Yaa harageedii nagaga celiya? by:Mingiste)..Q1aad.
Yaa harageedii nagaga celiya:- (Taariikhaha 5 Feb iyo 23 Feb iyo shaqsiyaadka xilka ummadda xilligan hayaba ,waxay ahaan doonaa qaar ay shacabka reer Somaliland xasuusan doonaan,wanaag iyo xumaan hadba kay ku xasuusan doonaana ILLAHAY ayuun baa og)
ku soo dhowaada akhristayaal qoraalo taxa ah ,oo aan u bixiyey “Yaa harageeda nagaga celiya”. Cinwaanka aan u bixiyey qoraaladan waa hal ku dhig Soomaaliyeed oo beri hore la yidhi, laakiin asal ahaan halku dhegani wuxuu ahaa “ Yaa harageeda igaga celiya”,balse aniga ayaa u bedelay “Yaa harageeda nagaga celiya” “waa laga yaabaa in aad maqashay amase in aad fahanto”,sababtii loo yidhi hal ku dhegaas iyo wixii loola jeedayba.haddiise aadan hore u maqal amase aadan fahmin ula jeedada , dib ayaan kuugu macneyn doonaa,saababtii ay odhaahdaasi ku timid iyo waxa aan anigu ula jeedaba.
Inta aan qoraaladan wado waxaan dib u yara milicsan doonaa taariikh la soo maray,waxaan markhaati u soo qaadan doonaa hadlo ay yidhaahdeen madax reer Soomaaliya iyo reer Somaliland ah,kuwaas oo la odhan karo runtii aad iyo aad ayey u kala fogaayeen macno ahaan iyo ujeedo ahaanba,sidoo kale waxaan idiin soo dul xaadin doonaa qoraalo aan hore u qoray .kuwaas oo aan isleeyahay maanta ayey taagan tahay wixii aan xilli hore ka sii qalinayey,nin baa laga hayaa “Dhaaxaan jalaadee dhegbaan jalaq la ii siin dheh”
Inta aan qoraalada wado waxaan idin xasuusin doonaa “sida ay 21-sanadoodba isu bedesho taariikhda Soomaalidu,waa wax jira in uu marka 21 sanadood buuxsanto in uu xidhmo wejigii hore ee xaalada ay Soomaalidu ku jirtay,waxaana bilowada weji/taariikh cusub dhib iyo dheef ka leedahayn ILLAHAY ayuun baa og.
Inta aan qoraaladan wado waxaan isku deyayaa in aan idiin sheego ,sida aan u fahansanahay erayada ay ka mid Somaliland –Soomaaliya—Soomaali—Midnimada Soomaaliya iyo Soomaaliweyn,Federalka Soomaaliya iyo waxa loola jeedo ,yaa federaalka noqonya.Runtii dad badan ayey iskaga qaldan yihiin,xataa waxay iskaga qaldan yihiin rag badan oo Siyaasiyiin iyo aqoon yahaniin sheeganaya,oo marka ay erayadaa ku dhawaaqayaan u adeegsada si aad iyo aad uga fag macnaha erayadaasi leeyiin,balse aad moodo in dano kooban oo keliya ay ku fushanayaan.
Qaybaha ugu dambeeya ee qoraaladan waxaan si muq leh ugu eegi doonaa xaalada ay xilligan ku sugan tahay Somaliland ,waxaa si gaar ah isu dul taagi doonaa Siyaasada gudaha iyo dibada ee Somaliland,waxaan si aan gabasho lahayn uga hadli doonaa “ciwaanada ay ka mid yihiin ,Dimuqraatiyada Somaliland, bilowgii kala qaybsankii shacabka reer Somaliland(soo bilowday 2003), fara gelintii ugu horeysay ee Somaliland Siyaasadeeda lagu sameeyo iyo cidii ka masuulka ahayd, Vote qasaaray (26 Juun 2010 Somaliland ka dhacay) iyo ciwaano kale oo badan oo aanan halkan ku soo wada koobi Karin.
Hadal iyo dhamaan inta qoraaladi socdaan, waxaan mar kasta dib idin xasuusin doonaa erayo qaali ah oo ay hore u yidhaahdeen Siyaasiyiin,Abwaano,aqoon yahano iyo waxgarad kale oo kala duwan, loona baahan yahay in dib xasuusto.
Xusuus:-
“Qof caashaq ayeynu naqaanaa” “Weli inta aynu meel fadhiisanay ma isweydiinay maxaa inoo dan ah? “Way howl yar tahay sida la idiin karbaashaa” “ dan la iima dooran ee ILLAHAY ayaa ii qoray”—–Erayadaa waxaa Khayrida Hargeysa ka yidhi ILLAHAY NAXARIISTI JANO HA SIIYEE Madaxweynihii hore ee Somaliland Md.Maxamed X.Ibrahim Cigaal.
“ Wada dhegayso haddii aad jeceshay ,ka eeg shabakada Halbeegnews.net amase youtube.
ALLAA MAHAD LEH
[ 1-aad ] [ 2-aad ] [ 3-aad ] [ 4-aad ]
Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)
Political Analyst






