Maxaynu Ku Dooranaa UDUB? Qalinkii C/rasaaq Sh Cali Askar
Hargeysa - Sida lawada xasuusto ee lawada ogyahay Qarankan Somaliland laga soo bilaabo lasoo noqoshadii xoriyada 1991 waxa uu soo maray marxalado iyo xaalado kala duwan oo lahaa kuwa colaadeed, khilaafaadyo siyaasadeed, dib u heshiisiino, dib u dhis qaran, yagleelid haykal dawladnimo iyo marxaladan u dambaysay ee aynu kaga soo dhalan roganay nidaam beeleedkii oo ah hab dimoqoraadiya oo ku dhisan xisbiyo badan,
run ahaantii maraaxilkaa kala duwan ee uu dalku soo maray ma aha kuwa si hawl yar lagaga soo gudbay balse waxaa lagala soo kulmay tacab iyo hawl qof waliba dareemi karo ama uu lasocdayba runtiina waxaa xalinta khilaafadaa hore inoo soo maray u guntaday odayada Golaha Guurtida oo ahaa cida kaliya ee lagu baxsan jiray marka ay xaaladi aloosanto.
Markaynu usoo noqono maraaxilkan xukuumada hadda ee Madaxweyne Rayaale waxa uu qarankan hogaanka u hayey mudo sideed sanno ku dhawaad ah, marka la isku daro sanadkii dhaxalka ee u horeeyey iyo shantii sanno ee xalka ahaa, iyo labadan sano ee u dambeeyey oo ahaa kursiyahow kaama kaco.
Waxa isweydiinle mudadaa maxay xukuumada rayaale dalka u qabatay ee maanta lagu dooran karaa? Waxaa lagawada dharagsan yahay oo aan shaki ku jirin wax qabad daayoo in uu dalka galiyey waxaan taariikhda hore usoo marin, waxaa la odhan jirey sababihii ugu weynaa ee xooleheena Ssacuudiga u joojieyey waxaa kamid ahaa cunaqabatayn dhaqaale oo cidhiidhi galiya nolosha shacabka Somaliland oo ujeedada cadawguna ahayd in isbedel ku yimaad fikirka muqadiska ah ee madaxbanaanideena, waxa taa lamid ah oo shacabku ogyahay afcaasha aan tirada lahayn ee mudada xukuumada Rayaale xilka haysay Qrankan iyo Shacabkan gayeysiisay oo lamid ah shirqooladaa cadawga hore ugu maleegeen oo kale, sida:
- Cunaqabatay Dhaqaale ( Xoolihii iyo Shidaalkii)
- Musuqmaasuq hadheeyey illihii dhaqaalaha gabi ahaan ,
- Shaqa la’aan gaadhay 99%,
- kumanaan dhalin ah oo ku leeday badaha iyaga oo Tahriibid maciinsaday,
- Amaan-daro gaadhay in madaxtooyadii la qarxiyo,
- Hayadihii Caalamiga ahaa ee dalka joogay oo muwaadiin tiro yari kashaqaynayeen oo qaraxyadii lala beegsaday kadib dalka kawada baxay ama hawlohoodii soo koobay ,
- Cadaalad- daro iyo Cabudhin Saxaafada xorta ah ,
- Colaado hor leh oo ka dhex qarxay beelaha walaalaha ah ee sland oo ay furdaami kari wayday illaa haddana taagan, Macaluushii ugu darnayd ee soo marta Bulshada Sland 18sanno ee aynu Qaranka ahayn.
- Xidhiidh-xumada wadamadii aynu dariska ahayn oo xadka ka baxday , iyo bulshadii caalamka oo dhabarka inoo sii jeedisay kadib markii ay ogaadeen in xukuumadan Rayaale ay qaaday dariiqii Kaligii Taliska iyo Cabudhinta oo ay dagaal kula jirto Dimoqoraadiyadii Curdinka ahayd ayna ugu dambaysay laalistii Diwaangalinta tacabka badan iyo dhaqaalaha badaniba ku baxeen, waxaas oo dhami waa Shirqool Qaranka loo maleegay looguna talagalay curyaamis iyo inaynaan beesha caalamka kamid noqon.
Maxaynu Ku Dooranaa UDUB? Qalinkii C/rasaaq Sh Cali Askar
Waxaan kusoo gunaanadayaa Xukuumada dhaxalsiisya Qarankan arimahaa dusha aan kusoo xusay iyo inbadan oo kale oo aanan xusin oo hadda ay xaaladi marayso xumaan iyo wanaag, waxqabad iyo waxqabad la’aanba anigaa madaxweyne ah!!!!
Maxaa inala gudboon ?
Waxaan rumaysanahay in ay hogaamiyaasha Udub og yihiin in aan cidi dooranayn balse ujeedada ugu wayni ay tahay inay ku ridaan khalkhal iyo jahawareer dalka iyo shacabka maatida ah , sidoo kale Golihii Odayada ee lagu baxsan jirey markay tan oo kali soo ifbaxdo ayaa gudahoodii ay ka dhextaagan tahay kala qaybsanaan ku aadan marxaladn lagu jiro. Waxaan rumaysanahay in uuna Rayaale dheg u dhigayn go’aamaadaa ay Baarlamaanku gaadheen, waa in shacabku foojignaan muujiyaa,
Maanta waa maalintii shacabka
waxaa la inooga baahan yahay badbaado qaran, “ rag aamusay iyo riyo aamusayba reerkoodii gabe” waxaa kali ah oo aynu qaranka ku badbaadin karnaa in aanu muujino dareenkeena dhabta ah iyo gacmaha oo aynu ka laabano xisbigan talada haya ee duulaanka ku ah qaranimada, cida dhibta ugu weyni soo gaadhaysaa waa inaga , shacabka weeyi. Maanta haddaad garan waydaan beritaydun garan.
