Somalilandinfo.com
Ciidamada Qaranka Somaliland oo Heegan la galiyey kadib markii laga war helay in Maleeshiyadda Nabad-diidka ah ay ku hawlan yihiin Weeraro Gadmo ah
Burco, (sli) – Maleeshiyada Nabad-diidka ee colaadaha ka wada deegaanka Buhoodle ayaa la sheegay in maalmahan u danbeeyay ay qorshaynayaan weeraro gaadmo ah oo ay ku doonayaan in Ciidamada Qaranka ee ku sugan tuulada Sool-joogto ee duleedka Buhoodle ay damacsan yihiin inay kusoo qaadaan,
Ilo wareedyo aanu ka helnay magaalada Buhoodle ayaa xaqiijiyay in maleeshiyada Nabad-diidka ee ku sugan deegaankaasi ay dhaqdhaqaaqyo weeraro ay ka wadaan gudaha magaaladaasi.
Sidoo kale Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan duleedka Buhoodle ayaa la sheegay inay si weyn isha ugu hayaan dhaqdhaqaaqyada maleeshiyadaasi, isla markaana ay si weyn u xoojiyeen Aagaga ay difaaca kaga jiraan.
Maleeshiyada Nabad-diidka ayay wararku sheegeen in dagaaladii u danbeeyay ee Ciidamada Qaranka ku dhexmaray duleedka Buhoodle jab weyni ka soo gaadhay weerarkii gaadmada ahaa ee Ciidamada ay ku soo qaadeen, balse la sheegay in todobaadkii u dambeeyay ay ku jireen hub urursi iyo u diyaar garow kale oo ay ku doonayaan weeraro gaadmo ah inay ku qaadaan Ciidamada Qaranka.
Si kastaba ha ahaatee Ciidamada Qaranka ee Geesinimada ku caanbaxay ayaa heegan culus ugu jira dhaqdhaqaaqyada maleeshiyadaasi ee doonaya inay colaadaha ka huriyaan deegaanadaasi.
Never belonging! by: Bashir Goth
As an expatriate, one lives in perpetual split personality. As you work and socialize with the citizens of the country you adopted for your expatriate life, you develop a sense of belonging and you rarely remember that you had another country or culture; particularly if you have spent a long time in a certain place.
You may think that you have mastered the local language, the history, the cultural nuances of the local people and their culinary tastes, but then by the time you think you have become fully blended and integrated, an innocent fleeting comment or a subtle gesture may jolt you awake and make you realize that integrating is not like being and that being comes with childhood memories ingrained in one’s formative years through the mother’s bedside stories and not through learning in adulthood. What you learn and experience in adulthood gives you knowledge and enables you to find your way in life but it does not necessarily change your being. It is after many years living as an expatriate that I have come to conclusion that lacking that factor of being is the secret that keeps the person as an expatriate and not necessarily the lack of knowledge about the local culture or lack of legal citizenship for that matter.
I met some people who have become citizens of countries that they had migrated to and have lived in them more years than they ever lived in their original homelands, but who still see their original places as their home country. The fact that they have lived, educated, worked and have become citizens with full rights did not change that inside feeling of being alien and an expatriate.
On the other side, when you live many years away from your original country what you have about it is only a memory. The country, the people, the culture and the values you have in your memory may not exist anymore but you still cling to those worn out threads as dearly as you could.
I always find it difficult to understand how many of my fellow Somalis who lived most of their adult lives outside Somalia keep reminiscing about the country they once knew without realizing that what they know about Somalia exists only in their own memories. I received emails from friends who returned home recently after living more than 35 years in the West. And as excited as they were in going back, they were shocked when they could not find the country that they had been dreaming of. They suddenly felt alien and as expatriates in a place they considered as their own homeland.
This may lead the expatriate people, particularly African expats, to living in two different personalities. On one side, they may need to develop a strong sense of belonging to their places of work and residence and on the other side they may have a strong desire to cling to their childhood home even if it remains only a figment of imagination. But while some people may find it quite easy to reconcile between the two worlds and blend to the mainstream culture, others may cocoon in their own psychological enclaves and may forever live in a mental barren land.
Being an expatriate has therefore its ups and downs and its own exotica as well, as we read in the literature of the Europeans colonizers in Africa and elsewhere.
But the truth of the matter remains that once an expatriate always an expatriate. I once read a story about an American cross-country truck driver who saw a couple in different parts of the country. Perplexed by their nomad life, he approached the husband and asked him where he called home. The husband looked at his wife who was sitting close by and said: “Where ever she is.”
So in today’s globalized world, where one may not know where business and life will take him the next day, it may be safe to say that your home is wherever your spouse and your family are.
Bashir Goth Source: Online Opinion – Australia’s e-journal of social and political debate
Kumanaan qof oo Jaaliyada Somaliland ee Ku dhaqan dalka Ingiriiska iyo kuwo ka yimid Wadamada la jaarka ah oo maanta ka hor dhigay Banaanbax balaadhan Xafiiska Ra’isal Wasaaraha Britain
London (sli) – Kumanaan ka mid ah Jaaliyada Somaliland ee Ku dhaqan dalka Ingiriiska iyo kuwo ka yimid Wadamada la jaarka ah UK. ayaa maanta ka dhigay banaan bax balaadhan xafiiska ra’isal wasaaraha Biritayn David Camaron ee Down Street ee Magaalada London. oo ay ku muujinayaan sida aanay gorgortan u gali Karin qadiyada madax bannaanida Somaliland iyo sida ay badheedhahooda ugu gudbin lahaayeen Shirka beri ka furmi doona magaalada London.
C/laahi Faarax Ciise iyo Fu’aad Maxamed Aw Cali oo ka mid ah banaan baxayaasha oo khadka telefoonka noogu waramay iyagoo ku sugan fagaaraha Down Street ayaa sheegay in marba marka ka danbaysa ay soo kordhayaan dadka ka qayb qaadanaya banaan baxan waxaanay xuseen in ay Jaaliyaduhu aad u abaabulan yihiin isla markaana ay sitaan boodhadh ay ku xardhan yihiin halku dhigyo ka turjumaya xaqa ay ummada Somaliland u leedahay inay dunnida inteed kale ka hesho aqoonsiga ay mudada labaatanka sanno ah baadi goobkiisa ku jirtay.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu markii uu maanta mudaharaadku ka dhacayay 10 down Street uu kulan kula yeeshay xafiiskiisa Raysal wasaaraha Britain David Camaron.
waxa kale oo uu madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu ay kulan la yeesheen Wasiirrada arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Britain, kuwaasi oo ay ka wada hadleen cilaaqaadka ka dhaxeeya labada qaran iyo arrimo la xidhidha shirka London.
sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka furay magaaladda London urur cusub oo la yidhaahdo ururka iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland oo ay ku jiraan aqoon yahano u dhashay Britain oo ka mid ah saaxiibadda Somaliland iyo jaaliyadda Somaliland.
Maalinta Afka Hooyo oo laga Xusey Magaalada Hargeysa
Hargeysa (sli) -Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Somaliland Mudane C/laahi Jaamac Cismaan (Geel Jire) ayaa ka qayb galay xaflad lagu xusayay maalinta afka hooyo ee Soomaaliga oo lagu qabtay Xarunta Jaamacada Admas.
Waxa xafladaasi soo qaban qaabisay Jaamacada Admas iyo Ururka PEN kaas oo ay ka qayb galeen maamulka, ardayda, macalimiinta, Aoon yahano iyo mas’uuliyiinta ururka Pen iyo marti sharaf kale.
Gudoomiye Ku Xigeenka Jaamacada Admas Xuseen C/laahi Maxamud oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xuska maalintan laga xusayo daafaha caalamka oo dhan isla markaana lagu muujinayo qiimaha ay bulshooyinka adduunku ugu fadhiyaan afafkooda hooyo.
Waxa uu gudoomiye ku xigeenku tilmaamay in xuskani uu ku beegan yahay afartan guuradii ka soo wareegtay markii la qoray afka Soomaliga.
Xuseen C/laahi Maxamud waxa uu ugu baaqay bahda qalin –laydu inay xil iska saaraan sidii loo badbaadin lahaa afka hooyo oo isbedelka xadaaraduhu ay dhalan rog ku keeneen.
Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka bada ee Somaliland Mudane C/laahi Jaamac Cismaan (Geel Jire) oo madashaasi ka hadlay ayaa ku bogaadiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay qabsoomida Xuskan oo ka turjumaya kor u qaadista afkeena hooyo.
Wasiirku waxa uu sheegay in baahi weyn loo qabo sidii la isu waafajin lahaa eray bixinta cusub ee ku soo biiray afka Soomaliga si ay u noqdaan kuwo isu dheeli tiran
BIYO KULULE goob hada uun la fahmay iyo deegaankii qurxoonaa oo isbedelay Qalinki Suleymaan Cabdisitaar
Waxay ahayd galab gaaban oo qoraxdu godka ku dhawdahay markii aanu soo gunaanadnay kana soo dareeray aqoon iswaydaarsi aanu dhawr maalmood u joognay magaalo Xeebeeda Berbera markii aanu isla qaadanay koox aanu si gaara u wada soconay in aanu gaadhno BIYO KULUL oo ka mid ah biyaha la yidhaahdo BIYO GUURE oo 20 KM dhinaca Bari kaga beegan magaalda Berbera.
Markiiba diyaar garow iyo in aanu ka gaashaamanay baahiyahayagii ka dib waxa dhawr qof oo aanu wax ka waydiinay goobta noo sheegeen in aanu iskaga joogno oo habeenkii aan biyaha la gelin meeshana ay ku sugan yihiin Shaydaamo iyo rooxaamo kale, kumaanu qancin ee waxaanu si indha iskuqabad ah ugu dhaqaaqnay goobtii anakoo shidhka hore ee gaaadhigana dhiganay Axmed oo xoogaa deegaanka wax ka yaqaanay ahaana reer Berbera, markii aanu mudo soconay oo aanu marayno jid qarfa ah ayaanu si kedisa ugu soo baxnay gaadhi Land cruiser ah oo gacan siinaya mid kale oo Surf ah oo ciida six un u galay ka dib markii uu wadada ka habaabay gaadhiga SURF ta ah waxa saaran hooyo da’ah oo aan u maleeyey inay ahayd qofkii awgii goobta loo yimi , hablo dhawra iyo aabahood salaadii makhrib ayaananu halkaas ku tukanay
waxaanu xoogaa saacad iyo dheeraada ku qaadanay halkii si aanu gacan u siino dadkii meesha ku xanibnaa aakhirkiina way suurtoobiwayday inaanu ku guulaysano inkastoo aanu ahayn 8 dhalinyaro ah oo wada xooga hadana duruuftii meesha taalay way noo saamixi wayday.
Halkii ayaanu ka dhaqaajinay anakoo laftayadu marar dhawra ciida muquuranay oo aanu si khasaba kaga saaray, waaxayse noogu darayd markii aanu anakuna dooxa BIYO GUURE aanu dhex galay oo wada ciida isla markaana ay mudo nagu qaadatay inanu ka baxno waxaana isla goobtaa xoogaa nagag maadaystay niman ilaa 5 ilaa 6 ah oo majarafado sita oo aan u malaynay inay gawaadhda mesha gasha ka saaraan xoogaa qarashana ka qaadaan, ayaa markaanu dirsan waynay ilayn waxaanu isu aragnaa rag xooga oo wax walba dhufanayee waxay naga ag qabsadeen ciyaar dh` aqameed ay anaka noogu duur xulayeen aakhirkiise waxa farsamo wanaagsan na siiyey Xamse oo ahaa wiil dhalinyaro ah meeshana mara oo BURCO gaadhi ka yimi waday.
waxaanu gaadhnay goobtii aanu u soo kolonyaysanay waxaana dhamaantayo yaab iyo amkaag nagu noqotay sida meesha loo joogo ee aanan halkan sawir idinkaga siin Karin.
Muuqaalka guud ee meeshu waa mid qurxoon waa doox dhex mara 2 buurood oo aad u waaweyn dhexdooda xoogaa 1laa 300 oo mitir ahna xageeda hore ka kala yara durugsan waxa halkaas degen dad aan ku qiyaasay ilaa 1000 ku dhawaad waxa dheer gawaadhi ilaa 200 oo gaadhi gaadhysa, dadka intaas leegee meeshaas degani ma haystaan meel ay galaan, suuliyo iyo meel ay wax ka cunaan toona, isla markaana waxay u daadsan yihiin sidii qaxoonti hada degay waxay isu dhex jiifaan sidii ay u wada socden oo rag iyo dumarba leh wax cabsiya oo ay qabaana ma jirto.
Dadka goobtan yimaada waxa lay sheegay inay ka kala yimaadeen guud ahaan gobolada Somaliland iyo qaar ka mida Somaliyaba waxa meesha mara doox biyood kulul oo aanad meelaha qaarkood gacanta ku hayn Karin taas oo dadkaasi u yimaadeen sabab caafimaad darteed oo ama ay arkeen cid ku soo caafimaaday ama dhakhaatiir iyo khubaro caafimaad kula taliyeen inay mudo joogaan si curuuqaha ,jidhxanuunka iyo dhamaan cabashada xaga xididada iyo lafaha ah ee dadku ay ugu soo furfurmaan.
Markii aanu meeshii gaadhnay waxaanu gaadhigii ku Parking garaysanay meel inta badan gaadiidku taagnaa waxaanan u dhaqaajinay xagii uu dooxu ka imanayay waxaanu dhex qaadnay dooxii biyaha ahaa anaka oo kabihiina iska bixinay intaa aanu soconaynay waxaanu arkaynay qaybta midig ee buurta oo meel walba biyo soconayaa ka soo degeyaan isla markaana ah biyo kulul oo aanad gacanta ku qaban Karin iyadoo meelaha qaar hadaanu is odhan lahayn xoogaa shaaha ku karsada ay Karin lahayd, markaanu qiyaas 3 km ah soconaynay ayaanu gaadhnay meel naloo sheegay in ay tahay qaybtii Raga qaybta dumarkana nala yidhi way horaysaa. Saacadu waa 10:00 habeenimo ee geeska afrika waxaanuna galay meeshii biyaha kululayd. Oo aanu waqtigii ku dabaalanay
Hadaba ujeedada aan u soo qaatay maqalkana igu kaliftay waxa weeye goobtan oo ah mid xaga deegaanka qiimo weyn ugu fadhida isla markaana maalinba maalinta ka danbaysa ay ku soo badanayaan dadka caafimaad ahaan u imanaya waynu ognahay dadku waa cadawga koobaad ee deegaanka hadaan la qorshayn habka ay ugu noolaanayaan dadkani waxay bilaabeen inay googooyaan dhirta oo ka samaystaan hoy iyo gabood iyagoo xoogaagii dhirta ahaa ee meesha ku yaalayna ka dhigtay hoy halka aanay haysan meel ay qashinka ku basriyaan, dawladuna waxa lay sheegay inay diiday dad is yidhi meesha ganacsi ka furta.
Hadaba waxaan u soo jeedin lahaa wasaarada deegaanka iyo maamulka gobolkaba inay arintan hoos u eegaan una qorsheeyaan sidii dadkani si nadiif ah oo dhib la’aan ah ugu noolaan lahaayen isla markaana looga badbaadin lahaa deegaankan ay bahdileen.
wixii aan qalday shaydaanbaa iska leh intaan saxayna eebaa ku mahadsan
Qalinkii
Suleymaan Cabdisitaar Dubad
Hargeysa Somaliland
cabdisitaar@hotmail.com
10 Sanno Ayuu Joogey Luqadase Af Ma Garanaayo! Qalinkii: Abdifataah Mohamed Ahmed Ceelaabe
Luqadu waa mid ka mid ah Waxyaabaha Bilaashka ah ee laga soo Faa,ido marka wadan kale la tago.Wadamo badan oo aduunka ah waxa lagaga hadlaa Luqada Englishka taasi oo sababi karta in qofku si deg-deg ah ula qabsado nolosha Wadankaasi. Dadkeenu inta badan wadamada ama meelaha luqadaha Fudud lagaga Hadlo Sida Englishka ayey u haajiraan. Wadamo badan oo aduunka ka mid ah sida Asia ama Qaarada Yurub intaba waxa laga Qayliyaa barashada Luqadooda oo wakhti badan ku qaadan karta qofka baranaaya. Uk ama London Dad badan ayaa ku doorbidey dhinaca Luqada lagaga hadlo Barashada Carabiga ama France ayaana ku soo xiga oo meelo badan lagaga hadlaa dadkana ay qasab ku tahay in ay bartaan. Asia sidoo kale Urdo ama Hindi ayaa dadku inta badan ay ka soo bartaan, sidoo kale wadamada Malaysia, China, Japan iyo Philipine, singabore etc ayaa Dad badan qasab lagaga dhigey in ay bartaan si ay ula jaan qadaan nolosha wadamadaasi.
dhalinyarta waxbarashada wadamada kale duwan u tagto Ayaa qaarkood soo noqdaan iyaga oo aan luqadaasi si fiican u soo baran.Ujeedada ugu wacana waxa la odhan karaa ugu horeyn waxa suurta gal ah in wadankaasi Luqada Labaad ay English tahay arintaasi oo keenta in uu la qabsado Midaasi kuna maarmo,Qodobka labaadna waxa weeyaan soomaalidu dadka inta badan ma dhex galaan ama bulshaawinimo badan meelaha qaar lama sameysan karaan dadka wadanka iska leh.Soomalidu inta badan iyaga ayaa isku dhex jira,wada socda markasta,isku taga,sidoo kale maqaaxiyaha u gaarka ah ayeyna iska fadhiyaan ama had iyo jeer joogaan meelahaasi oo soomaali lagu wada hadlo markasta.reer Koonfureed ayaa weliba kaga fiican reer waqooyiga xagga dhex-galka ama barashada Luqadaha kale marka Dibadaha la tago.Fa,idooyin badan oo dhinaca macaamilka ah,waxbarashada iyo aqoonta ah,in aad Fidnada iyo dhibaatada dadkaasi iskaga ilaaliso ah markaad afkoodii fahmeyso,Faa,idooyin xagga shaqada ah sida Turjumaan ama in aad dadkii kale sii bari karto iwm ayaana ku jira barashada Luqadaha kale,Dadka qaar ayaana aamisan in ku hadlida afafka kala duwan qofka maskaxdiisa ay koriso.
Dad badan oo carabaha,Yurub ama Africa,Asia etc jooga ayaan si fiican u baran luqadaha wadamadaasi lagaga hadlo inkasta oo laga yaabo hubaashi in ay joogaan ama ku nool yihiin muddo 10 sanno ka badan ama ku dhow.dad badan marka ay wadanka ka soo baxaan ayey gartaan in luqadii wadankaasi ay muhiim aheyd oo ay seegtey.arintaasi oo ay ugu wacan tahay is dhex galka bulshadeena ee meel kasta ay iyadu isa soo doonato ama Maqaaxi ay gaar u fadhiistaan ku leeyihiin.Dad badani maanta ayey garanayaan luqadu faa,idada ay leedahay markii ay ka yimadeen wadamadii ay beri hore ku noolaan Jireen.
Maanta hababka luqad lagu baraan karaa wey jabeen ama waxa laga dhigey mid fudud,qof kastaa wuxuu heli karaa bugaag si casri ah loo qorey oo maqal iyo muuqaal ah,Websites laga barto,dhageysto ama Akhristo,Recording barashada Codadka iyo sheekeysiga ah,Qaamuusyo kala duwan iwm.waxa keliya loo baahan yahay Dedaalka qofka ama rabitaanka qofka.isku day in aad imika bilowdo oo aad wax ka soo barato Luqadaha kala duwan gaar ahaan haddii aad Joogto wadan dibada ah.Cv-ga waxa la raaciyaa qeyb ka hadleysa Luqadaha Somali.Mother Tongue.English Fluency,Arabic.Good/Poor..France……Italy……… Ethiopian………Urdo………….,ugu Yaraan 3 Af waa inaad ku hadli kartaa,Hargeisa dad badan ayaa Turjumaan keliya ku shaqeysta ama Luqad keliya Ngos ku Qaataan.
Xikmada Maqaalkani:barashada Luqada,Ku hadalka luqado kala duwan.
Ceelaabe
February 20, 2012 oo ku beegan sannad gurada maalintii dhagax tuurka, waxay mudan tahay in loo aqoonsado maalin Qaran Qalinkii: Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
Waxaan marka hore salaanta islaamka u dirayaa dhammaan shacabka Somaliland , meel walbba oo ay joogaanaba, Asalaamu calaykum waraxmatu laahi wabarakaatu.
Feb 20,2012, oo aan xusaynno sannad guuradii  ka soo wareegtay maalintii ardayda  Dugisyada Sare ee magaalada Hargeysa, ay dhagaxa kala hor tageen askartii hubaysnayd ee dhagar qabihii Siyaad Barre,waa maalin mudan in si weyn loo xuso,taariikhdeeda la qoro,loona aqoonsado maalin Qaran.
Haddii waqtigu ii saamaxo, waxaan si kooban isku dul taagi doonaa maalintaasi halka aan ku sugnaa, jawiga magaalada Hargeysa iyo mashaqadii goobtaa ka dhacday.
Waxaan ka mid ahaa ardaydii Dugsiyada Sare ee joogtay markii maxakamadda la keenay macalli miintii,dhakhaatiirtii,aqoonayahanadii, dhallinyaradii UFFO,ee xaq darrada lagu xidh xidhay,iyado o sabab looga dhigay , maxaad uga damqateen dhibta iyo caddaalad darrada lagu hayey shaca bka.Tusaale ahaan , waxaan u soo qaadan karnaa Cusbitaalka magaalada Hargeysa iyo xaalad da murugada leh ee uu ku sugnaa 1982 , oo ahayd arrin aad looga  damqado,laga gil gisho,laga murugoodo, waxaanay ka mid ahayd sababaha keenay in dhalinyaradii UFFO , ay u guntadeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen baahida muuqata ee aan indhaha laga  qarsan karin,ee bulsh adii laga cuna qabateeyey inay helaan adeegii aasaasiga ahaa ee noloshu u baahnayd… Dawo aad u doonato dhaafee,nadaafad darrada, tayo xumada &  dayactir la’aanta ka muuqatay ,ayaanay n afiba kuu geyseen, haddii aad waqtigaa Hargeysa  joogi lahayd.
February 20,1982, maaha mid qoraal kaliya lagu soo koobi karo, waxaanay ahayd maalin hugunka iyo rasaasta dhawaaqeedu magaalada Hargeysa wada gaadhay,dhimashada iyo dhaawucuna tirada ka batay , talana faraha ka haadey .Jaha wareerkaa maalintaa ku dhacay Ciidankii Siyaad Barre, waxay  miciinna u arkeen in Bandoo (Curfew), lagu soo rogo magaalada Hargeysa ,oon gur yaha laga soo bixi karin…..Somalidaa waxay ku maah maahdaa,” Nimaan warankaagu gelin , weed haadu ma gasho,” waana maalintii keligii taliyihii Afweyne Barre ,Basaasiintiisii iyo Qabbaanadiisii ba, ay yiqiin sadeen in aan amar ku taaglayntoodii, hadda ka dib aanay socon doonin,shacabkuna u  dul qaadan doonin Xunkii Xunku dhalay, dhagaxii xaq u dirirkuna , ka dhumuc roonaaday rasaa stoodii !!!
Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelkii ,qaraabadii iyo shacabka Somaliland,ee ardaydii ku sh ahiiday  maalintaasi,waxaanan ilahaay uga baryayaa inuu naxariistii janoo Fardwasa ka waraabi yo.Waxaan kale oo aan tacsi gaar ah u dirayaa, ehelkii uu ka geeriyooday, Ilaahay naxariistii jan no fardawsa ha ka waraabiyee , marxuum Barre Xaaji Cilmi Axmed ( Badho),oo aanu aad isu naqa anay ,kana mid ahaa ardaydii dhagax tuurka ,ee u geeriyooday dhaawacii rasaastii askartii dhiig yo cabku sida arxan darrada ah ay ugu furayeen ardayda iyo shacabakaba.
Anigoo fursaddan ka faaiideysanaya, waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan dhalinyarada Som aliland,waxaanan leeyahay mustaqbalka dalkeenu gacantiinna ayuu ku jiraa, u guntada ,u shaqe eya , difaaca , ilaaliya , kuna dadaala inaad  adkaysaan Nabad gelyada,jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland ee lama taabtaanka ah , naf iyo maalnna aynu ku bixinnay.
February 20 ,2012, oo ku began sannad guuradii  dhagax tuurka ee ardaydii Dugsiyada Sare  ee magaalada Hargeysa , ay dhagaxa kala hor tageen askartii dhiigyo cabkii Siyaad Barre, waa maalin mudan in si weyn loo xuso ,taariikhdeeda la qoro, loona aqoonsado maalin Qaran.
Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
mohamed.a.muse@gmail.com
Madaxweynaha dalka Kenya oo yimid London si uu uga qayb galo shirka Soomaalida ee magaalada London uga furmaya 23 Ka Bisha
London, (sli) – Waxaa goor dhaw madaarka Heathrow Intl Airport ee magaalada London ka soo degay wefdi balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweynaha dalka Kenya Mawai Kebaki oo u yimid London inuu ka qayb gallo shirka Soomaalida ee magaalada London uga furmaya 23 Ka Bisha.
Mwai Kibaki oo Ciidamadiisu ay hadda ka dagaalamayaan gudaha dalka Soomaaliya isla markaana ciidamadda cirka dalka Kenya ay weeraro dhinaca cirka ah ku hayaan goobaha Xarakada alshabaab haysato ayaa ka mid ah xubnaha lagu casuumay shirkaasi.
Caawa ilaa berri ayaa la filayaa inay magaalada London soo gaadhaan madax ay ka mid yahiin Madaxweynaha dalka Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Meles Zenawi, Madaxweynaha dalka Uganda Yuveri Musafeni iyo madax kale oo caalami ah oo ay ka mid yahiin Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka maraykanka Hillary Clinton.
Halkan ka Akhriso Liiska Raxan Siyaasiyiin ah oo ka tirsan Xukuumada Siilaanyo oo Safaarada Ingiriiska ee dalka Itoobiya u doontay Fiisaha dalka Ingiriiska si ay uga qayb galaan Shirka oo loo diiday Fiisahii
Addis Ababa, (sli) – Raxan Siyaasiyiin xilal ka haya Xukuumadda, Xildhibaano iyo Ganacsato isugu jira oo todobaadkii hore Safaarada Ingiriiska e dalka Itoobiya u doontay Fiisaha dal ku-galka ee dalka Ingiriiska si ay uga qayb galaan Shirka 23 bishan ka furmaya Magaalada London ayaa qaarkood loo ogolaaday Fiisayaashii, qaarna maanta ay la balantay Safaaradu, halka kuwo kalena loo diiday Fiisayaashaasi.
Xubnaha weftigaasi jooga Itoobiya ay Safaarada Ingiriiska ee addis-ababa u ogolaatay Fiisayaasha , waxa ka mid ah:
Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin,
Wasiir Axmed Cabdi Xaabsade, Xildhibaan Cali Aareeye,
Xildhibaan C/kariin Xaaji Cabdi Waraabe,
Af-hayeenka Madaxtooyada C/lahi Daahir Cakuse,
Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe, kuwaasoo wali ku sugan magaalada addis ababa.
Halka ay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Xildhibaan Mahdi Gees oo ka mid ah weftigasi ay maanta la balantay safaaradu, lana filayo in la siiyo.
Dhinaca kale Xubnaha aan helin Fiisayaasha ee la filayo inay dib loo soo celiyo waxa ka mid ah
Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Guurtida Md. Siciid Jaamac ,
Maxamed Baarjeex,
afhayeenka UDUB Cali Guray,
Wasiirkaa Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi awdaahir,
xildhibaan Siciid C/lahi Yasir,
Xildhibaan Obsiiye,
Xildhibaan Dhugad
Agaasimaha Baratakoolka madaxtooyadu Maxamed Ilkacase.
Geesta kale waxa shalay dalka dib ugu soo laabtay wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Wasiirka Cadaalada xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ahaa weftiga ku sugan dalka Itoobiya ee Fiisayaasha doontay, kuwaasoo ka dib markii ay soo waayeen Fiisiha Dalka Ingiriiska.
Si kastaba ha ahaatee lama oga wakhtiga ay baxayaan xubnaha helay Fiisayaasha iyo guud ahaan weftiga ka daba tegaya Madaxweynaha ee ka qayb gelaya Shirka Ingiriiska.
Diyaarad Maraykanka leeyahay oo ku burburtay Xuduudka u dhaxeeya Somaliya iyo Kenya
Nairobi, (sli) – Diyaarad nooca dagaalka ah oo howlo basaasnimo ah waday ayaa ku burburtay Xuduudda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.
Bayaan ay soo saartay Wasaaradda difaaca ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in diyaarad nooca Sirdoonka ah oo howlo basaasnimo ah ka waday dalka Sooamaliya ay ku burburtay Xadka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in in diyaaraddu ay burburtay xilli ay howlo basaasnimo ka waday deegaanka Lomi oo ku yaala inta u dhaxaysa Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya, waxaana la sheegay in burburkaasi diyaaradeed ay ku dhinteen 4-sarkaal oo maraykanka ah oo saarnaa diyaaraddaasi.
Wasaaradda Bantikonka ayaa tibaaxday in maalmihii u dambeeyay Xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya iyo gobolada ay Maamulaan Al Shabaab ay ka wadeen howlgallo basaasnimo ah si ay ugu soo ururiyaan xog ku aadan Al Shabaab, ulana socdaan dhaqdhaqaaqa ay sameynayaan.
Dowladda Maraykanka ayaa wacad ku martay inay kordhinayso duqeymaha dhinaca hawada ah oo ay la beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin Xarakada Al Shabaab maadaama ay tilmaamtay in Al Shabaab ay shaaciyeen inay ka mid yihiin Urur weynaha Al-qaacidda.
Souce: http://www.theithacajournal.com/usatoday/article/53171724?odyssey=mod|newswell|text|Local%20News|s
Muwaadiniinta Reer Somaliland Ee Ingiriiska Oo Arbacada Dibad-bax Balaadhan Ka Hor-dhigaya Xafiiska David Camaron Iyo Madaxwayne Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Ka Qayb-galo Mudaaharaadkaa
London, (sli) – Muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan caasimada dalka Ingiriiska ee London iyo guud ahaan Magaalooyinka kale ee dalkaasi ayaa maalinta bari ah u balansan inay dibax-bax balaadhan ka hor-dhigaan xafiiska raysal-wasaaraha Ingiriiska David Camaron.
Dibad-baxan oo dhacaya maalin ka hor qabsoomida shirka dawlada Ingiriisku London ugu qabanayso kooxaha Soomaliya oo Somaliland qayb ka tahay ayaa ah ayaa mid beesha caalamka iyo dawlada boqortooyadda Ingiriiska lagaga dalbanayo ictiraaf caalami ah oo ay Somaliland u fidiyaan maadaama oo ay tahay Jamhuuriyad Madax-banaan oo waxyaabo badan oo la taaban karo qabsatay mudadii ay xornimadeeda kala soo noqotay dalkii Soomaliya.
Dibad-baxan oo la filayo inay ka wada qayb-qaataan guud ahaan jaaliyadaha reer Somaliland ee dalka Ingiriiska iyo waliba kuwo ku nool wada kale ee Yurub ayaa waxa qaban-qaabiyey guddiyada jaaliyadaha reer Somaliland ee dalkaasi, iyagga oo hore u sheegay in 22-ka bishan February dibad-bax laga hor-dhigi doono xafiiska raysal-wasaaraha Ingiriiska, iyagga oo Muwaadiniinto soo qaadan doona calanka Somaliland iyo waliba boodhadh ay ku qoran yihiin kalmado ka turjumaya ujeedada dibad-baxa oo ah in Somaliland la ictiraafo isla-markaana la tixgaliyi nabadgalyada iyo hanaanka dimuqraadiyadeed ee ka hirgalay mudadii ay jirtay.
Dibad-baxan waxa la filayaa inuu ka qayb-qaato weftiga Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku sugan Magaaladda London isla-markaana u diyaar ah inuu ka qayb-galo shirka khamiista ka furmaya London, waxaana la saadaalin karaa in Madaxwayne Axmed Siilaanyo uu shacabka reer Somaliland u jeediyo khudbad la xidhiidha dibad-baxooda iyo waliba ujeedada uu shirka uga qayb-galayo.
Shirka London “Waxa la yidhi Riyuhu iyagaa Shabeelka lugahooda ku doonta” Warancade
JAMHUURIYA SOMALILAND
Ku: Warbaahinta.
Ujeeddo: Somaliland ma ka badbaadi doontaa xukun-ciqaabeedka ku dhici doona Madaxda Somaliya.
Waxaa hubaal ah in uu aad uga duwan yahay shirka London shirarkii hore ee somalia loo qaban jiray ee ay dibadda ka joogi jirtay somaliland, go’aamadiisuna ay ka duwaanaan doonaan go’aamadii ka soo bixi jiray shirarkii hore ee somalida.
Sababaha uu uga duwan yahay shirkani kuwii hore waxaa ka mid ah:-
1. Shirarkii hore waxaa loo qaban jiray dib u heshiisiinta iyo maamul u sameynta somalida.
Hase yeeshee shirkan waxaa lagu soo afjarayaa Laba qodob oo halis ku haya amniga dalalka Reer galbeedka oo hore maare loogu waayey, waxaana ka mid ah:-
A). Baa’biinta BUDHCAD BADEEDKA.
B). Baa’biinta ARGAGIXISADA.
Labadan arrimood oo halis weyn galiyey arrimaha amniga iyo dhaqaalaha ee dunida gaar ahaan reer Galbeedka,oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysanaya, wuxuu Caalamku garowsaday baadhis dheer kadib in ay sabab u yihiin Maamuladii daciifka ahaa ee kala dambeeyey ee caalamku u dhisayey Somalia, ee ay ugu dambaysay tan iminka uu hogaamiyo Sheekh Shariif.
Sidaa awgeed shirka London wuxuu u muuqdaa in uu noqon doono Maxkamad caalami ah oo soo saarta go’aamo kama dabays ah oo lagaga gudbo labada arimood ee halista ah ee aan kor ku soo sheegnay, iyadoo la qaadan doono qaar ka mid ah qodobada soo socda:-
1. In loo dhiso Somalia wax loogu yeedho Dowlad qaran, oo Maamulkeeda gacanta loo galiyo dad lagu tilmaamo maamul yaqaano oo laga soo xulo caalamka iyo qaar ka mid ah dadka Somalida.
2. In Dhulka Somalia Bad iyo bariba nabad galyadiisa gacanta loo galiyo ciidamo shisheeye oo caalamku qaadhaanto, si looga sifeeyo Argagixisada iyo Budhcad badeeda dhulka somalida.
3. In dhaqaale loogu yabooho dadka somalida ah ee ay dishoodeen dagaalada maamul, xumada iyo qaxootinimadu si aanay u dareemin dabinka gumeysiga cusub.
Su’aashu se waxay tahay madaama Somaliland ay dibadda ka ahayd labaatankii sanno shirqooladaa iyo dhibaatooyinkaa ka dhacay somalia, isla markaana ay dhisatay maamul dowladnimo oo ilaahay kaga badbaadiyey dhibaatada ku habsatay somalia, Somaliland ma ka badbaadi doontaa go’aamada caalamiga ah ee ka soo bixi doona shirka London, Maadaama aynu ka soo jeedsan doono safka Eedaysanayaasha. “Waxa la yidhi Riyuhu iyagaa Shabeelka lugahooda ku doonta”.
Allaa Mahad Leh
Cali Maxamed Warancade
Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UDUB.
The World Must Recognize Somaliland On Its Historical Borders By Ibrahim Hassan Gagale
The Arab World with the leadership of Saudi Arabia must show the courage of recognizing Somaliland Republic on the basis of its own historical, colonial borders as the diplomatic and international recognition of every Arab country is based on its own historical, colonial borders so the West will follow to recognize Somaliland too.
The United Nations, African Union, African States, or the Arab World did not draw or make the current borders of African States and Arab World. All the borders of Arab World and African independent states had been drawn by the colonial powers of Europe. The independence, statehood, and diplomatic recognition of each Arab and African State as well as each Asian or South American country today are based on its own colonial demarcations or borders.
Similarly, the statehood, independence, and the expected diplomatic recognition of Somaliland Republic are based on its own colonial borders drawn during British Somaliland Protectorate era.
The borders of Somalia, Somaliland, and Djibouti have the same international status and legitimacy because they were all drawn by European Colonial powers. Anyone who opposes the legitimacy of Somaliland borders, its statehood, its independence, and its diplomatic recognition is challenging the borders and sovereignty of all AfricanS, Arab World, Asian, and South American independent states whose borders rose from their colonial borders or demarcations.
Some people confuse Somaliland Republic with Puntland Region of Somalia for either not knowing the history of Somalis or for irrational political reasons. Puntland is an integral, inseparable part of Somalia because it is located within Somaliaâs historical borders with which Somalia achieved independence on July 1st, 1960 from Italy while Somaliland Republic emerged from British Somaliland Protectorate and achieved separately its independence from Britain on June 26, 1960. Somaliland Republic has undeniable rights to claim independence, statehood, and recognition based on its own unique borders while Puntland can not have such rights because it is part of Somalia and shares borders and nationhood with it.
Somaliland and Somalia are not the first two countries in this world whose union ceased to exist. The Soviet Union that had 15 Socialist Republics created by the Bolshevik Revolution led by Lenin in 1917 broke up after social upheavals and political discontent ended its existence peacefully in 1989 with new countries emerging from it such as Georgia, Ukraine, Armenia, Uzbekistan, Lithuania, Estonia, Latvia etc. They are all recognized by the UN and international community on the basis of their original borders existing before the union. The federation of former Republic of Yugoslavia that had 8 countries broke up too after bloody civil wars between 1991-1995 and new countries such as Serbia, Croatia, Bosnia-Herzegovina, Macedonia, Slovenia, Kosovo etc emerged from its ashes. All are recognized diplomatically too for their original borders existing before the federation.
Some Somalis believe that Somaliland can not withdraw from the union with Somalia claiming that Somalis share language, religion, color, and culture. If this claim were true for achieving union, the Arab World which has nearly 17 independent countries such as Algeria, Bahrain, Egypt, Iraq, Jordan, Kuwait, Lebanon, Libya, Morocco, Oman, Qatar, Saudi Arabia, Syria, Tunisia, United Arab Emirates, Yemen, and Sudan and that also share language, religion, culture, and color would not have separate independent sates. They do not have any federal or union for disagreeing to share one. Only justice and fair power-sharing are the most important factors for a union to survive and that is what Somalia failed to understand in the years of the union.
Independent Republic of Somaliland was the first to pioneer the unification between Somaliland and Somalia on July 1, 1960 in quest for Greater Somalia in the Horn of Africa. The union was doomed after Somalia hijacked the governments for the thirty years of its existence (1960-1990) and then committed atrocities against Somaliland people when they rebelled against injustices and humiliation perpetrated against them.
The idea of a Greater Somalia emerged in the middle of the Second World War [1939-1945] and the main objective was to liberate the five Somali Territories and bring them together under the same banner and government in the Horn of Africa. That idea of a Greater Somalia (Somaliweyn) is as exlusive as a Greater Arab today and no one knows when it will come true.
The Somaliland Congress held in Burao on May 18, 1991 unanimously proclaimed the withdrawal of Somaliland from the union with Somalia and reclaimed its independence of June 26, 1960 naming itself Somaliland Republic. The referendum held in Somaliland on May 31st, 2001 reaffirmed Somaliland independence from Somalia with 97% in favor of Somaliland sovereignty. Somaliland, as any African state, has the right to be diplomatically recognized by the United Nations and international community for its own unique borders that rose from British Somaliland Protectorate borders.
Somaliland Republic will only discuss future relations with a government of Somalia ( Former Italian Territory ) which is democratically elected and which represents and controls the entire people and territory of Somalia. Somaliland will not meet with a government or parliament that includes individuals claiming to represent Somaliland. Any meeting or discussions with Somalia that does not fulfill these two conditions would violate the basics of Somaliland`s sovereignty.
The Arab World and the African Union must lead the diplomatic recognition of Somaliland for sharing same historical borders that all rose from colonial borders. It would be unfair to deny Somaliland of diplomatic recognition based on its own historical, colonial borders while the nationhood and statehood of their countries are based too on their own historical, colonial borders.
By Ibrahim Hassan Gagale
Email: Ibrahim_hg@yahoo.com
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland oo ka hadlay Xaaladda Bariga Somaliland Ka Taagan
Hargeysa, (sli) – Wasiirka Wasaarradda Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inay mihiim tahay in Somaliland iyadoo madax-banaanideeda haysata caalamka kala shaqayso sidii nabad-gelyo loogu soo celin lahaa Somalia, isla markaana ka tibaaxay in shirka London lagu tagay wada tashi.
Xirsi Cali Xaaji Cali waxa kale oo uu sheegay inay Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu ay tallo qaran ku tageen shirka dawladda Ingiriisku 23-ka bishan ku qabanayso magaaladda London.
Xirsi Cali waxa uu sidaasi ku sheegay hadal uu shalay ka jeediyay xafladii lagu xusayay maalintii dhagaxtuurka, waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa inaan kalmad ka yara xuso shirka London ee madaxweynaha Somaliland tagay. Shirka London waa mid lagu tagay tallo qaran waa shir dunidu ka shirayso wixii Soomaaliya la isku odhan jiray maxaa laga yeelayaa? Iyo Somaliland oo taalla miiska oo wax-qabsatay oo horumartay oo maqaam fiican taagan in dunida loo bandhigo. Waxay inoo tahay tallaabo hore loo qaaday waa in la inaga barto khibrad oo aynu dunida kala shaqayno in Soomaaliya lagu soo celiyo nabad. Inagoo Somaliland ah oo cidna aan gorgortan ka gelinayn madax-banaanideena aynu goosanay haddana duniddu waxay marti inooga tahay dadka walaalaheen ah ee aynu madax banaanida ka qaadanayna waxay inaga sugayaan wax la qabasho iyo sidii aynu kaalintaas uga soo gudubnay inaynu wax kala qabano. Waana dhib ku soo gaadhaya haddii aad ka dhego adaygto jaarkaaga”.
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Arrinta shirkan waxa laga galay shirar badan waxa laga tallo-geliyay salaadiinta,culimmadda, xisbiyadda iyo ururadda. Waxa kale oo laga tallo geliyay oo waliba loo bandhigay Goleyaasha qaranka iyo waliba golaha wasiiradda oo saddexda gole-ba waxay isku raaceen in la tago shirka London”. Wasiirku waxa uu sheegay inay xukuumada uu ka tirsan yahay mar-walba diyaar u tahay sidii ay wada hadal iyo gogol nabadeed ugu dhigi lahayd waxgaradka Sool iyo Buuhoodle, waxaanu yidhi “Anigoo ku hadlayaa afka xukuumadda, bariga waxaanu ugu baaqaynaa Sool iyo Buuhoodle dadka shaqaaqada ka wada ee naga mid ka ah in ay nabad qaataan oo ay yimaadan gogashii uu madaxweynuhu u fidiyey. Dadka qaar siyaasiyiin ah ayaan ka maqlayey iyaga oo leh gogashii Hargeysa ma soo dhaaftee meeday?”.
Xirsi isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Gogasha dhaqanku waxa weeye in jawaabteedii la helo cidii aqbashay ee lala fadhiisanaayo waa inay ku dhawaaqdaa inay gogashii diyaar u yihiin oo dabadeed gogashii la wada fadhiisto. Waxa kasta oo aan ahayn madaxbannaanida Somaliland iyo jiritaankeeda diyaarbaanu u nahay in aynu ka wada hadalo”.
“Somaliland Waxa Looga Fadhiyaa In Aragtideeda La Dhagaysto, Ictiraafka Somaliland Waxa Uu Ku Iman Karaa Iyaga Oo Soomaaliya La Garnaqsada” Ismaaciil Buubaa
Hargeya, (sli) – Siyaasiga wayn ee reer Somaliland, isla markaana aaminsan mabda’a Soomaaliwayn Ismaaciil Maxamuud Hure Buubaa ayaa si qoto dheer uga xog-waramay shirka London 23-ka bishan uga furmaya Soomaalida, kaas oo sheegay in dadku figrad khaldan ka aaminsan yihiin, isla markaana aan Soomaali lagu heshiisiinayn, balse dunidu ay go’aan ka gaadhayso arimaha Soomaalida.
Mr. Buubaa ayaa waxa uu tilmaamay in ka qaybgalka shirka ee waftiga Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxwayne Axmed Siilaanyo inay ahmiyad wayn u yeeleen shirkaas Soomaalida ee uu gadhwadeenka ka yahay Ingiriisku, kaas oo uu tibaaxay hadii aanay dawladda Britain qabanqaabiseen shirkaas inaanay Somaliland ka qaybgasheen, taas oo uu sheegay inay suurtagalisay xidhiidhka soo jireenka ah ee Somaliland iyo Birtain ka dhaxeeya.
