aanaad ka iibsanin si fudud ama dhib yar ayey kugu dhaafi doontaa mustabaqlka.Dad gaar ah ayaa koraaya ama dhaqaale buuran wadanka ku heysta ama ku helay,dad gaar ah ayaana weli ku dhex baahan.

Waxaan Saarnaa Bus-ka markii Nin uu sheekadiisa ku soo darey arin la xiidhadha dhul ay leeyihiin.Biyihii ayaa gaadhaya,laydhkii ayaa gaadhey,magaalo ayey noqotey,dadkiina wey soo dagayaan,dhulkiina maalinba maalinta ka danbeysa qaali ayuu soo noqonayaa.markaa ha ku deg-degin iibkiisa,horta bal u yara kaadi.Maalin kasta dhulku wuu sii qaaliyoobaa.Jago meel fiican iigu taalay ayaan beri hore iska iibiyey Anniguna Waa Ceelaabe oo arintaasi hore u soo qabsatey markaa ka fiirso in badan in aad ku deg-degto dhulka.

abdifataah mahamed ahmed Ceelaabe
ceelaabe_10@hotmail.com

Leave a Reply

*

Send link to Friend

If you thought this page is useful to your friend, use this form to send.
Friend Email
Enter your message
Enter below security code