Buuhoodle ma waxay noqotay Darfuurtii Somaliland ?

Buuhoodle ma waxay noqotay Darfuurtii Somaliland ?

 

Baaq nabadeed

 

Aniga oo ah garyaqaan c/kariim sh. maxamuud c/laahi kuna hadlaya magaca inta wanaaga jecel,neceb xumaanta, somaaliland daacada ah nabadgalyada iyo amaanka ku caano maasha, dagaalkana aan ku degdegin.

 

Waxaan halkan baaq nabadeed uga dirayaa walaalahayaga reer buuhoodle. Waxaan leeyahay dagaalka iyo xumaanta nafo ayaa ku qudh baxa ee wiil kuma dhasho, nabadgalyo waa hoyga nolosha. Haddii aan xasilooni lagu wada deganaan waxaa meesha ka baxaya waxyaabo badan oo lagama maarmaan ah, noloshuna ay tiirsan tahay.

 

Haddii aan nabadgalyo jirin masaajid la isugu iman mayo, waxbarasho ubadleenu heli maayaan, ganacsi iyo wax kala iibsi hadalkii daa, xataa dhici mayso in qoysas cusub oo farxad ku caweeyaa soo kordhaan.

 

Waxaan halkan cod dheer ku canbaaraynayaa maleeshiyadaa mar kale ka soo cusboonaysiisay dagaalka deegaanka buuhoodle iyo maygaaga, ee la soo doonanaya qaxa iyo barakaca waayeelka, dumarka iyo maatida doonayana inaan qoysna ku seexan nabadgalyo iyo deganaasho. Waan la soconaa dhibaatadsa uu leeyahay dagaalku oo ah dhimasho , dhaawac burbur hantiyeed iyo barakac joogto ah.

 

Dhamaan dadka ku dhintay halkaa waan tacsiyadaynayaa iyo inta ku dhaawacantayna waxaan leeyahay ilaahay ha idin caafiyo waayo dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay isku ehelkii somaaliland oo qori olalaya soo dhex dhigay isku ay isku shuf beelaan .waxaan leeyahay ka xaggaa ka soo jeeda iyo kuwa ciidanka Somaliland ku jiraaba waa inamadiinin

 

Oo maaha shisheeye kala walaalayaa xabad dhiga oo nabadgalyada qaata kana fogaada xumaanta iyo xiqdiga.

 

Waxaan u soo jeedinayaa bulshada, waxgaradka, culimo awdiinka, dhalinyarada, dumarka iyo caruurta ku noolaan degaamada buuhoodle iyo deganka ay raggaa jibaysani maamul goboleedka la magac baxay kaatumo

 kaga dhawaaqeen in ay aayahooda ka tashadaan oo aanay u dhag taagin nimankaa lugooyadooda isku soo bahaystay ee dibadaha gaystay caruurtoodii dhibaatadii taalay soomaliyana doonaya in ay soo galiyaan umaddan iskaashatay reer Somaliland waayo waxa ay ka xun yihiin nidaamkan xisbiyada badan iyo doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah ee ka dhacaysa Somaliland. Waxaa uu caqliga saliimka ahi ina tusayaa inaanay wadin aayaha umadeena iyo horumarka bulshada’e ee waxay wadaan ay tahay in ay hooyooyinka, ubadka iyo dhalinyarada ay kaga ciyaaraaan nolosha, iskaashiga iyodaganaashaha.

 

Bal aragti ka madax banan caadifad ku eeg waxaas ka dhacay soomaaliya,hooyooyinlkaa & ubadkaa aan waxba galabsan ee labiday qaxa, barakaca, kufsiga dilkaiyo balanbalka nololeed.

 

haddii uu maamul goboleed wax tarayo kuwa halka ka jira ayaa wax soo kordhin lahaa, waxaan odhan lahaa dabkii baxaya ayaa dab lagu qabsadaa ee ku soo qabsada dabkiina inta dibad wareega ahay dawlada soomaaliland.

 

Waxay wadaan waa inay umadeenu kala yaacdo oo hooyo ilmaheedii iswaayaan, aabo iyo wiilkiisii cadaw isku noqdaan qorigana isku soo qaataan oo ay sool iyo bariga ceergaabo isku badalaan meel fado ah.

 

Waxaan leeyahay nimaan kuu furi doonin yaanuu kuu rarin.

 

Nimaan waxa jooga garan waxa soo socda ma garto.

 

 

 

Bulshada soomaliland:

 

Waxaan leeyahay somaaliland waa soo jeedaa oo way iska daafacaysaa cadawgeeda, cudud midaysana way isku kaashanayaan, waxaan arkaa dad badan oo aad uga xun waxas ka dhacaya meesha buhoodle iyaga garanaya xasaaraha dagaalka ka dhalan kara laakiin mid ogaada somliland cidna waxba ka qadimaysoo oo waa taqaan sida loo difaaco qaranimada oo dhiig badan ayaa ku soo daatay qaran asaaskiisii iyo xorauntisii oo maaha caruusad quraarad ka samaysano dukaan laga soo iibiya oo u jabaysa si fudud. Umadda soomaaliland kooda jooga galbeeda iyo kooda ku nool barigu waa walaalo, waa isku dawlada, waa isku calan, waana isku hadafmidaysan.

 

Waxaan u soo jeedinyaa dhamaan bulsho waynta reer somalilnd in ay meel uga soo wada jeedaan cadawgooda , dawladana isla barbar taagaan taageero buuxda iyo dhiirigalin midaysan, maslaxda caamka ahna waan in aan ka horumarinaa danta gaar ah si aan u gaadhno horumar la taaban karo barwaaqo iyo xasilooni buuxda.

 

Xukuumada somalilalnd

:

Waxaan u soo jeedinayaa xukuumada in ay ku soo dhamayso deganaasho is afgarad iyo wada hadal arimaha dalka meel kasta, goorkasta iyo si kasta, waayo iyada ayaa u madax ah kooda cabanaya kooda iska dulqaadanaya duruuf kasta oo hesha taasina waa ta aynu soo caano maalnay labaatankaa sannadood ee aynu madaxa banaanay.

 

Nabada iyo deganaashu wa furaha nolosha

 

Haddii aan nabadgalyo jirin naloli ma jirayso.

 

Ilaahayoow soomalliland ka yeel guri barwaaqo, horumar iyo deganaasho aamiin aamiin

 

Guul iyo gobbonimo

 

Allaa mahad leh

 

Waa maskaxdii a/karim sh.mahamoud (suldaanka)

 

Suldaancabdi4@hotmail.com

 

 

 

 

Leave a Reply

*

Send link to Friend

If you thought this page is useful to your friend, use this form to send.
Friend Email
Enter your message
Enter below security code