Ismaaciil Maxamuud Hure Buubaa ayaa shirka London ku tilmaamay mid mihiim ah, isla markaana waftiga Somaliland ugu baaqay inay gartooda ka akhristaan Madasha Lancaster House ee shirkaasi ka qabsoomayo maalinta Khamiista ee fooda inagu soo haysa.
Mr. Buubaa waxa uu sidaas ku sheegay mar uu u waramay Radio Toggaherer, ugu horayna isaga oo ka hadlaya shirk London, waxa uu yidhi “Shirkan London ka furmi doonaa maaha shir Soomaalida lagu heshiisiinayo ee waa shir caalamku u qabanayo waxa uu ka yeelayo dhibaatada Soomaaliya taala, dadka Soomaalida ahna ama ha ahaadeen kuwa dawladda Federaalka ah ka mid ah ama ha ahaadeen kuwa maamulada samaystay oo leh Federaalka ayaanu ka mid nahay ama sida dad leh Somaliland oo kale Soomaaliya dibada ayaan ka nahay ha ahaatee waa mid caalamku u baahday inay goobjoog ka noqdaan waxay ku talinayso bulshada caalamku, markaa shirkaasi sidaa ayaanu ku ahayn mid lagu heshiisiinayo Soomaalida”.
Buubaa isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Iyada oo ay sidaa tahay inay Somaliland markii ugu horaysay heerka ay kaga soo qaybagayso shir qaybaha kala duwan ee Soomaaliyeed iskugu imanayaan waa arin mihiim ah, waxaanay ila tahay inaanay suurta gal noqoteen hadii aanu shirkaa Ingiriisku gadhwadeen ka ahayn arinta shirkaas Soomaaliyada, Sidaasaaba Ingiriiska inay dawlado badani ku odhanayaan idinkaa Somaliland aad idiin dhagaysanaysaa oo dadwaynaha Somaliland-na wax u sheegi kara waxaanu idinka codsanaynaa inaad gadhwadeen ka noqotaan”.
Ismaaciil Muxumed Hure, mar uu ka hadlayey waxa laga filan karo waftiga Somailland, waxa uu yidhi “Shirka London waa shir mihiim ah, Somaliland waxa looga fadhiyaa in aragtideeda la dhagaysto, isla markaana caalamkuna waxa uu qabo ay Somaliland dhagaysato, waana loo baahan yahay labadaba, waayo Somaliland 20 sano ayey ku celcelinaysay oo ay lahayd anagu maka mid nihin Soomaaliya, caalamkuna laha anagu waxaanu u aragnaa in Soomaaliya ka mid tihiin, arintiina waa la iskugu imanayaa oo caalamku waxa uu eegayaa rabitaanka Soomaalida hadii dadka Soomaaliyeed ay doonayaan inay dhawr dawladood noqonayaan iyo hadii ay doonayaan inay sidoodii noqonayaan, markaa arintaasina waa mid u taala iyaga ayuu leeyahay caalamku”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Arinta Ictiraafka Somaliland waxa ku iman karaa ayaan aamisan yahay iyaga oo Soomaalidu is horfadhiisato oo arintaas iyagu aragti ay isku waaqaqsan yihiin ka qaataan”.
“Aftidii dadweynaha Somaliland laga qaaday may ahayn ka qaybgalka shirarka Soomaalida” Cabdiraxmaan Cirro
cabdiraxmanciro
Hargeysa, (sli) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa jawaab ka bixiyey hadal Madaxweynihii hore ee dalka Md. Daahir Rayaale Kaahin uu ku deedafeeyey ka qaybgalka Somaliland ee shirka Soomaalida loogu qabanayo magaalada London, kaasoo uu ku tilmaamay inuu la mid yahay madaxbannaanidii Somaliland oo laga noqday, isla markaana ahayd in shacabka laga qaado afti ay dawladda ugu fasaxaan tegiska shirkaas.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo daba socday hadalkaas Rayaale, ayaa sheegay in aan marnaba wax xidhiidh ah ka dhexayn aftidii dastuurka ee shacabka Somaliland laga qaaday sannadkii 2001-dii iyo ka qaybgalka shirarka Soomaalida ee London, isagoo xusay in aftidaasi xambaarsanayd ansixintii dastuurka qaranka iyo go’aankii goonni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland.
“Arrinta ka ka qaybgalka shirka London waxaan jecelahay inaan ka jawaabo hadallo saxaafadda aan ku arkayey oon isleeyahay malaha sixitaan bay u baahan yihiin. Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtidu waxay waqti hore sameeyeen go’aan gole oo dhigayey shirarka Soomaaliya lagaga hadlayo lagama qaybgali karo, go’aankaas oo iminka kaabis iyo wax-ka-beddel uu Baarlamanku ku sameeyey. Waxa ku soo noqnoqonaysay saxaafadda ama dad masuuliyiin ah leeyihiin ka qaybgalka shirka London waxay ahayd in afti la qaado ama afti dadweyne ayey Somaliland ku gaadhay in aan shirarka Soomaaliya laga qaybgelin. Horta taas waan saxayaa oo aftidii Somaliland laga qaaday waxay ahayd laba qodob; kow waxay ahayd in aynu u codaynu dastuurka Somaliland, laba in aynu u codayno goonni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland, laakiin qodob kaloo saddexaad oo aftida loo qaaday ma jirin, in aan shirarka laga qaybgelina waxa lagu bayaamiyey labada gole,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Wakiillada oo u warramay shalay shabakadda wararka internetka ee Hadhwanaagnews.
Md. Cirro waxa uu sheegay in go’aankii labada gole baarlamaan hore ugu mamnuuceen ka qaybgalka shirarka Soomaalidu uu waqtigaasi maslaxad u ahaa Somaliland. Hase ahaatee, ka qaybgalka shirka London ee xilligan uu faa’iido u leeyahay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
“Adduunku wuu korayaa intaas, Somaliland-na waxay markaa u arkaysay inay maslaxaddu sidaa tahay, iminkana wadatashi baa laga yeeshay oo xukuumaddu waxay ka qaybgalka shirkan kala tashatay goleyaasha, axsaabta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxana loo arkay in ka qaybgalka shirka London aannu dhaawacayn goonni-isu-taaggii Somaliland, iyadoo xukuumadduna caddaysay inay kala hadashay cidda qabanqaabinaysa shirka oo ah dawladda Ingiriiska in Somaliland magaceeda kaga qaybgalayso, in aanay Soomaaliya ka mid ahaanayn oo aan lagaga hadlayn in Somaliland ku biirto Soomaaliya iyo in Somalialnd fursad la siiyo ay kaga hadasho qaddiyaddeeda iyo madaxbannaanideeda, una sheegto waddamada badan ee ka qaybgalaya shirka,” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.
Budhcad-badeed Afduubay Markab ku soo Jeeday Dekedda Berbera
Berbera, (sli) – Markab u rarnaa ganacsato reer Somaliland oo ku soo jeeday Dekedda Berbera, ayaa la xaqiijiyey in koox budhcad-badeed Soomaali ah ka qafaasheen xeebaha waddanka Cummaan. Sidaana waxa Jamhuuriya u xaqiijiyey xalay Maareeye-ku-xigeenka Dekedda Berbera Mr. Cumar Abokor Jaamac.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Jamhuuriya u caddeeyeen in markabkan oo hanti badan siday, lana filayey inuu dekedda Berbera ku soo xidho, ayey koox budhcad-badeed ah dhexda u galeen, kuwaasoo markii ay qabsadeen ula kacay dhinaca xeebaha Puntland.
Markabkan oo la sheegay inuu Khamiistii toddobaadkii hore ka soo baxay magaalada Dubay ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxa uu siday badeecado kala duwan iyo gaadiid qiimahooda lagu qiyaasay malaayiin dollar ah oo ay leeyihiin gacansato reer Somaliland iyo Itoobiyaan isugu jira, halka dhinaca kalena uu siday baabuur u socday muwaaddiniin reer Somaliland ah.
Ma aha markii u horreysay ee kooxaha budhcad-badeedda Soomaalida ah qafaashaan markab u raran ganacsatada reer Somaliland ah, balse hore ayey dhexda uga qafaasheen markab siday badeecado ganacsi oo ku soo jeeday Dekedda Berbera, kaasoo markii dambe laga soo furdaamiyey budhcaddaas iyadoon wax wax madaxfurasho ah laga bixin, balse wadahadal lagu xalliyey dhacdadaas.
Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, ayaa sheegay in markabka la afduubay uu Khamiistii la soo dhaafay ka soo baxay Dubay, lana la filayey inuu Axaddii shalay ku soo xidho dekedda magaalada Berbera, balse aan ilaa hadda la ogeyn meel uu ku sugan yahay maadaama ay go’an tahay isgaadhsiintii markabkaas oo badeecado ganacsi u siday ganacsato reer Somaliland ah.
Golaha Wakiillada Somaliland oo maanta ka doodey Xeerka Budhcad-badeedda
Hargeysa (sli) – Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada, ayaa soo bandhigay gal-daloolooyin dhinaca sharciga ah oo ku duugan xeerka cusub ee La-dagaallanka Budhcad-badeedda Somaliland (Somaliland Piracy Low), kuwaasoo ku baaqay in xeerkan la mariyo nidaamka sharci ee ay leeyihiin xeerarka loo gudbiyo golayaasha sharci-dejinta.
Xeerka Budhcad-badeedda Somaliland oo ay si degdeg ah xukuumaddu Sabtidii toddobaadkan ugu gudbisay Golaha Wakiillada, kadib markii golaha wasiirradu duuduub ku ansixiyeen kulankoodii Khamiistii la soo dhaafay, ayaa sida la sheegay waxa si weyn dabada uga riixaysa dawladda Ingiriiska oo doonayso in dhaqso loo meel-mariyo.
Mudanayaal ka qaybgalay dood Wakiilladu ka yeesheen shalay xeerkan, ayaa iftiimiyey gal-daloolooyinka ka muuqda xeerkaas, iyaga oo tilmaamay in aannu xeerka budhcad-badeeddu ku jirin ajandaha goluhu ku shaqayn doono kalfadhigoodan, isla markaana aan la soo marin nidaamka sharciga ah ee xeerarka loogu gudbiyo Aqalka Wakiillada, waxayna soo jeediyeen in dib loo celiyo oo loo saaro guddi farsamo oo nidaamka sharci waafajiya xeerka budhcad-badeedda oo daaqadda looga soo dusiyey golahooda.
Md. Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka qaybgalay doodda xeerka budhcad-badeedda, ayaa sheegay in gal-daloolooyin badani ka muuqdaan xeerkaas, isaga oo soo jeediyey in loo gudbiyo guddi-hoosaadka ku shaqada leh si looga dhigo xeer dalka iyo dadkaba anfaca oo ku habboon la-dagaalanka budhcad-badeedda.
Waxa kale oo ka hadlay Md. Maxamed Faarax Qabile oo sheegay in xeerka budhcad-badeedda ee Golaha Wakiillada horyaal aannu lahayn wax calaamad ah oo muujinaysa inuu ka soo farcamay dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan qodobka 128aad, sidaa darteedna aanay habboonaynba in mudanayaashu dood ka yeeshaan.
Waxa kale oo uu Md. Qabile ka dhawaajiyey in aanay wax xeer ah lahayn ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ee la doonayo inay ku shaqeeyaan xeerka budhcad-badeedda, sidoo kalena aanay ka muuqan ciidammada distooriga ah ee dalka oo kala ah qaranka, booliska iyo asluubta, waxaannu ku baaqay in marka hore xeer lagu dhaqo loo sameeyo ciidanka ilaalada xeebaha.
Md. Mataan Hoorri iyo Md. Xaashi Xuseen Caabbi oo iyaguna ka qaybgalay doodda Golaha Wakiilladu ka yeeshay shalay xeerka budhcad-badeedda, ayaa farta ku fiiqay qabyo tiro badan oo ka muuqata xeerkaas, waxaanay ku taliyeen in aan goluhu ku degdegin ansixintiisa, loona baahan yahay in dib loo celiyo si sixitaan badan loogu sameeyo.
Dhinaca kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mr. Xasan Axmed Aadan oo fadhigii ee Golaha Wakiillada shalay hortagay, ayaa faahfaahin ka bixiyey xeerka budhcad-badeedda Somaliland, isaga oo caddeeyey in xeerarkani la tisqaadayo xeerarka dhinaca badda ee caalamiga ah.
“Xeerkani markii aan xilka qabtay wuu iga horreeyey, haseyeeshee waxaan ka qaybgalay shirar badan oo lagu saxayo oo lagu kordhiyey, wax badanna lagaga kordhiyey diyaarintiisii u horreysay. Xeerkani wuxuu la tisqaadayaa xeerka badda ee caalamiga ah ee 1982-kii soo baxay ee loo yaqaan Law of the Sea (Xeerka Badda). Xeerkaas waxa ku jira qodobkiisa 101aad qeexitaanka loo yaqaanno budhcad-badeed oo ah halka aannu ka soo qaadanay, wuxuuna ka hadlayaa markab dagaal, markab gaar loo leeyahay, wuxuu ka hadlayaa ciddii gasha budhcad-badeed, wuxuu ka hadlaya badaha waaweyn, wuxuu ka hadlayaa inta gobonimada qaranku gaadho. Ma aha qeexitaankani waxaannu jeebkayaga kala soo baxnay ee waa wax caalami ah oo dawladaha adduunka oo dhan ku heshiiyeen oo innaguna qayb kaga nahay inaynu qaadano xeerkaas lagu heshiiyey oo aynu ku dhaqanno, sababta oo ah qeexitaanka budhcad-badeeddu ma aha wax aynu innagu abuurayno ee waa wax la isla qaatay oo innaga horreeyey oo innaguna aynu la qabsanay.
Soomaaliya waqtigii aynu ka mid ahayn way aqbashay oo way qaadatay, laakiin may fulin. Innaga waxa weeye fursaddii ugu horrreysay ee barlamaanka inta la horgeeyo xeerkan dib-u-habayn loogu sameeyo oo loogu gudbiyo shuruucdeenna gudaha innaga ugu horreyno dalkii aynu ka go’nay marka loo eego, markaa xeerkani nidaamkaas ayuu leeyahay.
Haddii aad ku qeexdo wax kaloo aad adigu wadato, waad ka baxday heshiiskii caalamiga ahaa ee ahaa inaynu awood u yeelano inaynu biyaheenna badda ka ilaashano, kuwa kalena kala baxno, iminka waad ogtihiin oo awooddeena biyuhu halkay gaadhsiisan tahay waxa ka socda in waddamada farabadan intay budhcad-badeedda qabtaan iyagu maxkamadeeyaan, awood ma u leedahay baa lagu odhanayaa, heerka caalamiga ah ma taagan tahay, shuruucdaadu ma yihiin qaar xukun xaq ah ka turjumaya? Sharcigan oo kaliya ma aha, laakiin waxa jira kuwa xabsiga, ciidammadii ilaalada xeebaha oo la samayn doono, ka xabsiyadana iminkaannu soo dhammaynay, intuba khubaro ayeay soo darsadeen, garyaqaanay soo dirsadeen, hay’adaha UN-ta iyo waddamada waaweyn ee ku jira way nala falanqeeyeen, annagaana ummadda u matalaynay oo wixii khaldan ka hadlaynay, laakiin wixii heer caalami ah innagu ma beddeli karno. Iska dhaaf baa dhaanta haddii aanad doonayn, laakiin qeexitaanku waa mid la isla yaqaan. Tusaale ahaan; afduubyada dhaca xeerar kale ayaa nidaamiya, laakiin biyaha badda xeerkanaa nidaamiya. Shuruuc badan bay xidhiidh leeyihiin, balse way kala madaxbannaan yihiin,” ayuu yidhi Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku.
Waxa Xeer-ilaaliyaha Guud uu ka codsaday Golaha Wakiillada inay ansixiyaan xeerkan; “Fadlan xeerkani heer caalami ayuu ku dhisan yahay, wixii sharciyana waannu u eegnay, waana laga dooday ilaa Jabuuti, Seychelles iyo waddamo badan baannu isla tagnay Copenhagen (caasimadda dalka Denmark) baa lagaga hadlay. Iminka bisha March ee sannadkan waxa laga sugayaa inay Somaliland horgeyso labadan xeer ee idin horyaal (Xeerka La-dagaalkan Budhcad-badeedda iyo Xeerka kala Wareejinta Maxaabiista) heshiis ka dhacaya magaalada Copenhagen ee dalka Denmark oo in ka badan lixdan (60) waddan isugu imanayaan oo ku saabsan budhcad-badeedda oo ka hor sheegno inaynu waxaas qabsanay, guul baannu inoo yahay, waana wax farsamo ah oo aniga iyo rag kaloo khubaro ah eegnay, markaa waxaannu idinka codsanaynaa inaan lagu sii daalin xeerkaas oo la inoo ansixiyo.”
Xeerkan La-dagaalanka Budhcad-baddeeda oo xukuumadda Somaliland u gudbisay Golaha Wakiillada, isla markaana ka codsatay in si degdeg ah loogu ansixiyo, waxa ka muuqda khaladaad fara badan oo xagga farsamada ah iyo diyaarintaba, sababta oo ah xeerkan oo si degdega lagu sameeyey ayaa dhinaca eray-bixinta iyo diyaarintiisuba waxa ka muuqda gal-daloolooyin aad u waaweyn, kaas oo aan xataa dembiga budhcad-badeednimada si fiican u qeexayn.
Madaxweyne Ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Cali Samatar oo Maxkamad lagu soo taagayo dalka Maraykanka iyo Xukuumada Siilaanyo oo ka Hadashey
Hargeysa (sli) – Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhaweysay maxkamadeynta Madaxweyne Ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Cali Samatar oo dhawaan maxkamad lagu soo taagayo dalka Maraykanka, ka dib markii muwaadiniin reer Somaliland ahi dacwad ku soo oogeen.
Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geel-jire ayaa wax lala yaabo ku tilmaamtay hadalkii ka soo yeedhay madaxweynaha dawlada TFG-da Somalia.
“Xukuumad iyo shacaba dadkeena ku nolol reer Somaliland wixii ka galay danbi ama aynu u sheeganayno danbi. Haddii loo helo maxkamad eegta kiiska taageero ayuu inaga mudan yihiin Sida aad ogtihiinbaa kiisan dad muwaadinin oo reer Somaliland ayaa soo dacwooday oo Cali Samatar ka soo dacwooday oo ahaa madaxweyne ku-xigeenkii Soomaaliya ahaana wasiirkii gaashandhiga,”Ayuu yidhi wasiirka Kalluumaysiga iyo kayraadka baddu Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)
Wasiirka wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi uu maanta siiyay Telefishanka Horn Cable TV. Waxaanu yidhi “Isaguna waxaa uu berigaa warbaahinta u sheegay inuu ahaa ninkii amray in hargeysa diyaaruhu iyaga oo kacaya madaarkeen ay dadka shacabka duqeeyaan. Marka dadkii beriga wax ku noqday ayaa dacwada lahaa, markaa waanu taageersan nahay oo isaguna markaa wuu u baahanyahay caddaalad hadii lagu helo oo wuxuu helayaa danbigii lagu helay, haddii aan lagu lahayn oo ay maxkamadi sii dayso waxa uu helay caddaalad oo waxa weeye danbigaa waa lagu waayey oo anagu waanu taageersan nahay isaga iyo wixii la keeni karabaa.”
Sidoo kale wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kayraadka baddu , waxaa uu hadal lala yaabo ku tilmaamay hadalkii ka soo yeedhay Madaxweynaha dawladda kumeel-gaadhka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif kaasoo sheegay in ka qaybgalka shirka London ee Somaliland ay muujinayso inay Somaliland ka soo dabacday halkeedii hore “Dee marka ugu horaysa waxaad garankarta marka uu madaxweynaha Soomaaliya uu warbaahinta la hadlayo oo Public ula hadlayo oo xilkiisa ayuu gudanayaa oo dadkii uu sheeganayay inuu xukumo ayuu waxa u sheegayaa.”
“Laakiin inaga maxaa ina khuseeya weeye? Waxa uu yidhaahdo hadu rajeeyo inay Soomaaliya isku soo noqoto, waa rajadiisa oo waa wax uu isagu niyadiisa ka doortay. Laakiin inaguna waxaynu rajaynaynaa oo aynu ficilkeena ku darnay in gooni-isu-taggeena iyo qarannimadeena ilaashno oo aynaan ku noqon midnimadda Soomaaliya oo aynu halka aynu joogno ictiraaf caalamiya ku helo oo inaguna waynu is ictiraafnay oo nina niyadiisa ku qabsan mayno oo niyadiisa isaga u xorra. Laakiin mid na khuseeya hadalkaasi maaha,”ayuu yidhi Wasiirku.
Immisa Eray ayaad Maalintii ku hadashaa? Qalinkii: Abdifataah Mohamed Ahmed Ceelaabe
Siyaasigeenu marka ugu horeyse ee uu dadka iska dhaadhicinaayo, Wuu hadal badan yahay, inta badan meel kasta,Arin kasta. Xaflad kasta,Shir Kasta iwm in uu ka hadlo ayuu Jecel yahay. Hadal badanaa, boqolaal wax ayuu balan qaadayaa, boqolaal wax ayuu dadka ku soo Jiidanayaa, Marka uu madax noqdo ama xilkii loo dhiibo. Hadalkii wuu iska yareynayaa, ma hadlo inta badan, lama arko.
wuxuu isku heystaa nin sare.Dadka sare keliya ayuu La hadlaa,meelaha dadka sare iskugu yimaado ayuu Fadhiistaa.Nin af gaaban oo hadal yar oo sidii hore aan aheyn oo dadkii ka dhex baxa ayuu noqdaa.ninkii dadkiisa ku dhex jirey ee beri ka dhex qeylin jirey maanta waa laga yaaban yahay.marka uu doorasho rabo ama xilka laga qaado ayuu dib u qeyliyaa.marka uu rabo in loogu celiyo ayuu ka soo baxaa qolkii uu shan sanno ka hor innaga galay si uu mar labaad cod inooga helo.Ragg badan oo wakhtigii doorashada Af-tahan Miidhan ahaa inta badan marka wakhtigan la wareysto waa laga yaaba sida liidata ee ay u hadlaan.Waxaana xaqiiqo ahaan aan ogahay in dadka isaaqa ah xagga hadalka lagaga fiiican yahay marka doodaha lagu jiro.
Siyaasigu marka la soo weeraro ama la dhaliilo wuxuu u qeyliyaa si dheer,wuxuuna isku difaaca hadal adag.laakin inta kale wuu aamusan yahay.Immisa eray ayey maalintii Siyaasiyiintu ku hadlaan 3000 oo eray mise in ka badan.Ma aaminsan tahay in la qiyaasi karo ama la tirin karo erayada ama kalmadaha qofka afkiisa ka soo baxaaya maalintii,si loo ogaado inta eray ee uu isticmaalay.Dhalinyarta iyo Dadka Waa weyn Yaa hadal badan,Dhalinyartu mustaqbalka,Jaceylk,guur,Dhoof,Electronics,Shaqo Etc ayay maalin oo dhan ka wada Hadlayaan.Dadka waa weyn arimo badan ayaan ugu jirin Maskaxda.in ku dhow 16,000 Eray ayey dhalinyarta qaar maalintii ku hadli karaan.
Dadka ugu hadalka badan Bulshadeena waxa ka mid ah
Macalimiinta
Askarta Booliska ah
Dumarka
Dadka Ganacsiga ku jira ee Meheradaha Iibiya
Dadka Hudheelada cuntada ah heysta ama cuntada dhiga
Culimada diinta ee kutubta dadka u marisa.
Waxaad Soo qortaa dadka ugu hadalka badan Bulshadeena ama maalintii ku hadli kara 20,000 kun oo eray.soo uruuri.Caruurtuse immisa eray ayey maalintii ku hadlaan.
Ceelaabe
Dhalinyaro: Doorashada Golaha Deegaanka LaLaLaLa Qalinkii: Abdifataah Mohamed Ahmed Ceelaabe
Dad badan Ayaa waxa ay sannadka isku Diyaarinayaan sidii ay uga qeyb geli lahaayeen doorashada Golaha Deegaanka ee la Rajeynaayo in la qabto.Dhalinyar badan Ayaa isku Diyaarinaaya in ay Siyaasada ka soo galaan Albaabkaasi.Inkasta oo aan la garan karin wakhtiga rasmiga ah ee la qabanaayo dib u dhig badana uu ku jiro,haddana waxaan Aaminsanahay in dad badan himilada ugu weyn ee ay qabaan ay tahay in ay ka qeyb galaan doorashada golaha deegaanka gaar ahaan caasimada hargeisa.Haayadaha ama xubnaha inta badan lagu fashilmey ama aan la garan karin shaqada rasmiga ah ee ay wadanka u qabtaan ayey golaha deegaanku iila muuqdaan xageyga.Meelaha ugu siyaasada xun ama ugu waxqabadka yar ayey Golaha deegaanku iila muuqdan mar kale.
Dhalinyar badan oo 25 Jir ka lagu dhawaaqey ka faa,ideysaneysa Ayaa isku diyaarineysa ama qaban qaabo ugu jirta sidii ay sannadka isku soo sharixi lahaayeen ama Doorashada golaha deegaanka uga qeyb geli lahayeen.Qaar badan Ururada cusub ee la furey ayey iska soo dhex sharaxi doonaan halka qaar kalena ururada jira ay ka raadsanayaan Boos ay ku soo baxaan.Dhalinyar badan oo weli 20—- ilaa 30 jir u dhaxeysa ayaa arintani ku hamiyeysa,laakiin 40 Jirka doorashada ka qeyb galaa ma ah dhalinyar oo been ayeynu u sheegnaa.Waar 40 jir dhalinyar maaha.barashada siyaasada,Reeraha,taariikhda qabiilka iyo qabyaalada,ka ag dhawaan shaha siyaasiyiinta reerka,ama madaxda ,suldaanada beesha iwm ayey kugu keeni doontaa in aad isa soo sharaxdo.Lacago badan iyo balan qaad ama sidoo kale in lagu soo gacan qabto ama urur dhaqaalihiisa ku soo baxdo intaba.
Waxa aynu rajeyneynaa in dad macquul ah ama u qalma xagga Da,da ama aqoonta iyo daacadnimada intaba lagu arki doono tartanka soo socda.Haddii bilaash la igu yidhaahdo ku soo gala ama la ii keeno xitaa maan qaateen,kamana shaqeeyaan xildhibaan golaha deegaanka ah.Dhalinyartii danahooda qabsan laheyd ama aqoontooda uga fa,ideysan laheyd shaqooyinka xorta ah haddii ay siyaasada wada dabo cararaan waxa la qaloocan doona mustaqbalka nolosha Quruxda badan.Xilku marka lagu cararo ama laba socdo ee aad lacag adigu ku bixiso si laguu doorto iyo marka lagugu qasbo wuxuu fiican yahay marka lagugu qasbo,dadkan u wada cararaya maamulka iyo xilka in badan ayey ka shalaayi doonaan ama ka murugoon doonaan mustaqbalka.Reer hebel,qabiil iyo qabyaalad iyo tariikho hore,musuq-maasuq iyo dhac iyo boob ama af ku xoogle ayaa meelo badan lagu shaqeystaa markaa waxa aynu u rajeyneynaa dhalinyarta ka qeyb galeysa nasiib wacan oo wanaagsan.waxaan rajeynayaa in ay noqon doonaan kuwo weji cusub u bilaaba golaha deegaanka caasimada hargeisa.
Kuwii hore u jirey maxay wadanka u qabteen,wax la taaban karo ama lagu faani karo ay caasimada u qabteen ma la tilmaami karaa.
Maxay noqon kartaa rajada ay ka qabaan dhalin yar badani in ay ku soo baxaan ama ay xildhibaan noqdaan.Kuwii hore iyaga laftoodu miyeyna soo tartameynin mise wakhtiga kadhammadey.Muxuu noqon karaa dhalinyarta mustaqbalkooda cusub ku qaabisha siyaasad iyo buuqa wejiyada badan ee nolosha soomaalida ah.Reer qabiiil iyo qabyaalad iyo xin ama xaasidnimo ama reer hebel marna kama baxaayo meesha.
Wasiirka mushaharkiisu misaaniyada ayuu ku qoran yahay,lacag si kale oo musuq-maasuqo mooye waxa uu qaata wuu yar yahay.Marka golaha deegaanka lagaa dhigo Lacagta aad qaadan doontaa waa immisa.Dhalinyarta Ngos u shaqeysa ee lacagta fiicana iska qaata ayaa ka fiican dad badan oo siyaasada ku jira.mar labaad ayaan ku soo noqon doonaa,marka ay soo dhawaato ama macluumaad badan aan ka soo uruuriyo.
Ceelaabe
Hargeysa: London Café Ma Fadhiisataa? Qalinkii: Abdifataah Mohamed Ahmed Ceelaabe
Dadkeenu Inta badan waxa ay Jecel yihiin in ay ku hadlaan ama ay iska Yeel,yeelaan Luqadaha kale,Isticmaalida Luqada Englishka ayaana aad ugu badan,Markasta hadalka waxa la soo dhex geliyaa erayo English ah si laguu tuso in luqada la garanaayo.Luqad kale qof ku hadlaaya markaad aragto waxaad u fahmeysaa in uu yahay aqoon yahan.Aqoon yahan maaha laakin luqada wuu garanayaa, Keliya wuxuu Heystaa Furihii Aqoonta.Dad badan Carabiga ayey aad u Isticmaalaan ama iska dhigaan,Culimo badan iyo Dhalinyarta badan ee Khamiiska wada xidhan Waxa ay Jeclaan lahaayeen in Somaliland laga tirtiro af-soomaaliga oo lagu hadlo Carabi.Carab anniga ilaahay igama Dhigin,Wuxuuna ii doortey Soomaali.Ku nool Wadanka Somaliland.Boqolaal eray oo Luqada Englishka ah ayaa Todobaad walba igu soo kordha,Laakiin Erayo soomaali ah ama dhaqanka iyo suugaanta ka hadlayaa iguma soo biiraan.
Inta aad Maalintii Magaalada dhex socoto waxaad arki kartaa Boqolaal Xayeysiis ama meheradood oo Magacyo kala duwan la baxay.Dad badan magacyo Luqada Englishka ah ayey u isticmaalaan Astaanta magaca Meherada,Halka qaarkoodna ay Soomaali u adeegsadaan ama erayo Magalooyinka Somaliland ka mid ah u soo qataan.Erayo dhaqankeena ama suugaanta ku jira ama Af-keena laga soo dhex Xuley ayey u bixiyaan ama Magac Awoowgii Reerka ama Aabaha iwm.Dad badan Ayaase Adeegsada magacyo luqado kale ku jira ama dhaqan kale ka soo jeeda.Isticmaalka erayada luqada Englishka ah Ayaa innagu badan.London Cosmetics Marka meherada lagu qoro waxaad moodaa in dadka oo dhan magaca ay ku Jeclanayaan.laakiin haddii loo bixiyo dukaanka uduga iyo quruxda dad badan ayaan waxba u arki doonin.
maqaaxiyo kala duwan Ayaa la fadhiistaa,Mid dhalinyarta Arabta iyo Europe laga soo Masaafuriyey ee wadanka u joogta dhaqan celinta ayaa iskugu timaada,Maqaaxi dadka Tahriiba ayaa iskugu Yimadaan,Maqaaxi Odeyaasha waa weyn ayaa iskugu Yimaada.Maqaaxiyaha dadka safarka ah Magaaladana ku cusub ayaa iskugu yimaada.Meelaha qaar dhalinyarta Ciyaaraha ayaa iskugu Timaada.Maqaaxiyaha Qaarkoodna waxa iskugu yimaada Siyaasiyiinta,Gelinka danbe macawista iyo cumaamada dadka ku khalda gelinka horena saxmada iyo buuqa Gobolka ka taagan ku dhex Jira.Maqaaxiyaha qaar Culimada iyo Qoloda Khamiiska cad aan mar qudha iska saarin ayaa iskugu yimaada,qaar badana ilaahay ayaa innaga og waxa ka saxda ah.Dadka qaar marka ay maqaaxiyaha ama Hudheelada soo fadhiistaan Waxa ay Siiyaan Amar ah “Inteydii Yareyd ii keen”.Maqaaxiyaha qaarkoodna waxa lagu fadhiistaa qabiil iwm.Hudheelada Madaxtooyada u dhow qaar ka mid ayey Magacyo kala duwan ugu Yeedhaan mana garan karo waxa loogu bixiyey.
Isku soo wada Duub Adeegsiga magacyo kale ayaa ku badan dadkeena meheradaha ugu badana waxa loo bixiyey magacyo aan inta badan Soomaali aheyn kuwaasi oo ku baxa Luqada English-ka ama Carabiga.Haddii aan meesha u Bixiyo Ceelaabe Pharmacy,waxa laga Jecelyahay haddii aan u bixin lahaa Europe Pharmacy.Laakin ogow annigu ma ahi dhakhtar.
Ceelaabe
Koodhkii Dhakhtarka Qaybtii 2-aad Qalinkii: Abdifataah Mohamed Ahmed
Waa taxanihii labaad qoraalada aynu ugu magac darney Koodhkii Dhakhtarka,waxaana hore u soo baxdey qeybtiisiii kowaad,Maantana waxa aynu guda geli doonaa qeybtii labaad ee Taxanaha Caafimaadka aynu kaga hadalno.Ugu horeyn Maanta Somaliland qalabo kala duwan oo caafimaadka loogu shaqeeyo sida Computerada wax lagu baadho,ma garan kartaa in ay yihiin kuwo Cusub oo First Hand ah mise waxa xaqiiqo ah in qaar badan oo ka mid ah Second hand lagu soo iibsadey.Computero badan oo uur ku jirta ama wadnaha iwm lagu baadho ama Jidhka oo dhan ayaa maanta somaliland laga helaa,ma waxaad rumeysan tahay in qalabkaasi uu yahay mid cusub mise in gacantii labaad iyaga oo hore loo soo isticmaaley laga soo iibsadey Jabouti,Dubai,Nairobi,Ethiopi etc.Boqolaal qof oo lagu baadhey Computeradaasi Wax xanuun ah kuma sheegaan,Aduunyada waxa laga soo saarey warbixin sheegeysa in Qalabka Caafimaadku marka ay daalaan ama ay waxba qaban kari wayaan in Africa loo iibgeeyo.
500 oo Qof ayaa laga Yaabaa in ay ka soo qalin Jebiyaan Ganacsi ama Madooyin kale oo aan waxba ka fogeyn.15 qof ama 20 qof ama mararka qaar 4 ama 5 qof ayaa Caafimaadka soo Dhameysata.waa kaaf iyo kala dheeri.7 ama 8 sanno Ayaa lagu soo Jirayaa Jaamacada,inta 50 Dhakhtar wadanka u soo baxayaan,waxa u soo baxay 4 iyo 4 siddeed sannadood 1,000 ardey oo Ganacsiga soo bartey bal isku Qiyaas.Dhakhaatiirtii hore u joogteyna tiradoodu ma badna,qaarkoodna wey dhimanayaan.Arintaasina waa mida keentay in Dhakhatiirta ka yimaada,Jabouti,ethiopia ama wadamada africa iyo Carabtu marka ay Hargeisa yimadaan ay uga helaan lacagaha badan marka la soo kireysto.Qaar badan oo wadanka Yimaadaa waxa ay u yimadaan Ujeedo ah in ay Tababar ku soo qataan dadka noloshooda aan danta laga laheyn ee Africa ku nool. laakin haddana iyada oo ay sidaasi tahay weli dadkeena dan badan ayaa ugu jirta waxaaney u qabtaan marar badan Qaliin ama daaweyn ay ka waayeen Dhakhatiirta lacagta Jecel ee Jabhadii ku baratey dhaawac Joojinta maantana Dhakhtarka weyn iska Dhigaaya.Boqolaal Hablaha kalkaalisada caafimaadka ah wakhtigan waa la soo saari karaa,laakin Dhakhtar rasmi ah laguma heli karo 6 bilood.
Talaalka Somaliland ka socdaa,muxuu tolow dhib caruurteena u keeni karaa.Gabadhii Yareyd ee Berbera gacantu ku Xanuunsatey miyaan la xasuusan.Caruurteena miyaan masuul laga aheyn.Waar yaa innaga soo baadhey dawadani caruurta lagu talaalo.Ma og tahay ujeedada talaalka laga damacsan yahay in ay ku jirto in dad badan lagu Madhiyo.Ma og tahay in dawooyin la tijaabinaayo mararka qaar laguu soo diri karo.Wadamo badan oo Africa ku yaala ama sidoo kale Asia ka mid ah ayaa sannad kasta marka talaalku dhammaado soo saara warbixino la xidhiidha Caruurtii ku dhimmatey ama wax ku noqotey Talaalkii lagu sameeyey.
Caafimaadku waa mid ka mid ah Shaqooyinka loogu Jecel yahay.Dadkeenu marka ay caafimaadka baranayaan uma bartaan aad dadkaaga bukaanka ah wax ugu qabatid,laakin inta badan waxa maskaxda ugu jirta lacag badan ayaad ku heli doontaa.Qof kastaaba haddii uu heli lahaa Dhakhtarnimo Ayuu baran lahaa,;laakin lacagta lagu barto oo qaali ah iyo wakhtiga lagu Jiro oo Samir u baahan ayaa keenay in dadku iskaga Leexdo markii danbe.Maanta Karaamadii wakhti hore caafimaadku lahaa ama Dhakhtarku bulshada ku dhex lahaa iintii hore hoos ayey uga soo dhacdey maxaa yeelay Ganacsi iyo Lacag Badan ayaa Shuruud looga dhigey Dhakhtarnimadii.waxaana soo baxey dad badan oo aan aqoon u laheyn Shaqada caafimaadka laakin Qasab ama calool adeyg ku shaqeeya.Dhakhtaro been badan,Kharash badan,Dawo badan,sidoo kale kuu diraaya Baadhid badan oo aan loo baahneyn markasta,Dhakhtaro mararka qaar Dadka kala baxa xubnaha Jidhkooda.Maxaa tolow isbedelka ku dhacay warashada Caafimaadka u sabab ah,Dhakhtaradii berigii hore lagu bartey aqoonta iyo debecsanaanta badan maxaa ilaa hadda weli loo siii Jecel yahay.
La Soco qeybta 3aad,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,
Ceelaabe
Erey bixinta Af-Soomaaliga ama Luqadda Soomaaliga! Qalinkii Qoraagii Caanka ahaa ee Mr. Saeed Ibrahim Hussein
Afka ama Luqaddu waa waxa Ummad ama Qowm uu isku weydaarsado danaha iyo baahiyaha noloshooda ee ay ku wada xidhiidhaan, Afku waa sida Insaanka ku hadlaya oo waxa ku dhaca isbeddelo la mid ah ka Insaanka ku dhaca, sida xanuun, daal, tamar darro, iyo in uu xubnaha qaar waayi karo, ama geli karo xaalad dhimasho, markaa waxa dhacda in isbeddel kelmedihiisa ku dhacaan oo qaar adeegsigoodu yaraado ama joogsado sababo darteed ama kelmedo aan hore ugu jirin Afkaa ay soo galaan oo loo adeegsado si joogto ah, markaa isbeddelkaa qaar kelmed hore u jirtey ayaa qaadata macne labaad ama macnihii hore waa laga tagaa oo meeshuu ka baxaa ama isagoo jira macnihii hore ayaa macnaha labaadna hirgalaa, markaa isbeddelada kelmedaha ku dhaca waxay u badan yihiin kuwa ku yimaadda si aan loo qasdin oo isticmaalka iyo baahihiyaha iyo duruuftu keento, isbeddelada qaarkoodna waa loo qasdiyaa oo Erey bixin loo badheedhay oo baahiyi keentay baa jirta, waa sidii dhacday 72kii markii Afka Soomaaliga lagu qoray Laatiinka ee la turjumey dhamaan Buugaagtii ku qornayd Afafka kale.
Waxa dhamaan kelmedaha loo adeegsaday Erey bixintu ay ahaayeen kuwo dadku wada garanayaan oo faseex ah, waxana faseexnimada shardi u ah in kelmedahaas ay dadka reer baadiyaha ahi si caadi ah nolol maalmeedkooda ugu adeegsadaan.
Haddaan tusaale kooban ka soo qaadanno Erey bixinihii hirgalay waxa ka mid ahaa:
رابطDabar: bond:
Awrka si socodkiisa loo kaantaroolo oo loo xaddido waxa labada lugood ee hore lagaga xidhaa xadhig la yidhaahdo Dabar, waxa Erey bixin ahaan loo soo qaatay Kimisteriga waxa laba Curiye isku xidha, sida hal malakuyuul oo Haydarajiin ah iyo laba malakuyuul oo Ogsajiin ah waxa isu haya oo isku xidha Dabar, maraas ayay sameeyaan Biyo.
مركبIskudhis: compound:
Laba Curiye iyo wixii ka badani hadday falgalaan oo dabar isu hayo waxay sameeyaan Isku dhis, oo waa sidii wax la isku dhisay.
عمل المنزليShaqo guri: home work:
Dersiga marka Ardaydu Fasalka ku soo qaataan waxa loo diraa Laylisyo ay kaga soo jawaabaan Guriga, oo jawaabaha Dugsiga kula soo noqdaan, taas Erey bixinta loo gartay waa: Shaqo guri.
تكرارRakaad: frequency:
Dhaqan ahaan Geela marka la waraabinayo, cabbidda laba qaybood ayaa loo qaybiyaa, ta hore markuu cabbo wuu u yare nastaa, oo biyihii ayaa ku dega, ka dib ayaa mar labaad lagu celiyaa cabbitaankii, taa labaad waxa loo yaqaan Rakaad, markaa Fiisigiska ayaa Erey bixin ahaan loogu soo qaatay marka sheygu noqnoqod sameeyo in loo bxyo Rakaad.
دالةFansaar: function:
Faraska marka laba qof fuulaan sida ka hore u ruxmayo ee u dhaqdhaqaaqayo si la mid ah ayaa ka danbena u dhaqdhaqaaqaa, markaa waxa Erey bixin loogu soo qaatay Xisaabta is raadaynta qaybi qaybta kale ku samayso.
عازلMa gudbiye: insulator:
Waxyaalaha qaar ayaan gudbin danabka ama korontada sida looxyada iyo caagaga iwm, markaa si hawl yar ayaa loo soo qaatay Erey bixintan oo la yidhi ma gudbiye.
الجهاز العصبيHabdhiska dareen wadka: nervous system:
Habdhis oo ka kooban laba kelmedood oo kala ah hab oo ah nidaam iyo dhis oo ah sida wax u samaysan yihiin ayaa Erey bixin ahaan loo soo qaatay System ana Jihaas oo marka la soo gaabinayona waxa la odhan karaa dhis sida dhiska dareenwadka.
الجهاز الهضميHabdhiska dheefshiidka: digestion system:
Habdhis oo ka kooban laba kelmedood oo kala ah hab oo ah nidaam iyo dhis oo ah sida wax u samaysan yihiin ayaa Erey bixin ahaan loo soo qaatay System ana Jihaas oo marka la soo gaabinayona waxa la odhan karaa dhis sida dhiska dheefshiidka.
Habdhiska taranka, habdhiska neefsashada, habdhiska qashin saarka…iwm.
قمر الإصطناعيDayax gacmeed: satellite:
Waxa cilmigu gaadhay in la sameeyo qalab ka awood badan diyaaradda oo meelo fogfog oo samada ah gaadhi kara waxa Erey bixin loo qaatay Dayax gacmeed.
رائد الفضاءCirbixiyeen: stronaut/spaceman:
Qofka wada Dayax gacmeedka waxa Erey bixin ahaan loogu yeedhay Cirbixiyeen.
معادلة آنيةIsle’egyo wada jira: simultaneous equation:
Waxa Erey bixinta la adeegsanayey marmarka qaarkood in laba kelmedood iyo wixii ka badan la isku rakibo oo laga sameeyo Ereybixin sida Isle’egyo wada jira oo u dhiganta sida ay Afcarabiga iyo Ingiriisigu u macnaynayaan.
مولد الكهرباءDanab dhaliye: generator:
Waxa Danab loo soo qaatay macnaha korontada sidoo kale dhaliye waa sameeye, markaa waa koronto dhaliye.
حركة دوريSocod kaltameed: periodic motion:
Kalka waxa la yidhaahdaa waqtiga go’an ee Xooluhu ku cabbaan ee loo eegayo muddada ay biyaha ka qatanaanayaan, markaa kaltan waa in shayga lagu kaltamo oo qofba doorkiisa qaato, markaa waxa Fiisigiska loo soo qaatay sheygu inta uu socodka ku dhamaysanayo ee ka kale ee socodkaa xiga ku gelayo sida socodka walhashada oo kale.
