Jimce 21: Ciyaaraha kalana yaan la ilaawin. by Ceelaabe

Ciyaarta Dadkeenu ugu Jecel yahay ama inta badan ay Daawadaani waa Kubada Cagta.Ciyaarta hana qaadey ee meel kasta lagu Ciyaaraa inta badani waa Kubada Cagta.Tartanada kala duwan iyo Kooxaha badan ee Caasimada Ka dhisana waxa ay inta badan xooga saaraan ama Yihiin kuwo dhinaca Kubada Cagta isku hawla ama ku mashquulsan.Kooxo badan,Tartano badan,Tababaro badan,Ciyaartoy badan ayeynu ku arki karnaa Kubada Cagta marar badan Sannadkii.Dhalinyarta ugu badan ee Bahweynta Ciyaaraha la isku yidhaahdaana intooda badani waxa ay ku Mashquulsan tahay Ciyaar Keliya Kubada Cagta.Garoomada iyo barxadaha lagu Ciyaaraana waa kuwo loogu talo galay in Kubad lagu ciyaaro.Horumarka ugu badan ee dhinaca Ciyaaraha laga Sameeyeyna waa mid la xidhiidha Kooxo badan oo la sameeyey kuwaasi oo qalabkii iyo laga Taageero Kharashaadka kale intaba.Dadkeena Qurbaha Joogaana inta badan Ciyaarta Kubada Cagta Keliya ayey inta badan Kaalmo ka geystaan.waayo dadka doonaaya ayaa aad u badan.Ganacsatadii,Dawladii,Xarumihii waxbarashada Iyo Guud ahaan Bulshadeenii ayaa wada sameystey kooxo kala duwan,Magacyo badan,Koobab badan ayaana meel kasta ka socda.Dhalinyartuna intii ay wax kale sameeyn lahaayeen Banoonigaasi ha innaga eryadaan.

 

Qalabkii Ciyaarta Kubaduna wuxuu galay ganacsi xoogan si loo helo Markasta,dad badan ayaana marar badan ugu deeqa qalab kala duwan kooxaha magaalada.Xidigaha ugu badan ee dhinaca Ciyaaraha somaliland taariikhda lagu hayaana waa kuwo ku caan baxay dhinaca Kubada Cagta.dhammaan kuwa qurbaha Jooga ama sidoo kale Wadanka ku nool ama Dhintey intooda badani waa Ciyaaryahan dhinaca Kubada Cagta ah.Dhalinyar badan oo 92-kii ilaa 2000 Kubada Cagta ku soo caan baxay ayaana wakhtigan Somaliland ku nool kuwaasi oo dhinaca tababarka ama talooyinka intaba Kubada Dalka u ah udub dhexaad.Qaarkood Caan ayey ka yihiin Hargeisa.Ma jiraan inta badan Ciyaar yahano lagu xasuusto Ciyaaraha kale ama sida Orodka intaba.Haddii ay Jiraana loogama hadlo sida Kuwa Kubada Ciyaara.

 

Maalin dhaweyd Waxa wadanka lagu soo dhaweeyey Ciyaaryahan jaamac karaaciin.Ciyaaryahankaasi oo ah mid Dhinaca orodka uga Ciyaari Jirey Somalia.Cabdi Bile Cabdina yaanan ilaawin.Mo Farah waa Ciyaaryahan dhalasho Uk ah heysta kuna Orda Magaca England heerna ka gaadhay Ciyaarta Orodka.Berigii Dhaweyd ee uu wadanka uu ka soo jeedo dhalasho ahaan soo booqdey(.somaliland) wuxuu Role Model iyo Icon u ahaa bahweeynta Orodka ku ciyaarta.Weli Meelo badan oo ka mid ah Bacaha Xayeysiiska Shirkada Somtel oo u adeegsatay Ad-Campaing  Mo Farah ayaad Caasimada ku arki kartaa.Waayo soo dhaweyntii ayey shirkadu qeyb weyn ka qaadatey.somalilandna wey  ku faantaa Mo Farah.

