Mudaharaadkii Somaliland iyo Dhibta Dhalinyarta

Waa la isku soo bixi karaa dadkuna fikirkooda wuu ku cabiri karaa Iyaga oo Mudaharaad ama banaan bax ku muujinaaya.Sida aduunkaba ka dhacda marka arimo Xasaasi ahi wadankaasi ay la soo dersaan ama Indhaha caalamka la doonaayo in la tuso go,aanka bulshadaasi ka qaadatey arimaha taagan ayaa Madaxda wadankaasi ay ku dhawaaqaan.Marar badana iyada oo aan xitaa dadka la ogeysiin ayeyba isku soo baxaan iyaga oo ka cabanaaya dhibaatooyin jira ama Maamul xumo Dawladeed intaba.Somaliland marar badan ayey dadku isku soo baxeen oo ay Cod xoogan ku Tageereen qaranimada somaliland iyo Madax banaanideeda intaba iyada oo dhammaan Gobolada kala duwan iyo guud ahaan dalka oo dhanba lagu qabtey oo aan loo kala hadhin.In badan ayeyna dadkeenu Wadooyinka carari jireen wakhtigii doorashadii madaxtooyada oo saar badani kaga soo baxay sacabkii iyo is dhex cararkii badnaa.18 May ayaa sidoo kale ina soo martey oo dad badani ay maalintaasi Cod dheer suuqa la soo dhex Istaageen.

 

Wakhti adag oo wadanku galay xaalad siyaasadeed adag Ayaa lagu Jiraa.Shirka taleex iyo Siyaasad xumo dhex taala xubnaha dawlada qaarkood ayaan si weyn loo wada Dareemay,Arintani waa mida sababtey ama ka danbeysey Mudaharaadkii Somaliland ka dhacay Maalintii dhaweyd.Sool Somaliland ayaa Hagratey markaa horta waxba yaan lagu qeylin Somaliland ayaad ku jirtaan.Inta xilalkii ugu cuslaa ama ugu weynaa Isaaqu Wada qeybsado Qeybna Reer Boorama la siiyo yaan la odhan Soolna Somaliland ayey ka mid tahay.

 

Horta somaliland Ilaahay ayaa ilaashanaaya waxaana ku nool dad Daacad ah iskana wada Qalbi wanaagsan oo wax kastta oo lagu keenaa wuu fashilmaa Arintan Taleexna wey iska dhammaan doontaa.Siyaasad xumada dawlada dhex taala ama Khilaafka Madaxweyne ku xigeenka ama Somaliland oo u eekaatay Gobol somalia ka mid ah in laga wada hadlo ayaa meesha ku  Jirta.

 

Baddii Banaan bixii maalintii dhaweyd ka qabsoomey guud ahaan somaliland wuxuu intiisii badnaa u muuqdey mid lagu guuleystey ama Xagga Nabadgelyada si weyn faraha loogu hayey.Dad tiro badan ayaa iskugu soo baxey gaar ahaan caasimada inkasta oo dadkii oo dhammi ayna wada soo bixin.Dhalinyarta hablaha iyo Inamada ah ayaa inta badna soo buux dhaafiya oo guryaha ka soo carara beerta xoriyadana isku soo wada shuba.Dadka waa weyni hawlahooda ayey iska wataan arimo badana wey fahan san yihiin.

 

Dhalinyartu mararka qaar rabshad iyo buuq ama dagaal ayey sameeyaan inta ay xaafadaha dhex socdaan ama marka la soo dareero.Dhalinyar kooxo kooxo u socda ayaa xaafadaha ka Yimaada.waxaad arki hablo iyo inamo badan oo si aan diintu ogoleyn isku dhex gala.Dad badan ayaa maalintaasi ka fa,ideysta meelaha qaarna iska booba.dadka suuqa wax ku iibinaaya oo gacanta la saaro ama muus ama xalwad ama liin lagala cararo baabuur la isku guro dagaal xitaa ka bilaabma ama shiid marka danbe.wadooyinka oo la isku xidho saacadihii mudaharaadku marka uu dhammaado dadka badan awgeed.tuugii iyo dhalinyartii markii horeba qal-qaaligoodii xadka ka baxay ayaa maalintaasi oo kalena fursad xoogan u helaaya waxyaabo uu jecel yahay in uu sameeyo

 

Amaanka hoose ee bulshada ayaa mararka qaar waxyeelo soo gaadhaa.dhaqanka,nidaamka ama sidoo kale edebta iyo akhlaaqada ayaa dad badan ka maqan. Suuqa markii aan soo galay Waxaan arkaayey wadooyin baabuur badan la hor istagay qasab lagu fuulaayey.Baabuurto meelaha qaar Muraayada ayey ka ilaalinaayey Dhagax ku soo dhici kara haddii rabshadi bilaabanto.

mararka qaar haddii qof yidhaahdo Somalia waxa laga yaaba in gacanta la wada saaro.bas aanu saarrneyn ayey qof inta ay daaqada ka soo laaceen dhirbaaxo daran uga soo geliyeen.

Dhalinyar badan oo 91-ka wixii ka danbeeyey Dhalatey ayaa Maanta wadanku u soo kacaaya kuwaasi oo 70% in ka badani ay yihiin kuwo Dhaqan xun ama Xagga Akhlaaqada iyo Diintuba ku yar tahay weli.

 

Xikmada Maqaalkani :D halinyarta Qaarkeed ha ka waantoobaan Rabshadaha iyo Dagaalka

Qalinkii :Ceelaabe

Leave a Reply

*

Send link to Friend

If you thought this page is useful to your friend, use this form to send.
Friend Email
Enter your message
Enter below security code