تمرينLayli: exercise:
Awrka marka loo taba barayo in uu barto qaadista reeryada iyo baridda hoggaanka waxa la yidhaahdaa Layli ama Laylyid, oo waxa loo laylyayaa in uu barto heeryada iyo hoggaanka, taas ayaa Erey bixin ahaan looga soo dheegtay marka Ardayga Dersiga lagu tababarayo waxa la yidhi: Layli (s).
Afka Soomaaligu waa Af hodon ah oo koobsaday dhamaan sifooyinka Af ku gaadho derejada Hodonimada ama Qaninimada taasoo ay ugu muhiimsan tahay in wax kasta oo maskaxdaada ku soo dhaca aad ku cabbiri karto hadal oo si hawl yar u u dabooli karo ujeedadadii iyo fahankeeda, Afka soomaaliga Tix iyo Tiraabba waxa aanu ka tegin oo hilmaamin wax kastoo luqad kale koobsato balse wuu bara dheereeyey.
Afka ama Luqaddu waa muraayadda soo gudbisa ee soo bandhigta dadka Afkaa ku hadlayaa waxa ay aaminsan yihiin, dhaqankooda iyo caadooyinooda iyo sida ay u fekeraan iyo dhamaan wixii Ummad lagu baadisooci karo oo dhan, waxa Afka saafinimadiisa laga helaa oo halbeeg u ah dhulka baadiyaha ah ee miyiga ah dadka ku nool ee aan ku khaldamin Afaf kale iyo xaddaarado kale oo marka la rabo in la ogaado kelmed saxnimadeeda iyo marka la rabo Erey bixin waxa keliya oo la adeegsan karaa kelmed saafi ah oo reer miyiga xoolaleyda ahi ku hadlaan, lagama dhigi karo Erey bixin kelmed ay adeegsadaan Beeraleyda ama Kalluumaysatada waayo dadka intiisa badan ee aqlabiyadda ah oo ah Xoolaleey ayaa Afkooda loo adeegsan karaa halbeeg iyo Ereybixin.
Afafkii ama Luqadihii beri hore Afsoomaaliga soo galay waxay ka mid noqdeen Afkan, oo dadku kama maarmi karaan meeshoodana erey cusub ma gelin karaan, sidaa darteed ma bannaana in la isku dayo in Erey bixin loo sameeyo kelmedo Afaf kale muddo hore ka yimi, oo hadda loo adeegsado si caadi ah oo la isku fahmo laguna guto baahiyaha iyo adeegyada kala geddisan ee bulshada, waxa keliya oo Erey bixin laga samayn karaa Tiknoolajiga cusub iyo wixii aqoon cilmiyeed ee daruuri ah.
waxa jira in kelmedaha Afafka kale ah ee aan is beddelin iyo kuwa isbeddelka yari ku dhacay ee Afsoomaaligu ka kooban yahay u qaybsamaan kuwo dhig aan loo heli karin habayaraatee iyo kuwo dhig loo heli karo laakiin dhiggaasi adeegsigii aanu wada daboolayn oo meelaha qaar ka gaabinayo, oo kelmedda Afafka kale ahi daboolayso oo sidaa la caadaystey la iskuna fahmo.
Kelmedaha metelan aan dhig loo heli karayn waxa ka mid ah: sariir, kursi, miis, gidaar, derbi, marwaxad, niyad, nasiib, masiibo, dawlad, siyaasad, hawo, dabeecad, macdan, qalin,
warqad, khad, farxad, qish, madbakh, malgacad, muus, basal, khudrad…iwm.
Kelmedo dhig loo heli karo oo aan macnihii dabooli karin baa jira waayo metelan waxa loo isticmaalaa meelo iyo munaasabado kooban, sida weji ma dabooli karo macnihiisa fool, waayo marka hore macnaha kale ee uu leeyahay ayaa looga isticmaal badan yahay oo ah illiga hore ee dhoosha ku xiga ee wadartoodu noqonayso foolal, iyo dadka oo aan caadaysan in fool ay weji u isticmaalaan hadalka caadiga ah oo metelan haddaad tidhaahdo: foolka ayaa fin iga soo baxay!, waa lagugu qoslayaa, oo kani ma Oromaa ayaa la odhanayaa!!!. iyo kelmedo badan oo sidaas oo kale ah.
Afku waa ka ay bulsho ku hadasho ee isku fahanto ee isku weydaarsato farriimaha iyo danahooda kala geddisan, sida iyo qaabka ay bulshadaasi isku fahanto ee u adeegsato ayaa sharciga Afkaa sameeya, isagaana asalka iyo qaabkiisa suga oo caddeeya, ma aha erey bixintu tusaale ahaan wax hirgeli kara iyadoo baahi jirto waqti go’an oo xaddidan mooyee, ma aha wax dhexdaa furan ah oo qofkasti si wax u dhigo, sida kuwa ereyo hore u jirey da’dooduna guun tahay doonaya in ay ereyo kale u sameeyaan tusaale tarjamo ama turjumaadda weligeed baa la adeegsanayey erey bixin uma baahna sida kuwa yidhi tebin baa la odhanayaa, kelmedda tebin oo dhawr macne leh hadda waxa ay u taallaa macnaha gudbin, aaladda la adeegsanayo marka shey meel laga gudbinayo ee meel kale loo tebinayaana waa hadduu haddal yahay tarjamaad, oo hadalkaa waa la turjumayaa si loogu tebiyo darafka kale, markaa tebintii waa gaadhsiin iyo gudbin shaqadii fulinteediina waxa ay ku imanaysaa turjumaad la sameeyo, markaa kelmeddani erey bixin uma noqon karto waxayse tahay dhaawac iyo cawaraad soo food saartay Afkan, kelmedda qadiimka ah ee afka ka dhaxalgalay ee la isku fahmaa uma baahna rarid iyo beddelid midna ee waa sida dadka ku hadlaa isku fahmaan ee isku afgartaan, u fiirso haddaan kelmeddii “tarjumaadda”joojiyo nusqaan baan ku keenay hodonimadii Afka, ta kale kelmed hore u lahayd macne ayaan macneheedii geliyey khilaaf oo macnihii horena ku cidhiidhyey kii cusbaana aan ku degganayn oo u baahan kaabid iyo taageero, markaa ma waxtar baa misa dhaawac? !.
Haddaan idhaahdo: tebiyihii ayaa goobtaa dhaawac ku gaadhey iyo haddaan idhaahdo: turjumaankii baa goobtaa dhaawac ku gaadhey, kee ayay dadku ila fahmayaan? !.
Tusaale kale waxa aan u naqaannaa qofka halabuurka ah: Abwaan sida ragga ay ka mid yihiin Hadraawi, Gaarriye, Xasan Genay, Cabdiqays…iwm, haddaan Qaamuuskiina ugu yeedhno Abwaan sidaa kelmeddii loogu heshiinayaa, meeshase ma wax baa la soo kordhiyey misa kelmed inta meeshii laga saaray (Qaamuus) oo la naaqusay tiradii iyo hodonimadii Afka baa tii kalena macnihii shaki iyo isweydiin la geliyey, waxa ay ila tahay Afkan dadka ayaa u sababaya dhib iyo dacfi!.
Af si badheedh ah loo sameeyaa ma jiro, marka dan iyo baahi gaar ahi keento mooyee sidii erey bixintii la sameeyey markii Afka la qorayey, ee laga tarjumayey Afafkii kale ee buugaagtu ku qornayd, hadda wixii tiknoolaji ee cusub ee soo kordha waa suurtagal in erey bixin loo sameeyo laakiin erey guun ah oo weligii la adeegsan jirey Af kale ayuu innaga soo galaye erey bixin u sameeya ma soconayso mana aha wax caqliga iyo cilmigu ogol yihiin, Afku waa ka la isku fahmo ee lagu wada xidhiidho ee lagu fushado danaha nolosha ee kala geddisan, midda kale kelmedaha luqadi ka kooban tahay badnaantoodu waxay u soo jiiddaa hodontinimo oo waxa qofka u suuragelaysa in uu dhawr erey oo isku macno ah ama Af kale asal ha u ahaadeen ama yaanay u ahaane hadba kuu doono isticmaalo isagoo eegaya ku habboonaanta iyo daboolidda ujeedada lagu cabbirayo, metelan: fursad, jaanis, haleel waa saddex kelmedood oo isku macno ah, oo labo Afcarabi iyo Ingiriisi asal ahaan yihiin haddaan ka qabyaaladoodo labadaa erey oo ka tago anigaa ku dhib qaba o Af qani ahaa oo hodon ahaa ayaan caydheeyey oo faqri ka dhigay oo cidhiidhi geliyey adeegsigiisii sida raaxada leh ereygii habboonba aan si hawlyar u adeegsado, metelan saaxiibkaa ayaad ku tidhi: saddexda aan Masaajidka isugu nimaadno, markaas ayuu kugu yidhi: saddexda fursad ma haysto ama saddexda jaanis ma haysto ama saddexda ma haleelayo, inkastoo ta ugu danbaysa waxyar oo diidmo ah laga dhadhansanayo oo labada hore laga isticmaal badan yahay, haddana waa fursad ballaadhan in aad si raaxo leh kelmeddaad doonto u adeegsato, haddaad kuwa asalkoodu Afafka kale yahay meesha ka saarto adigaa isku cidhiidhyaya hadalkii iyo xorriyadiisii!!!, markaa looma baahna hadal la caadeystay oo la isku fahmo in la yidhaahdo erey bixin baan u samaynayaa, waa curyaamin iyo dagaal qaninimada iyo hodonimada Afkan Alle siiyey.
Tusaale aan soo qaadanno Rag isku deyey Erey bixino aan la aqbali karin:
Afdegel: waxay ku macneeyeen Lahjad, oo dadkoo dhami wada yaqaanno, degelku ma hadlo waa Saalada xoolaha marka ama roob qooyo ama kaadida xoolahu qoyso oo ay isku dhegto oo lakabbo noqoto.
Abwaan: waxay yidhaahdeen Qaamuuska ayaa Abwaan la yidhaahdaa, ma sidaan u baranay baan Hadraawi iyo Xasan geney iyo raga la mida ah Abwaan nidhaahnaa misa Qaamuuska ayaan ku sheegnaa Abwaan waa arrin fara ba’an ku haya Afka iyo xasiloonidiisa.
Xero edegayn: waxa ku macneeyeen wax caalami laga dhigayo, globalization, ma xoolaa dadka loo celinayaa oo xero inta laga sii kaxeeyo ayaa edeg la gelinayaa? ! maxay dadku kaga meeraysanayaan xeryaha iyo degelada ma Afkaa magansaday, caalam-caalami-caalamiyayn (globalization) iyadoo afkeennii kelmedii ku jirto maxaa buuro i saaraya
Tebin: waxay ku macneeyeen Tarjamo, waana kemed dadku wada yaqaanno oo aan u baahnayn beddelaad iyo erey bixin.
Waxa keliya oo Erey bixini ka bannaan tahay tignoolajiga cusub iyo aqoon cilmiyeedka daruuriga u ah nolosha ee innagu cusub, waxana Erey bixinta ka masuul ah oo shardiyo u dhigaysa oo hirgelinteeda iyo aqbalideeda yeelanaysa hay’ad gaara oo xilkaa iyo xilka Luqadda ama Afsoomaaliga ah haysa, sida Majmacu Luqa Soomaaliya, magacii la doono ha loo bixiyo ee ilaalinta iyo ogolaanshaha ka masuul ah, oo wixii waafaqa shuruudaha cilmiyaysan ee ay aqoon yahankaa Afku dhigeen ayaa hirgelaya, iyagaana ku talinaya sida loo fulinayo ee loo hirgelinayo wixii sax ah.
Afka Soomaaliyeed waa Af qoraalkiisu waafaqsan yahay dhawaaqa, waana Af sida loo doortay inkastoo ay Carabigu aad ugaga sii habboonayd, haddana waa Af daboolay dhamaan baahiyihii Af laga rabay oo dhan, wax habayaraatee xasillooni darro ah, ama qabyo ahna ma leh, sida ay dadka qaar qabaan, waxa dadka qaar ku doodaan in labanlaabka oo xarfaha qaarkood ay foolxun tahay in la adeegsado labanlaabkooda sida Dh’da oo kale, oo kelmedaheeda labalaabmaa aad u yar yihiin, iyo ereyo laba qaab ama wax ka badan loogu dhawaaqo ay jiraan, waxaas oo dhan ma aha wax iin u yeeli kara farta Soomaaliga oo ah far aan ceeb lahayn, oo waa Af hirgalay sida loo qoraana hirgashay, oo aan hadda loo fadhiyin wax isbeddel ah oo lagu keeno, qofkii isku dayaa isagaa daalaya!.
Afka Ingiriisiga oo ah Afka Adduunka ugu horreeya, ee loogu isticmaalka badan yahay, haddana marka la eego xasillooni darrada ama qabyanimada dadka qaarkood Afsoomaaliga ku sheegaan, Isaga ayaa Ingirisigu kaga badan Afsoomaaliga haddana dadkiisu uma baroortaan ee sidaas ayay kaga dhigeen Afka Adduunka ugu horreeya, Afka Ingiriiska waxa aad ku dhawaaqayso iyo waxa aad qoraysaa inta badan isuma dhowa, sida Saynis-science, Farmasi-pharmacy, Inaf: enough…iwm, waxa kale oo aad arkaysaa xaraf keliya oo dhawr dhawaaq oo kala geddisan loogu dhawaaqayo sida:
dhawaaqa fa’da waxa loo qoraa:
/f/
F fat, after, if, ffstuff, official, gh enough, roughneck, tougher, phphysics, apostrophe, graph, pph sapphire
Dhawaaqa ka’da:
/k/
k Keep, cookie, took, ck package, crackling, sack, c cool, cane, laconic, picnic, ironic,
cc accolade, accordin, cu biscuit, circuit, ch chemistry, school, lachrymose, tech,
cch saccharin, que conquer, plague, cque lacquer, racquet
Dhawaaqa Sha’da:
/s’/
sh shy, ashen, fishnet, hush, ch chef, moustache, si tension, emulsion, ssi profession, mission, shi cushion, fashion, ti station, option, ci precious, ancient, sci conscience, conscious, ce ocean, gaceous, su censure, cocksure, ssu fissure, tissue, assure
waxa jira dhawaaqyo kale oo fara badan oo sidaa dhawr qaab ku yimaadda sida: s, z, g, c, y…iwm
Afsoomaaliga oo sida ama waxa aad ku dhawaaqdo aad qorayso, waxa jira dhawaaqyo ka kooban laba xaraf sida DH, KH iyo SH. iyaga iyo xarfaha kale midna laysagama keenin si kediso ah, ee waxa loo eegay shardiga iyo sifooyinka cilmiga luqaddu leeyahay, oo xaraf kasta ama dhawaaq kasta waxa uu leeyahay sifo u gaar ah, sidoo kale waxa uu ka soo baxaa meel gaar ah (place of articulation-Makhaarijul xuruuf), taas oo summadda loo qaadanayo dhawaaqa ama xarafku ay waafaqayso meesha uu ka soo baxayo, xarfaha kale ee uu la jaarka yahay iyo sifada uu sitaa nooca ay tahay, markuu soo baxayo iyo markuu la kulmo xarfaha kale ee uu la samaynayo kelmedda, tusaale DH, KH iyo SH’du waa dhawaaqyo waafaqsan meelaha ay ka soo baxaan iyo sifada dhawaaqa sidaa darteed suurtagal ma aha in summad kale loo qaato, iyadoo summad sawirro ah la qaato sidii tii Cusmaaniyada oo kele mooyee, laakiin xaraf kale oo la yaqaanno meesha uu ka soo baxo iyo sifaha uu sito ma meteli karaan, dhawaaq kale oo aanay isku sifo iyo meel ka soo bixid wadaagin.
Dadka ku dooda in kelmedaha qaar haddii laga tago labalaab ay lahayd (sababtay doontoba ha looga tegee) in macnuhu is doorinayo, laakiin waa inay ogaadaan in kelmedda macneheeda dhabta ahi soo baxo marka ay weedh ku dhex jirto oo siyaaqa (context) laga garto laguna kala saaro, oo lagu kala sooco kelmedaha isku khaldami kara!.
Afka Soomaaliga dad fara badan ayaa dadaallo fara badan u sameeyey, dadka qaarkoodna iyadoo dadaal ka ah ayay gefaf iyo khaladaad u soo kordhiyaan, sida in aan aqoon qofkaasi u lahay xeerarka iyo shardiyada cilmiga luqada ee caalamiga ah, taas oo aan laga tallaabsan karin, waxyaalaha ka fog maskaxda ama nidaamka cilmiga luqada ee in badan la maqlo waxa ka mid ah arrimahan dhawrka ah:
Afka Soomaaligu waa dabargo’ayaa—waana hadal aan caqli ahayn waayo dadkii ama qawmkii ku hadlayey inta ay dhaqan yihiin dabargo’ loogama yaabo.
Waa Af u babac dhigay oo iska difaacay dhamaan wixii raadayn kari lahaa, oo labadiisii lugood qummaati ugu taagan.
Afka Soomaaliga waxa haysta xasillooni li’i, iyo qabyonimo xagga qoraalka ah—waana arrin aan sax ahayn oo aan cilmi ku salaysnayn, haysanna wax dalliillo cilmiyeed ah, ee waa mala awaallo ay ula muuqatay nin is yidhi dadaal.
Afsoomaaligu waa Af hodon ah, oo cabbiri kara dhammaan waxa dareenka aad ka hesho, oo macnihiisa si fudud u sawiri kara, sidoo kale waa Af hirgalay oo qoraalkiisu aanu ka daba teg lahayn, oo aan la joogin waqti wax laga beddelo ama lagu kordhiyo, waa Af waddadiisa jeexday oo xoog iyo awood uu iskaga difaaco Af kastoo soo galeeti ah leh, waa Af ilaa intii Ummaddan ku hadlaysaa beernayd ilaashaday sifihiisii iyo qiimihiisii oo aan maanta oo uu qoran yahay, oo buugaag laga allifay aanu lahayn cabsi iyo cid iino aanu lahayn ugu yeedha….
Afkani waa Af jeexday dhabbadiisii caddayd oo aanu jirin Af ku dherersanayaa habayaraatee marka laga reebo Carabiga oo ah Luqatul Quraan, dadka qaarna qabaan in Soomaaligu yahay farci Carabiga ka mid ah.
Afka Soomaaliga waxa ku jira kelmedo qalaad waa in erey bixin loo sameeyo—waa arrin aan suurtagal ahayn waayo kelmedaha beri hore Afsoomaaliga soo galay way ka mid noqdeen, oo maanta dadku Af cusub uma baahnee, kay ku hadlaan ee isku afgartaan waa afkoodii, kemedaha beri hore soo galayna waa la qarameeyey, oo ma aha suurtagal in tusaale ahaan “shoog” ama “jaanis” kelmedo kale lagu beddelo waayo waxay wiiqaysaa habsami u socodkii wada xidhiidhka iyo hadalkii weligeed laysku afgaranayey.
Kelmedaha Cilmiga ah ee aan hore erey bixinta loogu samayn keliya, ayaa bannaan in loo sameeyo Erey bixin, iyadoo guddi qaabilsani ay ogolaanayso marka ay dersaad iyo baadhitaan cilmi ah ku samayso, guddiga loo doortay Afka iyo Dhaqanka ayaa qofkii hela habboonida erey bixinta uu arko u soo gudbinayaa, iyagaana go’aan ka gaadhaya dhaxalgelinta erey bixintaas, iyo sida loo hirgelinayo ee loogu xusayo qofka leh fikraddaas iyada ah.
Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w
Warar Sheegaya in ay Xeebta Galbeedka ee Somaliland ay kasoo dageen Maleeshiyo ka tirsan Jabhadda ONLF iyo Xukuumada Siilaanyo oo beenisey
Hargeysa (sli) – Taliyaha ciidanka Ilaaladda xeebaha Somaliland Gen. Axmed Aw- Cismaan, ayaa maanta waxba kama jiraan ku tilmaamay war sheegayay in xeebta galbeedka Somaliland ay ka soo degeen maleeshiyo ka tirsan jabhadda ONLF, warkaasi oo uu daabacay Wargeyska Madaxa banaan ee OGAAL.
Taliyaha ciidammadda ilaaladda xeebaha Somaliland wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay wasaaradda arrimaha gudaha.
Taliyaha oo ka hadlayay warkaasi wuxuu yidhi “Waxaan idiinku yeedhay inaan beeniyo oo aan caddeeyo war ku soo baxay Wargeyska Ogaal maanta 20/02/2012-ka oo sheegaya in ciidammo ONLF ahi ay ka soo degeen xeebta Galbeedka Somaliland ee Bulo-caddo oo ay yidhaahdeen meeshii ay berigii hore ka soo degeen lafteedii ayay ka soo degeen. Warkaasi waa mid aan sal iyo raad-toona lahayn. Warkaasi waa war fool xun oo badheedh ah oo ku xumayn ah oo nusqaan ah oo aan meel laga keenay aanu jirin. Waa war nusqaaminaya hawl-galadda ciidammadda ilaaladda xeebaha iyo ciidamadda qaranka oo taakuleeya oo baddaha ilaaliya.”
Gen. Axmed Aw-Cismaan oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waa war nusqaaminaya dawladda Somaliland ee heeganka u ah ilaalinta baddaheena iyo dhawrida dawladaha aynu jaarka nahay ee aynu wada shaqaynta amniga iyo ganacsigaba leenahay waa war culayskiisa leh oo xumaantiisa leh. Waa war wargeyskaasi oo qudhi qoray. Gacanta ayaa lagu hayaa inankii qoray ee masuuliyadda warkaasi qoray. Inankii warkaasi qoray ciidammadda ammaanka ayaa baadhaya oo gacanta ku haya.”
Taliyaha ciidanka Ilaaladda xeebaha Somaliland waxa uu sheegay inay ciidammadda ilaaladda xeebuhu ay ku sugan yihiin heeganna kaga jiraan dhammaan xeebaha Somaliland oo dhan.
“Ciiddamadda ilaaladda xeebuhu waxay degan yihiin dhammaan xeebaha Somaliland illaa Bulo-caddo waana laga tabaabushaystay, waxaana kaalmeeya ciidammadda qaranka, xeebta Somaliland meel laga soo galaa ma jirto waana xeeb ilaashan, sidaasi ayaanan warkaasi ku beenaynayaa,”ayuu yidhi Taliyuhu.
Gen . Axmed Aw-Cismaan oo la weydiiyay inuu jiray tuhuno hore loo qabay oo la xidhiidhay in kooxo ONLF ahi ku soo wajahan yihiin xeebaha Somaliland, waxaanu yidhi “Marka hore war ayaanu helay waanu ka diyaar-garownay, gobolka oo dhan ayaa heegan ka galay. Jabuuti ayaa arrintan xataa heegan ka gashay anagaa heegan ka galay waana wax la wada ogsoonaa oo la iska ilaalinayay wax allaale iyo wax soo degayna may jirin. Waxaanu u qaadanay war badheedh loo sameeyay.”
Taliyaha ciidammadda ilaaladda xeebaha oo la weydiiyay inuu jiray markab u rarnaa Ganacsato reer Somaliland ah oo lagu afduubay xeebaha dalka Cumaan, waxaanu yidhi “Markabka waanu maqalay waxa la yidhi xeebta Cumaan ayaa lagu afduubay ayaa la yidhi nin budhcad badeed ah oo isku urursanayay meelahaasi Boosaaso shishadeedda ayaa afduubay baa la yidhi. Illaa imikana markabkaasi wuu maqan yahay meel aanu hawl gal ka samayn karnana ma aha ee waa xeebta Cumaan.”
Xaflad balaadhan oo lagu xusayay kacdoonkii dhagax-tuurka ahaa ee 1982-kii ay Taliski Siyaad Barre kala hortageen aqoonyahanadii dhalinyaradii ururkii UFFO
Hargeysa, (sli) – Xaflad balaadhan oo lagu xusayay sanad guuraddii koowaad ee ka soo wareegtay kacdoonkii dhagax-tuurka ahaa ee 1982-kii ay Taliski Siyaad Barre kala hortageen aqoonyahanadii dhalinyaradii ururkii UFFO iyo ardaydii Dugsiyadda sare ayaa maanta lagu qabtay fagaaraha beerta Xoriyadda ee magaaladda Hargeysa.
Xafladan oo ay soo agaasintay Dalladda ay ku bahoobeen ururadda dhalinyaradda Somalilad ee SONYO, waxa ka soo qeyb galay Wasiirradda Madaxtooyadda, dhalinyaradda iyo Ciyaaraha, Masuuliyiin ka tirsan xisbiyadda qaranka iyo Boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa.
Wasiirka dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Cabdi Siciid Faahiye oo ka hadlay xuskaasi ayaa sheegay inuu u soo joogay dhacdadii dhagax-tuurka oo uu ka mid ahaa dhalinyaradii reer Hargeysa ee kaareyaashii ciidamaddii Soomaaliya kala hortagay dhagaxa.
“Waxaanu doonayay dawlad wanaag, waxaana halgankii dhagax-tuurka ka dhashay halgankii SNM ee dib loogu xoreeyay dalka. Nasiib wanaag SNM dalkii way xoraysay maantana waxaynu haysanaa dawlad wanaag oo dhalinyaraddu ha u badnaatee iyagaa dhaliyay oo doortay dawladdan,”ayuu yidhi Wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha.
Wasiirku wuxuu ugu baaqay shacbiga Somaliland min Salal illaa Badhan inay garab istaagaan xukuumadda iyo madaxweyne Axmed Siilaanyo si ay ugala shaqeeyaan qadiyadda ictiraaf doonka.
Wasiirka Ciyaaruhu wuxuu sheegay inay abuureen qorsheyaal badan oo ay ku kobcinayaan ciyaaraha dalka iyo ururadda dhalinyaradda.
Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlay xuskaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay maalinta dhalinyarada Somaliland ee 20-ka Feberwari oo ku beegan xiligii uu curtay kacdoonkii dhalinyarada iyo ardayda reer Somaliland ay kala hortageen dawladii Siyaad Barre.
Wasiirku waxa uu sheegay in Golaha Wasiirradu ansixiyeen dalabkii uu tilmaamay inay u soo gudbiyeen dalladda SONYO oo la xidhiidhay in 20-ka Feberwari loo aqoonsado maalinta dhalinyarada si ay u noqoto maalin fasax qaran ah.
Wasiirku wuxuu ku bogaadiyay dhalinyaradda kaalintii ay ka soo qaateen halgankii dib u xoraynta dalka, waxaanu sheegay inaanay xukuumaddu diyaar u tahay wax kasta oo dhalinyaradda lagu horumarin karo.
Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay oo si qoto dheer uga waramay taariikhdii dhagax-tuurka Axmed Muxumed Madar oo ka mid ahaa aqoonyahanadii dhalinyaradii UFFO, waxaanu maalintaasi ku tilmaamay xiligii ay bulshadu si dhab ugu dhiidhiday dulmigii Taliskii Siyaad Barre.
Waxa iyaguna xafladan ka hadlay Guddoomiye Ku xigeenka Xisbiga UCID Jaamac Muxumed Hoori iyo Axmed Cabdi Daa’uud oo ka mid ah Gudida fulinta ee xisbiga UDUB waxaanay ka warameen taariikhdii maalintan iyo marxaladihii ay Somaliland soo martay, waxaanay xukuumadda ugu baaqday inay dedaal badan u gasho sidii dhalinyaradda loogu abuuri lahaa fursado shaqo.
SIYAASADA DHUUMASHADA DHABARKU MUUQDO (SIYAASADA SIILAANYO) qalinkii ISMAIL M GADIID
Saaxiibayaal salaan guud, waxaan jeclahey in aan wax ka yidhaadhdo siyaasada M/weynaha ee ku aadan arimaha dibeda oo aan ka soo qaadanayo dhawrkan qodob ee hoos ku xusan
1) M/weynuhu wuxuu sheegey in siyaasadii arimaha dibeda ee Somaliland uu bedeley lamana qeexin bedelkeeda(political statement only)
2) M/weynuhu wuxuu magacaabey safiir keliya oo la socdey magacaabista wasiiro, kaasoo ahaa safiir uu u magacaabey Ethopia, macnihiisuna ahaa ethopia muhiim nooma aha.
3) M/weynuhu wuxuu dhowr jeer ka dhawaajiyey xidhiidhka jaamacada carabta waxa la isweydiiyey ma inaga ayaa majaharihii badalney mise iyaga ayaa isbedeley? jawaabtu waa inaga ayaa isbedelney, jaamacada carabtu waxay ku adeegtaa siyaasada arimaha dibeda ee MASAR oo ku aadan in ethopia ay ahaato cadowga beesha soomaaliyeed tii ALLAH ayaa timid oo hilfaha u laabtey dawladii MASAR.
4) M/weynaha dawladiisu waxey tiro dhawr jeer ah ku celisey iney meel kasta u tegeyso danta Somaliland, su’aal meel kasta macnahee ayeey leedahey? lagama jawaabin ilaa hada waase lagu dhaqmaa si qarsoodi iyo muhmal ahba.
5) Shirkan London waa Booraan Hadimo oo uu M/weynuhu toos u ogyahey,wuxuuna door bidey in uu cad quudheed qaato, oo lacag iyo wax la mida oo shuruud quudheed ku jirto taasoo aynu ka calool adeygney toosna u diidney oo aynu nidhi GORGORTAN ma leh inagoo dhulka naalna 1991-2000, maanta oo aan dhisnahey kana fiicnahey dhan kasta waa maxey baahida maanta cad quudheed i cunsiineysa hase yeeshee waxaa maanta guudka u ritey ceebtaasi kaliya Golaha Wakiilada Somaliland, xukuumadu horeba wey iga qeyb gashey iyadu oo waa kii XIIMAAYE(wasiirka arimaha dibeda) lahaa waa markii u horeysey.
Afkeyga soo marin maayo Golaha Guurtida oo aan u arko waxa keliya ee aanu dheernahey Somalia,Gobolka,Geeska iyo Aduunkaba, qodobkan la hor keeneyna waa qodob si gaar ah u taabanayey Wakiilada, shirkan ma aha shir Soomaliya loo qabtey ee waa shir aduunyadu ka tashatey Somalia, waana Maxmiyad la gaadhsiinayo dawladnimo sidii 1950-1960, tana waa 10 sanno oo soo noqdey li’anna taariikhdu wey soo noq-noqotaa, kolkaas waa bar madow oo taariikhda siyaasadeed ee M/weyne Siilaanyo ku ooli doonta.
SOMALILAND horeyna siyaasi waxba yeeli kari waa maantana wey ku sii koreysaa waxeyna talaabadani soo dhaweyneysaa barkhadii iyo barwaaqadii ay SOMALILAND sugeysey mudada dheer oo ah dawladii CADAALADA taasoo dhamaan astaamihii muujinayey in la gaadhey ay muuqdaan, laakiin qolada hada horboodeysa kuma shaqeynayaan majarahaasi iyo mid u dhow toona waxey ku shaqeeyaan bil cakis waase mahad ALLAH kol hadii taagerayaashii indhaha iyo dhegahaba dabooshey maanta ay iyagu ugu dhawaaq dheer yihiin oo wixii shaley ay diidanayeen iney maqlaan oo aheyd RUNTII ay maanta qasab ku noqotey hadey jecel yihiin iyo hadey neceb yihiinba RUNNI WAA KAMA RAYS NOQOTEY
DHIGTA UDUB LA DOON DOON
DHUD AH OO XARIIR AH IYO
ISMA LAHA KU DHIICO LEH
DHAQSO UGU JUQAASHIYO
WAA SIDEE DHIMBIILOOW
INEY KALA DHAQAAQDEY
KU DHAWAATEY CAAWEEE
DHAWRKAN JILIBEE LOO SHIREY
DHUBUQ DHUBUQ HORAAN
DHABANADA LA HEYSTEE
DHAMACAW BAL FAALEE
DHAQANKEENU SUU YAHEY
SOO DHAWAA ILOWSHUHU
DHALINTII HARGEYSIYO
AAWEY DHAAYAHEENII
INTA DHAAWACEEN QABNO
MIDNA INAGA OON DHAYIN
MIYEEYNU HADAL KU DHAAFNAA?(shahiid AXMED-JIINIYAS)
Ismail M Gadiid London
imgadiid@gmail.com
19-02-2012
TACSI: Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo tacsi u diraya Qaraabadii Gudoomiye ku xigeenkii Gobolka Sanaag MARXUUM CABDICASIIS XASAN SICIID
Hargeysa, (sli) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane: Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku timid Gudoomiye ku xigeenkii Gobolka Sanaag MARXUUM CABDICASIIS XASAN SICIID oo ku geeriyooday Cusbitaalka weyn ee Hargeysa 19.02.2012.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo bulshada reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
XAFIISKA AF-HAYEENKA MADAXTOOYADA JSL.
Tacsi: Guddoomiye ku Xigeenkii Gobolka Sanaag Marxuum Cabdicasiis Xasan Siciid oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa
Maayarka Degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur Faarax
Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi
Wasiir-Xigeenka Maaliyadda Warsame Siciid
Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Cabdiwaaxid Cabdulqaadir Cabdulraxmaan
Maareeye Xigeenka Madbacadda Qaranka Jaamac Axmed Cabdiraxmaan
Suldaan Rashiid Suldaan Cali Ducaale
Boqor Maxamed Nuux
Maxamed Kaahin Axmed
Ismaaciil Xuseen Farjar
Maxamed Ismaaciil Kabaweyne
Maxamed Cartan
Dhammaan dadkaasi waxay Tacsi u dirayaan alle naxariistii janno ha ka waraabiyee Marxuum Cabdicasiis Xasan Siciid Guddoomiye ku Xigeenkii Gobolka Sanaag oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa, illahay waxay uga baryayaan inuu eheladii iyo qarabadii iyo shacabka uu xilka u hayey ee ka geeriyoodayba samir iyo iimaan ka siiyo
Best regards,
Ismail Hussein Farjar
VOA Reporter
ismailhm@hotmail.com
Badeecadihii cashuuraha shishlaa oo ka dabar go,ay dekeda berbera iyo dhaqdhaqaaq yaranta dekeda berbera & Saameynta bulshada ku yeelan karto “Fallo Wariye Mohamed Abdillahi Farah”
“Badeecadihii cashuuraha shishlaa oo ka dabar go,ay dekeda berbera iyo dhaqdhaqaaq yaranta dekeda berbera +Saameynta bulshada ku yeelan karto”
“Fallo Wariye Mohamed Abdillahi Farah”
Berbera(Sli)Magaalo xeebeeda gobolka saaxil oo xudun u ah dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Somaliland Islamarkaana ah isha dhaqaale ee dalka Somaliland leeyahay  ayaa waxa si weyn hoos ugu dhacay lixdii bilood ee Udanbeeyay dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dhinaca bagaashyada kala duwan ee ay dekeda berbera  kasoo dajin jireen ganacsatada reer Somaliland waxaana gabi ahaanba meesha ka baxay badeecado tira badan oo dekeda berbera si joogta ah uga soo dagi jiray kuwaas oo ah badeecadaha cashuurahoodu qeybta weyn ka ahaayeen dakhliga Faraha badan ee kasoo xeeroon jiray furdada kastamka berbera kaasi oo sida laga wada warqabo ay Caan ku aheyd dekeda magaalada berbera,
Waxaana wakhtigan xaadirka ah uu dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee dekeda magaalada berbera marayaa halkii ugu hoosaysay inta taariikhda la ogayahay iyada oo tibaaxaha la xidhiidha socod yaraanta ganacsi ee la soo daristay dekeda berbera  ay sheegayan  Sababo Iskumida iyo go,aano ay wada gaadheen qaar kamida ganacsatada ree Somaliland ahi waana mid aan Daahsaarnayn  dekeda magaalada berbera looga hayaamo dekeda dalalka jaarka ah  waxaanay Badeecadaha kooban ee wakhtigan xaadirka ah kasoo daga dekeda magaalada berbera yihiin Badeecadaha kuwoodii ugu hooseeyay dhinaca cashuurta ee aanay walibana wax cashuura Wasaarada Maaliyadu ku kordhin wakhtiyadan udanbeeyay ee cashuuro kordhinta faraha badan ay Wasaarada Maaliyada Somaliland iska daba keentaycashuuro kordhintaas oo la odhan karo waxay fursad khayriya Unoqotay ganacsatadii bagaashlayda aheyd gaar ahaan kuwii keeni jiray badeecadaha ugu qaalisan Waxyaabaha la cashuuro ee maaliyada badani uga soo xeroon hadaynu badeecadahaas dekeda berbera Ka wareegay ee hadana dalka yimaada iyaga oo kasoo daga dekeda Jabuuti iyo ta boosaso  haba kala badnaadaane hadii aynu qaarkood xusno waxa Kamida(All electronics)oo dhan noocu doono ha noqdee hadaynu waliba qaarkood xusno badeecadahaas berbera ka wareegay waxa kamida
Tvyada,Radio,yada,Computerada,Mobilada,Talaagadaha,Qasaaladaha,Receverada, Dvdyada oo noocyo badan iyo saacadaha noocyadooda kala duwan waxa kaloo iyaguna gabi ahaanba meesha kabaxay oo aan Dekeda berbera kasoo dagin(All Cosmatics)ka oo noocyadooda ay kamid yihiin Cadarada,Creamada, Qalabyada guryaha lagu qurxiyo,saabunaha jidhka qeyahooda ugu uduga badan ee cashuurtooduna sarayso iyo qaar Kaloo badan oo aynaan halkan kusoo koobi Karin waxse aan iyana xusaynaa oo kamida waxyaabaha dalkana soo gala dekeda berberana kadbar goy (all Spare parts)hadaan intaa kaga gudo Badeecadaha cashuuraha waafiga ahi kasoo xeroon jireen ee dekeda berbera ka dabar goy iyo sababaha Dabar goyntaa keenayba aynu gadaal ka sheegi doono waxa aan iyana isyara dultaagayaa badeecadaha Aanay cashuurahoodu shishleyn ee dekeda sida gabaasiga ah ugasoo daga waxa kamida Sibidhka,Bariiska,Daqiiqda,Sonkorta,Looxa qoricaska ah iyo ka cadaanka ahba waxa iyana kamida Cawda ama darinta la gogolado,Huudhaydhka,Garaa,idka iyo Iron pipeska
waxaana arimahaa isbiirsaday ee dhaqdhaqaaq yaraanta ganacsi laga wada dareemay guud ahaan Gobolada Somaliland ee xidhiidhada ganacsi la lahaa dekeda magaalada berbera iyo waliba dakhligii ay Wasaarada maaliyada Somaliland ka heli jirtay ama uga soo xeroon jiray xarumaha wasaarada maaliyadu ku leedahay  magaalada berbera iyada oo si khaasa ay dhaqdhaqaaq yarantan ganacsi saamayn Xoogan ugu yeelanatay dawladaha hoose ee gobolada dalka ee kabka ay wasaraada maaliyadu qaban jirtay balse waxa saameynta ugu weyni ay soo gaadhay dadyawga kala duwan eek u dhaqan xarunta gobolka Saaxil ee berbera kuwaasoo intooda badani  siyaabo kala duwan uga xoogsan jiray Badeecadahaas marsada magaalada berbera,
Hadaynu sababaha dhabta ah iyo dekedaha  lala xidhiidhinayo dhaqdhaqaaq yaraantan dekeda berbera iyo dhaqaalahan qaranka ee hoos udhacay taabano bal horta aynu sheegno inay dhamaan badeecadahaasi dekeda berbera ka dabar Go,ay sicaadiya uwada yimaadaan dalka maxaa sababa halkee ayay kasoo Dagaan maxaase sababay aynu ku horeyno sababta dhabta ah ee keentay hoos udhaca dhaqdhaqaaq yaraanta dekeda berbera marka uhoraysa
Waxa ay badeecadahani sitoosa ugasoo dagaan dekeda magaalada Jabuuti iyaga oo soo mara ama lagu Cashuuro kastamka Seylac ee wasaarada maaliyada Somaliland halkaas oo siwanaagsan isu fahmeen hawl wadeenada wasaarada maaliyada ee kastmkaas ka hawl gala oo aan habayaraatee badeecadahaas Sidii loogu talagalay ee sharciga aheyd aan u cashuurin musuq iyo wax isdaba marin ku shaqeeya Waxaana taasi sahlay koox katirsan dilaaliinta badeecadaha kasoo iibiya suuqyada Dubai iyo Chinaha oo sida aanu xogo ku helay samaystay shuraako wada shaqeyneed oo xidhiidhsan ilaa iyo mukhaliska kasoo Saara dekeda Jabuuti iyo kuwa iyaguna badeecadahaas ka cashuura kastamka Seylac,
Waxaanay xogo dheerada oo aanu ka helay xubno xidhiidh la leh kooxdaa shuraakadaha ah ee xidhiidhsan ilaa suuqyada Wadamada Asia ee badeecadaha laga soo iibsado iyo kuwa dekeda Jabuuti kasoo saara badeecadaha oo Magacooduna yahay Badbaado Cargo ay sheegayaan in ganacsadaha Hargeysa dagan marka uu badecadaha diranayo laga wada qaado lacagaha soo iibinta badeecadaha uu doonayo iyo kharshiyaadka Ku baxaya raridooda iyo noolka koonteenarka badeecadaa lagu soo gurayo sida hadiyo jeer lagu yaqaanana badeecadahaa kasoo daga Jabuuti waa qaar lagu soo xafido Koonteenaro oo aan haba yaraatee lasoo saarin doonyo iyo maraakiib isku siidaysa Iyada oo aany xubnaha wararkan aanu Ka helay sicad noogu sheegin qiimaha isku raranka ah ee ganacsatada ay kooxahaasi isku duubani ugu soo Waaridaan macaa cashuur Ilaa soo iibin ayaa hadana waxa aad dareemi kartaa in ay ganacsatadu il iskaga garteen wada shaqeyntaas oo aanay wax muhmali saareyn iyada oo qaar kamida mukhalisiintii dekeda berbera badeecadaha ka cashuuri jiray intooda badani kamid yihiin kooxdaa Badbaado Cargo la baxday oo aanay si cad uga warqabin masuuliyiinta wasaarada maaliyada Somaliland
waxaana la odhan karaa waxa ay kooxdaa badaado fasahaadiyeen dhaqaalihii wadanka ee isaga oo caafimaad qaba khasnada maaliyadeeda ee qaranku ku dhici jirtay waxaanad moodaa in aanay masuuliyiinta Wasaarada Maaliyada Somaliland kaba war qabin dhacdooyinkaa mija xaabiyay dhaqaalihii yaraa ee dalka kasoo Xeroon jiray ,Waxa kaloo iyana isweydiin mudan kastamka Seylac iyo ka berbera maxaa udhaxeeya miyaanay labaduba wasaarada maaliyada ee Somaliland katirsanayn mise Dawlada Jabuuti ayaa cashuurta badeecadaha ksoo daga dekeda Jabuuti,Maxayse ganacsatadu ganacsigoodii ugu wareejiyeen dhinaca dekedaha jaarka ha ugu badnaato ta Jabuutiye waa su,aal jawaabteedu iska cadaan tahay oo qofkastaaba  garan karo,
Waxa iyana hore ujirtay in waxoogay far kutirisa oo kamida ganacsatada reer Somaliland gaar ahaan Kuwa gobolada barigu iyaguna ay badeecadahooda kala soo dagi jireen dekeda maamul goboleedka Putland ee Somaliya balse waxay aheyd markii aanay Jabuutina raacin mid aan wax dareena laga qabin oo waxa daboolayay dhaqdhaqaaqii xoogan ee dekeda berbera laakiin imika waa isla oogsatay  waxaanay umuuqataa hadaan si dagdaga cashuurahaa ku lumaya kastamada galbeeda Somaliland gaar ahaan kastamka Seylac in aanay wasaarada maaliyadu kafaala qaadi karin soo xereynta dhaqaalaha dalka ee ay uxil saarantay sidoo kale waxa iyana aad moodaa in ay kastamada Seylac iyo berbera laba tacriifadood ku kala cashuuraan badeecadaha
Waxa aanu cadadyada danbe ee soo socda idiinku soo gudbin doonaa iskuday fashilmay oo uu xoolaha ganacsatada reer Somaliland geyn jireen Yaman uu ganacsadaha carbeer ee xoolaha dhoofiya ee Abu Yasir uu la damacsanaa  in xoolaha Somaliland ee yaman la geeyo isaga oo dawlada Yaman iskudayay in uu heshiis kula galo in xoolaha Somaliland lasoo mariyo Jabuuti oo ruqsado caafimaad ay kasoo qaatan hadii kale aan Lageyn karin dalka Yaman waxaana xoolahaa ubadan Lo’da.
Lasoco qeybaha danbe.
Reporter by Mohamed Abdillahi Farah Somalilandinfo.com
Berbera/office/Somaliland
Soofadhiiste@hotmail.com
Madaxweyne Siilaanyo oo magacaabay Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha Somaliland
Hargeysa, (sli) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay 0199/022012 ku magacaabay Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha Somaliland.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad, ee xarafka (kh) ee Distoorka Qaranka,
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Jaaliyadaha Somaliland u leeyihiin Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadda Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha Jaaliyaddaha Somaliland.
