Adeerayaal Ninkan Xaguu innaga soo galay?Xalay Markaan maqlay Warkiisa in uu dhinac ka soo galay Siyaasada Somaliland

 Adeerayaal Ninkan Xaguu inag soo galay?Xalay Markaan maqlay Warkiisa in uu dhinac ka soo galay Siyaasada Somaliland,Qaaraankii yara ee aan is laha ururi Calam Su’aal ayuuba dul dhigay?

Ninkan Maalqabeenkaa ee u dhashay Somaliland kuna nool cariga Ingiriiska Xalay markuu Warkiisu soo galay Shabakadaha warbaahinta Somaliland,in uu taageersan yahay Xisbiga Horyaal,Dhamaan Qabqablayaashayadii ku dhisnaa Xisbiyada Beeleysan oo dhan waabaa u beryey-Hurdo waa la seexan waayey Marfishyadiibaa Jaadkii iyo Garabadii la ruugay Qiiqii aya sida Ceeryaanta la is arku waayey-Xisbiyadii dhawaan sacabka loo wada tumayey oo maraya 17 Xisbi waaba u beryey-Ragbaa ilaa 48 Saacadood aan seexan.
Maxamed Yusuf Ali Gurey anigu shakhsiyan ahaan Magaciisa dhawaan aya iigu horeysey mudo hada 2 Bilood ah,in uu yahay Maalqabeen Qunyar socod ah,Dhaqalaha uu haystana uu gaarayo ilaa 4 Bilion Pound-doonayana in uu hada wax weyn u qabto wadankii Hooyo Somaliland,arinkaas oo la isla ogaa la wada ogaana in uu aad ugu dhawyahay Xukumada Somaliland doonayana in uu hir galiyo Gaaska iyo Khayraadka dibiicigaa,Dhisi doonana Labada Magalo ee Matanaha ah Xiis iyo Maydh Dekadooda,arimahas waa kuwa ku jirey Suuqa.Ayuunbuu Xalay ka dhawaajiyey in uu taageero weyn siinayo Xisbiga Horyaal oo uu Gudoomiye ka yahay Dr.Mustafe oo isna Reer London ah.

 


Arinkaas in uu Taageersan yahay Hiil iyo Hooba Xisbiga Horyaal aya dhamaan Dilaaliintii Xisbiyada oo dhan wada fajac galisey,hakad waxa galay dhamaan laamihii Qaaraanka ee ku dhisnaa Beeleysiga Hoose waa 100$ ilaa 200$ oo Doolar hab Qaaraan lagu soo ururin laha,daacadnimo ha iga ahate aniga Khan ahan anigoo ahaa Dilaal Qaaraan Ururiye Waagaa i Beryey Xalay sidan u soo jeeday,Bal yaa is hortaagi karaya Ninkan iyo xisbiga uu taageersanyahay Maxamed Yusuf Cali Gurey? Xisbiguna waa Xisbiga Horyaal oo la wada ogaa dhoolituskii ay ka sameeyeen bil ka hor Hotel Ambassador xafladoodii wan qalka oo halkaas Kharash aad iyo aad u badan lagu futeeyey.Heestii Faysal Cumar Mushteeg ee Lacageey aan saartee i suga Shaahana Falaasta Buuxsadee,Siyaasada Somaliland waxay soo martay marxalado kala duwan,Maanta Siyaasada Somaliland waxa ay mareysaa sida wadamada Casrigaa Yurub-Canada-America,Ninkii Beeso-Lacag haysta aya talinaya.Beesooy Beeso Lacageey lacag ayuu yiri Faysal Cumar Mushteeg,taas aya maanta ina wada hortaal.
Ma Maqasheen Beesha Sacad Muuse aya shirar is daba jooga ku yeeshay Hotel Maansoor oo aan seexan? kuna dabaqaya arinkooda Khaatumo waxa ka socda?????? waxba kama jiraan arinka Khaatumo,Dawlad iyo Madaxweyne aya u xil saaran arinka Khaatumo kumana jirno xiligii Beeleysiga ee Jabhada 1980.Sacad Muuse waagaa u beryey talana wey ku leecsantahay,wey isku dhex yaaceen.Xisbiga Horyaal yaa Xisbiga Kulmiye yaa Xirsi aya wato Xisbiga Horyaal.Horyaal waa Kulmiye 2aad….H/Jeclo iyo H/Yoonis aya wada hadlay,sidii Arimaha Marfishka mar la wada hadlayey shakiguna badnaa ayey maanta xaal ku yahay Beesha Sacad Muuse.yaa hor istaagi kara weeyaan Xisbiga Horyaal oo uu barbar istaagay Maalqabeen Maxamed Yusuf Cali,Dhaqalihiisuna gaarayo 4 Bilion Pound,Ciyaarbaa inoo bilaabatay Waaba inoo beryey-Sacad Muuse durba inoo bilaabe in hab Beeleysan ay Guri isku soo xidhaan,Marfishkii Qaadkaa camiran,Xirsi Gaab aya laga shakisan yahay oo isna ku jira Xisbiga Horyaal,xaajadu wey dhaaftay Tolaaaaaaaay xaajadu maanta waxa ay mareysaa yaaaaaa Beeeeeeso Lacag haysta,Beeshii shirta sirtooda Suuqa aya laga iibsanaya,Lacagna waa lagu kala furfuraya,intaas ayan ku soo koobaya Caawa Qoraalkaygan,Qaaraankii yara ee aan islahaa, telefoonada dirdirna dib ayan iskaga dhiganaya,oo maxaa i hurdo seejinaya,Xirsi Gaab iyo Maalqabeenkan Maxamed Y Gurey iyo Dr kooda Mustafe.Xisbiga Horyaal yaa u babac dhigi karaya.Dhamaanteen Khayr iyo wada jir Qoraaladaydana waa Guubaabo yaan wax xumaana laga soo qaadin,wakhtiga casrigaa ayey la socdaan.Dhalinyaradu wey iska fahmayan Odayadana Dhiigu ha ku karo,bal mar uun ha inaga nastaane-Qabiil weynu ka gudubney Qaranbeynu Hiigsanayna.
Khan Maxamed Farax.
kjawil@hotmail.com
Vancouver Canada.

