Tacsi Madaxweyne
27/01/2012 TACSI MADAXWEYNE Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku timid MARXUUM CHIEF CAAQIL CABDILAAHI SHARAAFI DHEGACADE oo ka mid ahaa Madax-dhaqameedka Deegaanka Buuhoodle oo Caawa ku geeriyooday Columbus-Ohio ee Cariga Maraykanka.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Waxa aan halkan idinku soo lifaaqay warsaxaafadeedka ujeedadiisu kor ku xusantahay ama Download garayso ama halkan ka qaado wixii faaf-faahin ah ee dheeraada Ama Errir jira ama Hubina nagala soo xidhiidh
Tell: 4423774
4241059
Line: 518390
Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska)
Xog-hayaha Gaarka ah ee Afhayeenka Madaxtooyada JSL.
ALLAA MAHAD LEH