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markuu ku qancay: in uu hanan karo xilkan loo magacaabay.
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Maxamuud Cabdiraxmaan Cali, laga bilaabo taariikhda maanta 18.02.2012 uu ahaado Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha ee Somaliland. Xaafiiskaas oo hoos imanaaya maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibedda.
ALLAA MAHAD LEH
XAFIISKA AF-HAYEENKA MADAXTOOYADA JSL.
Biyo la’aan baahsan oo ka jirta Xarumaha Ganacsiga Somaliland ee magaalada Tog-wajaale
WARSAXAAFADEED
Ku: Wasiirka Macdanta & Biyaha Somaliland
Cc: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Taariikh:18 February 2012
Qoraal #:TWF-118022012
Ujeeddo: Biyo la’aanta baahsan ee ka jirta xarunta Ganacsiga Somaliland ee magaalada Tog-wajaale
Marka hore waxaan Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Biyaha ee Somaliland, mudane, Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, aan u soo gudbinayanaa salaan qadarin & sharafba mudan,waxaanan kuugu hambalyeyneynaa dadaalka aad ugu jirto sidii aad wax uga qaban lahayd biyo la’aanta ka jirta degaano badan oo dalkeenna ka mid ah.
Bishii December 6,2011 , waxaad mudane Wasiir shir saxaafadeed ku shaacisay, in Midawga Yurub ay $31 Malyan oo Dollar ku bixinayso biyo balaadhinta afar magaallo oo ay ku jirto magaalada Ganacsiga Somaliland ee Tog-wajaale, una qoondeeysay lacag dhan $2 Malyan oo Dollar .
Magaalada Tog-wajaale,oo maalinba maalinta ka danbeysaa ay si xawliya u kordhayso shacabka ku nool iyo baayac mushrarkuba,kuna taalla xuduuda Somaliland iyo Dalka Ethiopiya,waxay baahi aad u ballaadhani ka haysataa dhinaca biyaha.
Mudane Wasiir,waxay Hay’adda Samo-Falka ee Tog-wajaale Foundation, kaa codsanaysaa inaad war bixin naga siiso halka mashruuca biyaha ee Tog-wajaale marayo & waqtiga aad u qorsheysay.
Hay’adda Samo-Falka ee Tog-Wajaale Foundation
Guddoomiye,Eng.Maxamed Cali Muse
TogwajaaleFoundation@Gmail.com
Yaa harageedii nagaga celiya? Qaybtii saddexaad Qalinkii Abdi M. Saleiman (Mingiste)
(Taariikhaha 5 Feb iyo 23 Feb iyo shaqsiyaadka xilka ummadda xilligan hayaba ,waxay ahaan doonaa qaar ay shacabka reer Somaliland xasuusan doonaan,wanaag iyo xumaan hadba kay ku xasuusan doonaana ILLAHAY ayuun baa og)
Xusuus:-
Madax badan oo ka mid ah madaxdii ugu saraysay Dowladihii Soomaaliya soo maray intii u dhacaysay 1960 ilaa 1991,waxaa ka maqlay iyagoo leh “Somaliland waxaa 1960kii ka yimid dad yaacaya,jibaysan,oo Somaliweyn madaxmartay,oo aan wax talo ah ku wada socon,taas ayaana keentay in ay waxba ku yeelan waayaan awoodii Dowladihii jiray xiligaas”
“Waanu u sii tashanay haddii aanu Soomaalidii Koonfurta nahay,oo waxaanu ku talo galay in aanu shuruudo ku xidhno,laakiin Woqooyi waxaa ka yimid dad iska yaacaya oo aanay waxba u diyaar ahayn”
Xusuuso:-
Md.C/raxman Axmed Ali(C/raxman Tuur) Madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliland (ILLAHAY naxariistii Jano ha siiyo,wuxuu yidhi:-
“Shacabka ayaa doortay gooni isu taaga Somaliland ,shacabka ayaa laga rabaa in ay ilaashadaan”.
“Waa laga yaabaa in aanu qaldano haddii aanu Siyaasiyiinta nahay,ee waa in Shacabku na ilaaliyaa,oo ay wadada saxa ah nagu toosiyaan”
“Reer Somaliland si yar ayaa jibo u qaadaa,waxaa fiicaan in aad iska ilaalisaan deg dega iyo jibada”.
“Waa in aynu iska ilaalinaa wixii ay 1960 kii ,inagu dhacay,waxaa fiican in aanay mar labaad inagu dhicin”
Xusuus:
Maxamed X.Ibrahim Cigaal-Madaxweynihii 2aad ee Somaliland ILLAHAY naxariistii Jano ha siiyo,wuxuu yidhi:-
“Qof caashaq ayeynu naqaanaa” “Weli inta aynu meel fadhiisanay ma isweydiinay maxaa inoo dan ah? “Way howl yar tahay sida la idiin karbaashaa” “ dan la iima dooran ee ILLAHAY ayaa ii qoray”—–Erayadaa waxaa Khayrida Hargeysa ka yidhi ILLAHAY NAXARIISTI JANO HA SIIYEE Madaxweynihii hore ee Somaliland Md.Maxamed X.Ibrahim Cigaal.
“Kuwii dhintay idiinkama baahna in aad u aartaan,idiinkama baahna in aad u ooydaan,kuwa nool ayaa idiinka baahan in aad badbaadisaan”
“Shalay jibo ayaa idin geysay Soomaaliya,maantana jibo ayaa idin keentay Somaliland,berina jibo ayaa idin geyn doontaa Soomaaliya”
Xusuus:-
Md:- Daahir Riyaalle Kaahin,Madaxweynihii hore ee Somaliland wuxuu yidhi:-
“Dumuqaraatiyada Somaliland maanta ka jirta waxaa aasaaskeeda lahaa Madaxweynihii iga horeeyey, ALLE ha u naxariistee Md.Maxamed X.Ibrahim Cigaal,anigu waan hirgeliyey,waana taas aynu maanta midhaheedii guranayno”
“Nabad aad keligaa haysataa waxba kuu tarimayso,waxaa ku dadaalay sidii aan wadamada deriskana ula heshiin lahaa,waxaan ka bilaabay Jaabuti,Itoobiya iyo Kenya “
“Walaalkay Ahmed (Siilaanyo) wuxuu nasiib u yeeshay in uu la wareego dal dhisan ,nbadad ah,wada jira,dadkiisii wada joogaan “!!
Xasuus:-
Abwaan Ibrahim Gadhle ILLAHAY naxariistii Jano ha siiyo!
Waar! hoy! dadkaygoow
Laba daan dhexdoodiyo
Dalqo bahal qof galayoo
Dirqi iyo tu fool adag
Debedda ugu soo baxay
Halkii shalayto lagu dilay
Ma dareemi waayee
Durba miyaa iloowdeen
Duunyadiinii dhacantiyo
In dadkiinii maqanyahay
Xusuu:-Abwaan Cali Sugule:-
Nina diric ahaantii
Daleel guusha kama helo
Dadkaa geesi lagu yahay.
Hadal iyo dhamaan ma layaga yaabaa in mar kale ay reer Somalilnd galaan qaladkii 1960kii ay galeen ? ma laga yaabaa in reer Somaliland ay markale iska yaacaan iyagoon aan wax shuruud ah la gelin Soomaaliya ?, suaalaha jawaabahooda runtii aad iyo aad ayey u adag yihiin xilligan,balse waxaa muuqda saansaan u eg tii 1960kii, xusuustaa faraha badan iyo halgankii dheeraa shacabka reer Somaliland soo galeenna wuxuu u muuqdaa “hal bacaad lagu lisay”
ALLAA MAHAD LEH
[ 1-aad ]  [ 2-aad ]  [ 3-aad ]
Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)
Political Analyst
abdi_saleiman@hotmail.com
Mas’uuliyiinta iyo Wasiirada Xukuumada Siilaanyo oo isku dhexyaacey kadib markii Eedeymo loo soo jeediyey
Hargeysa (sli) – Laba masuul oo ka tirsan xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa si wada jir ah eedaymo ugu jeediyay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo agaasimihii khaarajiga ee iscasilay Maxamuud Raage.
Agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha Cabdilaahi Xuseen Cigge (Balaaki) iyo guddoomiyaha xafiiska siyaasada iyo xidhiidhka golayaasha Somaliland Bashiir Cabdi Xariir, ayaa sheegay in agaasimihii guud ee iska casilay wasaaradda arimaha dibadu uu iscasilay markii bay yidhaahdeen uu ka war-helay in Madaxwaynuhu talaabo ka qaadayo “Waxa dhawaan is cailay Agaasimaha guud ee Arrimaha dibadda Maxamuud Raagge, waxa markii hore loo magacaabay Agaasimaha guud ee wasaaradda Cadaalladda waxa xilkiisu ahaa oo uu Xoghaye u yahay Gudidda Cadaalladda. Wasaaradii iyo Gudidii cadaaladda wada shaqayn la’aan ayaa ka dhex bilaabantay,wuxuu markiiba madaxtooyadda uu kula soo noqday cabasho uu wax kaga sheegayo Wasiirkiisii Ismaaciil Muumin.Madaxweynuhu magacaabay Guddi soo baadha xabsiyada iyo maxaabiista ku jirta waxa ka soo baxday warbixin naxdin leh waxa la arkay maxaabiis ku muddo dhaaftays xabsiyadii . Markaa wuxuu madaxweynuhu kala diray Gudiddii Cadaaladda oo ka koobnaa 11 xubnood, maha aha sidii Maxamuud sheegay ee uu yidhi Hooyaday walaalkeed ayaa la eryay, anigu haddii aan ka hadlayo waxaan odhan lahaa abtigay. Madaxweynuhu maalintaasi isbedel mugleh iyo tallaabo ragonimo leh ayuu qaaday.”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Markii Madaxweynaha iyo Wasiirkii Madaxtooyaddu arkeen inuu dhaqankii uu kala yimi Wasaaradda cadaaladda uu arrimaha dibadana la yimid markii uu dareemay dareenka laga qabo iyo siday madaxweynaha uga go’an tahay xubnaha noocaas ah ee lugooyadda ku ah wada shaqaynta in talaabo laga qaadayo ayuu markaa si deg deg ah u yidhi waan is casilay”
Bashiir Cabdi Xariir waxa kale oo uu ka hadlay hadal ka soo yeedhay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Kulmiye “Waxaan kalmad yar ka odhanayaa hadalkii C/Rxmaan C/Qaadir oo aanu muddo dheer KULMIYE wada ahayn oo aanu saaxiib ahayn oo aan anigu runtii jeclaa markii xukuumaddan la dhisayay uu xubin Wasiir ah ka noqdo oo aan u olaleeyay nasiib darro may soo bixin oo ILAAHAY muu qorin, waxaan leeyahay dalka Horumar iyo waxqabad ayaa ka socda waad nala arki lahayd haddii aad ku jiri lahayd haddii aad xukuumadda ku jiri lahayd. Waxaan leeyahay runtii C/Raxmaan umay wanaagsanayn wixii uu ku hadlay.”ayuu yidhi Bashiir.
Agaasimaha guud ee wasaaradda daakhiliga Cabdilaahi Balaaki oo isna ka hadlay arimahaasi ayaa yidhi “Maxamuud laftiisa ayaa war ii sheegay oo wuxuu igu yidhi dadkayaga dibadda ka yimaada irbado ayaanu qaadanaa nina waa lix bilood, ninna waa sanad wuxuu igu yidhi ninka markay Irbaddu ka dhamaato isaga ayaa qeyliya oo wuxuu yidhaahdaa irbaddii ayaa iga dhamaatay. Waxaan filayaa inay imika Maxamuud Irbadii ka dhammaatay ee halala gaadho.”
Maxey ku Dhacdey in Soomaaliya ay Xafiis ka Furato Dalka Koonfurta Suudaan Somalilandna loo Diido inay ka Furato Xafiis?
Wasiirka arimaha dibada
Hargeysa, (sli) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa si faahfaahsan uga jawaabay eedaymo la xidhiidha arrimo musuqmaasuq oo uu toddobaadkan u soo jeediyey agaasimihii guud ee wasaaraddiisa iska casilay.
Warsaxaafadeed Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ka soo saaray xalay magaalada Hargeysa oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya soo gaadhay, waxa uu u qornaa sidan:
“Kadib markii aannu wada aragnay, kana baarandegnay arrimhii uu ka hadlay Agaasimhii Guud ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mr. Maxamuud Raage Ibraahim, waxaannu jecalahay inaannu jawaabo faahfaahsan ka bixinno arrimihii uu ka hadalay.
Inkastoo xafiiska Hantidhawrku wado baadhis maamul oo aannu sugayno natiijada ka soo baxda, waxannu caddaynayana inaannu jirin haba yaradee musuqmasuqa uu ka hadalay agaasimuhu. Nidaamka xisaabaadka ee Wasaaradda Arrimaha Dibeddu wuxuu waafaqsan yahay sharciga maaliyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland. Kharash aan waafaqsanayn shuruucda iyo nidaamka hab-xisaabeedka ma gudbo. Kharashka Wasaaradda waxa iiga masuul ah Agaasimaha Guud, isagaana saxeexa, waxayna u gudbaan marka hore Xisaabiyaha Guud ee Dawladda kadibna baanka.
Kharashyada uu saxeexay Agaasimihii Guud oo ku baxay sifo sharci ah in inuu yidhaa waa “musuq” waa khalad. Halkaa waxa ka muuqda arrin gef iyo mala-awaal ah oo xaqiiqda ka fog.
Wasaaraddu waxay ka hawlgashay sidii xafiis Somaliland uga furan lahayd Koonfurta Sudan. Xaaladda Koonfurta Sudan hadda ku jirto iyo iyo siyaasadoodu xidhiidhkooda cusub oo dib u dhacday awgeed ayeyna weli suurtogalin in xafiiska la hirgaliyo imminka. Arrintani waxay imminka sugaysaa fasax laga helo dawladda Koonfurta Sudaan iyo xidhiidhka labada dal. Kharashka uu ka hadalay agaasimuhuna badhna waxa lagu qabtay hawlo qaran oo la xidhiidha hawshaasi, intii kalana waxay sugaysaa tallabooyinka hadhay ee la xidhiidha furitaanka xafiiska Somaliland ee Koonfurta Suudan.
Waxa kaloo Agaasimihii hore sheegay in la xidhay xafiisyo wakiillada dibadeed qaarkood. Taasi waa arrin jirta, waana siyaasad dawladeed, waxayna ku salaysan tahay baahida siyaasiga ah iyo muhiimadda ay leedahay waddamada xafiisyada laga furayo. Metelan waxaannu joojinay wakiillo aannu ku lahayn dalalka Pakistan iyo Newsland. Nooma muuqato muhiimadda siyaasadeed oo arrintaasi leedahay marka la eego heerka dhaqaale ee dalka.
Haseyeeshee, dhinaca kale waxa la furay xafiisyo cusub oo aannu u aragnay inay mudnaan gaar ahaaneed u leeyihiin Somaliland siyaasad ahaan iyo dhaqaaleba, waxana ka mid ah dalka Jabuuti oo aannu xidhiidh cusub iyo safaarad cusub ka furnay oo ay ka hawlaglaan diblomaasiyiin Somaliland u dhashay. Waxa kaloo aannu xafiis wayn ka furnay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo aynu barigii hore ku lahayn qof wakiil ah oo keliya oo aan xafiis iyo shaqaalaba lahayn. Waxaannu kor u qaadnay xafiisyadii aynu ku lahayn Maraykanka iyo Itoobiya. Waxa kaloo aannu wakiillo cusub ku yeelanay Sucuudi Arabiya. Waxa kaloo aannu leenahay adeegyo diblomaasiyadeed oo ay bixiyaan hay’ado caalami ah ka taageerta arrimaha diblomaasiyadda Somaliland iyo la-taliyaal waddani ah iyo kuwa caalamihaba oo ka hawlgala Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland,” ayuu Wasiirka Arrimaha Dibaddu ku soo gunaanaday warsaxaafadeedkiisa.
Waraysi layaableh oo lala yeeshay Jaceylka: Jaceylaw dadka aad jeceshahay ee aad saacido manoo sheegi kartaa?
S1: Jacaylaaw ina ayaad tahay?
J: ina daacad baa lay yiraahdaa,dab bakhtiiye ba lay yidhaahdaa,colaad damiyaa ba lay yidhaahdaa,dawiyo nabad ba lay yidhaahdaa,lamaane dejaa lay yidhaahdaa,ma doonto cidaan irabin mana diido qofkii i jecel,dud duskiyo xumaha ma aqaano dareeqa madawna ma galo ,ab abooto iyo isir midna ma lihi,aadamahana jaar ban la ahoo culumo iyo caamo waa isugu kay mid qofkuu damac iga galana daqiiqad iguma qaato.
S2: kuwan aan daqiiqada kugu qaadan ma isku si baad u waraabisaa?
J: mayee qaarna suniyo dacar baan cabsiiyaa qaarna timir iyo miid baan mud siiyaa.
S3: Majiraan astaan lagugu garan karo markaad duulaanka sootahay?
J: taasi waa sir iiqar soonoo mana jecli inaan faafiyo .
S4: Maleedahay cid lagaaga dacwoodo?
J: maya waxan ahay dawlad calan leh cid ila hadli kartaana majirto, qabiil kuma shaqeeyo aduun kana meel aanan taagnayn malaha .
S5: Qolo aad wada shaqaysaan ma jirtaa?
J: haayoo waxa la yiraahdaa calaf, nasiib, guur, dookh, furiin iyo nacayb, mid walbana wuxuu u xil saaran yahay hawl waxayna uga soo baxaan sidii loogu tala galay .
S6: Qolyahaa wax manooga faah faahin kartaa?
J: taasi way cadahayoo magac yadoodaad ka fahmi kartaan mid waliba wuxuu qabto, sidoo kale mid kastaa wuxuu leeyahay waqti u gaara .
S7: Hawl galkooda ma adaa udira mise iyagaa iskood u qabta?
J: ku dhaqaaqa hawla hoodu anay igasoo fulaan markaa hawl aanan qalinka ku dhigin ma qabtaan .
S8: Ma jiraan dadaad asxaan u samaysaa?
J: haa caruurta aan qaan gaadhin lakin caama iyo ciroole daris baanu nahay .
S9: Waxa jirta suaal aan ku weydiiyoo jawaab teeda aad ka wer wereegaysid ee qolyaha kula shaqeeya maxay qabtaan?
J: kamaan wer wereeginee wan kuu dul maray, lkn hadaad igu soo laabtay waxan jeclahay laba tusaale inaan kaa siiyo qaabkay u hawl galaan, markaa waxa wada shaqeeya dookh, nasiib, calaf iyo guur wayna isku silsila daysan yihiin. Qofbaad jacayl u qaaday dalab kaasaa noqonaya dookh, dookhiibaa wuxuu kuusii dhiibayaa nasiib, kaasoo ah nasiib kaad ku heli lahayd qofkaad jcyl ka u qaaday, nasiibkii ayaa hadana wuxuu kuusii gudbinayaa albaab ka calafka ee Alla is kugu kiin daray, kaasina wuxuu kugu simayaa kursiga barwaaqada ee ah guur, waxa kaloo wada shaqeeya masayr, nacayb iyo furiin, qaabkan ayayna ku wada shaqeeyaan oo 2ba qofoo ay wax ka wada dhexeeyeen ayaan dhexdood waxan jirin ka tusaaa oo masayr ku shidaa, masayr kii ayaa wuxuu garaacayaa albaab ka nacayb ka, nacayb kiina wuxuu halkaas ka dhalinayaa buuq iyo qaylo ilaa aakhirka uu jaraska ama ganbaleel ka furiinku uu dhawaaqo .
S10: Haayad u dooda xuquuqda aadamaha ayaa waxay sheegtay inaad dadka gumaad ba’an ku haysid, taa maxaa ka jira jacaylaaw?
J: dadka qaar dugsigeyga way ka aflaxaan qaarna qasaarooyin ayaan u geystaa oo waa lala yaabaa, taasina waa jadwal ka aan ku shaqeeyo .
S11: Marka aan ka tagno dadka ka aflaxay dugsigaaga, kuwa qasaarooyin ka aad u geysatay ciday yihiin manoo sheegi kartaa?
J: waxa kamida kuwooda caanka ah cilmi boodhari oo sidaad wada garanaysaan dhib badan igala kulmay markuu jcyl daran u qaaday hodan iyana ayku gacan seegtay inay wax la wadaagto, sidoo kale asxaabta aan cafiyey waxa kamida cantar iyo ceebla, qays iyo layla iyo kuwo kaloo badan .
S12: Jaceylaw dadka aad jeceshahay ee aad saacido manoo sheegi kartaa, se tiro ma leeyihiin?
J: waxa u jeclahay ka daacada ah oo waxan cabsiiyaa malab waxaanan kadhigaa ka ugu farxada badan aduunka, waxaa astaan u ah qofkaas, qosol, labis badan, furfurnaan, dabeecad wanaagsan iyo bashaashnimo.
dhamaad
Madar r00bla dhacle
mattar_91@hotmail.com
Jimce 24: Isku Soo Yaaca, Waan Is casilayaa Warbixintii Qalinkii: Abdifataah Mohamed Ahmed Ceelaabe
Immisa Jeer ayaad maqashay Xubin dawlada ku jirta oo xilkii loo dhiibey iska casila ama wareejiya. dad badan intaan xilku waa meerto la odhan ayey iyagu iska casilaan. dad badana seefta ayaa ku dhacda iyaga oo aan iska war heynin. Sorry Jidhif, Welcome Shaqalle. Ragg badani marka ay ka war helaan in lagu soo socdo ayey iska sii hor casilaan. Ragg badan marka la maqlo waa la casilayaa Bulshada ayaa u kacda oo Diidmo Qayaxan guux hoose ugu muujisa Xukumadda. Ma arkeysaa Wasiirada marna aanu Jecleyn in Madaxweynuhu xilka ka qaado, Ma arkeysaa sida Maxamed Xaashi loogu Dhegsan yahay.
Xilka ayaan iska casilayaa, Markaa sidaasi ayaan idinku Yeedhey bahda saxaafada in aad igu ogaataan. Bulshadii isoo doorateyna waxaan jecelahay in aan u sheego Istiqaalada aan bixiyey iyo xil wareejinteyda intaba. boqolaal jeer ayeynu maqalney ama soo aragney. Kani waaba Agaasime Yar wasaarada arimaha dibada ee wakhtigan la hadalhayo, Wasiiro ayaa la soo arkey, Macadala waaba agaasime Yar. Reer somaliland Miyeyna Kuwii hore loo bartey. Miyeyna aheyn dadkii wax iska ilaawi jirey, Miyeyna aheyn dadka caadifada iyo xamaasada badan, Miyeyna aheyn dadka Mucaaridnimada iyo hore u kicidu ay ku badan tahay. Waryaa dib u xasuuso Immisa wasiir iyo Nin ayaa sir soo bandhigey, Immisa ayaa qudhun iyo wax xun ka sheekeeyey markii xilka laga qaaday ama loo diidey. Immisa ayaa lala yaabey ama lagu farxey wixii ay dawlada ka sheegeen laakin ayaamo ku dhammaatey. Boqolaal ayaa sir dawlada ka sheegay, Boqolaal ayaa Musuq maasuq ama arimo xun dawlada ka sheegay markii ay ka baxeen Cidina halkii kamey soo qaadin. Maxaa wasiir hadal xun ku hadley la soo ilaawey ama aan dib arintiisa halkii looga soo qaadin, Mise waaba Agaasime Yar.
Waxaad Modaa in Dawladu ay u dumeyso ama u dhaceyso Hadalkaasi Yar. Siyaasigu been nooma sheegi karo, Siyaasigu dadkii beer laxawsiga uu ku wadan Jirey ma nihin. Ninka is casiley arimaha uu ka sheekeynayaa hore wey u jireen ama intiii uu meesha joogeyba wuu ogaa, muxuu markii hore inoogu sheegi waayey, so markii dadkii la isku dhacay ama raggii ka sareeyey la isku dhacay muu cadho fatihin. Siyaasigu inta uu marka hore wax badan innaga qariyo ayuu marka uu xilka ka tago wax badan sheegaa. waar yaa ka dhageysanaaya, arimaha adag ama dadka ka yaabiyey ee lagu hadlo marka danbe muxuu u qarsanaayey markii hore. Mida kale isaga ma waxa ay sharafi ugu jirtaa in uu wax kasta ka waramo ama sheego mise in uu wixii xun qariyo ama siyaasada aan ku fiicneyn. arimo aan dawladnimada ama shacabka midna u fiicneyn ayaa Jira, laakiin haddii cadho aad u qabto qof kugu keento in aad ooda jabsato waa dhibteeda.
Markii uu helay lacagtii ama hantidii uu doonaayey ayuu yidhi waan is casilayaa, Markaasi ayaa dadkiina moodi doonaa nin daacad ah. Sir baan sheegayaa ama in laga waramo arimo dawlada dhaliil ku ah dad badan ayaa lagu soo arkey. Raggna waxa laga hayey sirta waan la dhimanayaa. Masuulku marka uu dantiisa dhameysto ama laga horyimaado in uu yidhaahdo waan is casilayaa weligeedba weynu maqli jirney. Keligii sir ama arimo kamuu sheekeyn horeba wax badan ayaa looga sheekeyey oo haddana la iska ilaawey. Ogow dadku inta badan waxa ay ka helaan Arimaha xasaasiga ah. haddii uu ka soo jeedo beesha iyo haddii kaleba wey iska dhammaan doontaa.
Xukumada Meelo badan Dhaliili wey ka heysataa, Xagga wada shaqeynta iyo nidaamkii dawladnimo ayaanad mooda in isbedel badani ku socdo. Shaqooyin badana ragga loo magaacabey dadku mey soo dhaweyn. Qofkuna in uu carabka dadka ku bato ma fiicna, Niman badan ayaa inta badan shacabku aad u hadal hayaa oo lagu dhaliiley maamul xumo iyo nidaam daro baahsan. Waxaan ogeyn Khilaafkii madaxweyne ku xigeenka iyo Raggii uu ka cabanaayey, Waxaan soo Aragney Fadeexadii Musuq-maasuq ee Wasiirka Macadanta iyo Biyaha lagu eedeeyey. Waxaan haddana Maqleynaa Agaasimaha wasaarada arimaha dibad oo xilkii iska casiley kaasi oo ka cabanaaya ama ka shaqeyn kari waayey sida uu hadalka u dhigey. Waxaan Jeclaan lahaa in Madaxweyne Siilaanyo Xukumadiisa ka qabto dadka jarka ka sii tuuraya sharaftii iyo Karaamadii dawladnimo. maanta waa kee Wasiirka ama siyaasiga la xidhayaa. Wax kasta haddii ay sameeyaan, Waa kee, waa tee xukumada awooda leh ee ku talaabsan karta go, aan lagu xidho ama wax lagaga qabto ama lagu badalo Masuul lagu eedeeyey cadaalad daro. Afar odey sow ma kala tuurayaan arinta oo si hoose uma dhammeyn doonaan. haddii Siyaasi ayaa la xidhay;la yidhaahdo reer ayaa soo boodaya oo difaacaya yuu u cabanayaa, yuuse ka cabanayaa Agaasimaha is casiley xitaa haddii mar danbe loo yeedho oo la iska sasabo wuu ogolanayaa ama xil kale ayuu qaban doonaaa.
Inamada sawirkoodu la weyn yahay ee Hambalyo lehna haddii la yidhaahdo Wasiirkii ayaa la xidhey waxa ay odhan doonaan reerkayaga ayaa loo jeeda deg-deg ha loo soo daayo, haddii xilka laga qaadana waxa ay odhan doonaan beesha reer hebel oo kalsoonidii kala noqotey Xukumada. nolol dhimmatey iyo dad aan la garaneyn noocooda ayaa somaliland ka buuxa, arag maqal, warkana dhaaf arimaha siyaasaduna Yaaney maskaxda kaa wasakheyn.
Maamul xumo iyo Musuq-maasuq wa laba arimood oo waligeed Jirey, waana arimaha inta badan siyaasada soomaalida ama gaar ahaan dadkeena lagu arko ama horumarka dalka cagta haya. Wasiiro badan iyo siyaasiyiin hore ama xukumadan ku jira ayaa si badheedh ah ugu kaca hanti lunsi, Ragg wax kasta cuney ama sameeyey oo dalka oo dhan in ay iibiyaan rabay ayaa maanta magaalada iska jooga oo aan waxb laga qaban ama Reer garabka ku haya. Ninku haddii aanu wax cunin geesi maaha. Musuq-maasuq iyo maamul xumo horeba shacabku wey u ogayeen, waana la maqli jirey. Agaasimihii hore ee wasaarada arimaha dibada iyo iskaashiga caalamig ah Mudan Maxamuud Raage Ibraahim hadalada uu yidhi ma waxa ay ka duwan yihiin kuwii hore loo maqli jirey.
waxa sharaftu ku jirtaa, Siyaasadana u fiican, Ragganimadana u wanaagsan, Dawlada iyo Mustaqbalka ama Bulshadana u fiican in qofku uu isku dayo in uu ceebaha dadka asturo si ilaahayna tiisa uu u asturo. Siyaasadana waxa u fiican in aad noqoto nin af gaaban oo aan inta badan ka hadal arimaha bulshada kicin kara. Cadhaduna maaha in ay qof aad hore u wada shaqeyn jirteen ama isku sir qarsan jirteen ku tidhaahdo maanta sharaftiisa dhulka jiid, jiid. Bal kuwo kalena ha la dhowro.
Ceelaabe
Hambalyo Meher: Boqorka Abdirisaaq Abdilahi mahamed ordaaye Boqorada Hibaaq Ahmed Mohamed Cadaad
Dhamaan dadkan oo kala jooga dalka gudahiisa iyo dibadiisa waxay ay hamblyo u diryaan:
Aabo Abdilaahi mahomed ordaaye
hooyo nimco aw mahamed haaji jamac
ayeeyo jinaw dagaal boodhle
hooyo waris ibraahim siciid
hooyo tiriig aw ibraahim
Abdiraxman abdilaahi ordaaye iyo xaaskiisa iyo caruurtiisa
abdihakim abdilaahi ordaaye & xaaskiisa
layla abadilaahi iyo xileheeda iyo caruuteed
ifraax abdilaahi xileheeda iyo caruurteeda
samsam abdilaahi xileheeda iyo caruurteeda
hodan abdilahi xileheeda iyo caruurteeda
shukri abdilaahi xileheeda iyo inanteeda
khadra abdilaahi iyo xileheeda iyo caruurteeda
dhamaan dadkan oo kala jooga dalka gudahiisa iyo dibadiisa waxay ay hamblyo u diryaaan mehererk
Boqorka Abdirisaaq Abdilahi mahamed ordaaye
Boqorada Hibaaq Ahmed Mohamed Cadaad
oo meherkoood u ka dhacay magalad hargeisa waxayna leeyiihin aqal galkiina ku gaadha bsh bash iyo barwaaq guurkiinu guur khayr gurigiinu guri nagi rabow ka yeel amin aamin aamin aamin aamin aamin aamin aamin
Posted by: ahmed jamaal
goljanoboy@hotmail.com>
Akhriso: Sifooyinka iyo Tilmaamaha laga Bixiyay Madaxda Soomaalida iyo Somaliland ee ka qaybgalaysa Shirka LODON
Madaxweynaha Somaliland
Axmed Maxamed Silaanyo, Madaxweynaha Somaliland – Waxaa Madaxweyne loo doortay 2010. Waa markii ugu horreysay ee heerkan aySomaliland ay uga qeyb gasho shir looga hadlayo Soomaaliya. Waa ruug caddaa siyaasadda Soomaalida ku raagay. Wuxuu Soomaaliya ka noqday Wasiir in yar ka dib markii Maxamed Siyaad uu waddanka taladiisa af gembi militeri uu kula wareegay. Ka dib wuxuu noqday Guddoomiye Jabhaddii SNM ee la dagaallanatay ciidankii dowladda dhexe. Wuxuu Wasiir ka noqday Somaliland, intii aanuu madax ka noqon xisbigii mucaaradka Somalilnd ugu weynaa, ka dibna wuxuu ku guuleystay doorashada. Wuxuu cayaarayaa qamaar siyaasadeed. Haddii uu madaxda shirka imaaneysa ka helo is faham waxaa laga yaabaa in ay soo de dejiso aqoonsi ay hesho Somaliland. Haddii uu wax uu dadka ku qanciyo kala imaan waayo shirka, waxaa dhici karta in mucaaradku ay isku dayaan in ay uga faa’iideystaan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa uu damaanad buuxda ka soo qaatay dadkiisa in uu shirkan uga qeyb galo.
Madaxweynaha Soomaaliya
Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya. Waxaa laba sano loogu doortay shirkii Djibouti January 2009. Wuxuu markaa madax u ahaa jabhaddii ARS, isaga oo ka horna madax u noqday Midowga Maxkamadaha Shareecada. Markii xilligu ka sii dhammaanayay ayaa waxaa sannad ugu daray heshiiskii Kampala. Hadda xilligiisu wuxuu ku eg yahay August 2012. Madaxweynuhu wuxuu rajo ka qabaa in dowladda dhexe lagu taageero shirka, mustaqbalka siyaasaddana looga dambeeyo saxiixayaasha toobiyaha siyaasadda ee ku shiray Garowe.
Ra’iisal Wasaaraha
Cabdiweli Maxamed Cali, Ra’iisal Wasaaruhu – wuxuu ahaa bare ka dhiga jaamacad ku taal Mareykanka, intii aan Wasiir loo magacaabin 2010. Ka dibna wuxuu Ra’iisal Wasaare noqday markii Kampala lagu gaaray heshiis xaal mastuur ah oo lagu bixiyay Ra’iisal Wasaarihii isaga ka horreeyay, Maxamed Cabdullaahi.
Madaxweynaha Puntland
Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed, Madaxweynaha Puntland – waxaa loo doortay Madaxweynaha maamulka Puntland January 2009. Waxaa xarun u ah magaalada Garowe. Wuxuu dhowaan marti geliyay shir Soomaaliyeed oo madaxda saxiixday toobiyaha siyaasadda Soomaaliya oo dhami ay isugu yimaadeen. Waxaa uu rajo weyn ka qabaa in shirku taageero dhaqaale u fidiyo maamul goboleedyada.
Madaxweynaha Galmudug
Maxamed Axmed Caalin, Madaxweynaha Galmudug – wuxuu madax u yahay maamul ay xaruntiisu tahay magaalada Gaalkacyo. Wuxuu dhowaan ka badbaaday afgembi siyaasadeed oo ay qaar Wasiirradiisa ka mid ahi ay u maleegeen. Wuxuu rajada la wadaagaa Puntland.
Duqa Muqdisho
Maxamud Axmed Nuur-Baadi, Duqa magaalada Muqdisho – Waxaa uu ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka ku soo galay ARS. Tarzan waxaa lagu tilmaamaa in uu hawl wanaagsan ka qabtay caasimadda. Waa markii ugu horreysay ee Duq magaalo laga qeyb gelayo shir caalami ah oo Soomaaliya looga hadlayo.
ASWJ
Ahlu Sunna (ASWJ) – Ma aha maamul goboleed. Waa jabhad suufi ah oo la dirirta Shabaab. Xooggeedu wuxuu ku sugan yahay qeybo ka mid ah gobolka Galguduud. Waxay rajo ka qabaan in ay al Shabaab meel uga soo haraan.
BBC.
Qormo Xiiso badan oo laga Qorey Sababaha uu Masuul kasta oo Xilka laga qaado ama ka tagaa eedaymo u sii jeediyo Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland?
Waxa jirta ama dhacda oo marar badan oo kala duwan aynu aragnay, maqalnay amaba aynu bogogga hore ee warbaahinta Joornaallada u badan ka akhrinay masuul Xukuumadda Somaliland xil ka haysay oo uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo xilka ka qaaday amaba si iskooda shaqada uga tagay oo eedo kala duwan u jeedinaya Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ay ku tilmaamayaan amaba isaga dusha u saarayaan sababta xilka laga qaaday ama-ba ay iska casileen.
Inta badan bulshada reer Somaliland dibed iyo gudo meelka oo ay joogaan-ba waa arrin aan ka qarsoonayn in xubno badan oo kala duwanaa derejo ahaan oo Xukuumadda xilal ka qabtay markay xafiiska banneeyeen ee xilka laga xayuubiyey ama ay si shaqsiyaba uga tagayeen eedo aan qaarkood loom eel-deyin ay kula dul-kufaan Wasiirka Madaxtooyada oo muddo xileedkii hore ee Xukuumaddan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) 28-kii Bishii Julay sannadkii 2010-ka markii uu xilka la wareegay maalin ka dib u magacaabay Xirsi Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada, xilkaas oo ahaa mid Somaliland ku cusub ayaa macno ahaan loo qaadan karaa (Agaasimaha guud ee Madaxtooyada iyo Golaha Wasiirrada), jagadaas oo uu Mr. Xirsi hayey illaa 11-kii Bishii June 2011-ka oo haddana xilkaa masaxay, una magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, xilkaas oo uu illaa hadda hayo Wasiir Xirsi.
Inkasta oo aanu Madaxweynuhu u magacaabin Xirsi xil xayndaabka Madaxtooyada ka baxsan, haddana muddada intaa le’eg ee uu labada xil ka kala qabtay qasriga Madaxtooyada waxa uu ahaa mid la deris ah eedo aad u badan oo kala geddisan oo kaga imanayey qaybaha bulshada iyo masuuliyiinta dawladda ay ku wada jiraan laftooda, ha u badnaadaan kuwo la eryey iyo kuwo shaqada ka tagay iyo weliba xattaa shaqaala hoosaadka shaqada dawladda laga eryo qaarkood, ayaa ku dooda in ujeeddo Xirsiyeysan lagu eryey. Waxa la yidhi Meyd maxaa u dambeeyey iyo kaa la sii-sido. Waxa ka mid ah xubnaha xilalka ka tagay ee eedaymaha kala duwan u soo jeediyey Xirsi Agaasimihii hore ee Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Maxamuud Raage Ibraahin oo Isniintii toddobaadkan shaaciyey inuu xilka iska casilay, Madaxweynuhuna Salaasadii digreeto ku soo saaray is-casilaadda ka dib inuu xilka ka qaaday. Kaasoo Xirsi ku tilmaamay masuul caqabad ku ah Madaxweynaha, Bulshada iyo guud ahaanba habsami u socodka Hawlaha Qaranka ee u baahan in Madaxweynaha warkooda la gaadhsiiyo.
Sidaa daraaddeed, ayaa in badan oo bulshada ama dadweynaha ka tirsani Xirsi loogu fahamsiiyey in uu yahay nin sida loo fahmaa adag tagahay, gardarroole ah, qafal-xun oo guud ahaanba caqabad ku ah maamulka dawladda. Waayo, marka dhegaha dadka maalin walba hadallo eedo iyo dhalliilo u badan oo masuulkaa laga sheegayaa dhegohooda ku soo noqnoqdaan in badan oo ka mid ah oo aan iyagu awood u lahayn ama caqligu-ba siin karin inay dersi karaan dhibaatada laga sheeganayo iyo jiritaanka eedaha loo jeediyo Md. Xirsi, way aqbali karaan ama rumaysan karaan weedhaha lagu celceliyo.
Hase-yeeshee, dadka qaarkii waxay u arkaan in arrimuhu aanay sidaa wada ahayn, isla markaana waxyaabaha in badan Xirsi lagu eedeeyo in kooban ama yari run ka tahay, balse inta badan eedaha loo jeediyaa ku arooraan kuwo aan sii fogayn amaba aan xaqiiqada ku fadhiyin. Waayo, Soomaalidu inta badan haddaabad qof is-qabataan ama isa-seegtaan oo wax iskaga hortimaaddaan oo is-af-dhaaftaan waxa laga yaabaa kalmad aad qofka ku tidhi, tusaale ahaan waxaad ku tidhi; ‘waar naga-tag waxyoow xumi’ waxa laga yaabaa inaan idhaahdo wuxu hebel igu yidhi; ‘adiga iyo asalkaaga ama adiga iyo Aabbahaa ayaa xun’. Taasi waxay innoo caddayn kartaa sida ay inta badan Bulshooyinka Soomaalidu hadalka u tarmiyaan, u siyaadiyaan ama wax ugu sii daraan markaad tidhaahdo ka dib.
In badan oo ka mid ah bulshada waxay badi eedaha loo jeediyo Wasiir Xirsi u qaataan kuwo waxba kama jiraan ah iyaga oo ka duulaya qodobka hadal-kordhinta ee aynu kor ku xusnay. Hase ahaatee, waxa jira qaar kale oo iyagu xaqiiqsada jiritaanka eedahaas markay wax jawaab ah ka waayeen Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ku saabsan, beeninaya ama jawaab u ah eedaha had iyo jeer loo jeediyo.
Haddaba, haddii aynu aragtiyaha jiritaanka eedaha Xirsi lagu sheego ay dadku ka qabaan ama kala aammisan yihiin ee kala duwan sidaynu soo sheegnay ka nimaadno, aynu u daaddegna ama u dhaadhacno Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo wax laga weydiiyey qaar ka mid ah ama inta badan xaqiiqooyinka eedaha kala duwan ee loo jeediyo si toosa uga jawaabaya iyo waxa uu ka yidhi ama ku dooday.
“Waxaa jirta oo ah biyo-kama-dhibcaan inkasta oo bina-aadamku u badan yahay, gaar ahaan Soomaalidu guul-darrada ma aqbalaan, marku qofku guul-darraysto ma aqbalo ee sabab buu u doonaa. Qof kasta oo shaqadiisii ku guul-daraystay oo Madaxweynuhu xilka ka qaaday ma aqbalayo ee wuxu baadi doonayaa sabab, markaa mid yar oo ka sokeeya Madaxweynaha oo Xirsi la yidhaa-baa jooga oo kaasuun baa iga qaaday weeye xilka.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Xirsi oo bishii hore si toosa uga jawaabayey su’aalo ay qaybaha bulshada qaarkood ku weydiiyeen barnaamij la yidhaahdo maqal dadkaaga oo ka baxa TV-ga Qaranka, isla markaana lagu qabto xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee magaalada Hargeysa oo toddobaad-ba masuul dawladda ka tirsan lagu soo casuumo.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X. Xasan oo arrintaa ka sii hadlayaa waxa uu yidhi; “Laakiin, ma jiro qof aan anigu xilka ka qaado ee Qaranka Madaxweynaha ayaa hoggaamiya, hoggaamintiisana la baran maayo oo dadka kuma cusba, waa laga yaabaa in anigu aan ku cusbaa, laakiin Madaxweynaha ayaa waxna magacaaba waxna xilka ka qaada. Laakiin canaanta, maagga iyo qardoofada goobtaan joogo ayaa leh oo irriddii la sii marayey baan joogaayoo ka sii galayaana wuu isii dhaafaa ka soo baxayaana wuu isoo maraa.”
Si kastaba ha ahaatee, faaqidaadda qalinka waxaynu ku soo koobaynaa ama afjaraynaa weedhaha jawaabta ah oo noqonaya kuwii ugu horreeyey ee uu Wasiir Xirsi si rasmiya ugu iftiimiyo jiritaanka eedaha loo jeediyo iyo aragti ahaan halka uu shaqsi ahaan isagu ka taagan yahay.
Qalinka Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal
Hargeysa/Somaliland
E-mail. mrmursal@gmail.com
GoodBye E-mail “salaan kashka iyo laabta ka soo go, dey Ayaan hawada ku soo Marinayaa” Qalinkii: Abdifataah Mohamed Ahmed Ceelaabe
Ka hor intaan Hotmail soo bixin ama la isku dirin Fariimaha E-mailka ah, xidhiidhka bulshadu wuu Jirey. Baahidu intani wey ka yareyd, Aduunku intani wuu ka rabshad Yaraa, dadku intani wuu ka yaraa oo baddi wey wada Joogeen. laakin maanta reero dhan ayaan wada joogin oo kala maqan. warqadaha ayaa la isku diri jirey “salaan kashka iyo laabta ka soo go, dey, Ayaan hawada ku soo Marinayaa ayaa Warqadaha cad-cad la iskugu diri Jirey, Cajalado kala duwan ayaa la isku soo duubi Jirey. Maanta waa kuma ninka Cajalad cid kale u qabanayaa ama U dirayaa, Maanta waa kuma qofka Warqad Weli dadkiisa kula xidhiidhaa. Isbedelka nolosha casriga ah ee qarnigii 20aad Aduunka ka hano qaadey ayaa ah Internet. Mareegtii Yaabka laheyd, waa aqoontii, waa warkii, waa aduunkii oo dhan, waa Reerkiinii oo dhammaantood kula jooga ama aad kuwada xidhiidhi Kartaan markaad u sameysato Ciwaan aad ku soo gasho. Baahi wejiyo badan leh ayaa qof kasta ku dhalin karta in uu ciwaan xidhiidh ka furto barta internetka. qof kaa maqan, saaxiib, shaqo, waxbarasho iwm ayaa ka mid ah.