 

Reader Feedback

One Response to “Adeerayaal Ninkan Xaguu innaga soo galay?Xalay Markaan maqlay Warkiisa in uu dhinac ka soo galay Siyaasada Somaliland”

  • Tyler says:

    Waa hees qiimo leh, eyraada markaan sameeyey ee uu Cabdi shire wada xidhiidhnay iyo markii Cabdi diini ku luuqeeyeey laba ayay ii kala noqdeen oo waxaan garan waayay ma sidan oo dhan ayay u qiiro lahaayeen , taasna amaanteeda waxaa iska leh alfanaan Cabdi xakiin Xasan xuseen, waxaanan ku leeyahay Mahadsanid kun jeer dhinaca isku duba ridka iyo soo saaristana waxaan leeyahay mudane Cabdi shire ilaahay waa noo kaa dhaliyey , wiil soomaaliyeed oo wadaniyad leh ayaad tahay waliga jiir, wax ku dhiba ha arag, waligaa jiroo, wadankeena dhawr, waligaa jiroo wacyi geli dadkoo, waxsan uun u sheeg, waligaa jiroo , waraabaha ka dhawr, wehelkeena cuna, qeylodhaana waxaan leeyahay waa Raga badan ee Fanaaniinta dhamana qeylodhan dal iyo dibad, Qeylodhaan waa Qoom, Qaranimada jeceloo, qaxarkiyo dhibaatada, la qaylinaya waligeed, qaylodhaani waa qoom, qasaaraha dadkoodiyo, qoomameeyey dhiilada, qeylodhaan waa qoom, qabiilkiyo dirkiisiyo, qolo qoloada neceboo, ka qabweyna quudhsiga, kala qaybsanaantiyo, qaladkana ka dheeroo, qaranimada mooyee, qiil kale ma doonaan mahadsanidiin dhamaan iyo Maxamed khadar mudiirka cusub ee noo sameeyey meel aan ku kaydino wanaaga iyo wacyigelinta umada dhamaantiin mar kale mahadsanidiin

Leave a Reply

*

Send link to Friend

If you thought this page is useful to your friend, use this form to send.
Friend Email
Enter your message
Enter below security code