 

Ciyaaryahankii ku guulestey Orodka Wakhtigii Tartankii ciyaaraha gobolada somaliland aad looma baran,dadkuna inta badan xiiso badan umey qabin dhinaca ordka.Bahweynta orodku inta badan Caan ma noqoto sida kuwa kubadu ay markiiba u noqdaan,waayo bulshadeena ayaa inta badan Kubada Xiiso u heysa.Kooxdii Basketball ku guuleysatey iyada lafteeda aad looma hadal hayo lagumana faano sida kuwa kubada Cagta.dhalinyarta Timacade ku ciyaarta basketball-ku ma laha Famous Icons.Orodkuna waa mid Mararka qaar shirkadaha Ganacsiga wadanku ay qabtaan sannadkii Hal mar.Ciyaaryahano loo tabobarey ama kuwan kubada iska ciyaara ayaana ka soo qeyb gala.Wakhtigii Ingiriisku wadanka Joogey waxa la sheegi jirey ciyaaro badan oo uu wadanka keenay kuwaasi oo meelo kala duwan lagu ciyaari jirey xitaa Ciyaarta Cricket-ka balse maanta Kubad keliya ayaa ka soo hadhey.Ciyaar cusub oo aynu soo kordhinaana inta badan ma jirto.

 

Ciyaaryahankii Dhinaca orodka Maroodi Jeex u qaadey bilada ama Kuwii Basketball-ka  aad loogama waramin marka la hor dhigo Kooxdii kubada cagta ku guuleysatey.Tartankii Ciyaaraha gobolada somaliland wax badan ayuu soo jiitey,wuxuuna ahaa mid ku soo beegmey wakhti la sugaayey.Dhalinyarta iyo bahweyntii ciyaarahana wuxuu geliyey rajo iyo dhiirigelin dheeraad ah.Waxaanan Hargeisa ka dareemay dedaal dhinaca ciyaarta kubada ah oo kooxo badani ay bilaabeen,waxaad dareemi kareysaa in ciyaaro badan oo meelo badan ka socdaa ay jiraan.Dhammaan meelaha banaan intooda badan dhalinyar ayaa kubad isku erayaneysa.Maalinta jimcaha iyo Khamiista ayaana inta badana la ciyaaraa ama Koobabka la dhigaa.Kooxaha Orodka ee dooxaha dhex ordaaya ayaa mararka qaar ishaadu qaban kartaa.Halka dad badana Subaxii ay soo ciyaaraan gaar ahaan Jimcaha.Tababarka iyo Kulamada Macalimiintu la yeelato kooxaha waa-weyn ayaanad ku arki kartaa Garoomada waa weyn maalinkasta koox gaar ah.

 

Horumarinta Ciyaaro Cusub kuma dhici karno arimo badan awgeed sida Garoomo u gaar ah,qalabkii lagu ciyaari lahaa,Ciyaartoygii iyo Macalimiin taqaana Ciyaartaasi intaba.meel kasta kubad ama kooxo cusub ama kuwii hore oo dhaska iska tumaaya ayaad ku arki doontaa,waa Kubad,Kubad,Kubad.Qalabka jayna ee Jabana si dhib yar ayaa Magaalada looga soo buuxiyey.18 Jir ayaan ku qiyaasey wiil Dhalinyaro ah oo Meel Internet ah 12 kooxood Warqad ku sitey kaasi oo igu yidhi Koob ayaan u Qabanayaa.

 

Garoomadu waa laf dhabarta ciyaaraha,Hargeisa Stadium oo beri dhaweyd qeyb ka mid ahi duntey isla markaasina  dib u habeyn lagu sameynaayo shirkada Dahabshiilna balan qaadey ayaan Jecelahay Qoraal soo socda in aan kaga soo waramo.La soco Hargeisa Stadium.

 

Wiilka yar ee Barca iyo Real habeenkii soo daawada berina Ciyaarta ku soo bandhiga farsamada Messi ama Ronaldo ayaa ku badan Dhalinyarteena.Ragg badan ayaa ku hamiyaaya in ay noqdaan kuwo dhaliya furitaanka koobka danbe goolka ugu horeeya.

 

Akhriste Koobkii qaramada  Africa Ayaa socda,weligeyna ma arag koob ka Xalad yar ama sidii hore looma hadal hayo.Masar,nigeria,comoron,South Africa meel ay ka maqan yihiin maxaad ka daawan doontaa.

 

Xikmada Maqaalkani: Xasuusta Tartankii gobolada,Kubada Cagta,Ciyaaraha

 

Ceelaabe

 
 

Leave a Reply

*

Send link to Friend

If you thought this page is useful to your friend, use this form to send.
Friend Email
Enter your message
Enter below security code