1998 waa markii ugu horeysey ee aan Maqley in meelo kooban oo Hargeisa ah Internetku soo gaadhay ama lagu soo xidhey. Waxaana intaasi ii dheeraa in la odhan Jirey waxa dadka la baraa sida E-mail loo sameysto ama Internetka loo adeegsan karo. Course Qaali ah ayuu wakhtigaasi ahaa. Waayo dadku Typewriter ayey adeegsan jireen oo markaasi ayaaba Computerka Office Application-ku ku cusbaa magaalada. Beri dhaweyd Meel keliya ama dhawr meelood ayaa E-mailka laga dirsan jirey hargeisa. Waxa la soo marey hargeisa oo saf dheer loo galo si E-mail loogu diro qof dibada ku maqan. qoraalo xitaa sir ah ayaa qofka diraaya loo dhibayaa.
Maanta Meel kasta Wuu ka furan yahay, Qof kastaana wuu sameystey E-mail, wuxuuna ka mid noqdey waxyaabaha laga xiiso dhacay. 2001 ayaan sameystey E-mail, muddo yar wuu iska key xidhey, maxaa yeelay waxaan ilaawey Passwordkii, Mid cusub ayaan sameystey kaasi oo aan haddana uga soo guurey Ceelaabe_10@hotmail. com. waxaan si fiican u xasuusanahay saaxiibkii E-mailada hore ii sameeyey ama iga caawiyey. 10 Yrs Ayuu Jiraa E-mailka Ceelaabe. Decade Ayuu Jiraa Macnaha. Waxaan Xasuustaa Maalintii Form-ka E-mailka la buuxinaayey, Ceelaabe@hotmail, sorry wuu jiraa, Haddana Ceelaabe100@hot, sorry wuu Jiraa, Haddana Ceelaab_10@hotmail. Ok. Delete, Junk, Inbox, Send, Message, Photo. waxa iguu Jira Inbox 39 Page una dhiganta 1300 Fariimood. Send Message 51 page una dhiganta 1780 Fariimood, Folders 500 Messages ah. Waxa intaasi oo dhan ka badan Fariimaha aan Delete ku Sameeyo maalin kasta.
Xiisihii E-mail loo qabey intii hore wey ka yaraatey, Sidii hore oo kale wakhti badan lama siiyo. Qofku beri hore muu seexan jirin ilaa uu eego Accountkiisa, laakiin maanta 7 cisho ayaad ka maqnaan kartaa. Mararka qaar ma kala jeclid in aad eegto ama aad iska Deyso. Dad badan markii ay Muddo furan waayeen ayuu iska xidhey. Dad badan oo Hore e-mail u sameystey ayaan maanta gelin oo iska Joojiyey. 3 jeer ama 4 jeer in ka badan ayaa maalmaha qaar la eegi jirey gaar ahaan marka qof fariin laga sugaayo. waxa laga yaabaa in aan 4 saacadood Internetka ku jiro laakin 5mnts ugu danbeeya ayaan Xasuustaa E-mailkii furidiisa.
E-mailkii la iskugu Gudbin Jirey fariimaha qaraabada, E-mailkii fikiradaha la isku soo marin Jirey dhinaca Asxaabta, E-mailkii xidhiidhka bulshada kobciyey. E-mailkii Kaftanka, Sawirada, Arimaha Jaceylka iwm lagaga doodi Jirey. E-mailkii farxadaha Greeting Cards ciidaha la iskugu diri Jirey. E-mail 3 to 4 billion qof ay sameysteen, waxa Diley oo Suuqii ka saarey Mareegta Chatingka ama Facebook ee bulshada u soo baxdey. Qof kasta Comments ayaa lagu wada socdaa, SMS Mobile ayaa la isku dirayaa ama lagu wada Hadlayaa. No more E-mail.
Fariimo Dhaadheer ayaan ku qori jirey ama Jawaabo ayaan si joogta ah uga bixin jirey E-mailka, Maanta E-mails badan dadkii uma diri karo, Wakhti uma hayo. Technology-ga batay wuxuu sababay in qoraalkii Yaraado. Bishii Hal mar ayaa laga yaabaa in qof qaraabada ah aan E-mail ka helo taasi oo aan maalin ama laba cisho ugu Jawaabo. E-mail ayaan ka helay saaxiibkey ama xaafadii wax weyn ayey kula aheyd beri hore. Laakin maanta wax Xiiso ah uma qabo. wuu is xidhey, waan ka guurey, waan iska badalay mid kale ayaan furtey, ciwaankaaga ii sheeg, ma igu darsatay, waryaa waa hebel iska waran saxiib xageed joogtaa warka i sii miyuu ka baxay. Sorry. Dad badan oo xitaa Maqaal aan Qorey Comments iga soo gaadhsiiya mararka qaar Ayaanan u wada Jawaabin. Sorry Passwordkii ayaa iga lumey. Ceelaabe Password R@$&#+8
maalinkasta shirkado badan Fariimo+Virus kaa soo gaadha ayaad ugu imaneysaa si joogta ahna aad Delete ugu sameyso. 5 to 10 Message ayaad Delete Taabaneysaa. Bahda saxaafada sida wargeyska iyo mareegaha kala duwan ayaan inta badan kula xidhiidha ama wax uga diraa si joogto ah Maalintii. sidoo kale Qololka u gaarka dhalinyarta iyo bahweynta caalamka saxaafada ama qoraalka ku jirta meelkasta oo ay joogaan ee qol gaar ah leh intaan ku jiro ayaan Kala socdaa Fariimaha ay isku soo mariyaan Hawada.
Dadka wakhtigan furanaaya ama baranaaya E-mail, welcome E-mailka ku soo dhawaada caalamka Internetka ama E-mail. Dad ayaa lacag lagu baraa ama loogu furaa E-mail. E-mail Goodbey Isitcmaalkaagii waxa Dilaya Facebook iyo Mobile SMS.
Tixraac Qoraalo Hore
1. E-mail Account-kii laga dhintey
2. 1 Million Ayaad ku guuleysatay soo sheeg Account No
3. Password. Recently
4. Goodbye E-mail. . . . . Today
5. Coming Soon
Ceelaabe
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xibiga Kulmiye oo Masuuliyiinta Xukuumadda Siilaanyo gaar ahaan Wasiirrada ku eedeeyey in ay ku kaceen Musuqmaasuq aan noociisa hore loo arag
Hargaysa, (sli) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xibiga muxaafadka ee KULMIYWE ahna ku-simaha Guddoomiyaha Xisbigaas Md. Cabdiraxmaan, Cabdiqaadir Faarax, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Xisbigaa ka soo jeedda ku eedeeyey maamul-xumo, siyaasad la’aan iyo musuqmaasuq baahay, isla markaana waxa uu Md. Siilaanyo ku dhalliilay dhagaysi la’aan uu xusay inuu kaga jawaabao talooyinka loo jeediyo.
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, waxa uu Masuuliyiinta Xukuumadda, gaar ahaan Wasiirrada ku eedeeyey inay ku kaceen musuqmaasuq aan noociisa oo kale hore loo arag oo ka daran kii Madaxda maanta ee markii ay ahaayeen hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo siddeed sano mucaarid soo ahaa ka qaylinayey ee uu ku eedayn jiray Xukuumaddii ka horreysay ee Xisbiga UDUB ee uu hoggaaminayey Daahir Rayaale Kaahin, taasoo wax ka qabashadeeda uu KULMIYE ballan-qaaday ka mid tahay waxyaabihii loogu codeeyey ee bulshadu ku dooratay Madaxweynaha Somaliland ee maanta iyo ku-xigeenkiisa, balse waxa uu xusay inay Xukuumadda uu Madaxweynuhu soo dhisay heerka musuqmaasuq iyo maamul-xumo ee dalka uga sii dartay.
“Waxay dadku aamminsan yihiin musuq-maasuqii aannu siddeedda sano ka qaylinaynay maanta sidii uu ahaa inuu ka sii batay mooyee aanu ka yaraan. Agaasimihii guud ee Wasaaradda arrimaha dibedda waxa uu innoo sheegay inuu hayo xaqiiq inuu warqado hayo iyo in uu qoraallo hayo in uu qodobbayn karaayo wixii la lunsaday, sidii loo lunsaday iyo xaggii la mariyey, wax dambe oo markaa layska indho-tiri karayaa ma jirto. Waxa loo baahan yahay in arrintii aan la qarin ee laga badheedho oo la baadho si rasmi ahna loo boodho oo haddii laga maarmi waayo Hay’ado caalami ahi way jiraan oo waxaa ka shaqeeya ee loo diro oo arrintaa laga baaraan-dego oo la soo xaqiijiyo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga talada haya ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa.
Waxaanu Cabdiraxmaan oo hadlakiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Dawladdu immika Hanti-dhawrka bay u dirtay oo way baadhaysa sheekadaasi sheeko iibsamaysa maaha, dawladdu waa ta la baadhayo. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) cid ka akhrisanaysaa ma jirto oo Hanti-dhawr (Odhat) kaygii ayaa soo saxeexay oo yidhi; ‘waxba ma jiraan cid idinka akhrisanaysaa ma jirto kalmaddaas. Haddii dawladdu diyaar u tahay in la baadho immikadaas ayaan la hadlayaa Hay’adda la yidhaahdo Transparent International.”
Waxa sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka Xibiga muxaafadka ee Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu ka hadlay mawqifkiisa ku aaddan shirka Soomaalida loogu qabanayo magaalada London ee dalka Ingiriiska 23-ka bishan oo Somaliland-na lagu soo casuumay, waxaanu yidhi; “Waxay ahayd halkee ayey dantu ku jirtaa anigu shakhsiyan waxaan ahaa dadkii lahaa shirkaas yaan la tagin oo wax dan ah oo innoogu jirtaa ma jirto, sababta aan u lahaana mid uun bay ahayd mid aan Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo cashar aan ka qaatay isagu markuu Guddoomiyaha Kulmiye ahaa oo had iyo jeer la odhan jiray shir aannaan ogayn shir aanad garanayn waxa ka soo baxaya lama tago, laakiin annaguna waxaannu lahayn haddii aanu faa’ido innoo lahayn yaan la tagin oo wax ka soo baxaya aynaan garanayn, balse go’aanka waxa iska leh dawladda waanay gaadhay, waxaanay ku qanceen in ay dani ugu jirto. Markaa, annaguna waannu ku taageernay.”
Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbil-xaakimka KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, oo sidoo kale ka hadlayey arrinta dagaal toddobaadyadii hore ka dhacay jiidda deegaanka Buuhoodle, waxa uu yidhi; “Dagaalkaas waxa keenay fashilaad iyo siyaasad-xumo aad u liidata, oo shirka Taleex waxa ka soo socda way ogaayeen oo Raggii ka qaybgalaayey waxay ka soo dageen Berbera iyo Harageysa, Puntiland iyadu way joojisay Raggii shirkaa ka qaybgalaayey innagu-se waxaynu iska dhaadhicinnay shirkaasi waa shir beeleed oo waxay kaga hadlayaan arrimahooda khuseeya. Laakiin, meesh Cali Khaliif iyo Cali Ciise ay marayaan ayaa lagaga tashanayaa dan beeleed wax dhici karaya may ahayn.”
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo waxa uu talooyin u soo jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo oo laga soo dhex-doortay Xisbiga uu Cabdiqaadir Guddoomiye ku-xigeenka ka hayey ee KULMIYE. “Madaxweynaha waxaan leeyahay magac iyo sharaf ayaad ku timid kursiga oo dadkii kuu codeeyay maanta haddaad cod u qaadid u malayn-maayo boqolkiiba inay koton kuu codaynayso, taasi waa xaqiiqada oo dadkii aad iyo aad ayey u nijyad-jabsan yihiin, waxay filayeen maaha waxa jiraa, oo Maamul-xumo aad u baahday oo tageera-yaashii kuu soo halgamay ee ku jeclaa ee meesha ku saaray madaxa ayey haystaan oo waxay leeyihiin xaggay wax ka xumadeen oo sidee ayay wax noqdeen ayey leeyihiin.” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Xisbil-xaakimka KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.
Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo yidhi; “Madaxeyne adiga ayaa immika Minddida daabkeeda haya ee dadku waxay doonayaan yo cidda ay ka qaylinayaan waad garanaysaa oo cidda wax xumay-naysa waad fahmaysaa, haddii aanad garaneyna dadka ku sheegaya waad dhagaysan kartaa, oo wakhti ayaad haysa-taay ee intay goori-goor-tayhay wax ka qabo.”
“Madaweynaha ma wax wacan u sheegat mise wax xun u sheegatay, haddaad wax wanaagsan aad u sheegisid uu farxayaa oo aad ayuu u qoslayaa, balse haddii aad is tidhaahdid ba waxa jira u sheeg oo xaqiiqda ah muran iyo dagaal ayaad kala kulmaysaa, Madaxweynaha waxaan u tagay dhawr jeer oo aan uga warramay arrimo isaga u dan ah, wali maan arag mar kaliya oo uu ii garaabay oo uu yidhi; ‘wallaahi arrintaasi waa sidaa oo wax baynu ka beddelaynaa maan arag.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cadiqaadir.
Waxaanu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi; “Markii iigu danbaysay waxa uu igu yidhi; ‘oo maanta miyaad soo dagaal tagteen’. Anigu waligay intaan Madaxweynaha u tagay maan odhan waxaa ii qabo oo shilin isii iyo gaadhi ii iibi, illaa iyo xilligii aannu mucaaradka ahayn iyo qof shaqo ii geli toona. Maanta dawladdiisa laga soo helimaayo qof la odhanaayo ina Cabdiqaadir ayaa keenay, waxaannu isku haynaa waa danta guud, haddii arrintu ay sidan ku sii socoto way ka sii xumanaysaa, annagu waxaannu doonaynaa wanaaggiisa.”
Mar uu ka hadlay Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbil-xaakimka KULMIYE, khilaaf bishii hore soo kala dhexgay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo arrimo uu ku ladhay, waxa uu yidhi; “Waad ogtihiin khilaafkii soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkisa oo waxa ay isku qabteen danta Qaranka. Sidoo kale, waxa jira Kulmiye badan oo aad uga xun waxa soconaya, markaa annugana ku waas ayaannu ka turjumaynaa, oo waxaannu Kulmiye ku wada la hayn waxay ahayd danta Ummadda oo aannu ku wada soconnay, haddii dantii Ummadda laga leexday dee wada socod iman maayo oo hadday arrintu sidan ay ku sii socoto way ka xumanaysaa.” “Maanta Madaxweynuhu wax kasta uu ogyahay oo waa loo sheegay wax ka qarsoonina ma jiraan. Markaa, Silaanyaha aannu naqaanay hadduu yahay ee aannu naftayada u hurnay ee xitaa aannu lahayn aannu ku dagaallanno oo Xabbadda aannu ridno hadduu yahay wax buu ka qabanayaa waxa qaldamay, haddii ay wax is beddeleenna waynu arki doonnaa oo waynu ka tashan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaaddir Faarax.
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu dhalliil gaara u jeediyey shaqsiyaad aanu magacaabin oo uu sheegay inay Madaxweyna si kale wax ugu sheegaan, isla markaana Jeebabka buuxsadeen oo uu xusay inay isku xidhan yihiin, waxaanu yidhi; “Madaxweyne Maxamud Raage waxa uu ahaa Agaasimaha Wasaaradda arrimaha debeda wuxuu yidhi; ‘laba bilood ayaan is ku dayey inaan ku arko’. Markaa, waxay u eegtahay Madaxtooyadii inay ka bilaabantay Koox Xisaabo adag oo isku xidhan oo maamul wanaagsan ka samaysatay oo iyaga dani ugu jirto, Jeebabkiina buuxsatay oo sida ay doonaan u dhaqma, Madaxweynaha-na ka dhaadhiciyay inay dantiisa wadaan, waanay ka dhacdaa dawladaha tan oo kale, wax maanta qarsoonina ma jiraan ee Madaxweyne maamulkaaga iyo siday wax u socdaan hoos u eeg..”
Guddoomiyaha Xisbiga UDUB oo Xisbigiisa ku amrey inaan laga qeybgalin Shirka ka socda London Halka Ku Xigeenkiisa uu ku maqan yahey London
Hargeysa, (sli) – Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana madaarka caalamiga ah ee Hargeysa si xamaasad iyo kala jiidasho leh ugu soo dhaweeyay labada garab ee xisbigaasi ku hirdamaya, kuwaasi oo mid waliba u xusul duubayay sidii uu u hanan lahaa kalsoonida Guddoomiyahooda.
Guddoomiyaha Xisbiga UDUB oo saxaafadda kula hadlay Gurigiisa magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu u yimid dalka sidii uu u furdaamin lahaa khilaafka labada garab u kala jabiyay xisbigiisa ee ka dhashay murashaxnimada Madaxweynenimada xisbiga ee Guddoomiye Ku xigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin u magacaabay Jamaal Cali Xuseen oo ay isku gobol ka soo jeedaan horena aan ugu jiri jirin xisbiga UDUB.
Sidoo kale Daahir Rayaale waxa uu ku baaqay in nabad iyo wada hadal la soo afjaro xiisadda ka oogan gobolka Buuhoodle.
Daahir Rayaale waxa kale oo uu ku dooday inaanu garanayn wax maslaxad ah oo Somaliland ugu jirta shirka London, waxase uu tilmaamay in cidii ka qeyb gasha lagala xisaabtami doono midhaha ay ka keenaan.
Guddoomiyaha UDUB waxa uu daadifeeyay Guddoomiye ku xigeenkiisii oo u ambo baxay inuu ka qeyb galo shirka London, waxaanu xusay inaanu xisbiga ku metelin ee uu shakhsiyadiisa uga qeyb galay.
Soo dhaweyntii Daahir Rayaale waxa si weyn uga dhex muuqday Garabka xisbiga UDUB ee uu Hoggaaminayo Cali Maxamed Waran-cadde, halka xubno kale oo ka socday garabka taabacsan Axmed Yuusuf.
Xukuumadda Somaliland oo shaaca ka qaaday Shirkadaha ku guulaystay Mashruuca Casriyaynta Madaarada Somaliland
hargeisa airport
Hargeysa, (sli) – Gudida Qandaraasyadda qaranka ayaa maanta shaaca ka qaaday sadex shirkadood oo ku guulaystay mashruuca casriyaynta labadda Madaar ee Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo ay maal gelinayso dawladda Kuwait.
Xafladdii shaacinta qandaraaskaasi oo lagu qabtay xarunta Ha’yada shaqaalaha dawladda waxa ka soo qeyb galay Gudida qandaraasyada qaranka, Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista Hawada Axmed Dalal Faarax iyo shirkadihii soo dalbaday mashruuca dhismaha madaaraddaas.
Guddoomiyaha Gudidda qandaraasyadda qaranka Aadan Cabdilaahi Xasan (Nugaal) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay kala saareen 11 shirkadood oo maxali iyo ajaanib iskugu jiray oo ahaa daneeyeyaashii dhismaha mashruucan.
“Qandaraaska dhismaha mashruuca casriyaynta madaaradda Hargeysa iyo Berbera maanta ayuu soo baxay, waxaan ku faraxsan nahay in qandaraaskani ahaa kii u horeeyay ee caalamiya ee Somaliland ka hesho dalalka caalamka. Waxaan idiin sheegayaa in qandaraaskan aanu wax mad-madow ah, musuqmaasuqa ama wax nin jedlaysi ahi ka dhicin,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Gudidda qandaraasyada qaranku.
Aadan Cabdilaahi Xasan waxa uu sheegay inay dhismaha madaarka Berbera ku wada guulaysteen labada shirkadood oo kala ah Tekleberham oo ajanabi ah iyo shirkadda Afro-sino, halka madaarka Hargeysana ay dayactirkiisa iyo casriyayntiisa ku guulaystay China Hono Group.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in shirkadaha Tekleberham iyo Afro-sino Madaarka Berbera ay ku dhisi doonaan lacag dhan $ 4,396,485,46, halka shirkadda China Hono Group ay ku qaadatay dhismaha madaarka Cigaal International Airport Hargeysa lacag lagu qadaray $ 4,436,000.
Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka cirka Md. Axmed Dalal Faarax oo sheegay inay ku faraxsan yihiin waxaanu tilmaamay in qandaraaskan loo bixiyay qaab xor ah.
Agaasimaha guud waxa uu Bogaadiyay shirkadaha ku guulaystay qandaraasan, waxaanu xusay in dhismaha madaaraddani uu ahmiyad weyn ugu fadhiyo Wasaaradda duulista hawadda iyo Gaadiidka cirka.
Axmed Dalal Faarax waxa uu u mahad celiyay dawlada Kuwayt oo Toban Malyan ku maal gelisay dayactirka labadaasi madaar.
Waxa kale oo xafladaasi isna ka hadlay Agaasimaha Guud ee Gudidda qandaraasyada qaranka Maxamed Cabdi Bulaale oo ka waramay marxaladihii qandaraaskani soo maray.
Golaha Guurtida oo Khilaaf ba’ani ka taagan yahey kadib markii Lacago La Musuqmaasuqay iyo Guddida Baadhista loo xilsaarey oo Dalbaday in Hantidhawrku soo kala dhexgalo
Hargeysa, (sli) – Golaha guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii shalay ka ogolaatay guddi ka tirsan golahooda oo sheegay inay ka hawlgalayaan khilaafka ka taagan gunnooyinka lacageed ee ka maqan golahaasi iyo eedaha musuqmaasuq ee xoghayaha golahaasi C/llaahi Ibraahim Habane (C/llaahi dheere) ay usoo jeediyeen koox ka tirsan golaha guurtida, kuna dalbadeen in shaqada laga eryo.
Ku simaha gudoomiyaha golahaasi guurtida Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre oo gudoominayay fadhiga shalay ee golaha oo loogu balansanaa in goluhu go’aan ka gaadho soo jeedinta 23-ka mudane ay ku dalbadeen in shaqada laga eryo xoghaye C/llaahi dheere, ayaa waxa mudanayaasha fadhigaasi ka hadlay Md Maxamed Jaamac Abokor oo ka mid ah guddiga isku xilqaantay in dhexdhexaadin ay ka galaan khilaafka cakiran ee golahoda ka dhex taagan, kaas oo gole-weynaha u sheegay in guddigooda loo daayo xal u helida khilaafka ka taagan lacagaha gunnooyinka ah ee golahooda ka maqan, isla markaana laga war sugo inta ay natiijo ka soo saarayaan arrimaha khilaafku ka dhashay iyo halka ay lacagtaasi ku maqan tahay.
Intaa ka dib gole-weynuhu waxa uu ka aqbalay guddigaasi soo jeedisay in khilaafka taagan ay ka hawlgali doonaan.
Dhinaca kale qaar ka mid ah xildhibaanadii eeda musuqmaasuq usoo jeediyay xoghayaha golaha gurtida C/llaahi dheer ayaa la sheegay in dacwad ku lid ah ay shalay u gudbiyeen hantidhawrka guud ee qaranka, kaas oo ilo wareedyadu sheegeen in hantidhawrka guud ay u gudbiyeen qoraal ay kaga dalbanayaan in baadhis lagu sameeyo gunnooyinka lacageed ee ka maqan golahooda.
Faysal Cali Waraabe oo sheegay in Dagaalka ka socda Buuhoodle ay ka danbeysay kadib markii ay Xukuumadda Siilaanyo ku dhawaaqdey in ay ka qaybgalayso Shirka London ee Soomaalida loo qabanayo
Hargeysa,  (sli) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa tafaasiil ka bixiyey guul iyo guuldaro midka ay ka filayaan shirka kooxaha Somalida 23-ka bishan uga furmaya Magaaladda London, kaas oo uu ka qaybgalayo wafti ka socda Somaliland oo uu hogaamin doono Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Faysal Cali Xuseen waxa uu sidaa ku sheegay Waraysi khaas ah oo Wargeyska Haatuf xalay khadka tilifoonka ku siiyey isaga oo Hargeysa ku sugan, isla markaana sheegay inuu ka mid yahay waftiga Madaxwaynuhu u hogaamin doono London isaga iyo Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi.
Guddoomiyaha UCID Faysal waxa uu sheegay inay muhiimad weyn u leedahay qadiyada Somaliland marka la arko xukuumadii iyo axsaabtii mucaaridka oo isku duuban, tilmaamayna inay wacdaro ka dhigi doonaan shirkaas London ka furmaya 23-ka bishan.
Waxa kale oo uu Guddoomiye Faysal ka hadlay dagaaladii dhawaan ka dhacay deegaanka Buuhoodle, kaas oo Maamulka Garoowe ku eedeeyey inuu dab kula dhex jiro bulshadda Somaliland, isla markaana uga digay sii wadadi colaadaha ka taagan deegaanada bariga Somaliland. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya mihiimada shirkaas, waxa uu yidhi “Shirkan baaxadiisa waad arkaysaan oo Somaliland ayaa waxa ay ku tagaysaa oo ay shirkaa London kaga qaybgalaysaa wafti qaran oo loo wada dhan yahay hadii loo eego axsaabta qaranka iyo bulshada qaybaheeda kala duwanba. Waxaanan aaminsanahay in qadiyadeenaa 20 jirsatay aynu shirkaa Boodhka kaga tumi doono oo aynu wadamada badan ee saamaynta ku leh aduunka ee ka soo qaybgalaya aynu u bandhigno waxa aynu qabsanay, markaa waxa aan filayaa Insha Allaahu tacaalaa inaynu shirkaa guul kala soo noqon doono”.
Faysal Cali Waraabe isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Shirkan London markii aynu ka wada tashanay ee aynu rog-rognay arintiisa, isla markaana aynu kulamo la yeelanay dalka marti galinaya ee Britain waxa inoo soo baxday in faa’ido inoogu jirto ka qaybgalka shirkaasi oo ay guuldaro inoo tahay hadii aynu ka maqnaano madashaas dunidu iskugu imanayso. Markii aynu shaacinay inay ka qaybgalayno shirkaas waxa soo baxay dad badan oo cadawga Somaliland ah oo ka naxay markay arkeen Somaliland oo go’aan ku gaadhay ka qaybgalka shirkaas”.
Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal mar uu ka hadlayey dhaqanada Ra’isal Wasaaraha Sh. Shariif, waxa uu yidhi “Ninka la yidhaahdo Mr. Gaas ee dawladda Sh. Shariif ra’isal wasaaraha ka ahi wax awood ah uu ku leeyahay Somalia ma jirto, waxaanu dhalasho ahaan ka soo jeedaa Maamulka Puntland, dawladdan Soomaaliya ee uu ra’isal wasaaraha ka yahayna waa dawad gabigeeduba ka taliya Xamar oo kaliya, isaguna dadkii uu ka dhashay dawlad gaar ah ayey la baxeen oo maamul goboleed ayey samaysteen, markaa cadaawada uu Somaliland u qabo ayuun buu qarsan kari laayahaye waa nin aan saamayn badan lahayn”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata kana hadlaya sida ay ku timid midnimadii Somaliland iyo Somalia ee 1960-kii waxa uu yidhi “Waxa inaga markii hore Xamar ina geeyey waxa ay ahayd Jacayl aynu u qabno in la helo shan Soomaaliyeed, waxaanaynu Soomaaliya ku biirnay inaga oo ah qaran Madaxbanaan. Maanta dalkeenii Somaliland waa nabad oo Maamul ayeynu leenahay, isla markaana Dimuqraadiyada Africa kuwa ugu fiican ayeynu leenahay. Markaa waa in marka hore Somalia-dii koonfurta la baadi doonaa oo laga baxaa Maamul Goboleedadan jira ee sida Puntland xinka Somaliland loo sameeyey 1998-kii, marka Somalia dawlad ah la helo ay wada hadlaan Somaliland iyo Somalia”.
Guddoomiye Faysal Cali mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd inay xukuumadda ka wada hadleen waxa lala shirtagayo, waxa uu yidhi “Xukuumadda iyo qoladayada asxaabta mucaaridku waanu ka wada hadalnay waxa lala shirtagayo oo waanu ka wada soconaa waxa lala golle tagayo, iyada oo qoraal ahna waanu ku talo jirnaa inaanu isla qaadano Insha Allaah marka aynu London iskugu tango. Ma jecli inaanu shaacino waxaanu xukuumadda ku wada heshiina oo cadawgeenu wuu badan yahay, laakiin waanu isla garanay in dan wayni Somaliland ugu jirto ka qaybgalka shirkaas”.
Mar uu baaq u dirayey Waxgaradka iyo Madaxdhaqmeedka beesha bariga Burco iyo Waxgaradka Buuhoodle, waxa uu yidhi “Waxaanu jecelnahay in marka hore dagaalada ka taagan Buuhoodle lagu dhameeyo wada hadal, waxaanan ku baaqayaa in gogoshii nabada ee hore loo fidiyey in qolada Habar Jeclo soo celiyaan ilayn waa tii beesha Dhulbahante tidhi ha nala sugo inta shirka Taleex dhacayo, shirkaasina maadaama oo uu dhacay waa in beesha Bariga Burco ay dib u fidiso gogashii nabada. Waxaanan leeyahay Somaliland yaan dabin la galinin oo aan dagaal la galinin ee waa in khilaafyada jira wada hadal lagu dhameeyo.
Qofka Maamul goboleed isku sheega ama qof aan isku sheegin labaduba waa beeshii uun ee taas ha la ogaado, cidkasta oo nabad inay nagula noolaato doonaysana waanu soo dhawaynaynaa oo aynu wada hadalno waa aynu heshiino. Waxa kale oo aynu ognahay in Maamul Khaatumo la yidhaahdo aanu ka jirin dalka oo dawlad Somaliland la yidhaahdo oo kaliya ayaa ka jira, markaa cidkasta oo wada hadal diyaar ah oo ka mid ah waxgaradka Dhulbahante waanu soo dhawaynaynaa”.
Eng. Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlayey waxa keenay colaadaha ka taagan deegaanka Buuhoodle, waxa uu yidhi “Waxa Fidmada Boohoodle ka danbeeya dad xunxun oo Tolaa’iyeey leh oo arintii qabiil u rogay iyaga oo dano gaar ah ka leh, waxaanan filayaa inaanay taasi u suurta galaynin oo maanta Somali nin walba tiisii ayaa cuslaysay. Cida durbaanka Colaada ka garaacaysa deegaanada barigu waa Maamulka Garoowe oo sidii oo uu yahay Super Power-kii dunida iska yidhi waa in Somaliland ka baxdaa Laascaanood oo cid kale oo maanta rabshad doonaysaa ma jirto, Faroole-na waxaan leeyahay intii Somalia jirtay wax ka macaasha idinkaa jiraye oo Tuulooyinkiinii Magaalooyin ayey isku badaleen oo Boosaaso oo cida loo badalaa ay ka xumaan jirtay oo lacag dheeraad ahna la siin jiray ayaaba maanta Soomaaliya ku soo qaxdaaye caanihiina ha iska daadinina dagaal maanta Somali uma baahna oo C/laahi Yuusuf ayaa dagaal iyo colaad waxba ku qaadi waayeye Faroolow adna durbaanka colaada jooji”.
Ciidanka Booliska ee Magaalada Burco oo burburiyey Meherado iyo Dhismayaal ka hor dhisnaa Madaarka Burco hortiisa
Burco, (sli) – Hawlgal ay qaadeen ciidanka booliska ee magaalada Burco waxa ay ku burburiyeen dhismayaal sharci-darro ah oo laga dhisay dhulka madaarka Burco, gaar ahaan goob u dhow dhabbaha diyaaraduhu ka haadaan.
Badhasaab-ku-xigeenka Gobolka Togdheer Mr. Ubaxle Maxamuud Yuusuf oo goob-joog ka ahaa hawlgalkaas oo boolisku Isniintii ku burburiyeen dhismayaasha sharci-darrada ah, ayaa sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo isku dayda inay dhistaan dhulka madaarku leeyahay, isla markaana aan sharci loo samaysan karin.
“Waxaan u soo jeedinaynaa dadweynaha deggan agagaarka Madaarka inay ka guuraan intaan tallaabo adag laga qaadin. Cid kastoo sharci u samaysa dhulka madaarka, ha ahaato dawladda dhexe ama dawladda hoose waa sharci-darro, waxana la horkeeni doonaa sharciga,” ayuu yidhi Mr. Ubaxle.
Waxa uu intaa ku daray inay maamul ahaan samayn doonaa maalin lagu nadiifiyo dhulka madaarka Burco, kana qaybqaadan doonan hay’adaha dawladda iyo dadweynuhu, waxaannu u mahadceliyay ciidanka booliska.
Sidoo kale, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Togdheer Mr. Saleebaan Dhegacadde oo horkacayey hawlgaas, ayaa ku baaqay in loo hoggaansamo dhawaaqa badhasaab- ku xigeenka, lana oggolaan doonin cid dhisme ka samaysata dhulka madaarku leeyahay.
M a dhici doonto dhisme dambe oo laga sameeyo dhulka madaarka, tallaabo adagna waa laga qaadi doonaa, waxaanan digniin gaar ah u dirayaa dadka iyo gaadiidka ka ganacsada biraha iskaraabka loo yaqaan, waana dembi culus oo la qabanayaa qofkii lagu arko isagoo guranaya biraha duugga ah,” ayuu yidhi taliyihu.
Hawlgalka booliska Burco ku baabi’iyeen dhismyaashii sharci-darrada ee laga dhistay hareeraha madaarka Burco, waxa uu qayb ka yahay dadaalka loogu jiro ilaalinta dhulka garoonka diyaaradaha, balse waxa haddana muuqada dhismayaal laga dhisay iyo kuwa hada gacanta lagu hayo oo ka socda wajahadda hore ee Madaarka Burco.
Maydadka dhawr iyo Labaatan qof oo Tahriibayaal Soomaali ah oo ku soo caaryay xeebta Laas-qoray
Laas-qoray (sli) – Maydadka dhawr iyo labaatan qof oo Soomaaliya ayaa ku soo caaryay maalmihii la soo dhaafay xeebta degmada Laas-qoray ee gobolka Sanaag, siday sheegeen goob joogeyaal ku sugan halkaasi.
“Maydadkan soo caaryay waxay ka soo caaryeen meelo la yidhaahdo Cad-cado iyo Dur-duri, laakiin waa Laas-qoray waa meesha ugu dhow ee looga gurmaday intii dhimatay waxa lagu aasay intii dhimatay waa 14 qof oo anigu 9 ka mid ah ayaan aaskooda ka qeyb galay,”ayuu yidhi Maxamed Caynab oo maanta u waramayay Laanta Af-soomaaliga ee VOA-da.
Maxamed oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaasi ku daray “Dadkii iyagoo nool la helay waxay ahayeen todoba qof oo aad u liitay waxaana loo kala qaaday Cisbitaalo. Dadkaasi muddo dhawr iyo labaatan qof ayay ahaayeen oo dumar u badan. Muddo sadex maalmood ah ayay soo kala caaryeen maalintii hore 14 ayay ahaayeen.”
Maxamed wuxuu sheegay maydadkii ay aasaseen wajiyadoodu bedelmeen oo aan la aqoonsan Karin, hase yeeshee ay ku suureeyeen Soomaali.
Maxamed Caynab ma uu sheegin halka ay dadkaasi ka yimaadeen, waxase uu xusay inay badda doonyo ay saareen kula qar-qantay.
Madaxweyne Siilaanyo oo ka aqbaley Iscasilaaddii uu Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda u soo gudbiyey
Hargeysa, (sli) – Hargeysa, (sli) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-928/022012 Xilkii uu hayey kaga qaaday Mudane, Maxamuud Raage Ibraahim oo ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda.
Madaxweynuhu:
Maadaama oo aad xilkii ka soo bixiweyday, xilalka Qaranka ayay dabcigiisa tahay in uu meerto noqodo oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, maadaama aad muddo soo haysay xilka Agaasiimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda.
ALLAA MAHAD LEH
XAFIISKA AF-HAYEENKA MADAXTOOYADA JSL.
Maxaa Madaxtooyadii galay oo wareeriyay? Ma anaa Waalan mise Cadan baa laga heesayaa? Qalinkii C/akariim Maxamuud C/laahi “Suldaanka”
A/kariim sheekh (Suldaan)
Waxaan maanta dooayaa in aan maqaalkaygan ku soo qaato siyaasada soomaaliland oo is yara bedeshay
gaadhayna horumar fiican gaar ahaa xagga arimaha dibada.
siyaasadii dalka waxbadan baa laga laga bedelay mudooyinkan danbe waayo siyaasadeenu waxay ahay
mid aan lahayn xarakaad balaadhan oo waxaynu isku soo oodanay koontiindhar bilaa hawo ah oo u dhawaa
in aan ka go’doono caalamka intiisa kale, markaa aad baan usoo dhaweynayaa in wax laga bedelo nidaamka
siyaasadeed ee dalka lagana qayb galo shirarka caalamiga ah lagana dhiibto ra’yigeena iyo rabitaanka shacbigeena
sidaa kaa ka dhacaya london waayo haddaad aamusto ka hadlaya ayuun baa la maqlayaa oo kugu masaxaya meesha
markaa arintaa aad baan u soo dhaweynayaa.
waxaan ka arkayay beelaha gabooye oo cabanaya oo hel maxaa talada dalka la nooga soo qayb galin waayay,
oo waxaad doonaysee in la idinku daro waftiga madaxweynaha? waxay yidhaahdee anagoo u badan beelaha somaliland ayaa la naga tagay. walaahi baan la siin waligood waxa ay maanta xilal isku taxeen. kkkkkkkkkkkkkkkk
dhinaca kale waxaan la yaabay dawladan iska wada daba qaylinaysa ee shaqada isku wada haysata , mid walba aanu garanayn shaqadiisa gaarka ah iyo ta masuul kale leeyahay waayo waxaad maqlaysaa masuul xilka ka tagay ama laga qaaday oo la leeyahay waxay isku dhaceen hebel oo way is khilaafeen.
waxaan leeyahay maxaa keenay inay isku yimaadeen kaliya waxa ka dhexeeyaa waa wada shaqaynta qaranka iyo u adeega umadda iyada oo la raacayo nidaamka maamul ee dalka.
waxaan leeyahay xukuumada somaliland saaxiibayaa in aad idinku mashquushaan idiin kumanu doorane raacay sharciga oo bulshada ugu shaqeeya sidii la idiinku idmaday maamulka dalka, waxaa meesha ka baxay nidaamkii sharci ee dalka u yaalay kaas oo ah check and balance.
sharcigu ma dhigayo in masuul qaran uu faragaliyo maamulka iyo habsami u socodka ha’yad kale oo aanu isagu ka ahayn maasuul ama aan loo igman, halkaa waxaan ka wadaa waxaa dadweynuhu la yaaban yihiin wasiirada qaarkood oo yeeshay awood dheeraad ah oo ay ku dhexgalayaan shaqadii uu lahaa wasiir ama masuul kale, taasina waa mid cusub oo aan hore u dhicin. sidoo kale waa jira inaanay wada shaqayn buuxdaa ka dhexayn xukuumada iyo masuuliyiinteeda oo waxa ka dhex muuqda kooxo kooxo wada socdo oo isbahaysanaya.
waxaan u soo jeedinayaa madaxweynaha soomaliland md.Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo oo ah nin weyna oo waayo arag ah, oo naga mudan muxram uu bal dib u eego waxan oo dhiibto ahee dhacaya ee ay umadu sheegayso.
mudane madaxweyne waxaan rajaynaynaa inuu warka bulshadaadu ku soo gaadho aan la idiin kala waramin adiga iyo dadkaaga waxaanu nahay kuwii shalay kuu dagaalamayay ee kula garab taagnaa taageerada sideed sannadood si aad u gaadho hogaanka dalka oo aad u soo halgaltay muddo dheer, ilaahay mahadii taasna waad gaadhay.
waxaaan ilaahay ka baryaynaa inuu kugu asturo xilkaad imada u qaaday una dhaaratay
ilaahayoow somaliland ka yeel guri barwaaqo horumar iyo badhaadhe
somaliland ha noolaato ha noolaato insha allaahu
guul iyo gobonimo
waa qalinkii c/akariim maxamuud c/laahi “suldaanka”
suldaancabdi4@hotmail.com
Maxaad Ka Ogtahay Noocyada Musuqmaasaqa, Waa Sidee Musuqmaasaqa Ugu badan ee laga Isticimaalo S.Land.? Madaxda Ugu Saraysa Ee dalku Ma isticimaalaan Nooc ka mid ah Musuqmaasaqa? by Dacar
Run ahaantii Qoraal Laguma Soo koobi karo Musuqmaasaqa iyo Noocyada uu Ka Kooban Yahay Musuqmaasuqu. ( Kinds of Corruption.) Balse Waxa aan Tijaabinayaa inaan yara Taabto aniga oo Ka Jawaabaya Su, aalaha Sare Ku Xusan.
Musuqmaasaqu Waa cadowga Ugu weyn ee Ka Hor yimaada Horumarka, ay Bulsho Hiigsanayso, Ha noqota Mid Dhinaca Siyaasada ah, mid Dhaqaalaha ah, waxaana hoos u dhigaa Dawlad wanaaga iyo Dumuqraadiyada. (it undermines democracy and good governance ).
Hadii aan ka jawaabo Waa maxay Musuqmaasuqu.?? Musuqmaasaqu waa isticamaalka uu U istcimaalo awoodiisa Nin dawlada Meel Sare ka haystaa ( the use of power by government officials for illegitimate private gain.) Si uu ugu Koror sado ama u helo Wax aanu Xaq u Lahayn.
Noocyada Musuq maasaqa ayaa aad u badan oo aan lasoo Koobi Karaynin, Balse hadii aan taabto Qaar ka Mid ah ( Forms of corruption vary.) waxa aynu aad u naqaanaa oo S.Land Laga Isticimaalaa.
1. Nepotism and cronyism, Kalmadan Nabiotism ayaa ka Timi Naabiga ama Xafaayada loo Xidho Caruurta ee looga dhiga Saxarada, waxaana looga Jeedaa (Favoring) ama U Eexasho ama Hiil aad u hiiliso Shiqsi ama Koox dad ah oo aad wadaagtaan Friendship ama Saaxiibtinomo ama Xigto qaraabo ama Siyaasad IWM.
arrintan iyada ah ayaan ka Madhnayn bribery ama Laaluush aad ka qaadato qofkaa aad u samaysay Eexashada.
Tusaale: eexashada ayaa ahaan karta inaad siiso Contract adiga oo ka qaadanaaya Laauush ama Contaragaa aad qofkaa Siisay iska leh qayb ama percentage aad qofkaa kula hishiisey.
Noocan Musuqmaasaqa ayaa ah ka labaad ee ugu weyn Musuqmaasaqyada laga isticimaalo Somaliland. isla markaana ay aad u isticimaalaan Madaxdeena dalka ugu saraysa.
Marka aad u Dhabo gasho ee aad ku samayso baadhis aad u badan oo ka Madaxbanaan qabyaalad, Siyaasad iyo Eexasho waxa aad si fudud u ogaan kartaa Madaxda dalka Ugu saraysaa Noocyada Musuqmaasaqa ee ay isticimaalaan, iyo waliba qaar badan oo Madaxdaa ka mid ah oo haba yaraatee aan isticimaalin Musuqmaasaq Nooca uu yahaba.
Tusaale: Mar aan Hargeysa Tegay ayaa Waxa aan Arkay in Madaxda Qaar aanay lacagba haysan, Qaar kalena ay Taajiriin yihiin, markii aan sii Baadhay waxa aan ogaadey kuwa aan lacagta haysan in ay yihiin kuwa ugu xalaal cunka badan somaliland ee ka caagan Musuqmaasaqa, inkasta oo ay heleen Furasado ay ku Taajiraan ama ay lacag ku samaystaan.
waxaana ka mid ah Ragaas Shaxaadka ku nool kana Caaganaadey Musuqmaasaqa. Cabdi raxman Awcali Laba Talo ama Cabdi raxman Tolwaayey, Dhega weyne, Xasan Ciise, Axmed Kaahin, maxamed xaashi, Dr Gaboose ayaa isna lagu tiriyaa raga ka caaganaadey Musuqmaasaqa.
waxa kale oo jira Koox kale oo taajiriin ah umana baahnid inay sanado kugu qaadato ama aad haysato PHD inaad soo ogaato halka uu Lacagtan ka keenay qofkaasi, Runahaantii Markhaatiga ugu horeeya waxa ku Furaaya Dadwaynaha Dadka ayaad ka baranaysa markiiba.
Tusaale: Nin aan si fiican isu naqaan oo aan waxba haysan ayaan marka aan Somaliland tago Caawin Jirey, Sanadkii Dhawayto markii aan tegay ayaan arkay Ninkii oo Taajir ah, Waaryaadhaheen Sowkan Hebel Taajirey xaguu Lacagtan ka Keenay.?? aad ayay u Fududahay Somaliland nin walba inaad ogaato halka uu dhaqaalaha ka keenay waxaana aad markiiba ka baranaysaa taas ama kuu sheegayaa Dadwaynaha, Tolkaa, Saaxibadaa IWM.
