Laba Qashin Midkee la Guraa. by Ceelaabe
Dhaqan Xumo badan oo dadkeena qaarkood ay yeesheen Markaad aragto waad ka Yaabeysaa.Ma aragtey qof aan xishooneyn oo aan ilaahay ka baqeynin kaasi oo meel Shaaric ah ama wado ah ama meel Xashiish lagu shubo la taagan Kaadi.Nadaafada iyo Ilaalinta caafimaadku ma sidaasibaa,Dahaaradii Diinta iyo Salaadu u baahnaayeen xaggey ka dhacdey.Marar badan ayaad ku arkeysaa ragg waa weyn ama dhalinyar badan oo inta ay ka soo baxaan Koloyada ama Maqaaxiyaha Jaadka la soo doonanaaya qashinkooda gudaha ugu jira meelaha dhinacyada deyrarka guryaha ama banaanada xitaa dadku maraayo.Matag meel aad dooneyso kuguma simo.Waa urination.meelo badan oo ka mid ah Goobaha xashiishyada lagu soo shubo ayaad ku arkeysaa Caagadaha Biyaha oo buuxa.Xaafadaha Geerashyadu u dhow yihiin Khaati bey ka joogaan Ragga habeenkii ku soo dareera ee inta ay fadhiistaan la yimaada Deyrka guryaha CALL OF NATURE-KA.
waxa kale oo aad arkeysaa qof mararka qaar isku fududeynaaya DEFECATION meelaha qaar Xashiishyada u dhow.Gaar ahaan wakhtiyada habeenkii oo kale.Dhaqankaasina waa mid aynu kala nimi Qaxootigii iyo Miyiga.Ka sakow arimahaasina waxa sidoo kale jirta Jaahilnimo iyo Dhayalsi qofkii uu og yahay in aan waxba la odhan karin.Xaafad Guri weyn oo aanu Jaarnahey ku jirta ayaa Khaati ka istaagtey dhalinyar habeenkii wakhtiga danbe Gidaarkooda kula soo wada gabanaaya PEE.Cabsidii bandoogii la soo marey iyo dadka oo aan habeenkii soo bixin ayaa meelaha qaar dadka bartey wax baco lagu soo xidho.Isku soo wada duub,Dadka arimahani ku kici kara ama Wadooyinka dhinacyadooda ama Jidadka madow ee xaafadaha mara la iman kara waxa aynu u sheegi in ay ka digtoonadaan oo ay si kale uga wareegaan arimahani.
Maanta maagaalada Hargeisa waxa si aan tiro laheyn uga furan ama loogu shaqeystaan Clean Toilets ama Xamaam kuwaasi oo wax badan bulshada u tarey kana qeyb qaadan kara arimaha Nadaafada bulshada ama Magaalada kuwaasi oo dadku lacagtooda ku galo.Inkasta oo meelaha qaarkood aad ku arki karto Toilet aan Clean Aheyn.qof 300 oo shilin xamaamka kala bakheyley ayaa Gidaarka kuugu soo qabanaaya.In la isku xidho isaga iyo caagadiisaba mooyaane…..Dugsiyada ardeyda tirada badani ay dhigataana waxa waajib ah in loo sameeyo Musqulo kala duwan oo Hablaha iyo Inamadaba u gaar ah.Dugsi aan laheyn Musqul nadiifa oo aan Biyo Laheyn lama arki karo iyada oo lagu jiro qarnigii 21aad.Meelaha qaar caruur ayaa dhiganeysa ama Dadka qaar ayaan ka maarmi karinba Toilet Ready u ah markasta.Berigii hore ee Dugsiyadu ayna laheyn ayaad arkeysey iyada oo qaar badan oo ardeyda ka mid ahi ay Meel kasta dhigeen HUMAN WASTE.
Haayad dhan oo wadanka Joogta ama Lacag soo qaadata ayaa Mashruuc ku soo qaadaneysa in ay Musqulo u sameyso Dugsiyada Caasimada.Dugsiigaba inta xabad loo dhiso ayaa lacagaha kalena la iska cuni doonaa.Marka danbena saxaafada ayaa loo soo bandhigi doonaa Haayad ku wareejisey 4 Musqul dugsiga …………………Marka danbena waa bilaa biyo.inta ay ardeydu si waalaan u galaan ayuu marka danbena iska xidhmi doonaa.
Mar Hore ayaan soo Qorey Qoraalkii ahaa “HALKAN HA KU SHUBIN XASHIISHKA”.weli waxaan dareemayaa sidoo kale haddii aan dhinac kale ka eego in weli xashiishkii magaalada la soo dhigi jirey ama laga caban jirey uu weli sidii yahay.dadkeenuna weli xashiishkii meelkasta wey iskaga shubaan.Cidna kama baqaan.Wadankoodana ma ilaashadaan kumana warwaraan.Ninkastaba halka uu soo gaadho ayuu iskaga tuurayaa wixii uu sido.iskama fogeyaan,wadooyin badan oo suuqa hoose ku yaala ama xaafadahaba oo u xidhmey xashiish dadkii ku shubaayo.dadkuna qeyb ayey ka yihiin nidaam xumada,iyo xashiishka caasimada hargeisa tuuulan.
dedaalka dawlada hoose iyo shirkadaha gaarka loo leeyahayna runtii weli si rasmi ah uguma wada filna
meelo badana waad ka naxeysaa mana eegi kartid. weli arintani Xashiishka dadkeenu sidii la rabey umey wada meel marin.qalbiga ayeynu weli ka nahay gaabis.wadani dhab ah ayaa weli maqan.Dawladuna 40 days iyada ayaa keentay haddana iyada ayaa dishey oo ka hadhey.nadaafada iyo bilicda caasimadu waa waajib ina wada saaran.Haayadaha arimahani ku hawlan ee dedaalka ugu jirana weynu ku amaaneynaa.
malaa labada qashinba wey Yaradeen intii dadkii wadanka laga saarey badnaa.Weli waxaan ku adkeysanayaa dadkeenu umey wada bislaan ilaalinta iyo horumarinta Nadaafada ama gurida Xashiishka iyo Dhigida lagu shubo meel beydhsan.Ka xishood dadka ilaaheyna ka baqo oo nala dhowr Nadaafada.Daawanaayow waa Dalkaagii.Ka dhigaayow waa dalkaagi.
Xikmada Maqaalkani:Nadaafadu waa qeyb iimanka ka mid ah,inta xashiishku kuu jiro ayuu cudurkuna kuu jiraa.
Ceelaabe