Noocan Musuqmaasaqa Nepotism ayaa ah Nooc aad u khatar ah Waana nooca madaxda Somaliland ee Ugu saraysaa ay Ku Kacaan
Tusaale:
Waxa aan Meel dhigtay Wasiir ama Agaasime ama Gudoomiye, Ninkaa Shaqada iyo qaladaadkiisa ayaan Difaacayaa oo Kursiga ayaaan ku ilaalinayaa, Balse anigu ma ihi Ka qasnada gacanta Gelinaaya ee Lacagta qaadanaaya, ee isaga ayaa soo nidaaminaaya oo lacagtii oo Tirsan ayuu ii keenayaa. waligeyba Waxa aan ka sheekaynayaa sida uu Musuqmaasaqu u Xun yahay waxa aanan u qaataa musuqmaasaqa si aan toos ahayn, Ninkaa aan meesha dhigtay ayuunbaa ii shaqaynaaya aniguna waajibaadkaygu waa inaan kursiga ku ilaaliyo. Cajiib!!!!!
waxa aad arkaysaa dadkii oo Doonayaa inay Wada Wasiiro Noqdaan ama agaasimayaal noqdaan, ama Gudoomiye, Noqdaan Xitaa xildhibaanada ayaa u gala oloaha ugu weyn si ay Wasiir ama Agaasime u Noqdaan, Waadigan arkaaya ee`dadkii qurbaa joogey ay u shaqo tegayaan Somaliland, Waa Maxay Sababtu ayaad iswaydiin kartaa.?? Sabatu waa Somaliland, Kursiga agaasime,Wasiir, ama Gudoomiye Waxa uu kuu Horseedayaa Dhaqaale aad u badan oo aanad Meelna ka heli karaynin USA ama Yuruba Meesha ay doontaba ha ahaatee. Corruption.
2. Laaluushka ( bribery,) ayaa isaguna ah Musuqmaasaqa ugu horeeya ee Somaliland laga isticamaalo, waxa aynu cashrkaana iyo Kuwo kale oo badana aynu ku qaadan doonaa wiigagag soo Socda hadii aabe idmo.
Cabdi Qadir Jama Ismaci Dacar USA Ca
Gobanimodoon@sbcglobal.net
Qurbomeer Rashiid AwNur Nirsi oo ku soo noqday Ottawa isagoo midna lulaaya midna laalaadinaya
Horjoogaha kooxda dibad wareegta ah ee la baxday Awdal State, Qurbomeer Rashiid AwNur Hirsi, ayaa sadex maalmood ka hor ku soo noqday magaalada Ottawa isagoo midna lulaaya midna laalaadinaya. Qurbomeerka oo mudo dhowr isbuuc ku maqna magaaloowinya Nairobi iyo Muqdishu ayaa wajiqabax kala kulmay safaradaas markii dawlada TFG ay si cad ugu tidhi inaan sinaba loo aqoonsanay mamulka Qurbomeer State. Waayo axdiga TFG ayaa dhigaya in loo baahan yahay labo gobol iyo wixii ka badan si loo dhiso maamul goboleed.
Qurbomeer Rashiid AwNur Hirsi oo garoobta Ottawa lacag kaga ururiyey waxaan ka qayb galayaa shirka London iyo waxyaloo been ah oo la mid ah ayaa mudada sadexda maalmood ee uu joogo Ottawa gurigisaa ku xidhnaa isago diiday inuu la kulmo oo u xoog waramo dadkii tageer sanaa ee lacagta uu ku tagay safarka bixiyey. Qurbomeer Rashiid waxuu ka xumaaday siday wixii loogu balanqaaday iyo wixii uu kale kulmay Muqdishu ay u kala duwanaadeen. Waxaa loo balan qaaday soo dhoweyn wuxuuna la kulmay albaabo xidhan isagoo macaa kharashkii Hotelka iska bixin waayey oo qaylo dhaan u soo dirtay sidii lacagtii Hotelka looso diri lahaa. Waxaa kaloo u dareemay Rashiid iney TFG wax dan ah ka gelayn xalaada Awdal oo Qurbomeerku ku andacoonayey inuu metelo. Wuxuuna rashiid si gooni ah ugu xanaaqsan yahay nin la yidhaahdo Suleiman Abdi Dugsiye oo khamriga aad u caba kuna magaacaabaan chief of staff of Awdal, ninkaaso Rashiid ka dhaadhiciyey inuu tageero ka heli doono Muqdishu.
Isku soo wada duub oo Qurbomeer Rashiid AwNur Hirsi waxaa la sugayaa inuu maalmaha naguu soo beegan uu iskasoo xaadiriyo shaqadiisa baabuur dhaqa ah ee Ottawa Airport. Horaa loo yidhi waa baylootkii qaranka oo biyo dhaaminaya ee maanta la arkay nin ku socday shirka London oo baaburta kirada ah maalin oo dhan xaaqaya. Waaxaase isweydiintu tahay maxay yeeli doonaan garoobtii Ottawa ee lacagtoodii Rashiid cunay.
Sida Kale warar xoogagaal ah ayaa sheegaya in Qurbomeer Rashiid AwNur Hirsi ay ku soo baxday fadeexad kale markii la oogaday in uu si xaqdaro u cunayey lacagta
dadka waaweyn Canada siisoo oo loogu talagalay hooyadii. Markii ay Rashiid hooyadii ku dhimatay Somaliland ayuu Qurbomeerku uuna u sheegin geeridaas dowlada Canada si uu u sii cuno lacagta dadka waaweyn ee hooyadii loo qoodeeyey. Arintaas ayaa keeni karta in Qurbomeer Rashiid ganaax laxaadle lagu xukumo.
Mohamed Ahmed Abdi
mohamedahmedabdi@yahoo.ca
SAFKA GALA OO HA BOOBINA! Qalinkii Qoraagii Caanka ahaa ee Mr. Abdifataah Mohamed Ahmed Ceelaabe
Todobaad dhaweyd Meel aan iga fogeyn ayaa Haayad samafal oo Islaamic ahi ay ku qeybisey waxyaabo kala duwan oo cuntooyin iskugu jirey. Subaxnimadii ayaan Dareemay guux iyo buuq badan oo intii hore ka badan. waxaana mar danbe la ii sheegay in Dad badan oo sugaaya caawimadaasi kuwaasi oo hore loo qorey ay iskugu yimaadeen Deyr/banaan balaadhan oo Xaafadaha Dhexdooda ah. waa mid ka mid ah Haayadaha sida Joogtada ah aan ugu arko saxaafada iyaga oo meelo kala duwan wax ka qeybinaaya. waxaanan inta badan arki jirey wakhtigii Gurmadkii abaaraha. Dadka buuxa ee ku xareysan Deyrka dhexdiisuna waa kuwo hore loo sii qorey oo diiwaangashan. Tiro ka badan intii hore ayaa iskugu timi, dad aan qorneyn ayaa iska yimi oo raba in ay meesha af iyo xoog wax ku qaataan ama wixii soo hadha ay iska sugaan. Ma garan karno marka dadka la qoraayo in lagu qoro danyar iyo in garasho xita la iskaga qorto.
Dadkeenu ma kala baqaan, Dadkeenu inta badan Ixtiraam iyo Kala danbeyn Lagu farxo ma leh, Dadkeenu inta badan sharciga Cagta hoostooda ayey dhigeen, buuqa iyo Nidaam xumada meel kasta lala joogo ma maleyn kartid. Kuwa qasbaaya ee meel aan laga soo casuumin isku qaadaaya ama wax ka doonaaya ayaa badan. kuwa qasabka wax ku cuna ama ku qaata ee ku odhaanaaya igu dar ayaa badan. Odeygii aanu isku Raaska/jilibka aheyn ayaa heysta oo wuu igu dari karaa. 100 kiish oo bariis ah 200 qof haddii lagu yidhaahdo u qeybi ka waran. Walaal suga, Waar aamusa, waar Safka gala, waa la idin siin doonaa wixii Yaalee, Dadka aan qorneyn ha iska tago. Aamusa, Magacyada ha la sheego ee bal dhageysta. waar Aamusa. cabaaro 10 kii subaxnimo ayey gaadhey intii wax loo qeybinaayey. qeylo badanaa, cidhiidhi badanaa, waar waa islaan, waar hooyo ii dhakhso ma taagnaan karee, ragg iyo dumar kale ayey dadka qaar iska soo kaxeysteen aan hore u qorneyn. Markii alaabtii loo qeybiyey ayaa mid kasta sawir laga qaadey, Caagad saliid ah iyo sonkorta lagu fadhiisiyey ayaa sawir laga qaadey, ma oga in sawirkaasi ka qiimo badan yahay ama sawirkiisa wax lagu soo qaato.
Qaxootiga alaabta loo qeybinaayo bal eeg ee is wada boobaaya ama cidhiidhiga ku jira. Qaxootiga Saddexda wakhti cuntada meel looga daro bal eeg safafka dhaadheerna u gala cuntada. Bal eeg Jeelasha dadka ku xareysan ee Cuntada meel loogu wada sameyn karo. Waar safka gala oo ha boobina. waxaan xasuustey Qaxootigii iyo Cardkii ama Garaamkii Safafka dhaadheer loo geli jirey. waxaan xasuustey iyada oo inta biyo aan doono aad Saf dheer u geleyso caagad biyo ah. Hargeisa ayeyba ka dhacdey in Biyaha safaf loo galo markii Qasabaduhu ay shaqeyn Jireen, Maanta oo dhan taagnow. meelo badan Card Ration ama lacag qaadasho ayaa saf dheer loo galaa bishu marka ay dhammaato. Cuntooyin ayaa safka loo galaa, Biyo, Lacag, Raashin qeydhin ama mid bisil, sida Bariis, daqiiq, baasto etc ayaa inta badan dadka loo qeybiyaa. Qalabka guriga lagu dhisto, Weel, Bustayaal, Agabka waxbarashada iwm ayaa meelo badan laga Qeybiyaa ama dadka la soo gaadhsiiyaa, gaar ahaan wakhtiyada abaaraha ama masiibooyinku ay dhacaan oo kale.
Safaf soo gala Jaad ayaa la qeybin doonaa haddii la yidhaahdo Magaalada oo dhan ayaa Safkaasi wada Istaagi doonta oo hawlahooda faraha ka wada qaadi doonta. Sixirbararka ama marka alaabtu kala go, do bal u fiirso buuqa iyo saxmada ka taagan suuqyada iyo kala boobka alaabaha iyo dadka. Marka meesha dagaal ka jiro sida wax loo kala iibsado bal maskaxdaada xasuusi. Kacdoonkii carabta ma ku aragtay dad safaf dhaadheer ugu Jira Roodhi oo aan Saddex cisho soo bixin. Masaakiinta suuqa joogta haddii aad mid lacag siiso 20 kale ayaa dhinacyada ka soo istaagaaya, Saf soo gala haddii aad ku tidhaahdo xitaa ma sugayaan. Haayado badan oo alaab qeybinaayey ayaa marka la rabsho ama lagu ciyaaro ama dad badani ay meesha iskugu yimadaan dib alaabtooda iskaga xidh-xidha kana taga goobtaasi. Inkasta oo aynaan arag wax qabadka dhabta ah ee haayadaha Islaamiga ah haddana wey jiraan kuwo wax tar ka geysta baahiyaha bulshada danyarta ah heysta.
Safka yaa ku sii qabtey, yaa ku sii fadhiyey, walaal kan yar ayaa ii qabtey waan soo socdey, walaal dhagax ayaan sii dhigtey, walaal waa xamilo ama waa odey culus ma sii deynaa. walaal intiina danbe shaqadii ayaa ka dhammaatey beritoole soo noqda naxdin weynaa. Safka ardeyda dugsiga la soo istaajiyo bal xasuuso, safka ciidamada la soo taago bal eeg. miyaan Albaabka la fureyn Meeye dadkii alaabta qeybin lahaa. Doorashadii Somaliland bal eeg maxaa dad safaf dhaadheer ku jirey, oo calanka kulmiye xidhnaa, markii danbena gacanta madow la soo galay. walaal waxaan ahey Lambar 59 waxaad timaadaa 8 :00 caawa dhakhtarka.
imtixaankii shaqada ayey Safka ugu Jiraan waana 1, 000 qof. Safka aan ugu Jecelahay uguna farxada badan waa ka salaada loo galo ama lagu tukado. Safka labaad ee aan ugu Jecelahay waa ka Diyaarad ama Duulimaadka cirka loo galo marka Gate Pass-ka aad taagan tahay.
Waar safka gala Visayaal ayaa la qeybinayaa Saddex Meelood oo bilaash ah ayaa lagu tagayaa, Waar safka Gala waa Norway, Combodia, iyo Korea. Combodia iyo Korea Viisayaal ah ma dooneysaa, Norwey wey buuxdaa. Safka gala oo haboobina Plsssss.
Xikmada Maqaalkani:safafka la galo marka Alaab la qeybinaayo, Sameynta Safafka, line, quee iwm.
Ceelaabe
Daawo Sawiro: Ururka WADANI Oo Xafiis Ka Furtay Dalka Maraykanka Seattle & Washington
Washington, (sli) – Xafladd qiimo badan oo loogu wanqalay urur siyaasadeedka WADANI ayaa maalintii axadii oo ay biishu ahayd 13/2/2012 lagu qabtay Radisson Hotel oo ku yaal magaalada Seattle ee gobolka Washington.
Xafladdaa oo si heersare ah loo soo agaasimay kana soo qaybgaleen taageerayaasha WADANI iyo bulshaweynta reer somaliland ee ku nool Woqooyiga Maraykanka gaar ahaan Washington ayaa ugu horayn waxa xafladdaa furay Abdisamad Tarabi isagoo umahadnaqaya dadweynaha kasoo qaybgalay xafladdan, waxaanu kusoo dhaweeyey SH. Bashiir Madadaal si uu aayadaha quraanka kariimka ah ugu furo shirka.
Kadib, waxa daadihinta barnaamijka lagu wareejiyey aqoonyahan CALI DIIRIYE oo sharaxaad ka bixiyey qaabka ay xafladdu u socon doonto kana hadlay barnaamij-siyaasadeedka xisbiga WADANI iyo sida ay uga goâ€™antahay inuu gacan weyn ka gaysto sidii taageerayaasha ururka WADANI hiil iyo hooba isula garab taagi lahaayeen xisbiga iyo madaxdiisaba. Wuxuu kaloo ka waramay Gudoomiyaha Ku-Meel Gaadhka ah ee WADANI, A/rahman Mohamed Abdilahi (Cirro), inuu yahay halyeey ay shacabka reer somaliland ku kalsoonyihiin una horseedi kara horumar iyo cadaalad, gaadhsiina kara Somaliland ictiraaf caalami ah.
Waxa lagu soo dhaweeyey Oday Farah Hugur oo ka waramay sida ay lagama-maarmaan u tahay in reer Washington ay ugu guntadaan sidii ay dalkooda hoooyo wax u tari lahaayeen. Farah Hugur waxa kale oo uu ku booriyey taageerayaasha urur-siyaasadeedka WADANI in ay ku dadaalaan sidii ay taageero laxaad leh uga gaysan lahaayeen tartanka doorashooyinka ee la filaayo in ururka WADANI uu guul ween kasoo hooyn doono.
Waxa aad loogu bogay khudbadii uu goobta ka jeediyey gudoomiyaha kumeel-gaadhka ee ururka WADANI ee gobolka Washington Mudane: KADER MALIN KASIM oo marka hore aad iyo aad ugu mahad celiyay dadweenihii iyo taageerayaashii ururka WADANI ee ka soo qayb galay Xafladda , isagoo gudoomiyuhu si mug leh uga warbixiyay qorshayaasha uu ka duulayo ururka WADANI iyo himiladiisa siyaasadeed oo uu sheegay inay tahay sidii uu kaalin wax ku oolah uga qaadan lahaa sii balaadhinta xisbiga iyo sidii uu xisbigu guul-weyn uga soo hoyn lahaa doorashoyinka asxaabta ee dhawaan dhici doona. Gudoomiyuhu wuxuu intaa ku daray sida uu u aaminsanyahay in WADANI uu guul layaableh ka kasban doono shacabka Somaliland, uuna yahay xisbigu ka si dhaba wax uga qaban kara nabadgelyadda, dhaqaalaha, shaqo-abuurka, tacliinta, caafimaadka, adeegyada bulshada iyo weliba udagaalanka xuquuqda dumarka iyo dadka laga tira badan yahay.
Sidoo kale waxaa isaguna xafladan ka hadlay caaqil Maxamed Bade isagoo goobta kasoo jeediyay odhaaho wacdi iyo waanaba isugu jira.
Dhinaca dhalinyarada waxa goobta hadal baraarujin ah oo kusaabsan sidii dhalinyaraddu wax uga tari lahaayeen arimaha wadankoda iyo sidii ay ula jaan-qaadi lahaayeen arimaha gobolkan ay hadda ku nook yihiin kasoo jeediyey Siyaasiga dada-yar ee Cismaan Haybe ahna musharax ka loolamay magaalada SeaTac sannadkii ina dhaafay. Cismaan marka aanu arimaha siyaasadda ku jirin waxa uu qaybweyn ka qaataa hormoodna ka yahay arimaha xuquuqda iyo horumarinta soomaalidda gobolkasta iyo deegaankasta oo ay kasoo jeedaanba iyo dadyowga kale ee laga tira badan yahayba.
Waxaa gabay dadku aad ujeclaysteen halkaas ka jeediyay Abwaanka weyn ee reer Somaliland Cabdi Gaas. Ugu danbayn waxaa xafladaas ka duceeyay Oday Ismaacil Kabadhe.
Dadwaynihii kasoo qaybgalay ayaad dhamaan wejiyadooda ka dheehanaysay farxad iyo rayn-rayn waxaanay aad iyo aad ugu mahad naqueen Cali Diiriye iyo Gudoomiyaha KADER MALIN KASIM iyo dhamaan dadkii soo abaabulay Xafladan loogu wanqalay ururka WADANI ee goboka Washington.
Ugu danbayntii waxa ay Cali Diiriye iyo Gudoomiyaha KADER u mahadnaqeen dadkii iyo asxaabtii sida xoogan ugala qaybgalay isku dubaridka iyo suurto gelinta qabsoomida xafladan gaar ahaan Abdisamad Tarabi oo kaalin weyn ka qaatay habsami usocodka xafladdan loogu wanqalay ururka WADANI ee goboka Washington.
ABDISAMAD TARABI
SEATTLE,WA
abdisamad99@yahoo.com
Agaasimihii Guud ee Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Jawaabo kul-kulul is dhaafsadey kadib markii uu Agaasimuhu is casiley Eedeeyeyna Wasiirka Arrimaha Dibadda
Hargeysa, (sli) – Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Mr. Maxamuud Raage, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay shalay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana eedo u jeediyey Wasiirradda Arrimaha Dibedda iyo Madaxtooyada Somaliland.
Mr. Maxamuud Raage waxa uu sidaa kaga dhawaaqay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee uu iska casilay, waxaannu tafaasiil ka bixiyey asbaabaha keenay inuu xilka iska casilo, kuwaasoo uu sheegay inay sal u yihiin maamul xumo baahsan oo ka jirta Wasaaradda Arrimaha Arrimaha Dibadda, gaar ahaan Wasiirka oo uu ku eedeeyey inuu masuul ka yahay xafiisyo tiro badan Somaliland dibadaha ku lahayd oo xidhmay, iyadoo arrimahaasna uu jawaab ka bixiyey Wasiirka Khaarajiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo agaasimaha iscasilay ku sheegay nin ku haftay baaxadda shaqada ka socota wasaaradda.
Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Khaarajiga oo ugu horreyn tafaasiil ka bixinayey sababaha uu xilka isaga casilay waxa uu yidhi; “Waxa maanta (shalay) igu kellifay inaan iska casilo xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oon ku karaamo badnayn, kuna qurux badnayd in aanan warbaahinta u gudbin ee aan istiqlaaladayda u gudbiyo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aan ku idhaa; mudane madaxweyne shaqadii aad ii igmatay waan ka tagay.
Madaxweynaha qaranka Somaliland oo runtii ah nin taariikh siyaasi ah ku leh Somaliland, ahna nin khibrad iyo waayo-aragnimo u leh maamulka, waxana suurtogali wayday in mar walba loo gudbiyo madaxweynaha warbixinta xaaladda dalku marayo, hadday noqoto mid wasaaradda ah iyo mid kaloo caam ah.
Madaxweynaha waxa laga qariyaa oo loo saamixi waayaa inuu helo xaqiiqda dhabta ah, taasina waxay keentay inaan daah-furo oon sababeeyo, caddeeyana sababaha dhabta ah ee aan isu casilay si aanay u sii socon. Waxa ugu fiican ee maamul lagu daaweeyaa in maamulka gudihiisa wax lagu saxo, waxa lagu daaweeyaa in la doodo, wax la isu sheego, la wada hadlo gudahayaga, haddii la hagrado oo madaxda qaarna loo diido inay runta sheegaan, waxa imanaysa in ragga qaarkii shaqada ka baxaan oo bannaanka ka saxaan oo markaa uu dhaco dheellitiranka awoodeed.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda maanta waxay leedahay hab-dhaqan ka duwan wasaaradaha kale, taas oo ah in aanay shaqayn dhammaan laamaha wasaaraddu ka kooban tahay, marka laga reebo xafiiska wasiirka oo shaqadiisu u badan tahay arrimaha dibadda.”
Dhinaca kale, Agaasimaha iscasilay waxa uu si kulul u weeraray Wasiirka Madaxtooyada Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu ku eedeeyey inuu kala ilaaliyo Madaxweynaha iyo masuuliyiinta qaranka si xogo sugan looga kala qaato xaaladda dalka, isagoo arrimahaas sharraxaayeyna waxa uu yidhi; “Madaxweyne xilka ninkii ugu horreeyey ee ka taga xukuumaddaada wuxuu ahaa Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, markii uu xilka ka tagayna adiga wuu ku ammaanay, laakiin wuxuu yidhi, madaxweyne kuwa kula jooga runta ha kuu sheegaan, Dr. Gabboose maan dhegaysan.
Maxaa ku xun maanta inaan anigu saxaafadda kaala hadlo, markaan ku arki waayey een xaqiiqda kuu sheegi kari waayey; maxaa ka xun in maamul xumo kaaga dhacdo sirdoonka iyo ciidammada millateriga, maxaa kaaga xun maanta in lagaa qariyo Guurtida, garab-weynta, aqooyhananka iyo siyaasiyiinta qiimaha badan ee Somaliland ku nool oo la yidhaa arki maysaan, ma waxaad wadi kartaa dawlad aan runta laguu sheegayn?”
Waxa kaloo uu ku eedeeyey wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Madaxtooyada inay leeyihiin urur-siyaasadeedka la yidhaa NASIYE.
“Waxa weeye Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Madaxtooyada ururka ay furteen waa NASIYE, iyagoo u dhiibay Mr. Axmed, isaguna 24 saacadood Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayuu nala joogaa. Cashooyinka iyo xafladaha uu ururkaasi hudheellada waaweyn ku sameeyo waa la ogyahay, waana ururka ugu martiqaadka badan, Axmed-na (Guddoomiyaha NASIYE) waa nin saaxiibkay ah oo lacag ma haysto. Waar yaa kharash-garaynaya, ma shadaadiin baa kharashgaranaysa?
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka soo baxay xisbiga KULMIYE. Xisbigii KULMIYE waa la aasay, Muuse Biixi-nna waa la lugooyey, maro KULMIYE la yidhaa oo faaruq ah ayaa lagaga tegay,” ayuu yidhi Mr. Raage.
Geesta kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa isaguna dhinaciisa jawaab kulul ka bixiyay eedaymaha uu u jeediyey Agaasimihii Guud ee Wasaaraddaasi Maxamuud Raage, kaasoo uu ku sifeeyey in ku haftay hawasha culus ee wasaaradda, isla markaana ka soo bixi waayey waajibaadkiisii shaqo.
“Agaasimaha Guud Mr. Maxamuud Raage, runtii muddadii koobnayd ee aannu wada shaqaynaynay shaqada Wasaaraddu way ku adkayd oo dhibaato xoog leh ayaa ka haysatay oo wuu ku haftay. Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waa wasaarad ballaadhan oo la shaqaysa beesha caalamka, ha’yadaha Qaramada Midoobay iyo urur-goboleedyadaba, markaa qofka Agaasimaha Guud noqonaya waxa laga doonayaa inuu noqdo qof karti iyo aqoon leh.
Agaasimaha markii aannu aragnay inay ku adag tahay hawsha wasaaraddu, gaar ahaan xidhiidhada iyo luqadda diblomaasiyadeedba, waxaannu garanay inaannu caawino oo waannu taageeraynay, mana jirin wax dhibaato ah oo aannu ku haynay, laakiin markii shaqadii ku adkaatay ee ay ka hortimi waakan iska casilay xilkii. Waxaan u rajaynayaa waa nin dhallinyaro ahe’e inuu mustaqbalkiisa ku guulaysto oo uu shaqo kaloo uu ka soo bixi karo qabto,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda oo u warramay shabakadda wararka ee Somaliland.org.
Waxa kaloo uu Dr. Maxamed Cabdillaahi sheegay in Agaasimaha Guud masuuliyadda hawshiishu tahay isku dubba-ridka hawlaha wasaaradda, haseyeeshee aannu Mr. Raage aqoon u lahayn shaqada uu hayey.
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la weydiiyey su’aal ahayd waxa ka jira inuu leeyahay urur-siyaasadeedka NASIYE oo agaasimuhu ku eedeeyay, waxa uu ku jawaabay; “Anigu waxaan ka tirsanaa madaxdii xisbiga talada haya ee KULMIYE oo aan ka mid ahaa dadkii ka shaqeeyay inuu xisbigu ku guulaysto madaxtinimada dalka, welina waxaan ka tirsan nahay xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, mana jirto wax urur ah oo kale oo aan ku jiro ama samaystay.”
Sidoo kale, waxa uu ka jawaabay eedaymo la xidhiidha in xafiisyadii Somaliland ku lahayd dalalka dibadda qaarkood xidhmeen, “Xukuumaddu dalka ay ka furanayso xafiis iyo halka aanay ka furanayn waa siyaasad xukuumadeed. Way jiraan xafiisyadii Somaliland, kuwo kale oo aan loo baahnayna waannu baabi’inay. Waxaannu qaadanay meelaha aan looga baahnayn wakiil ama xafiis in aannu xidhno,” ayuu hadalkiisa ku khatimay Wasiir Maxamed Cabdillaahi Cumar.
Qurbo-joogga reer Somaliland ee UK oo loogu baaqay inay si weyn uga qaybgalaan bannaanbax ballaadhan oo lagu taageerayo Somaliland
London, (sli) – Qurbo-joogga reer Somaliland ee ku dhaqan guud ahaan waddanka UK, ayaa markale loogu baaqay inay si weyn uga qaybgalaan bannaanbax ballaadhan lagu taageerayo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland oo loo qoondeeyey inuu 22-ka bishan February ka dhaco magaalada London ee carriga dalka Ingiriiska.
Warsaxaafadeed guddiga qabanqaabada bannaanbaxaasi ka soo saareen shalay magaalada London oo lagu faahfaahiyey ujeeddooyinka dhabta ah ee laga leeyahay isu-soo-baxaas oo ku muddaysan maalin ka hor shirweynaha caalamiga ah ee dhinacyada Soomaalida loogu qabanayo dalka Ingiriiska, waxa uu isagoo dhammaystiran u qornaa sidan:
“Waxa bishan February 22keeda la qabanqaabinayaa bannaanbax weyn magaalo-madaxda dalka Ingiriiska ee London oo ujeeddadiisu tahay in la taageero qaddiyadda goonni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland.
Qurbo-joogga Somaliland ee UK waxa lagu wargelinayaa inay ka soo qaybgalaan isu soo baxan.
Waxaynu haysanaa fursad aynu caalamka iyo dawladda Ingiriiska ugu sheegayno:
a. In madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay muqaddas, lama taabtaan, gorgortanna aanay geli karin;
b. In isku darkii labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya ee 1 July 1960kii uu noqday faashil, dibna aan loogu noqonayn;
c. Inay dan u tahay Soomaaliya iyo caalamka intiisa kaleba in la ixtiraamo goonni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland;
d. In TFG-da Soomaaliya iyo shacabkeeduba soo afjaraan riyada ah in faashilkii hagardaamada lahaa ee isku darku soo noqonayo.
Qurba-joogga Somaliland ee UK ishaa haysa. Waxa soo eegaya saddex milyan iyo badh reer Somaliland ah oo waddankooda jooga. Waxay dhawrayaan bal sida ay wax uga geystaan qaddiyadda goonni-isu-taagga JSL maanta oo ay fursad u haystaan.
Cid allaale ciddii is leh ka soo qaybgalka Jamhuuriyadda Somaliland shirka lagu qabanayo London 23ka bishan wax buu ka beddelayaa himiladeenna, waxaannu u diraynaa farriin cad oo culus. Haddaba ka soo qaybgal isu soo baxan London ee bishan Feb 22keeda aan ku sheegayno inaynaan qaladkii lixdankii dib u samaynayn.
Waxa laga yaabaa in maalinta bannaan buxu (22da February) ay noqoto dhaxan, inuu roob da’ayo, inuu baraf da’ayo. Waxa laga yaabaa inaad kun iyo kow sababood aad haysato oo aad kaga baaqato isu soo baxan taariikhiga ah. Waxaadse ka fikirtaa inay malaayiin qof ku soo eegayaan oo ay dhawrayaan baalka aad ka gali doonto taariikhda. Sababtoo ah maanta waxad haysataa fursad aad caalamka ugu sheegto rabitaanka shacabka Jamhuuriyadda Somaliland. Dalkaagii adigaa metalaya. Cid kale ha ku eegin.
Taariikh ahaan waddanka UK waa dalka kaliya ee ay jaaliyadda reer Somaliland ee deggan qurbuhu ugu badan yihiin uguna taariikh dheer yihiin. Maanta oo in ka baddan 40 dal madaxdoodu ay shirkan UK imanayaan si ay uga hadlaan arrimmaha la xidhiidha Soomaaliya oo si toos ah amma si dadbanba saamayn ugu yeelan kara qaddiyadda JSL, waa inaan cududdeenna tiro iyo cududdeenna tayaba muujinnaa.
Fadhi iyo fuud yicibeed la isla waa. Waan fadhiyayaa oo Somalliland waxan rabaa in la aqoonsado socon mayso. Somaliland waxay halis u tahay cadow fara badan. Ha la bakhaylin inaad ka soo qaybgasho isku soo baxan.
Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xidhiidh Guddiga Qabanqaabada Isu soo baxa London ee 22da February 2012. Mobile 07961 131014 ama 07947 030522,” ayaa lagu soo afjaray warsaxaafadeedka.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Denmark oo ka Digay in Horumarka Somaliland Burburi Karo Haddii ay
Copenhagen, (sli) – Dawladda Denmark oo ka mid ah dalalka ku yaal qaaradda Yurub, ayaa ka digtay in horumarka muuqda ee Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsatay uu burburi karo haddii aanay beesha caalamku si dhaqso ah taageero ugu fidin.
Sidaa waxa ku dhawaaqay Wasiirka Horumarinta Denmark Md. Christian Friis Bach, isagoo ku baaqay inay waajib tahay in beesha caalamku taageero u fidiso horumarka dhinaca fiican loo qaaday ee Somaliland, waxaannu tilmaamay in horumarka ka hana-qaaaday Somaliland ay ku lammaan yihiin faqiirnimo la soo dariistay inta badan bulshada.
“Waxaannu aragnay horumar dhinaca fiican loo qaaday oo ka muuqda Somaliland. Waxa kaloo aannu arkaynaa in horumarkaasi burburi karo oo aannu cago adag ku taagnayn, taasina waa sababta waajibka ka dhigaysa in beesha caalamku taageero degdeg ah u fidiso Somaliland si horumarka jiraa u hana-qaado,” ayuu yidhi Wasiir Christian Friis Bach oo qoraal uu toddobaadkan soo saaray lagu baahiyey wakaaladda wararka dalka Shiinaha ee Xinhua.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Denmark, ayaa iyaduna caddaysay inay xafiis fuliya barnaamijyada horumarineed ee dalkoodu ka wado Somaliland ka furanayaan caasimadda Hargeysa, kaasoo noqonaya kii u horreeyey ee waddamada reer galbeedku ka furtaan Somaliland.
Waxa kaloo uu Wasiirka Horumarinta ee Denmarka faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha uu qaban doono xafiiska dawladdiisu ka furanayso Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu yidhi; “Xafiiska aannu Somaliland ka furanayno oo yeelan doona shaqaale joogta ah iyo laba khabiir oo la-taliyeyaal ah waxa uu ka shaqayn doonaa arrimaha ammaanka, caafimaadka iyo dedaalka lagu kobcinayo waxbarashada, annagoo la kaashan doona dawladaha hoose ee la doortay.”
Mr. Christian Friis Bach waxa uu intaa ku daray inay labanlaabi doonaan gargaarka dhinaca horumarka la xidhiidha ee Somaliland la siiyo, taasoo uu xusay in la gaadhsiin doono adduun dhan $35.4 milyan oo dollar, isaga oo tilmaamay in deganaanshaha Somaliland tusaale fiican oo lagu daydo u noqonayo Soomaaliya iyo guud ahaanba dalalka ku yaal Geeska Afrika, isla markaana gacan ka geysan karta wax-ka-qabashada budhcad-badeedda, argagixisada iyo qulqulka qaxootiga.
Wasiirka Horumarinta ee Denmark Md. Christian Friis Bach, waxa uu laba toddobaad ka hor booqasho ku yimi dalka Somaliland, isagoo kulamo la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo iyo masuuliyiinta kalee qaranka, kuwaasoo ay wadahadleen arrimo la xidhiidha sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Denmark.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland oo maanta ku Faaney Safarkii uu Masar ku tagey inuu Guullo kasoo hoyey iyo Wefti ka socda Masar oo dalka Jooga
Hargeysa, (sli) – Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta faah faahin ka bixiyay waxyaabaha ay isku waafaqeen dalka masar inay iska kaashadaan Somaliland.
Wasiirku wuxuu sidaasi ka sheegay kulan balaandhan oo uu maanta xafiiskiisa kula yeeshay wefti ka socday dalka Masar oo uu Hoggaaminayay la Taliyaha safiirka Masar u fadhiya Jabuuti Maxamed binu Marwaan.
Wasiirka oo kulankaasi ka hadlay wuxuu yidhi “Waxaan jecelahay inaan si diiran u soo dhaweeyo weftiga balaadhan ee ka socda dalka Masar ee aanu walaalaha nahay khaasatan Maxamed Ibnu Amiir oo safiirka Masar ee dalka Jabuuti oo dhawr jeer oo horena halkan noogu yimid farxad weyn ayay noo tahay socdaalkooda xiligan. Masar waa dal aynu walaalo nahay oo muddo dheerna dalkan Somaliland uu xidhiidh aad u dheeri ka dhaxeeyay oo la xidhiidha dhinacyada dhaqanka iyo waxbarashada .”
“Waxaan aad ugu faraxsan nahay xidhiidhka imika ka dhaxeeya Somaliland iyo Masar oo imika xoogaystay ka dib markii dawladaha Masar iyo Somaliland wada hadalo toos ahi dhex mareen. Waxaan uga mahad celinayaa socdaalkii aanu ku tagnay dalkaasi oo aanu la kulanay masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin wasaaradda arrimaha dibadda iyo Wasiirro kale, waxana nuxurkii aanu kulamadayadiina waxay ahaayeen in labada dal wada yeeshaan xidhiidh aad u adag.”
“Waxaanu halkan u fadhinaa wefti masar uga yimid sidii xidhiidhkaasi loo hirgelin lahaa oo ay ka mid tahay in dawlada Masar ay dhisto maxtabad lagu barto dhaqanka carabta iyo luuqada carabigaba. Taasi waa guul weyn oo aanu uga mahad naqayno dawlada Masaaridda gaar ahaan safaaradaha dalkaasi ee Jabuuti iyo Nairobi,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.
Wasiirku wuxuu sheegay inay koox dhakhaatiir ah oo ka socota dalka Masar ay adeeg caafimaad ka fuliyeen Hargeysa, waxa kale oo uu xusay inay deeqo waxbarasho oo heer jaamacadeed ah ay Masar siin doonto ardayda reer Somaliland.
Md. Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay inay ka wada hadli doonaan masaarida iskaashiyo kala duwan oo ku wajahan dhinacyada Ganacsiga iyo xoolaha ah.
“Waanu soo dhawaynaynaa xidhiidhka aanu la leenahay dalka Masar, waxaana aanu dhawaan shirkii midowga afrika isku aragnay mar kale Wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi oo aanu halkaasi ka sii ambo qaadnay xidhiidhka labada dal,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.
Dhinaca kale, la Taliyaha safiirka Masar u qaabilsan wadanka Jabuuti Maxamed Binu Marwaan oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay socdaalkiisa Somaliland.
Maxamed Binu Marwaan waxa uu sheegay in xidhiidhka labada dal uu isa soo tarayo oo ay Somaliland iyo Masar, waxaanu tilmaamay inay iska kaashan doonaan dhinacyada Waxbarashada iyo ganacsiga.
La Taliyaha safiirka masar u fadhiya Jabuuti waxa uu sheegay inay hadda u socdaan dhismaha maktabadda weyn oo ay ka dhisayaan magaalada Hargeysa.
Sidoo kale, waxa kulankaasi lagu kala saxeexday heshiiska dhismaha maxkatabadda masaaridda.
Waxaa maanta dalka ka Amba baxay Kooxdii ugu horeysay ee ka tirsan Xukuumadda Siilaanyo ee ka qeyb gali doonta Shirka Soomaalida loogu qabanayo Dalka Ingiriiska
Hargeysa, (sli) – waxa maanta dalka ka amba baxay hormadii u horeysay weftiga Somaliland uga qeyb galaya shir-weynaha ay dawlada Britain 23-ka bishan u qabanayso xal u helida mashaakilaadka dalka qalalaasuhu hadheeyay ee Somalia.
Shirkan lagu qabanayo oo noqodoona shirkii ugu horeeyey ee ay Somaliland ka dhex muuqato Shir loo qabto Somalida Dhibaatadu Aafeysay, Shirkan oo ay kasoo qaybgali doonaan Federalada ka jira Soomaaliya kuwii hore iyo kuwa cusuba, waxeyna dadka siyaasadda u dhuundaloola is weydiinayaan mar haddii Federalada ay kasoo qaybgali doonaan Somaliland miyaysan la mid aheyn Federalada ka jira Dalka Soomaaliya.
Weftigan maanta ka dhoofay dalka oo uu Hoggaaminayay Wasiirka Wasaarada warfaafinta iyo wacyi-gelinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade, waxa xubno ka ah Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, Ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku xigeenka UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiiladda, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Xaaji Cabdi Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo ka tirsan Golaha Guurtida, Xildhibaaan Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo ka tirsan Golaha Guurtida, Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo ka tirsan Golaha Wakiilada iyo xubno kale waxaanay u socdaaleen dalka Itoobiya oo ay maalmo ku sii hakan doonaan.
Wasiirka warfaafinta oo saxaafadda ugu waramayay magaalada Wajaale ayaa sheegay inay u kicitimi doonaan dalka Britain si ay u sii gudo galaan arrimo la xidhiidha shirweynaha dawlada dalkaasi soo agaasintay ee ka furmi doona magaalada London.
Md. Xaabsade waxa uu sheegay inay magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya ay ku sii hakan doonaan si ay uga shaqeeyaan waxyaabaha qabyo-tirka u baahan ee weftiga qaran ee ka qeyb geli doona shirka London.
Wasiirku wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in xukuumadda uu ka tirsan yahay ay olalaha ictiraaf raadinta ka qeyb geliso Goleyaasha Baarlamaanka iyo axsaabta qaranka.
Weftigan ayaa qeyb ka ah wefti balaadhan oo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Hoggaaminayo oo ka qeyb geli doono shirkaasi oo lagu soo marti-qaaday Somaliland.
TALLO QARAN IYO BADBAADO QARANBA WAA LAMA HURAAN Qalinkii Ismail M Gadiid
Salaan guud ka dib ku tiigaali maayo hab-dhaqan xumida maamul iyo siyaasadeed ee ka jira CARRO-EDEG, waxaa inagaga filan baaqa iyo dhawaaqa kasoo yeedhaya bariga iyo ka galbeedkaba(gabiley)iyo daaha uu ka qaadey agaasimaha arimaha dibeda ee is casiley hab-dhaqan xumida baahsan/habacsan kaasoo daliilkii ugu danbeeyey ah, waxaanse labadoodaba ugu dari lahaa waa ku Talla- gal Siyaasadeed DHABB ah oo uu ku dhuumanayo M/weynuhu ee maaha mid ka qaldan waxaanan u dhiganayaa faaladaasi iyadoo tifatiran maqaaladaha danbe hadii EEBE yidhaah.
Dhamaan odayadii siyaasadeed ee ku bahoobey aakhirkii KULMIYE waxey markii 3/4-aad ku dhaceen siyaasada iyo hogaaminta
bulshada waxaan qabaa kuna talinayaa in aynaan maanta ku raagin damaqa xanuunka iyo qalbi-jabka ay leedahey hungowga hogaaminta bulshada, balse doorkan maanta ah aynu GA-GAB goyno oo yeynaan ku milmin(bulshada SL) maaweelada ururada Siyaasada oo dhamaantood marka laga reebo XASAN CIISE JAAMAC(isagu ka gooni ahaa fashilka siyaasadeed ee dhacayey 20-kii sanadood ee u danbeeyey) waxey si MUG iyo MASUULNIMO leh ugu lug lahaayeen fashilkan siyaasadeed.
Markale waxaan leeyahey oo aan adkeynayaa gooni kuma aha M/weynuhu ee dhamaan Ururada iyo Ragan Yaacayaa waa isla iyagii
oo u xuub siibtey Ururo, inkastood shaadhadh kala duwan soo xidhato qofka iyo shaqsiyaduba waa iyadii qaarkoodna weli waxey
ku jiraan Xisbiyadii hore halka kuwa kalena weli wasiiro ka yihiin Xukuumadan KULMIYE dhamaantood way la wadaagaan M/waynaha
fashilka siyaasadeed, M/waynuhu wuxuu gaar u leeyahey majara-habowga QARANKA uu ku hogaamiyey siyaasadan ah dhuumashada
dhabarku muuqdo.
Gaba-gabadii waan soo dhaweynayaa dhawaaqyada iyo baaqyada oo aan leeyahey waabad raagteene TALLO QARAN & BADBAADO QARANBA waa lama huraan, Qurba-joog iyo Aqoon-yahanna bulshooy waxaan idin leeyahey GALL WAX LIQA ULL-BAA LA ISKAGA DAYAA
ma wada caafimaad qabno sidaad moodeena may aheeyn ee hada wixii ka danbeeya naga fiirsada.
Qalinkii Ismail M Gadiid
imgadiid@gmail.com
LONDON 14/02/12
OGEYSIIS: WADO CUSUB OO ISKU XIDHA HARGEISA IYO!!! Warbixintii Abdifataah Mohamed Ahmed Ceelaabe
2 Million oo qof haddii mid kastaaba maalintii ku Qayilo 5$ lacag intee leeg ayey noqoneysaa. Lacagta badan ee wadanka uga baxda Geedkaasi haddii maalin qudha la joojiyo Boqolaal wado ayaa la dhisi lahaa. Dadku berigii hore sidani uma fahansaneyn waxa horumarku yahay. Gacmo wada jirbey wax ku gooyaan. markasta oo dadku isku tago ama wada tashi yeesho waxa xaqiiqo ah in wax badan la qaban karo ama guulo badan laga gaadhi karo nolosha. Isbedel badan oo la xidhiidha arimaha horumarka iyo wax wada qabsiga ayaa si xoogan somaliland uga muuqda ama madaxa la soo kacaya. Daawanaayow waa dalkaagii ayaa qof kastaba si weyn qalbigiisa u taabatey. Berigii hore arimo badan oo maanta bulshadu isku tag ku qabsato lama sameyn jirin oo dawlada ayuun baa wax laga sugi jirey laakin maanta dadkii ayaa wadankoodii u soo jeestey oo wixii ay qaban karaan dawlada la garab taagan.
Somaliland HWY 2012
inkasta oo horumarku wax lagu farxo uu yahay dhammaaan gobolada kala duwan ee somaliland, haddana waxaad dareemi kartaa in xin badan ama taran badan oo reeraha dhex socdaa uu jiro. Reer kastaaba marka uu arko qabiil kale oo wax qabsadey ama wadooyin badan dhistey ama Wadooyinkii waa weynaa ee Hargeisa iyo isku soo xidhayey magaalooyinka kale sameystey ayaa kuwii kalena ku dhaqaaqeen. talaay yaa qurbaha naga jooga waxa la bilaabayaa wadada isku xidha . . . . . . . . . . . . . iyo hargeisa, waxa la bilaabey wadada isku xidha. . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . iyo hargeisa. meelo kalena waxa ka socda dedaal lagu hirgelinaayo sidii wadooyin badan loogu soo xidhi lahaa caasimada hargeisa. Burco iyo Oodweyne ayaa in badan maskaxda lagu hayey doorashadana lagu geli jirey, Wadada ceerigaabo ayaa sidoo kale wakhtigan laga wada hadlayaa. Wadada cad, wadada salaxley, Baligubadle iwm meelo badan ayaa la soo dhisayaa. Hargeisa maxaa la jecel yahay mid kastaaba Wado ha ku soo talaasho. Yaan la innaga badin, reer hebel waa kuwa wadadooyinkii bilaabeye.
xil dhibaano badan oo wax qabta ama beeshooda wax u tarey ayaa caasimada jooga, qaar kalena lama yaqaano waxa ay meesha ka dhex fadhiyaan. lacagaha la soo diraayo ee lagu soo hagaajiyo culimada ama xil dhibaanada ayeynu aragnaa. Weli seminaar ma u gashay iyo xaflad ama kulan lagu gorfeeyo dar-daran gelinta Dhismaha wadada la dhisaayo. shaqaale tabaruc ama is xilqaamid ku shaqeeya ayaa meelo badan lagu bilaabey, laakin wakhtigan lacago badan ayaa loo soo uruuriyey. arimaha ganacsiga ayaa isku furmaaya iyo socdaalka intaba, xagga bad-baadada shilalka wadooyinkuna wey yaraan karaan, baabuurtana waxa u fiican Jid wanaagsan. wakhtiguna intii hore ayuu ka soo yaraan karaa. meesha haddii wadadu ay hor marto ama ay dhex marto ama wado ay tagto magaalo ayey mustaqbalka iska noqotaa ama waa la degaa oo waa lagu soo hirtaa, shaqo iyo ganacsina waa laga furaa.
40% kharashka ku baxaya wadada dawladda hoose ayaa bixisa halka 60% dadka xaafadaha degani ay iska soo uruuriyaan guddi laga dhex sameeya meelo badan markii wadada loo dhisey. xaafado badan dad dan yar ah oo aan lacagta saamigooda iska bixin kariin ayaa jira arintaasi oo keentay in aan wadooyinkooda loo dhaqaaqin.
dad daacad ah oo masuuliyada saaran garan kara ayaana meelo badan xilalkii qabtey dhalinyar badan oo dedaaleysa ayaana soo shaqo gashey sanooyinkii ugu danbeeyey. mustaqbal fiican ayuu leeyahay wadankeenu haddii aynu u dedaalno oo aynaan innagu is dhigan. arimaha wakhtigan taagan ama bulshadu inta badan ka hadasho ayaa ah dhisida wadooyin badan oo caasimada ku soo socda ama laga saaraayo. markaa waa in aan loo kala hadhin, waa in la bixiyaa lacagta wadooyinka loo uruurinaayo, waa in lagu farxaa, waa in la dhiirigeliyaa, waa in dalka gacanta la saaraa. 1$ aan ku darsadaa wax buu u tarayaa wadanka intaan beeraha Jaadka u diri lahaa.
Haddaba walaal waddo cusub ayaan bilaabeynaa, qabiilka lehna laguuma sheegaayo, meesha laga dhisaayaana laguuma sheegaayo laakin walaal waxaad lacagta ku soo dirtaa Qaran R5468easfqe. . . . . . . . . . . . . . . Dahabshiil rft43568we. . . . . . . . . . . . Zaad. . . ase3456m3. Walaal haddii aad dooneyso in aan Televisionka kaa soo deyno si loo arko markaad wax bixineyso waa la sameyn doonaa, walaal haddii aad leedahay dadku yaaney sadaqada arkina sidaasi ayaa ku kheyr baddan.
Warbixintii Abdifataah Mohamed Ahmed Ceelaabe
Gudoomiyihii Hore ee Dallada SONYO oo si balaadhan loogu soo Dhaweeyey Somaliland kadib markii uu wax barasho ugu maqnaa Ugandha oo uu Ku diyaarinayey Masters degree Medicine
Hargeysa, (sli) – Gudoomiyihii hore ee dallada dhallinyarada somaliland ee SONYO. Dr. Maxamed Yuusuf Aw Cawli Culimo, ayaa si diiran loogu dhaweeyey Somaliland kadib markii muddo ku siman Sanad Iyo 7 Bilood uu wax barasho ugu maqnaa wadanka Ugandha oo uu Kadiyaarinaayey Masters degree Medicine ah .
Gudoomiyihii Hore Ee SONYO Dr. Culimo oo ay weheliyaan Dr Aadan Iyo Dr.C/fataax. ayaa kasoo degey garoobka caalamiga ah ee diyaaradaha ee Egal ee magaalada Hargeysa Waxaana si balaadhan ugoo dhaweeyey garoonka dhallinyarao badan oo ay hormuud ka ahaayeen Gudoomiyaha dallada SONYO Axmed Cabdi Wacays,Agaasimaha Fullinta Ee SONYO,Siciid Maxamed Axmed,Agaasimihii Hore Ee SONYO Mustafe Maxamed Khayre,Eng Axmed Axmed
Abokor oo kamid ah xubnaha golaha sare ee SONYO,Xoghaya Dallada SONYO Mustafe Gacmadheere, Hogaanka sare ee Ururka Hyda, Siciid Jaamac Cali,Khaalid Jiilaani Iyo Maxamed Xasan Siciid Agaasmaha Komishanka Maamulwanaaga Iyo La,dagaalanka Musuqmaasuqa. Iyo Dhallinyaro badan oo kalle.
Gudoomiyaha SONYO Axmed Cabdi Wacays,Agaasimaha SONYO Siciid Maxamed Axmed,Agaasimihii Hore ee SONYO, Mustafe Khayre,Agaasimaha Komishanka Maamul Wanaaga Iyo La,dagaalanka Musuqmaasuqa Md Maxamed Xasan Siciid Ahna Gudoomiyihii Hore ee SONYO oo kahadley madashaasi soo dahweynta Dr. Culimo ayaa sheegey iney aad ugu faraxsan yihiin soo laabashada Gudoomiyihii Seddexaad EE SONYO Dr Culimo uu dalkiisa Dib ugu soo nqodey kadib markii uu muddo waxbarasho ugu maqnaa wadanka Ugandha.
Dr. Aadan oo kamid ah dhallinyarda Waxbarashada Master Degree Medicine ah ugu maqnaa wadanka Ugandha ayaa sheegey iney aad ugu mahadnaqayaan dhallinyarda soo dhaweysay waxaanu xusey iney wadankoogiiw ax usoo barteen.
Gudoomiyihii Hore Ee Dallada SONYO Dr. Maxamed Yuusuf Aw Cali Culimo oo sina madashaasi hadalo kooban kajeediyeye ayaa ugu horeyn umahadnaqey dhallinyada Somaliland Ee Sida Wacan Usoo Dhaweeye .
Waxaanu Dr. Culimo xusey in muddo sanad iyo dheeraad ah oo uudalkii uga maqnaa waxbarasho ay maanta kasoo laabteen oo ay soo dhameysteen .
Dr.Maxamed Yuusuf Aw Cali Culimo Gudoomiyhii Seddexaad Ee SONYO waxaa uu Baaq Nabadeed udirey shacabka walaalaha ah ee reer somaliland ee kunool Buhoodle waxaanu ugu baqey iney dagaalka joojiyaan oo wada hadal iyo wada tashi lagu dhameeyo wixii jira,
Dr. Maxamed Yusuf Aw Cali (Culimo) oo ah mid ka mid ah hogaamiyaashi xubnaha golaha Sare ee dallada soo hogaamiyay. Culimo waxaa lagu xasuustaa hogaamin wanaagsan iyo Sidii quruxda badnayd ee uu xilka u wareejiyay markii waqtigiisa uu ka dhamaaday. Dr. Culimo ayaa sanadahan dambe dalka Ugandha ugu maqnaa waxbarasho ee dhanka Medicine-ka ah oo uu masters degree-giisi kusoo diyaarinayay.
Wasiirka Madaxtooyada, Gudoomiyaha SONYO iyo Xubno kamid ah Dhallinyaradii UFFO oo dhagax dhigey Taalo Xasuuseed Dhallinyaardii Shuhadada ahaa ee UFFO
Hargeysa, (sli) – Wasiirka madaxtooyada somaliland xirsi cali xaaji xassan, gudoomiyahahaayada maamul wanaaga iyo musuqmaasuqa axmed muxumed madargudoomiyaha daladda sonyo axmed cabdi wacays ayaa maanta si wada jiraudhagax dhigay dib u habayn lagu samaynayo taalada xusuusta ah eedhalinyaradii uffo oo ku taala ka soo horjeedka maxkamada gobolkahargeisa.
Munaasibadan dhagax dhiga waxa ugu horey ka hadlay gudoomiyaha gudidaqaban qaabada xuska maalinta dhalinyarada uffo cabdiqani daahir hasanwaxaanuu faahfaahin ka bixiyey halkay marayso qaban qaabada maalintadhalinyarada somaliland oo ku beegan 20 bisha labaad ee sanadka 2012.Waxaanu sheegey md c/qani iney had au mareyso meel fiican qabanqaabadoisagoo ugu baaqey xukuumada somaliland in maalintaasi lafasaxodugsiyada si ay unoqoto maalinq aran.
Gudoomiyaha dallada dhallinyarada somaliland ee sonyo axmed cabdiwacays ayaa sheegey iney loobaahan yahey in maalintani si balaadhanloogu soo baxo oo la wayneeyo xuska maalintan waxa kaloo gudoomiyahadaladu sheegey in maalintan ay noqoto maalin qaran oo la fasaxodhamaan goobaha waxbarashada waxaanuu gabagabadii u duceeyeymarxuumiintii maalintaas ku dhintey sanadku markuu ahaa 20/02/1982 Gudoomiyaha komishanka maamulwanaaga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa mdaxmed muxumed madar oo munaasibadaas ka hadlay ayaa ku dheeraadaymuhiimada ay leedahay dhagaxdhiga iyo dib u habayta taalada xusuustaah ee mujaahidiintii ku shahiiday dhagaxtuurkii uffo.
Waxa uu mudane madar sheegey in la weyneeyo xuska maalintadhalinyarada somaliland oo ku beegan labaatanka bishaMareeyaha samafalka madaxtooyada marwo Aamina maxamuud diiriye Iyogudoomiyaha ururka Socsa Khadra kaliil cabdi oo kamid ahaadhallinyaradii maalintaasi 20/02/1982 ayaa sheegey in loobaahan yaheyin sibalaadhan maalintani loogusoo baxo.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali XaajIX asan oo kahadleysaaka dhaxdhiga taaladani aya augu horey ugu mahadnaqey Dallada SONYOdadaalka balaadhan ee ay ugu jirto horumarinta Dhallinyarad SomalilandWaxaa uu wasiir Xirsi sheegey in maalintani oo ku asteysan maalintaariikhi ah ay muhiim tahey in sibalaadhan loo xuso .
Waxaa kale oo halkaasi kahadley Xoghaya Sonyo Mustafe Gacmadheere. waxaa xusud mudan in Shirka EAST HORIZON ay tahey shirka dhiseysa, Gabogabadii Wasiirka Madaxtooyada,Gudoomiyaha Komishanka Maamulwanaaga iyo Ladagaalanaka Musuqmaasuqa Iyo Gudoomiyaha Dallada SONYOayaa dhaxdhigey dib u dhis iyo habeyn balaadhan oo lagusameynaayotaalada xusuus mujaahidiintii dhallinyarada ahaa eek u shahiideyxuskii maalintii dhagax tuurka .
Cali Waran cade oo meel kadhac kutilmaamay go,aankii ay labada gole ku ansixiyeen in ay Somaliland ka qeybgasho shir kasta oo loo qabanyo Somalida
“Laalidii qodobadii sharciyeed ee dabarka u ahaa bulshada iyo Dowladda somaliland waxaa ka dhalanaya arrimo xasaasi ah..” Waran-cadde
Hargeysa (Sli)- Wasiirkii horre ee wasaaradda duulista iyo hawadda Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in meel ka dhac ay tahay talaabadii ay dhawaan labadda Gole ee Guurtida iyo Wakiiladda Somaliland ku ansixiyeen in ay Somaliland ka qayb gasho shirka London isla markaana ay ku laaleen qodobo in badan dabar uga ahaa Somaliland ka qayb galka shirarka lagaga arinsanayo arimaha somaliya.
Cali Maxamed Waran-cadde waxa uu sidaas ku sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay, waxana nuqul ka mid ah warsaxaafadeedkan oo soo gaadhay Gabiley news u dhignaa siddan.
“Laalidii qodobadii sharciyeed ee dabarka u ahaa bulshada iyo Dowladda somaliland waxaa ka dhalanaya arrimo arrimo xasaasi ah oo wax yeelo weyn u geysanaya gooni isu taaga somaliland .
Arrimaahaasi oo ay ka mid yihiin :-
- waxaa bilaabantay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta , Madax dhaqameedyada iyo bulshada inteeda kale oo ka soo jeeda Goboladda iyo degmooyinka somalliland qaarkood ay cabashooyinkooda la tagayaan SOMALIYA , ayagoo ku doodaya in ay u tageen sidii dhibaatooyinka Somalia oo Somaliland ka mid tahay loo xalin lahaa.
- In ay meesha ka baxeen sharcigii laga baqanayey ee dabarka u ahaa qofkii ka qayb gala arrimo khuseeya Somaliya.
-In bulshaweynta caalamka ee aynu ka rajeyneynay Ictiraafka somaliland ay u fahmaan in doonista shacabku ay meesha ka baxday maadaama uu baarlamkii laalay qodobadii sharciga ahaa.
- In ay abuuri karto kala shaki ka dhex dhasha Shacabka reer somaliland iyo xukuumadooda. oo keeni kara isku dhac iyo nabad galyo darro.
- In ay magdhow ina weydiiyaan dadkii lagu waxyeeleeyey sharcigan hadda la laalay iyadoo aanay meesha ka bixin baahidii keentay in lagu fuliyo shacabka reer somaliland ee eega dhinaca somaliya.
- In kuwa hadda u hanqal taagaya ka mid noqoshada arrima somalia aanay meesha ka muuqan sabab loo dhibaateeyo mar haddii meesha laga saaray sharcigii qaban lahaa.
Arimahan sida dhibka yar loo laalay iyada oo aan waxba laga weydiin bulshada reer somaliland ee boqolkiiba 97% u codeysay XAMAR MAYA. Waxaa hubaal ah haddii aanu Baarlamanku dib-u-eegis ku sameyn qodobadan uu laalay,
in dhamaantood ay raad xun ku reebi kara bulashada reer somaliland ,
Sidaa awgeed waxaan u soo jeedinayaa labada Gole ee wakiilada iyo guurtida in si xikmad iyo caqli ku jiro ay dib u eegis ku sameeyaan qodobada la laayey iygoo kala tashanaya Bulshada qaybaheeda kala duwan.
Sidoo kale waxaan Xukuumada u soo jeedinayaa in ay deg deg wax uga qabato dhalinyaradda Reer Somaliland ee dhagarta ay ka gashay dowlad ku sheegta Xamar oo dib uga boobtay kaalmadii waxbarasho ee ay ka heleen dalka Turkiga, iyadoo aan Nasiib darro ku tilmaami karo cidii markii horeba dayacday caruurteena ee inagoo toos u weydiisan karna Dowladda Turkiga in Ardaydiina ay toos uga qaadaan Airporka Hargeisa, Xamar geysay.
waxaana ku boorinayaa in dowladda ardaydaasi ay ka soo qaado Xamar , isla markaana ay ka bixiso kharashkii ay ku tagi lahaayeen dalkii ay ka heleen deeqda wax barasho” ayuu ku yidhi cali Maxamed Warancade Warsaxaafadeedkaas”.
Tafatirihii guud ee shabakada wararka Gabileynews iyo wargayska caalami ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii uu dacwad ka dhana wasiirka cadaaladu ugudbiyay ciidamada C.I.D.
“Wararku waxa ay sheegayaan in xadhiga Mustafe C/kariin uu ka danbeeyo Wasiirka Cadaaladda Somaliland”
Hargeysa (Sli)- Ciidamada baadhista dambiyadda ee CID-da ayaa maanta xaruntooda ku xidhay Agaasimaha guud ee shabakadda Gabiley news Mr Mustafe Cabdikariin Cali (Mustafe Future).
Agaasime Mustafe C/kariin Cali ayaa ciidamada CID-du saaka qabteen ka dib markii uu xarunta xeer ilaalinta guud ee qaranka ku tagay yeedhmo xagooda ka timid, balse Guddoomiyaha ayaa markaa dib ciidamadu qabteen isla-markaana ay ku xidheen xarunta CID-da Hargeysa.
Inkasta oo aan ilaa hadda la cadayn cida amartay xadhiga Wariyaha ayaa haddana waxa la sheegay in xadhiga Wariyuhu uu dabada ku hayo amar ka soo baxay wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Xuseen Axmed Caydiid oo hore ka dib markii Shabakadda Gabiley news ay baahisay talaabooyin Musuqmaasuq oo uu ku kacay Wasiirku.
shabakadda Gabiley news ayaa horre uqortay fadeexado musuqmaasuq oo wasiirku ku kacay intii uu hayey xilka wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka, kuwaas oo cadeyntoodda iyo waraaqaha ay ku saxeexan yihiin lagu soo bandhigay sawiro ay baahisay shabakadda Gabiley news.
Wariye Mustafe Future ayaa ilaa hadda ku xidhan xarunta CID-da Hargeysa, mana jiraan waxa lagu sababeeyay xadhigiisa.
maaha markii ugu horeysay ee Xukuumadda Axmed Siilaanyo ay ku kacdo xadhiga wariyaaysha balse dhowaan ayay ahayd markii la xidhay in ka badan labaatan wariye, tacdiyadda kala duwan ee loo gaysanayo warbaahinta dalka ayaa maalinba maalinta ka danbeysa ka sii daraysa.
Somalilandinfo.com berbera/office
Source by Gabileynews.net
Xisbiga Mucaaridka ee UDUB oo beryahanba safar hawleed ku marayey gobolada Bariga oo booqasho ku jooga Gobolka Togdheer
Burco, (sli) – Weftigii uu hogaaminayey Ku simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye kuxigeenka Xisbiga UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasin oo beryahanba safar hawleed ku marayey gobolada Bariga ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.
Weftigan miisaanka Culus oo laga dareemay imaashiyahooda Magaalada Burco waxa uu ka kooban yahay Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Md.Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne),Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Md. Maxamuud Siciid Maxamed,Badhasaabka hore ee Gobolka Maroodijeex Maxamed Cabdi Daa’uud,Wasiirkii hore ee Ganacsiga Somaliland Abiib Filfil,Guddoomiyaha abaabulka iyo wacyigelinta ee Xisbiga UDUB Maxamuud Cabdi Mallow,xubno isugu jira Golaha dhexe iyo guddida fulinta ee Xisbiga UDUB iyo marti sharaf kale.
Badhasaab kuxigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samater oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey Weftiga balaadhan ee Xisbiga UDUB ee muddooyinkii ugu danbeeyey safarka hawleed ku marayey Gobolada Barri iyo weliba soo dhaweynta taageerayaasha Xisbiga UDUB ee Gobolka Togdheer iyo dadweynaha reer Burco ku qaabileen Weftiga uu hor-kacayo Axmed Yuusuf Yaasin.
Guuleed Daahir waxa uu sheegay inay dadka reer Togdheer si weyn u tabeen Xisbiga UDUB, isla markaana uu dalku wakhtigan marayo meel halis ah. “Waxaan idinku bushaareynayaa inaanu Xisbiga UDUB ahayn Xisbi baaba’aya, basle muddadii uu tallada dalka hayey waxa uu soo qabtey wax baddan.khilaafkaya yar ee ka dhex jirana way dhameynayaan iyaga oo gacmaha is-haysta ayey inagu soo noqonayaan.Ciddi inamay bedelin dalkii iyo tacliintii ayaa inoo ooyaya, jaarkii ayaa inoo ooyaya, dalkii ayaa halis ku jira”.Ayuu yidhi.
Guddoomiyaha Xisbiga UDUB ee Gobolka Togdheer Ayaanle Cismaan Ibraahim ayaa u mahad-celiyey taageerayaasha Xisbiga UDUB iyo dadweynaha reer Togdheer sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen weftiga Xisbiga ee muddooyinkii ugu danbeeyey safarka ku mareyey gobolada barri.
“Mudane guddoomiye adiga iyo Weftigaaga waxaan idinku soo dhaweynaynaa Magaalada Burco,..Imika waxaynu u diyaar-garoobaynaa doorashada golayaasha deegaanka ee fooda inagu soo haya,waxaynu doonayna sidii aynu mar labaad xukunka Somaliland u hannan lahayn,waxaanan soo jeedinayaa in la ilaaliyo midnimada, walaalnimada Somaliland oo aynu ku soo caano-maalnay”.Ayuu yidhi Ayaanle Cismaan Ibraahim.
Wasiirkii hore ee Ganacsiga Somaliland Md.Abiib Filfil oo isna halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyey dadweynihii tirada badnaa iyo masuuliyiinta gobolka sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen,waxaanu yidhi “Tani waxay ina siinaysa kalsooni dheerad ah,waana ta aanu ugu soo dhiiranay gobolka Togdheer Xisbigayagan UDUB.Muddadii aanu idinka maqnayn waxaanu qireynaa barnaamijkii aanu ku maqnayn ee xisbigu ku jirey ku soo tallogalka iyo taabogelinta iyo soo anbabixinta aanu iska soo anbabixinaynay barnaamijkii aynu ku hawligali lahayn ee aynu saaxada hogaaminta mar labaad tallada dalka ugu qaban lahyn oo ah qorshixii uu xisbigu raaci lahaa.”
Isagsa oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Iskama-naan hurdin ee xisbiga UDUB way liicdaaye ma jabto, UDUB doorashadii (Madaxweynanimada) waa laga helay,laakin way soo noolaatey way soo baxday”.Ayuu yidhi Ayaanle,waxaanu intaasi ku darey in xubnihii berigii hore hogaaminayey Xisbiga UDUB ay imika noqonayaan nus-danbeedka Xisbiga ee halka danbe ka talinaya.”
Badhasaabkii hore ee gobolka Maroodijeex Md. Maxamed Cabdi Daa’uud oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey taageerayaasha Xisbiga UDUB iyo dadweynaha reer Togdheer sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen weftigooda, waxaanu yidhi “UDUB may dhuuman oo lamana waayin,UDUB waatii 20-ka sanadood soo taagnayd, UDUB waatii dalku halka uu maanta marayo soo gaadhsiisay, UDUB waatii dimuqraadiyada keentey,UDUB waatii xukun-wareejiska nabadgelyada ku dhisan sameysay,UDUB been laguma aqoonin, laakin wax la tab-karo oo la arki karo oo ishu qabato oo ay ilaa maanta ku dhaadanayso ayaa lagu yaqaanay,balanta UDUB-na noqon meyso been, codka isii noqon mayso, balse waxay noqonaysa mid xaqiiqada ku dhisan.”
Wasiirkii hore ee Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md.Maxamuud Siciid Maxamed ayaa waxa uu u mahad-celiyey dadweynaha reer Burco iyo taageerayaasha Xisbiga UDUB sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen, waxaanu yidhi “Soo dhaweynati waxay muujinaysa weli inay shacabku kalsoonidii Xisbigoodi asaasaha nabadda Somaliland (UDUB) ay weli tabayaan,waxaanan mar labaad idin leeyahay ruug cadaagii idiin soo rogaal-celi.Maanta hawsha ugu weyn ee ina sugaysa waxa weeyaan in Xisbiga UDUB qabyo-tir lagu sameeyo, in la soo xulo xubnihii xulka kowaad ina gelin lahaa ee Golaha deegaanka inooga qeybgeli lahaa”.
“Waxaan soo dhaweynaynaa dhalinyarada waxgaradka ee haweenka iyo wiilasha inay saxaadda Siyaasada soo galaan,Xisbigana waan ku soo dhaweynaynaa,ilaa gobolada bari ayaanu soo marnay oo Xisbiga UDUB waa loo baahday,annagana yididiilo fara baddan ayaa na soo gashay”.Ayuu yidhi Maxamuud Siciid Maxamed.
Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Md.Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadhwey) ayaa ku bogaadiyey taageerayaasha Xisbiga UDUB iyo dadweynaha reer Burco ee sida wanaagsan u soo dhaweeyey. “Xisbiga UDUB waxa lagu shubay dhiig cusub oo waxa la galay wakhtigii dhalinyarada qofkii aqoonteeda iyo waayo aragnimadeeda leh ee adduunka wax ka soo goyn kara inaad taageertaan u diyaargarooba……Si wanaagsan ayeynu u qaadanay in nala lagdo oo nalaga badiyo arrintaasna adduunku wuu inagu amaanay…UDUB way dhici taqaana wayna toosi taqaana, manaaha markasta xil-doon oo tartanka ayey ka qeybgalaysa haddii ay ummadu u aragto inuu daawo u yahay codka ayey siin doonta, haddii ay u arkaan inaanay ku haboonayn ahlan-wasahlan”.Ayuu yidhi.
Kusimaha guddoomiyaha Xisbiga UDUB ahna Guddoomiye kuxigeenka Xisbigaasi Md. Axmed Yuusuf Yaasin oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka sheekeeyey taariikhda iyo waxqabadkii ay ku talaabsatey muddadii ay xilka haysay Xisbiga UDUB “Ciddii Ciidanka qaranka iyo Ciidanka booliska Somaliland asaastey waa UDUB, shuruucda lagu dhaqmayo iyo Dastuurka Somaliland ciddii sameysay waa UDUB,doorashadii ugu horeysay ee Golayaasha deegaanka ciddii suurtagelisay waa UDUB, doorashadii labaad ee Madaxtooyada ciddii suurtagelisay waa UDUB, tii Wakiillada UDUB ayey ahayd, Markaa UDUB waa hooyadii Axsaabta oo dhan”.
“UDUB-kii maanta dib ayaa loo culay,wixii xar ahaa waa laga nadiifiyey,waxaanu safka hore keenaynaa waa dhalinyaro,waxaanu go’aansanay inaanu annagu dib isku-taagno oo ay meesha yimaadaan niman firfircoon oo awood leh oo yaacaya ay meesha yimaadaan, oo aanu annagu wixii tallo iyo tusaale ah siino,…Waxay UDUB u baahan tahay cid majaraha iyo taaga ka saarta”
Md. Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu ku dooday in ciddii danaynaysa UDUB ay soo saarta oo taageero buuxda siisa, isla markaana si muwaafaqo leh u wada socda “Ninkii ILAAHAY u qoreyna wuu imanaya oo madaxweyne ayuu noqonayaa, kii kalena noqon-maayo.”.Ayuu yidhi, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu tilmaamay in Xisbiga UDUB uu awoodiisa siinayo dhalinyarada iyo haweenka si uu u soo baxo ayuu yidhi Xisbigu.
Xikmada Maqaal ah: Password, Xasuusta Passwordka, Account aan Password laheyn ma furan kartid Warbixintii Abdifataa Mohamed Ahmed Ceelaabe
Wuxuu soo galay Internetka isaga oo raba in uu furto mid ka mid ah E-mailadiisa,wuxuu ku qoray Id Name u gaar ah oo uu ku galo E-mailkiisa,Sidoo kalena wuxuu xagga hoose ka raaciyey Password-ka erayga ogolaanshaha u ah ama Sirta u ah ama ilaalada looga dhigey Amaanka Accountkiisa.Maba jiro,Wrong ayuu ku yidhi,wuxuu ku celiyey mar labaad,haddana wuu qaadan waayey,aad buu u naxay,Indhahaa waa weynaadey,Farta yaree,haddana weynee maxaa tolow kaa khaldan,miyaa laaga jabsadey,miyaa laaga badashey,mise wuu is xidhey.mar labaad ku celi ayuu u soo qorey,haddana mar labaad ku celi ayuu ugu jawaabey,markii saddexaadna wuxuu ku yidhi Sorry Blocked out ayuu saarey.Maxaad yeeli laheyd markaasi oo kale,waa Accountkii kaliya ee aad laheyd oo iska kaa xidhey.Secret and Question Answerkii ayuu baadhey,ma waxaad ka dhigatey kooxda aad ciyaaraha taageerto,ma waxaad ku qoratey xaafada ama magaalada aad joogto,ma waxaad ku qortey Qof aad Jeceshahay,ma waxaad ku qoratey Age,Ma waxaad ku qoratey Dugsigii aad ka baxdey,Wuu dawakhey Naxdin badan ayaan ku jirta isaga oo ka warwarsan macluumaadka uu Account-ku iskala xidhey iyo dadkii kala soo xidhiidhi jirey intaba.
Password waa eray caan ka ah bulshada aduunka oo dhan,meelo badan oo isticmaalka IT ama computerka ka mid ah ayaana laga isticmaalaa oo loo adeegsadaa,ma furan kartid computer haddii aanad xasuusan ama heysanin Passwordka lagu galo marka ugu horeysa,walaal kaalay ii fur ayaa ka soo horeysa ama Sorry mar labaad ku celi.Halka dadka qaar ay isku dayaan ama bartaan in ay jebiyaan Passwordka sida Kuwa E-mailks ama Computerada lagu xidho.Marar badan ayaa dhalinyartu ay ka heli jirtey in ay jebiso ama furato E-mail qof kale oo uu doonaayo ama arini dhex martey arintaasi oo wakhti hore la soo marey lana dafiri karin.dad badan e-mailo kala duwan ayaa ka soo xidhmey ama laga jabsaday ama ay iska ilaaween Password ay ku furan jireen.Password adag oo ka kooban waxyaabo kala duwan ayaa dadka qaar ka dhigtaa halka dadka qaarna kuwo fudud ka dhigto oo la jebin karo,dadka qaarna si joogto ah ayey 3 biloodba mar iskaga badalaan Password ku cusubna ay sameystaan.markaad qofka hor fadhido ka jeedso ha eegin Passwordkiisa yaan lagaa shakiyin.dibna u xasuuso E-mailo iskaga kaa xidhey markii aad Passwordkii xasuusan weydey,dib u xasuuso E-mail iska kaa xidhey oo aad dib u furatey.Dad badan ayey arintani qabsan kartaa maalintii magaalada si uun.
beri hore wax kastaaba wey ka yaraayeen intani E-mail Id keliya ayuu qofku lahaa,kaasina Passwordkiisu mey dhibi jirin laakin maanta wax kastaaba wey is badaleen oo waxa batey arimaha loo adeegsado Passwordka,Zaadka Number Sir ah ayaan ku furtaa waa Password waa in aad xasuustaa,Passwordka Facebook,Passwordka,Yahoo,hotmail,E-mailka xafiiska ee shaqada,e-mailka xaafadu ay ku dhiibto ama waalidka aad u heysto,Gmail Password,Account BANK lacagtana waa in aad xasuustaa Numberka aad lacagta ku shubato oo aad Xafidaa.Password meel kasta maanta waa lagu xidhanayaa ama waa laga rabaa.Jaceylkii ugu horeeyey ee kugu dhacay ama qofka aad inta badan Jeceshahay Password ayuu kugu xidhey oo aad Jebin kari laadahay.Marna waxa lagu odhanaya Sax marna wrong markaad ereyga khalado.waxaana aad isku qaadan doonta in aad tahay qofka ugu sareeya dadka markaad Facebook Password ku qorto ama gasho laakin haddii Wrong lagu yidhaahdo waxaad moodi in aad tahay qofka dadka ugu hooseya cadho badana wey jirtaa.
Passwordku wuxu ka koobnaan karaa erayo iyo Numbers intaba ama midkooba.Password dheer (strong iyo mid gaaban intaba waa la arki karaa.Maanta waxa la iskugu hanjabaa Passwordka ayaan ka jabsan ama waxaanu xidhi doonaa Shebekedaba.Passwordka Ceelaabe waxa weeyaan and afar gees isku talaab Life.Ha isku badin baraha Internetka ama Passwords badan oo kala duwan dabcan waad ilaawi kartaa,Credit cards wadamada dibada laga isticmaalo ayaa sidoo kale u baahan Secret Code ama Number aad ku furato,Mobile-ka aad sidato ayaad meel kasta xidhan kartaa xitaa Simcardka oo aan cid kale kula isticmaali karin.walaal wuu iska key xidhaye kaalay i jebi,ma ku dhufatey forget password,Haa waxaad buuxisaa ama aad ka jawaabtaa su,aalaha lagu weydiiyey haddii aad garato waxa Passwordkii laguugu soo diri karaa E-mail kale Hackers sidee lagu noqon karaa.5 Account kala duwan aad leedahay haddii aad isku Password ka dhigato maxaa ku heli doona.File gaar ah u sameyso oo aad ku qorato Passwords kala duwan,marna ha ku dhufan Remember my Password
haddii E-mailkii kaa xidhmey aduunkii kama xidhmin weli saaxibo iyo dad badan baa kula jooga ogow taasi.
Xikmada Maqaalkani:Password,Xasuusta Passwordka,Account aan Password laheyn ma furan kartid.
Ceelaabe
Geerash Cusub oo laguu Furey Banjarlihii Kacey! Warbixintii Abdifataah Mohamed Ahmed Ceelaabe
Mid ka mid ah shaqooyinka ugu badan ee wakhtigan aad meelkasta ku arki karto Ayuu ilaa muuqdaa banjarinta baabuurtu.Meelo badan oo aan loogu talo galin ganacsi ama wadooyinka dhinacyadooda ah ama Jidadka dhexdooda ah ayaa laga furayaa Banjar baabuurta loogu Hagaajiyo cagaha ama taayirada ama Buuxinta Naqaska marka uu iska dhimmo.Dhinacyada wadooyinka,Dhinacyada Kaalinta shidaalka ama sidoo kale Dhinacyada Geerashyada baabuurta lagu sameeyo ayaa laga furaaa markasta Banjarle cusub oo qabta adeega buuxinta ama bedelida shaagaga baabuurta.Mushiinka iyo haanta naqaska ama hawada lagu buuxiyo shaaga ayuu soo dhiganayaa banaanka Shaagag badan oo la iska tuurey ama gaboobeyna inta uu soo uruursado ayuu dhinacyada iska dhigayaa ama is hor tuulayaa si loo moodo meel camiran.Baabuurta badan ee magaalada ku soo socota ama sidoo kale adeega baabuurta loo qaban karo oo batey ayaana sababey in dhalinyar badani ay isku dayaan furashada ama sameysashada Banjarlaha Shaaga.Xaafadaha dhexdooda ama sidoo kale meelaha u dhow istaanada baabuurtu ka baxaan ama Basasku ay istagaan ayaana sidoo kale laga furtaa ama lagu dhawaadaa si looga helo dalab Gaadiidkaasi ama kuwa kale ee Wadooyinka Maraya marka Ciladi ku timaado.
Inkasta oo dad badani ay camal ka dhigteen ama shaqo uga soo baxdey lana odhan karo waa Adeeg loo bahan yahay wakhtigan macquul ku ah lana jaan qaadaya kolba heerka isticmaalka baabuurtu ay mareyso,haddana meesha laga furaayo ama la soo dhigaayo in laga fiirsado ayaa muhiim ah.Bilicda magaalada waa in la ilaaliyaa sidooo kale meelaha wadooyinka ah ama aan loogu talo gelin in laga furo Meherad ganacsi weliba sidaasi u alaab badan waa in laga fogaadaa,Dawlada hoosena waxa looga fadhiyaa in ay wax ka qabato Banjarka badan ee meelo badan lagu xidhey ama la iska soo dhiganaayo.Shaagaagii magaalada oo dhan inta uu soo uruursado oo dugsi ka dhigto ayuu wadadii ku xidhayaa mana arkaayo.Tubeless ama Tube midkastaa wuu soo marayaa,Kubadaha ayaa loola tagayaa sidoo kale dadka meelaha fog uu gaadhigu kaga fadhiisto Mid cusubna aan wadanin ayaa soo miciinsada Banjarka ay meel ku arkeen.
Waxaan dareemay in arimo badan ama ganacsiyo badan oo intii hore ka soo kordhayaa ayna laheyn wax nidaam ah ama meelo rasmi ah oo loogu talo galay,ninkastaaba meesha uu soo gaadho ayuu iska dhiganayaa arintaasi oo keeni karta in maalinba meel cusub oo markii hore banaan aheyd la iska xidho.Maalinba ganacsi cusub ama fikrad cusub ayaa soo kordheysa laakin maalinkasta meel banaan aheyd ama la mari jirey ama loogu talo galay in Wado furan laga dhigto ayaa la xidhi doona ama lagu durki doonaa.Caasimad qaabkii ka dhintey ama meelo badan Foolxumo fadhida ah oo la iswada huursanaayo ninkastaaba Dantiisa gaar ka ah yaqaano sharciga ama bilicda ama quruxda ama wadada iyo nidaamka midna aan la dhowrin ayey noqotey Hargeisi.
Markasta oo Tirada baabuurtu ay sii badato,Markasta oo Dadka Yaqaana Farsamada Baabuurtu ay Magaalada ku soo kordhaan,Markasta oo dadkii Hore u wada shaqeysan jirey ay kala baxaan, Markasta oo Geerashka meeshii hore laga raro waxa suurta gal ah in meel cusub oo la dago ama lagu shaqeeyo la soo sahamiyo.Waa Markii labaad ee aan ku soo noqdo qoraalkani Sannadkii hore waxaan soo qoray Geerashyada Sameynta Baabuurta.waxaan Dareemay in meelo badan oo wadooyin ah oo loogu talo galay cagta ama baabuurta in lagu xidhey Geerashyada sameynta baabuurta,meel wado ah ama meel aan ku habooneyn ama Xaafadaha dhexdooda ah ayaa si qasab ah looga furan karaa ama qalab la iska soo dhiganayaa.Cidhiidhi intii hore ka badan ayaa wadada soo geli kara wadooyinka xaafaduhuna wey isku xidhi karaan.Baabuur badan oo hor taagan ama Scrap ah xashiishka qalabka baabuurta lagu sameeyo,xashiishka balwadaha sida Sigaark ama Garaabada Jaadka,Saliida madow oo dhulka la iskaga shubo taasi oo nabaad guur keeni karta ayaa meelo badan kaaga muuqan kara.biraha iyo qalabada kala duwan ee baabuurta oo meel kasta daadsan.maqaaxiyaha lagu soo dhinac qabto ee shaaha iwm ayaana ka sii qeyb qaadan kara dhibaatooyinka aan la dhayalsan karin ee Geerashyada sameynta baabuurtu magaalada ku hayaan.
Dawlad ilaalineysaa ma jirto wadooyinka ama sidoo kale Saliidan dhulka la iskaga shubaayo.dawlad hoose oo ogi ma jirto. wado aan waxba iga fogeyn oo xaafada aan u maro ayaa Geerash laga f urey oo loo soo rarey meel hore laga soo kiciyey meelo badana waa sidaasi oo kale.inkasta oo Geerayashada qaarkood meelo sax ah ama macquul ah ama dhisme jago gudeheed ah ay ku yaalaan hadddana qaar badan ayaa iska bacad yaal ah…garage,service point
Leebajada Maydhida Baabuurta
waxa kale oo aad ku arki kartaa meelo badan oo ka mid ah dhinacyada wadooyinka qaarkood iyada oo wakhtigan la soo dhigtey machine biyaha ka soo tuura foosto biyo ah,halkaasi oo lagu maydho baabuur badan oo kala duwan.biyaha badan ee baabuurka lagu meydho ayaana si balaadhan ugu socda wadada la maraayo taasi oo keeni karta in ay xitaa biyo fadhiisin noqoto.meel ku munaasib ah isla markaana biyaha loogu sameeyo god ay ku dhacaan ayaa loog talo galay maydhida baabuurta.
Parking: War Gaadhiga naga hor qaad, Waryaa Warbixintii Abdifataah Mohamed Ahmed Ceelaabe
wuxuu nagu soo weeciyey baabuurkiisii
wuxuu nagu yidhi car dhaqaaq, badow wadada si fiican u soco ayuu haddana yidhi
ka badow leh kama ilbaxsana ka la caayey
qasab ayaa lagugu dhaafaya ama meel lagu soo geli doonaa
wiilka music u baxaayo gabadhana sita ee sanka ka hadlaaya yaa karbaasha!
Caasimada hargeisi waxa ay ka mid tahay magalooyinka ugu dadka iyo baabuurta badan.Markasta waxa si joogta ah loo keena tiro badan oo baabuur ah kuwaasi oo noocyo kala duwan leh sida gadiidka dadweynaha,baabuurta xamuulka iyo kuwa lagu raaxeysto intaba. Mar hore ayaan Maqaal ka diyaariyey korodhka ku socda tirada baabuurta somaliland iyo sida dadku u jecel yahay baabuurka. Qormadii aheyd Crown and Country ayeynu wax badan kaga hadalney labadii qeybood.Heerka ugu sareeya ee nolosha somaliland laga gaadhaa waa in aad wadato baabuur yar oo laga yaabo in aad ku shaxaad tagto adigu.sida tirada dadku u kordheyso ayaa tirada baabuurtuna ay u socotaa.inkasta oo la odhan karo waa calaamad muujineysa horumar iyo isbedel haddana waxa xaqiiqo ah in weli Wadooyinka caasimada hargeisi ay leedahay ayna wada qaadi karin tiro badan oo baabuur ah.2011 marka la hor dhigo baabuurta wadanka la keenay kuwii 2010 waxaad dareemi kartaa in ay intii hore ka sii kordheen.waxaad dareemi kartaa murugada iyo cadhada dhinaca saxmada ama cidhiidhaga iyo buuqa baabuurta iyo dadku isku hayaan,ma baabuurtii ayaa wadadii ka baxay oo dadka ku doontey banaanka,ma dadkii ayaa wadada soo galaya oo baabuurkii ka yaaban yahay,mise labadooduba meel ay maraan ayay laayihiin oo meherado kala duwan ayaa lagu soo xidhey wadooyinkii.
Jidadka caasimada hargeisa iyo wadooyinka kala duwan ee Magaalada ku yaala ma yihin kuwo qaadi kara ama lagu socon karo baabuur tiro badan,maxaase dhici kara 2015 marka la gaadho wadooyinkiina weli sidii yihiin baabuurtuna intani ay ka soo badato.mise waxaad ku talin laheyd in la xadido baabuurta lagu raaxeysto in ayna wadanka soo gelin ama cashuur qaali ah la dul dhigo.ma arkeysaa baabuurta meel kasta lagaga tago ama la iska dhigo ee Parking ka dhigatey wadooyinka dhinacooda ama albaabada meherada kala duwan.
meel kasta waa la iska dhigan karaa,qofna qof kale lama hadli karo,sharci la dhawro ama la ilaaliyaana ma jiro,qof kastaaba dantiisa ayuu yaqaana,inkasta oo marka dhinac laga eego dee meel wadada looga baxaaba ayna jirin.dad wada deg-degaaya ama maskaxda Tension kaga wada furan yahay oo aan hadalka kala sugeynin ayaa wadooyinka ka buuxa.Saacadaha qaarna meel aad ka baxdo ama baabuur dhigato ayaad waayi kartaa, adiga oo u baahan meel dhow ayaad baabuurka soo dhigan kartaa meel aad uga durugsan.wadadii oo markii horeba dadkii ku soo durkeen ama meherado ay xidheen ayaa baabuurtiina dhinacyo badan ka soo galeysaa ama la iskaga bakhtiisanayaa ama la iskaga dhex sheekeysanayaaba.
Barxado banaan oo loogu talo galay in Baabuurta la dhigto ma laha suuqa dhexe,haddii la heli lahaa meel banaan beri hore ayaaba la iibin lahaa.meelkasta oo baabuurta la dhigtaa maanta waa meel waddo hore u ahaan jirtey ama waa meel aan loogu talo gelin oo qasab la iskaga dhigto.meel macquul ah oo loogu talo galay parking sidaad ku heshaa wey adag tahay.Meherad ama hudheel ama maqaaxi aad garaneyso ayaad soo hor dhiganeysaa oo garasho kugu siineysa ama aad wax ka cuneyso.
Dusha sare ee xaafadaha ayaa laga yaabaa in laga helo meelo weli sii banaan oo baabuurta la dhigan karo inta shaqada lagu jiro.wadooyinka ay wada marayaan baabuurtii xamuulka,kuwii yar yaraa,dadkii iyo gaadhi ximaarkii oo weliba aad u yar yar ayaa magaalada ku yaala,kuwaasi oo qof kastaaba rabo in uu iska istaago meesha uu arin ama dan u yeesho.Baabuurta xamuulka Ethiopianka ah mararka ay caasimada soo dhex maraan waxaan dareemaa in ay u fiicnaan laheyd wado kale oo dibada ka ah magaalada.
ka qaad baabuurka meesha waar baabuurkan ninkii lahaa mee,ma joogo,dee wuu nagu hor xidhaye.shaaga ayuu rogayaa meelo badan saacadaha qaar baabuurku saxmada ama dad ama cidhiidhi badan oo jira awgeed.No Parking iyo Parking dad badani ma kala yaqaanaan,lacag ganaaxi ma jirto,Trafic ilaaliyaana ma taagna.Haddii lagula hadlana waad dagaalameysaa mararka qaar.
saddex jibaar ayey kor u kaaceen weligeed xiitaa dawladii somalia baabuur intan leeg hargeisi laguma wadan.Mootooyin haddii la wadan lahaa ayaa sidan dhaami laheyd laakin taasina ciida ayaan loo wadan karin.
waxa haboon malaa in magaalada survey laga qaado ama la derso meelo badana loo baneeyo ama loogu talo galo dhigashada baabuurta iyada oo lacag laga qaado shaqaalena loo qoro baabuurta ilaaliya.si wax looga qabto xaalada sii murgeysa ee gaadiidku ku hayaan wadooyinka.dhulka weli iska banaan ama Jagooyinka aan la dhisanin ama xashiishka loogu talo galay ama koonayaasha xiga ayey dad badan baabuurta iska soo dhigtaan.saacado gaar ah in la taagnaado iyo mararka qaar 3 ama 4 saacadood in baabuurka la dhigto midna lama kala yaqaano waayo lacag lagama qaado lamana ganaaxo qof kasta oo sharciga jebiya.waa reer hebel xitaa haddii la xidho Askarigna wuu la dagalamayaa.
Xikmada Maqaalkani: barashada Parking baaburta la dhigo,ma Jiro Parking Hargeisa
Ceelaabe.
TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA Marxuumad Sacdiya Sh Ibraahin Sh Omar Sh Madar
tacsi_
Anigoo ku hadlaaya magaca Xafiiska La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha,ka reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta ay marxuumaddu ka tagtay meel kasta oo ay joogaanba
Alle ha u naxariistee Marxuumad Sacdiya Sh Ibraahin Sh Omar Sh Madar, waxay ku geeriyootay magaalada London, UK.
Marxuumad Sacdiya oo ahayd ruux cibaado badan,naxariis badan, oo dad jecel, waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo,ehel iyo asxaabna ina waafajiyo samir iyo duco. Amiin
Ahmed Hassan Arwo
samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/
iftiimin ku saabsan heesta Dar allaad u huruddaa iyo Qalinkii Shevodinio Mohammed Ahmed “Mudiir”
Marka hore waxaan idiin soo dirayaa salaan qaali ah Bahda shabakadda caalamiga ee Somalilandinfo iyo Asxaabtayda sharafta badan ee xusida iyo qaddarinta iga mudan.
Heestan waxaa layidhaahdaa Dar Allaad u huruddaa waxaa midhaha iyo laxamka curiyey ama allifey Abwaankii weynaa Aadan Tarabbi Jaamac sannadkii 1983 xilligaas
Hal-abuurka maskaxdiisa ka soo Maaxanaysay maansooyin iyo gabayo isdaba joogga oo kala duwan mug iyo baaxad xambaarsan xigmaddeed,
heestan ama maansadan waxaa ku luuqeyn jiray hobolkii caanka ahaa al-fannaan Maxamed Mooge Liibaan waxaanu lahaa cod diirran oo hannaan farshaxannimo ku lifaaqan tahay ee maydalkiisa Toolmoon dhegtu u hanqal taagto naxariistii janno ilaah ha ka waraabiyee.
Waxaan Ka soo xigtay Diiwaanka Maansada Aadan Tarabbi Jaamac, Ee Hangool, aniga fasax uga haysta qoraaga Diiwaanka Maxamed Aadan Tarabbi.
Waxaanay leedahay sheeko dheer oo aanan hadda u qalin qaadayn. Waxay ku soo baxday wakhti abwaanka laga soo af-duubay magaalada Burco 1982-kii laguna soo xidhay magaalada Hargaysa xarruntii Dhabar-jabinta in muddo ah markuu ku xidhnaa ayuu silama filaana uga baxsaday,
heestan la magac baxday Dar Allaad u huruddaa Abwaanka oo ka warramayaa
qisadeeda dhadhanka iyo quruxda xambaarsan, waxanu yidhi:
“1982-kii bishii April 30-keedii ayaa layga soo qabtay magaalda Burco markii lay qabtay waxa layga xidhay indhaha waxaana laygu riday gaadhi qufulan oo aanan garnayn jiha alle iyo jihada uu ujeedo laakiin waxa aan dareemay in magaaladii layga saaray kadib markuu gaadhigii qabsaday waddo dheer oo aan u maleeyey wadada Xamar ama Hargaysa. Waxaan xidhnaa 17-toban habeen oo aanan garanayn magaaldaan ku xidhnahay balse mar danbe ayaan gar’waaqsaday inaan Hargaysa ku xidhanahay sababta aan ku gartayna waxay ahayd xilli rooba-bow ah. Maqsinka aan ku xidhanaa xagga danbe waxa uu ku lahaa shabag aan ka arkay calaamadda Kiniisadda Hargeysa. Habeenkii waxa laysaari jiray (lay dhagaysin jiray) maansooyinkii aan tiriyey aniguna kamaan murmi jirin markii aan muddo ku jiray ayaan ilaahay beryey qasiido Alla bari ah waxaa kamid ahaa tuducyadan hoos ku qoran:
“Dunidii ilaahayoow
Daluunbaan kaga jiraa
Intii kale dayrar dheer
Dabool baa iga xigoo
Cirkaan inyar daawadaa
Waliba laydiidanyoo
Ilaaha daayinoow
Deeqdaada igaga saar”,
Abwaan Aadan Tarabbi Jaamac waxa uu sii ambaqaadayaa sheekada,waxanu yidhi:
“Maalin maalmaha kamida ayaa waxaa layga illaaway (Haad-biidhigii) dabaddeedna waxaa igu soo dhacday inaan meesha kabaxo qolkii aan ku jiray ayaan isha wada mariyey daaqaddii shabagga lahayd ee aan waxka arki jiray ayaan gili-gilay waxaana ii suurtowday inaan banaysto meel aan ka dhici karo. Markii aan ka dhacay ayaan waxaan bilaabay inaan dooxa ka tallaabo waxaanan galay guri beer ku dhexyaala oo uu lahaa Aadan Shire Faarax (Sanwayne) oo imminkana xildhibaan ka tirsan Golaha Guuritda Somaliland. Markii aan baxsaday waxa layla sugayey Daahir Ciid oo dhabar-jabinta haystay kuna xeel dheeraa sida dadka loo jidhdilo.
Intaa kadib waxaan u boqoolay magaalada Berbera waxaa iga taban-taabisay Cadar Bile Caateeye waxaana laygu sii daray dal-yaqaan Geeddi Cali Dhicis socodkii dheeraa anaga oo ku jirna oo ay nagu soo biireen Aadan Jeen-cadde iyo Cawil Xaashi (Maandhar) ayaa habeen habeennada kamida oo dhaxan xumi dhacayso, loona yaqaanno (Juubaano) safarka waxaa noo raaca gaajo iyo harraad, daal badan oo aan kala joogsi lahayn, wakhti habeenna ayaa waxaannu urinnay Dab. baaddi-doon dheer ka dib Guri ayaannu soo dul istaagnay ma garanayno cid joogta, waana saq dhexe oo habeenkii galbis yahay mana sugi karno inta waagu baryayo oo nafiba nagu sugi mayso Markaas baan waxaan ku tiraabay reerka yaa la jooga. Gabadh baa ii jawaabtay waxay tidhi: `´waxa xilligan hadlayaa majinbaa mise waa insi ! Markaas ayey maansadani igu soo dhacday waxaanu ku suganahay iyo siday uga warla’dahay Gabadhaasi ayey cabbiraysaa,heestii Dar Allaad u huruddaa Abwaan Aadan Tarabbi waxanu ku bilaabay:Dar allaad uhuruddaa
Waxba dunida kama ogid
Dumar baad ka tahayoo
Danbi taana kumalihid;
Dilabaan la’odhanoo
Duubcas aan naxayn iyo
Daraawiishi kuma helin;
Dugsibaanad nicinoo
Dibaddaanad aaminin
Col ku doonayaan jirin
Dariiqaad martaabaan
Hadba dib isu roginoo
Dabin dhawrba maad noqon;
Adigoo dar’lumiyoo
Qaar daba marayaana
Dawac waanu kugu ciyin!
Dumarbaad ka tahayoo
Danbi taana kuma lihid
Duurgal baanad noqonoo
Dadqal baan godkiisii
Dani kuugu gayn wali;
Dadba’ waanad nicinoo
Deerada lamaad miran
Bahal daris lamaad noqon!
Daahane jidhkaagaan
Dildilaacin waliyoo
Dusha qolafi kuma marin;
Dumarbaad ka tahayoo
Danbi taana kuma lihid
Doonyaabad mudanoo
Dirir baanad aragoo
Ragbaan wali kudaba galin;
Dalkaan kaa yaraa noo
Durug baanad odhanoo
Orod baanad duub naan;
Daraawiish kufriya iyo
Duul gaalo madwana
Waan laguugu dawgalin;
Dumarbaad ka tahayoo
Danbi taana kuma lihid
Wax daruur sameeyoo
Danabkana ka sanqadh wayn
Ayaan lagula daba galin!
Adigiyo dantaadaan
Kala durug sanaanoo
Debed yaalba maad noqon;
Adoo daallay shalay oo
Dirgan’waayey maantaan
Duhur lagugu soo bixin!
Dumarbaad ka tahayoo
Danbi taana kuma lihid
Dayacbaanad aragoo
Adigoo dardhanayaan
Dusha roobku kaa helin!
Dayaxbaanad gudinoo
Dawga haan garaadbaan
Gudcur kaaga daba iman;Dibindaab yadaadaan
Lagu qaadan darajoo
Dabba waan lagaa shidin!
Dumar baad ka tahayoo
Danbi taana kuma lihid
Duni lagu rogmadiyo
Dirqi baanad kaga bixin
Wali dagal madoobaad;
Damac baanad dhiginoo
Dibnahaanad xidhinoo
Hadal banad dayn wali;
Dudumaanad waa ruux
Daymada is odhanoo
Damalkaanad gees marin!
Duunyaabad dhaqataa
Darar baabad maashaa
Dugsibaabad hurudaa;
Dookhbaabad cugataa
Dumarbaad ka tahayoo
Danbi taana kuma lihid!
Waa bilaahi tawfiiq
Guddoomiyaha Ururka S.y.n-Group
Shevodinio Mohammed Ahmed “Mudiir”
E-mail: shevodinio7707@gmail.com
Abwaan Aadan tarabbi Jaamac iyo
qoraaga Diiwaankiisa
E-mail: tarabi07@hotmail.com
Yaa harageedii nagaga celiya? Qayntii 2aad Qalinkii Abdi M. Saleiman (Mingiste)
(Taariikhaha 5 Feb iyo 23 Feb iyo shaqsiyaadka xilka ummadda xilligan hayaba ,waxay ahaan doonaa qaar ay shacabka reer Somaliland xasuusan doonaan,wanaag iyo xumaan hadba kay ku xasuusan doonaana ILLAHAY ayuun baa og)
Shirka London:-
Waa run in 5 Feb 2012 in ay ogolaadeen in laga qayb galo Shirka London labada Gole,Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida .Ka horna waxaa sii ogolaaday madaxdhaqameedka(Salaadiinta),waxaa iyana la yaab noqonay markay labada Xisbi ee Mucaaridka ahi iyana qalinka ku duugeen in Dowlada Somaliland ka qayb gasho Shirka London ka dhacaya 23/02/12. Fadhi ay labada ay labada Gole yeesheen 5 Feb 2012 waxay si wada jir ah qalinka ugu duugeen in ay meesha ka saaraan qodob aad u muhiim ahaa oo ay Golayaashu laftoodu hore u ansixiyeen kaas oo odhanayey “cid kasta oo reer Somaliland ah, kana qayb gasha Shirarka Soomaaliya loo qabanayo,wuxuu ku sifoobayaa dembiile qaran,horuna waxaynu u diidnay Shirir ka muhiimsanaa,ka wax tar badnaa kan London lagu qaban doono.
London 23.02.12 waxaa London lagu qaban doonaa Shir balaadhan,waxaa ka soo qayb galayaa Dowlado fara badan sida ay sheegtay Wasaarada arimaha Dibada ee Ingiriisku,ma jiro wax Liis ay oo ay ku qoran yihiin magacyada Dowladaha iyo Ururada Shirka ka soo qayb galaya,laakiin waa la hubaa in ay ka kala iman doonaan qaaradaha dunidan aynu ku nool nahay,ogaadana kuma jiraan Dowlado iyo Ururo Dayaxa ka imanaya oo uu magaca Somaliland ku cusub yahay.
Ajandaha Shirka:-
Security: sustainable funding for the African Union Mission in Somalia (AMISOM), and support for Somali security and justice sectors
• Political Process: agreement to what should succeed the transitional institutions in Mogadishu in August 2012 and the establishment of a Joint Financial Management Board
• Local Stability: a coordinated international package of support to Somalia’s regions
• Counter-terrorism: renewed commitment to tackle collectively the terrorist threat emanating from Somalia
• Piracy: breaking the piracy business model
• Humanitarian: renewed commitment to tackling Somalia’s humanitarian crisis
• International coordination: agreement on improved international handling of Somalia issues
Sida Somaliland Shirka uga qayb gelayso:-
Sida Somaliland shirka uga qayb galaysaa waa mid cad oo aan wax mugdi ahi aanu ku jirin waxayna tahay:-
1. Somaliland weli lama aqoonsan,oo ma fadhiisanayso halka ay fadhiisanayaan Dowladaha shirka ka soo qayb galayaa.
2. Waxaynu fadhiisanaynaa halka ay fadhiistaan Maamulada ka jira Soomaaliya,waa cadaan ,waxaynu ka mid noqonaynaa,laynoola dhaqmayaa si la mid ah sida loola dhaqmo Puntland,Galmudug,Ehlusuna wajamaaca iwm.
3. Dowlada TFG ee Soomaaliya ,iyada waxaa loola dhaqmayaa sidii Dowlad la aqoonsan yahay,soo dhoweynta,qaabilaada iyo ka qayb qaadashada Shirkaba.
4. Somaliland waxaa la siiyey waqti aad u yar in ay ka hadasho shirka,sida maamulada kale ee Soomaaliya,mana jirto wax tixgelin gaar ah oo ay Somaliland shirka ku leedahay.
5. Runtii waa wax lala yaabo,lagana xishoodo shaqsiyaadka ku sheekaynaaya Somaliland waxaa la fadhiisinayaa meel gaar ah,muraayad ayey ka daawanaysaa Shirka iwm.
6. Dowlada Somaliland aad iyo aad ayey uga BEEN sheegaysaa Shirka London lagu qaban doono 23.02.12,waxaadna moodaa in ay Dowladu doonayso in ay fushato dan gaar ah,balse waynu u wada joogi doonaa.
7. Dowlada Uk,waxay mar kasta isticmaalaysaa erayga “Soomaaliya”,marar lagu qasbo oo keliya ayey isticmaalaysaa magaca Somaliland,taasina waxay marqaati cad u tahay in Shirku yahay Shir Soomaaliya loo qaabanayo.
Hadal iyo dhamaan anigu mar kasta waan ka soo horjeedaa in Somaliland ka qayb gasho Shirka London Soomaalida uga furmaya 23/02/12,waxaan ka soo horjeedaa in Somaliland ay la mid noqoto maamulada Soomaaliya ka jira xilligan,laakiin ceeb may ahaateen haddii Soomaaliya oo mid ah iyo Somaliland ay wada hadlaan,oo weliba ay ku wada hadlaan dhulkooda.
Xasuus Abwaan Ibrahim Gadhle-ILLAHAY naxariistii Jano ha siiyo!
Waar! hoy! dadkaygoow
Laba daan dhexdoodiyo
Dalqo bahal qof galayoo
Dirqi iyo tu fool adag
Debedda ugu soo baxay
Halkii shalayto lagu dilay
Ma dareemi waayee
Durba miyaa iloowdeen
Duunyadiinii dhacantiyo
In dadkiinii maqanyahay
Xusuus:
“Qof caashaq ayeynu naqaanaa” “Weli inta aynu meel fadhiisanay ma isweydiinay maxaa inoo dan ah? “Way howl yar tahay sida la idiin karbaashaa” “ dan la iima dooran ee ILLAHAY ayaa ii qoray”—–Erayadaa waxaa Khayrida Hargeysa ka yidhi ILLAHAY NAXARIISTI JANO HA SIIYEE Madaxweynihii hore ee Somaliland Md.Maxamed X.Ibrahim Cigaal.
“ Wada dhegayso haddii aad jeceshay ,ka eeg shabakada Halbeegnews.net amase youtube.
ALLAA MAHAD LEH
[ 1-aad ]  [ 2-aad ]  [ 3-aad ]
Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)
Political Analyst
abdi_saleiman@hotmail.com
ceelna uma qodna ceelalyona uma maqna Anigoo magacaygu yahay ismaaciil maxamed c/laahi hanfi maqaalkan waxaan baraarujin ugu dirayaa dawlada hoose ee hargaysa
ceelna uma qodna ceelalyona uma maqna Anigoo magacaygu yahay ismaaciil maxamed c/laahi hanfi maqaalkan waxaan baraarujin ugu dirayaa dawlada hoose ee hargaysa.
dawlada hoose miyay iska ilawday masuuliyadii ka saarnayd nadaafada umada iyo bilicda caasimada baryahan meelkasta oo aad marto magaalada hargeysa waxaa wadooyinka iyo suuqyad ka buuxa qashin waliba kagadaray ur aad u xun oo waayirada udgoonku ku go’ayaan.
maanta dawladu hoose waxay ka wanaagsanayd barigii ina xaashi dameeraha uu u sameeyay kiishka saxaradooda isla markaana uu ku ganaaxay nimankii saaray dameerka foosatada iyo badhka.
maantana waxaynu ka qaybgalynaa kulanda ka dhicidoona london iyadoo qashinkii sidaa uu ubadan yahay una tuulan yahay xafiisyada dawlada iyo dariiqyada magaalada hargaysa.
mudane xuseen maxamud jiciir ma waxa uu sugayaa inta markale uu madax weynuhu ka guridoono xusbiga iyo meelaha lamidka ah qashinkan uu faraha maayarku kalabaxay.
jiciirow haayadan udhis miyaad nagu ilawday oo lacagtaad ka qaadatay ayaa ku cajabisay mudane waxay ku yiraahdeen ha hadlin .
waar gacan geeljire kor looma maydhee bal magaalada hoos u eega adiga iyo golahaaga deegaanku.
waxaan rajaynayaa inaad qaadan doontaan dhaliishiina mudanayaal iyo maayar
allaa mahad leh
waa qalinkii ismaciil maxamed c/laahi ” galin hore”
hanfi_2@hotmail.com
Dhismaha Dugsi Cusub oo La Magac Baxay! Warbixintii Qoraagii Abdifataah Mohamed Ahmed Ceelaabe
Waxa xaqiiqo ah in maanta haddii aad dugsi furato ama meel ka dhisto aad heli doonto dad kuu soo gala ama kuu soo buuxiya.Inkasta oo wadankeenu uu weli yar yahay haddana marka dhinac laga eego Dadka ku nooli ayna tiro ahaan badneyn laakiin marka aad eegto tirada Dadka dugsiyada waxbarashada ku sii socda ama ku xareysan waxaad dareemi kartaa in Malaayin dad ahi ay ku nool yihiin caasimada.
Dugsiga cusub tolow maxaan ugu magac daraa, ma siyaasiga reerka,ma Abwaanka reerka,Ma fanaanka reerka,Ma sheekha reerku leeyahay ama raaskayaga, Ma Ciyaaryahan,Ma madaxweynihii hore,Ma asxaabtii Islaamka, Ma wadamada Carabta.Mise magaca Magalooyinka USA sida Los Angels School ayaan ka dhigaa tolow.Dugsiyo intan ka sii badan iyo dad intan ka siii badan ayeynu rajeyneynaa in ay waxbarashada ku soo biiri karaan.Adigu Dugsiga furo ama Dhis waxa laguu balan qaadayaa in Dadkuna kuu i man doono.laakin inkasta oo Dhismaha si fiican loo dhiso ama dugsigu uu weyn yahay lacag badanina ay ku baxdey qalab fiicana la soo dhigey,haddana macalimiin fiicani ma joogto tayada waxbarashaduna ma fiicna oo waa laga wanaagsan yahay,muxuu sheegayaa dhismaha quruxda badani markaasi.Tirada dadka is qora Sannad dugsiyeedka ayaa lagu garan karaa Kolba heerka Dugsiga ama Jaamacadu kaga jiro wadanka marka dhinac laga eego.Ardeydu meesha ay ka helaan debecsanaan ama waxbarasho tayo leh ayey markasta iskugu tagaan ama u digo rogtaan.
Dhisida ama Furashada Dugsiyo cusub ayaa Magaalada si aan kala g o,laheyn ugu soo kordha ama looga furaa.Dugsiyo cusub oo si gaar ah loo furto kuwaasi oo si Private ah u shaqeeya ama sidoo kale Dawladu ay ka hirgeliso meelaha looga bahan yahay intaba.Dugsiyadii hore u jirey ayaa dib u cusboneysiin/habeyn lagu sameeya ama dhismaha wax lagu sii daraa sida fasalo cusub.Xarumo badan oo arimaha waxbarashada ka hawl gala ayaa siyaabo kala duwan looga furtaa caasimada hargeisa.Dhismayaal badan oo cusub kuwaasi oo meelo kala duwan laga wado waxa loogu talo galay in Dugsi waxbarasho laga furto ama Jaamacad iwm.Guryo badan oo la kireysto ayaa loogu talo galey waxbarasho ama Dugsiyo kala duwan.Madarisadaha arimaha diinta lagu barta ayaana si xawli ah looga wadaa caasimada hargeisa ama looga furaa ama laga dhisaa meelo kala duwan sida xaafadaha u baahan weli.Dhul badan ayaa dawladu u bixisaa arimo waxbarasho ama sidoo kale ay dad ku deeqaan si looga dhiso Dugsi waxbarasho Mustaqbalka Da,yarta wadanku ay ka soo baxaan.Dad badan Masaajidka inta ay Madarisad ku dhinac qabtaan ayey halkaasi Caruurta Dollarka kaga guri doonaan Masaajidkaasina casharka ka marin doonaan.
Maalgelinta ugu badan ee Somaliland soo gaadhaa waxa ay inta badan ku socotaa arimaha waxbarashada.NGos badan oo caalami ah Kana hawl gala somaliland ayaa wada leh qeyb Waxbarashada lagu kobciyo kuwaasi oo lacago badan ku bixiya dugsiyo kala duwan iyo xarumo waxbarasho ka jira Caasimada hargeisa oo lagu tababaro Dadyow kala duwan.Mashruucyo waxbarasho iyo qorsheyaal dhinaca waxbarashada xooga saaraya ayaa dad badani ay Ngos u furteen.fikirka iyo hadafka Ngos badan ayaana ah sidii loo dhiirigelin lahaa ama loo taageeri lahaa mustaqbalka xirfad qofku uu ku shaqeysto.Ngos badan oo xidhiidh wada leh kana mideysan sidii looga midho dhalin lahaa arimaha waxbarashada ayaa Hargeisa kaaga furan.Ngos badan shaqada ay waxbarashada ka hayaan waa mid la dareemi karo ama wadankuba ku Taagan yahay xaqiiqatan.Somaliland waxa u sharaf ah in ay heysato dad badan ama Xafiisyo badan oo daneeya arimaha waxbarashada kuwaasi oo lacago badan ku bixiya sidii tacliinta dadban ama mida kaleba wax looga qaban lahaa.Ngos kala duwan kuwaasi oo mid kastaaba xooga saaro qeyb ka mid ah waxbarashada hoose/dhexe/sare iwm.laakin haddana waxa la tilmaami karaa in ay jirto baahi badan oo loo qabo in intaasi laga sii badiyo Dedaalkaasi.
Qorsheyaal isku duwid hawleed ama wax ka badal muuqda lagu sameeyey meelo badan oo arimaha waxbarashada dalka taabanaya ayaana wasaarada waxbarashadu ay ku talaabsatay sannadkii lasoo dhaafey.waxaana xaqiiqo ah in dardar gelin lagu sameeyey hawlaha haayadaha caalamiga ah ee la xidhiidha waxbarashada.Dhismaha waxa ka muhiimsan qorshaha iyo ujeedooyinka waxbarashada laga leeyahay mustaqbalka oo la cadeeyo arintaasi oo wax badan ka qaban doonta tayada casharada la dhigaayo.
dad badan ayaa ku fekiraaya ama niyada ay ugu jrtaa sidii ay ku furan lahayeen dugsi waxbarasho waxaaanad mooda in Waxbarashadii ay noqotey meelaha ugu shaqada badan ama ugu lacagta badan wakhtigan guud ahaa dalka oo dhan.Dhismaha Dugsi cusub oo la dhagax dhigey,Dugsi cusub oo la furaayo xaflad loogu wanqalo,Xaflad qalab lagu gudoonsiiyo dugsi cusub,Dib u habeyn laga bilaabo dugsiyada qaarkood,Dugsiyo dawladu ay dhiseyso iyo kuwa NGOS ama haayado caalami ahi ay ka dhisayaan gudaha caasimada hargisa ama sidoo kale tuulooyinka iyo degmooyinka aan waxbarasho laheyn ayaa tiro beeley.Dhismayaal badan oo waxbarasho ayaa laga hirgeliyaa Miyiga ama degmooyinka dalkaba intooda badan,waxaana inta badan dhisa oo isku hawla mashruucyana ku soo qaata la kala shaxaado Ngos waxbarashada la xidhiidha.lama qarin karo Agab ama qalab Computer iwm ah oo la gudoonsiiyey dugsi,Balan qaad alaab ama dugsi la dhisi doonaana kama maqna hadalada siyaasiyiinta.Ngos badan xagga mushaharka ama Kirada ayey ka taageeraan Dugsiyada waxbarashada qaarkood.Waxbarasho bilaash ama lacag la,aan ah ayaana meelo badan lagu bixiyaa si joogto ah.Eu iyo Un ayaana ugu deeqa malaayiin dollar oo waxbarashada lagu horumariyo sannadkasta.Ngos Informal Educations xooga saara ayaana caasimada ka buuxa.
Dugsiyada farsamada gacanta,dugsiyadda dadka waa weeyn,ama naafada,luqadaha,diiniga,ganacsiga,IT,dugsiyo dumarka u gaar aha ama lawada dhigan karo Co-education intuba caasimada ayey ku soo badanayaan.From Farbarashada TO Cunto karinta ayaa laguu dhigayaa.sidoo kale waxaad moodaa in waxbarashadii xin ama qabiil iyo tartan la geliyey reer kastaaba wuxuu doonayaa in aan waxbarashada lagaga dheereyn ama fursadaha soo baxa,xagga jaamacada iyo dugsiyada kaleba waxa laga dhigey tartan.Qurbo jooguna waxa ay lacago ugu deeqaaan dugsiyo danyar ama reerka looga dhisey degmadooda kuwaasi oo lacagta macalimiinta soo bixiya.Dhul ayaa lagu qaadanaya arimo waxbarasho,Ardey badan ayaa dibadaha loogu qaada weji ama hab qabiil fursadaha deeqda waxbarasho marka la helo.
waxa xaqiiqo ah in dad badani ay kala shaxaadaan lacagaha loogu soo dhiibo mashruuc waxbarasho,waxa xaqiiqo ah in alaabo ama agab badan oo loogu talo galay in ardeyda loo qeybiyo laga cuno ama aan lasoo gaadhsiin.waxaana xaqiiqo ah in musuq-maasuq badan oo si gaar ah dadkeenu ugu kaco ama si guud Ngos oo dhan ugu baahsani ay jirto oo la isku wada og yahay.
Ceelaabe
Doodi Aqalka Barlamanka Uk ( House of Commons) oo si weyn loogu dooday Qadiyada Somaliland! Qalinkii: saeed abdullahi dualeh
Aslaamu calaykum
Halkan waxaan ka salamaya shabakadaha iyo wargeysyada somaliland oo hawl warbaahineed oo muhiim ah u haysa shacabka somaliland meel kasta oo ay jooganba. inta ka dib, waxaan halkan akhristayaasha u soo gudbinaya inay ila dawadaan doodii aqalka barlamanka ingriiska ( House of commons) oo si weyn loogu soo qaaday qadiyada somaliland iyada oo xildhibaano badan oo ah saaxiibada somaliland ay si weyn u qaada dhigeen horumarka, nabadeynta iyo dimqraadiyada somaliland ka hana qaaday iyo xidhiidhka qotada dheere ee ka dhexeeya somaliland iyo ingriiska.
Doodana oo warbixin lagaga dhegaystay Xoghayaha arrimaha dibedda Uk William Hague arrimaha la xidhiidha shirka somalida loogu qabanayo london bishan 23 february 2012, waxa ku wehelinayay xoghaya arrimaha horumarinta u qaabilsan uk Andrew mittchel iyo xoghaya afrika u qaabilsan uk Henry Bellingham. William Hague xoghaya arrimaha dibedda uk ayaa warbixintiisa si weyn ugu iftiimiyay sida ay somaliland muhiim u tahay inay horumarkeeda iyo himilooyinka shacabka somaliland ka jeediso shirka loogana faaideysto waayo aragnimada ay somaliland u leedahay nabadeynta iyo dhinacyada horumarkaba. waxaana sidoo kale lagu soo hadal qaaday doodan oo xildhibaanadu halkaas ka soo jeediyeen sidii somaliland iyo Britian loogu sameyn lahaa xidhiidh gaar ah oo ay ku macaamilan labada dal (Uk – somaliland Develompent Cooperation) oo la daah furi doono 22 february 2012 maalin ka hor shirka caalamiga ah oo ah isla maalinta ay shucuubta somaliland ee ku nool wadanka Britian ay banaabax weyn ku muujin doonan qaranimada somaliland iyo jiritaankeedba.
Haddba, Akhristow, waxa muhiim ah inaynu maalintaas 22 february 2012 shucuubta somaliland ee ku nool dhulweynaha uk ka soo qeyb galaan banaabaxaas lagu muujinayo horumarka iyo jiritaanka somaliland oo aynu muujino dedaalka iyo xaqa ay somaliland u leedahay inay beesha caalamka ka mid noqono. Waxaana loo baahan yahay in dhamaan jaaliyadaha Guddaha ee Britian iyo jaaliyadaha kale ee Europe intii iman karta ay ka soo qeyb galaan oo la muujiyo abaabul xoogan oo gacmaha la is wada qabsado oo aynu ka faaiideysano indhaha beesha caalamka oo maanta ku soo jeeda wadankeena lana og yahay horumarka iyo kala danbeynta ka jirta dalkeena ee dhaqan dhaqaale sidii aynu beesha caalamaka ugu soo bandhigi lahayn si aan cadowga somaliland isu bahaystay aanay u majaro habaabinta beesha caalamaka oo haddba ay bilaabeen inay been iyo borobogaando ku bilaaban somaliland ay leeyihiin waa meel muskilado iyo dagaalo ka socodan oo nabadoonayn.
marka ha loo diyaar garoobo banaabaxaas muhiimka ah oo magaalo kasta iyo degmo kasta oo reer somaliland ku nool yihiin dalka Britian waa in fadhiga laga kaco oo loo diyaar garoobo sidii looga soo qeyb gali lahaa.
Lastly, waxa aad link hoose ka daawan karta doodii aqalka barlamanka ingriiska oo si weyn somaliland qadiyadeeda loogu falanqeyey.
http://www.parliamentlive.tv/Main/Player.aspx?meetingId=9995&st=13:22:45
Guul iyo Gobonimo
saeed abdullahi dualeh
Bristol, uk
Mujaahid Axmed Ibraahin Maxamud (Wadne) ayaa Maanta Saxaafada uga Waramey Dhul Sife Sharcidara ah uu kaga Qaadey Maayarka Berbera‏
Berbera, (sli) – Mujaahid Axmed Ibraahin Maxamud (Wadne) ayaa Maanta Saxaafada uga Waramey Dhul Sife Sharcidara ah uu kaga Qaadey Maayarka Berbera
“Waxaan arintayda gaadhsiinaya Hay’adaha xuquuqal insaanka kuwa Wadaniga iyo kuwa Caalamigaaba”
Axmed Ibraahin oo ah Muwaadin Reer Somailand  kana mida ahaa mujaahidintiiUrurkii SNM kaas oo kuna Naafoobay dagaaladii dib u xoraynta oo iminka ah (indhoole), ayaa maanta saxaafada uga waramey dhul uu ku leeyahay magaalada berbera ,dhulkaso sanadii 1997 uu ka  iibsaday labo nin oo reer berbera ah kuwaas oo wali nool ama xay ah, waxaa uu sheegay in dhulkas hada sife aan sharci ahayn ay kaga qaadeen  maayerka magaaalada  Cabdale Maxamed Carab, isaga oo maayarku dhulkaas siiyey nin kale oo ay maayarka isku qos yihiin lana yidhaahdo C/wahaab Aw Caqli ka dibna lagu sameyey goor habeenimo ah deyr..
Axmed waxaa uu sheegay inuu dhulkas uu isagu haysto sharcgii lagu siiyey oo sanad walbana uu shubayey cashuurta lagu yeesho.isago ka hadlaya faahfaahinta dhulkaas sharci darada lagaga qaaday  waxaa uu yidhi.
“Dhulkan waxaan iibsadey sanadii 1997 ,xiligaas oo uu maayarka magaalada ahaa Cabdale Xaaji Cali Axmed,waxaana iga iibiyey labada nin  ee kala ah Cali Qoolab iyo Saleeban Cumar Abokor oo ah niman reer Berbera ah haatana nool.
Waxaan haysta sharcigii lahaanshaha ee dawlada hoose oo sanad kasta laygu cashuurayey,dhulkaso ku yaala xaafada fiilaynta hangarada ,isla markaana aan ku sameeyey sees kala gogo’an,dhamaan dhulka igu xeran waa dhul la leeyahay maaha meel aan town plan’ku gaadhin, Dhulkayga waxaa lagu sameyey deyr xili aan ku maqnaa wadanka Danmark oo aan deganahay,waxaan leeyahay sharci yurub ah.markii aan imi maayarku waxuu igaga bilaabay hanjabaad mar keliyana iima siin sabab uu dhulkayga oo ku siiyey inaadeerkii,mudo shan bilood ah ayaan hawsha u jooga magaalada.
Talaabooyinka sharci darada ah ee maayarku igula kacay ee dheeraad ah waxaa ka mida isaga oo meel kasta taako hordhigay dacwadeyda isla markana hay’adaha baadhista uu ka kaalmeeyey Taliye xigeenka Booliska C/raxmaan Liiban Axmed(Fooxle).
Maayarku maaha nin ay na dhextaalo aqoon daro, hase yeeshe waxaan arkaa inuu badheedh ii dhacayo,waayo qoraalka uu ku siiyey ninka kale maaha mid sharciyan kaso baxay xafiiska,anigu waxaan haysta sharci dhinac kasta dhameystiran.
Maayarka waxaa aniga iyo looyarkaygaba yidhi hala xidho oo labo maalmood aanu u xidhneyn(xadhig) debeda ah.
Hadaba ,waxaan dhamaan Hay’adaha u dooda xuquuqda Aadamaha ee wadaniga, kuwa Caalamigaba iyo Hay’adaha Xuquuqal insaanka Danmark  gaadhsiinaya Xaqdarada uu igu qaadey maayerka.
Waxaan halkan kusoo bandhigaya sharcigeygii lahaanshaha mudada dheer,waxaan keenaya Ciddii iga iibisay,maayarkii sharciga ii sameyey,kuwii ii dhisay Seeska kaabahada.waxaan Danmark ka furan doona Dacwad ka dhana maayarka berbera.
Guud ahaanba Golayaasha Qaranka waxaan horgeynaya Dacwadeyda oo ka kooban dhul iyo Tacadiyada uu Maayarku u geystay aniga iyo Looyarkayga.Anigo Saxaafada kuso bandhiagaya cadaalad darada laygu qaadey dhulkayga.
Ahmed Ibraahin Maxamuud(Wadne qabad)
Sub-Somalilandinfo.com/berbera/office
Dhageyso, Akhriso: Gabay Cusub oo la magac baxey Abtoow Nabada ila Dawr waxaan Curiyey Abwaanad Koos Jaamac Dhunkaal
Qarax iyo Dhibaatiyo Qaxoontaan ku soo marin
Adigoo qaxaayaan Madaafiic lagugu Qubun Laba qaar la gaadhin
Oriyahaad qabteenbaan qos kale la wada gayn
Ragaagoo la qalayaan ilayn qiilmahayside dhoosha aanad ka qoslayn
Ubadkaagii qaarbaan qabriyadaba lagu ridin
Haadu quudanaysoo Waraabuhu ku qawdhamin
Qisaasbaan ku soo marin xumaan maydun qaadeen nabadana maydun qariseen
Inta qodob isoo maray kuuma qeexi karayee Abtoow nabada ila qabo
Dhulka ani iqiiqaa ku qabow adiga weli Qaraxyaan ku soo marin abtoow nabada ila qaad
Abtoow kumaba diinine dabka yaa inagu shiday ma danaystay kelidii ubadkiisi debed dhigay daaro ay u seexdaan baabuur ugu dalxiisaan nimcada u durdurtaan
Baa durbaanka ku tumay Adna diiday maad odhan ilayn daalin weeyee dabinkii ma kula helay oo ma dayaantay nabadii
Kuma dhaafi kareeye hooyaday dhigeediyo dhiigaygiibaad tee abtoow nabada ila dhawr
Horaadadan jaqaayiyo hilbahaygiibaad tahay halyey ila dhashaad tahay
Hatigaad adiga iyo habaar kuma quule ee hororada ku daba yaal ee hilbahayga hore u cunay maantana hamuumaan kaa horjoogsanaaya
Daalin haygu noqonine abtoow nabada ila doon
Kuma dayn karaayee abtoow nabada ila doon
Daa’iinkaa ka raaliya abtoow nabada ila doon
Haydiidin anigee abtoow nabada ila doon
Waa damal hadhweyne abtoow nabada ila doon
Waa haro digoone abtoow nabada ila doon
Waa doog baxaaye abtoow nabada ila doon
Nimco weeye da’ayse abtoow nabada ila doon
Shacbigaa ku dararee abtoow nabada ila doon
Duunyadaa ku naaxdee abtoow nabada ila doon
Daa’ino allahayo deeq low ilaahow duco iga ajiibo dalabkaygan iga yeel dadkaygaa isdilayee iga dami dagaalada nabadana ideeqsii
Gudoomiyaha Komishanka SOLNAC Dr Maxamed Daahir Khayre Oo Safar Shaqo Ugu Kicitimey Kiiniya
Hargeysa, (sli) – Gudoomiyaha Komishanka heer Qaran ee Kahortaga cudurka HIV/AIDS Dr. Maxamed Daahir Khayre ayaa maanta safar shaqo ugu kicitimey caasimada Wadanka Kiiniya ee Nayrobi.
Dr.Maxamed Daahir Khayre oo intaanu maanta inta aanu kadhoofin karoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport Ee Magaalada Hargeysa. ugu waramaayey Qolka VIP Ee Garoonka qaar kamid ah warbaahinta Somaliland ayaa sheegey inuu Safar Shaqo ugu kicitimidoono Kiiniya. waxaa xusay In Shir Balaadhan oo qorshaynta Iyo horumarinta oo socon doono muddo 7 cisho ay ka qayb gelli doonaan Wafti Balaadhan oo kasocda somaliland oo ay kamid yihiin,Wasiirka Caafmaadka Somaliland Dr, Xuseen Xoog Iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Ee W.Caafmaadka Somaliland Md Khadar Maxamuud..
Shirkani oo ah mid Sanadkii 4 jeer dhaca ayaa ah mid qorsheyn iyo xisaabtan ah Iyadoo Hayadaha ay wada shaqeynta Leeyihiin Wasaarada Caafmaadka Iyo Komishanka SOLNAC, ay ku kulmaan.
Kulankani oo ah mid ay isku arkeen Health Comite Sector oo kawada tashada horumarinta Iyo Qorsheynta Hawlaha caafmaad.shirkani oo noqonaaya mid kamid ah Shirar seddex bilood leh ah oo xubnahani ay yeeshaan ayaa ah Mid Taniyo Wakhtigii Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku guulaysatey Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee 26/06/2011. ah mid kamid ah shararka caalamiga ah ee horumarinat caafamadka ee aaney somaliland hore ugu qayb gelli jirin waxaan Guul ay ku dadaaleen
Masuuliyiinta Wasaarada Caafmaadka Somaliland Iyo Komishanka SOLNAC.
Axmed Shaqalle
Hargeysa Somaliland
Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka DALSAN oo Dr. Gaboose ku tilmaamay nin dhaqan kale wata oo reer Mudug ah
Hargeysa, (sli) – Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka DALSAN Ismaaciil Aadan Cismaan ( Ismaaciil Yare) ayaa si kulul u weeraray Guddoomiyaha urur siyaasadeedka UMMADDA Dr. Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaboose) oo uu ku tilmaamay nin dhaqan kale wata oo aan reer Mudug ah.
Ismaaciil Aadan Cismaan oo ka hadlayay Dr. Gaboose wuxuu yidhi “Horta Gaboose Isku Luuqad ma nihin Somaligana waanu ku wada hadalaa,oo waa Nin Reer Mudug ah isku dhaqana ma nihin waayo halka aanu ku soo kala koray iyo dabeecada ayaanaan shaqaba iskaga lahayn. anigu malihi maaha Muwadin reer Somaliland ah ee wuu yahay. laakiin meel kale ayuu ku soo koray oo uu ku barbaaray oo dhaqankeenii mid aan ahayn meel kale ka soo qaatay.”
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa ugu weyn ee aan ku kala duwan nahay waxa weeyaan, Anigu waxaan jooga halkii aan ku dhashay ee aan ku barbaaray oo anigu dadka iyo dalkaba waan uga aqoon badan nahay,waayo haddii aad halkaad ku dhalatay Ilaa maanta ka shaqayso iyo qofka isagu yimid ee meel kale ku barbaaray isku mid maaha.”
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inuu ka xun yahay midhihii shirkii Taleex waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay Shirkii Taleex ee xukuumaddu ogolaatay Caano daatayba Dabadood la qabay ayay Soomaalidu tidhaah-daaye Madaxwayne Arrintasi si khalad ah ayay u dhacday haddii markii horeba aad ogolaateen oo aad islahaydeen waxa ka soo bixi wax Somaliland taageera oo gacansiinaya ayaa ka soo bixi hadii aad islahaydeen wax ka duwan ayaa ka soo baxay.”
Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka DALSAN wuxuu sheegay inuu ka xun yahay dagaalada ka dhacay jiida Buuhoodle, waxaanu tilmaamay inay labada dhinacba yihiin reer Somaliland, waxaanu yidhi “Dhibaatada iyo dagaalada ka dhacay Buuhoodleh waxay dadku iswaydiiyan Ismisaa xagana iyo misaa xagaas ah waxaan leeyahay labada dhinacba waa reer Somaliland. Waxaan tacsiyadeynayaa ciidanka qaranka askartii ka dhimatay. Dhinaca reer Buuhoodlena waan tacsiyadeynayaa.”
The Somaliland Mission and the Somaliland Communities in the USA announces the 2012 Conference in the Metro-Washington DC
The Somaliland Mission and the Somaliland Communities in the USA announces the 2012 Somaliland Conference in the Metro-Washington DC area on May 18th-19th. The 2012 Somaliland Conference will bring together attendees from Somaliland including all branches of Somaliland government, members from US Government, the leaders of the all Somaliland Political Parties including new political organizations, Election commission, Somaliland business community. World Bank, National Endowment for Democracy, International Republican Institute, Council on Foreign Relations, National Democratic Institute, Freedom House, US Universities, and the Somaliland communities in the United States and Canada. The estimated conference attendees are up to nine hundred people.
This Conference will highlight the successful 2010 elections in Somaliland and the remarkable political stability achieved in the country, the growing economy, and the many challenges facing Somaliland today. The Conference will also focus on how the Somaliland Diaspora in the USA and Canada can reach out to their representatives and ask them to support the democracy and peace in Somaliland.
On Friday and Saturday nights, the May 18th and May 19th at 8:00 PM, participants will be treated to a night of live music and folklore dance, and other cultural festivities. The details about the 2012 Somaliland Conference are available at this web site: www.somalilandconference.com
Rashid Nur
Somaliland Mission in USA
rashidnur@somaliland.us