Wabillahi tawfiq
C/rasaaq Sh Cali Askar
Hargeisa, 4418174
Related News
- Gobolada Sanaag iyo Sool oo Diidan Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland : 29 Jul 2010 - 15:45
- Dhanxiir Muxuu ka yidhi Xil la kala wareegi Rayaale iyo Silanayo & Wasiirada cusub? : 29 Jul 2010 - 13:22
- Hogaamiyaha ururka Al-shabaab u Qaabilsan Puntland iyo Bariga Sanaag oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii Puntland : 29 Jul 2010 - 13:13
- Boqor Buur-madow oo Madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqey inuu iskaga dego Xilka maadaama uu shacabka u soo Kireystey Ciidamo : 29 Jul 2010 - 11:54
- Reer Boorama oo Saluugay Saami Qaybsiga Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub : 29 Jul 2010 - 10:50
- Xisbiga Udub oo Ka Hadlay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub Halka Ucidna Ka gaabsaday : 29 Jul 2010 - 10:44
- 40 ka mid ah Ciidmada Somaliland iyo Gaadiidkoodii oo ka Goostay Somaliland una gudbay Puntland : 29 Jul 2010 - 10:37
- Mudaharaad aad loo soo Abaabulay lana garaneyn cida soo Abaabushey oo lagaga soo horjeedo Xukuumada Cusub Calankii Soomaaliyana. : 29 Jul 2010 - 10:15
- Madaxweynaha oo magacaabey Xil Cusub, Lana Dardaarmey Wasiiradiisa Cusub : 29 Jul 2010 - 09:58
- Taliyihii Qaybta Boliiska ee Gobolka Sool oo Xilkii ku Wareejiyey Taliye Cusub : 28 Jul 2010 - 19:58























xisbiga udun
intii uu xilka noo hayay waxba noo muu qaban riyaale ilee waxba laysuma qari yee
Anagaa ku leh haddii Rayaale tago Gebiley gobolka waa laga qaad
Kaagan maqiiqani xageed igala qabsatay,ma tuugtii reer Burcaad ahayd horta,midhka kale dee waa obvious in Siilaanyo uu hadh cad yidhi "waddanku waa lixdii gobol ee hore,ina Rayaalana wuxuu u abuuray goboladan inuu dadka iska hor keeno",taana miyaad qarin haddaba,anaga markaa saaxiib Rayaale waxyaalo badan buu noo qabtay oo maanta wiilka gobolka Gabiley meeshu doono ha ka joogee iskuulka ka dhigtaa laba goor buu wax ka cunaa iskuulka oo uma baahna inuu ku soo noqdo guriga,intaasina waa inta ugu yar ee aan kuu sheegi karo marka laga yimaado gobolnimada.
Ta ugu dambaysana ninka dafirsan in uu Rayaale wax u qabtay dalka waa nin doonaya inuu cadceeda sacabadiisa ku qariyo!,taana laga yeeli maayo reer bariga iimaanka la' ee kursiga oo ay hadal hayaan mooyee aan qorshe kale oo cad hayn ilaa imika,maxay hayaan ee u qorsha ah ee ay kaga duwanaanayaan Rayaale?bal waydii kuwaa aad caadifada reernimo ku dabo socoto su'aashaa,waxaan hubaa waxa kaliya oo ay ku odhanayaan waa waddanku isbadal buu u baahan yahay ee Rayaale ha tago,waxba kuma jabnee maxaad haysaa eed ku badalyasaan wali maydaan waydiin adeerkiin.
Saaxiib anagu haddaanu nahay reer Gabiley ama reer galbeedba weelka wax naloogu rido kuma xaarno,laakiin idinku waxaad u muuqataan inaad nijaasaynaysaan hadhuubkii wax la idiinku shubayay intay Somaliland jirtay oo dhan,waar ma bisaas baa duulku may indhaha kala furaan,ilaa maantaa la idinku masruufaa hudheelada Hargaysa iska daa inta hay'ad wax ka qabata bariga dalkee uu ina Rayaale geeyay,hadduu na soo marmari lahaa sida uu bariga ugu labaa noqdo waxaanu u magaabi lahaynba anagu BOQOR aan waligii dhicin.
Wiil baroow haddaba shut the fuck up oo mar dambe afka ha nala soo galin ee wax hubso intaanad caadifad qabiil la iman meesha.
Wasalam
Gob Gabiley.
Maxaynu Ku Dooranaa UDUB?
Cabdirisaaqoow UDUB markay tagto ogow Gabileyna gobolnimada maalintaasaa ugu dambaysee.
Markaa walaalkaday haddaanu reer Gabiley nahay anaga UDUB baad nagu ogtahay.
Yaa yidhi haddii Rayaale tago gebiley ayaa gobolka laga qaadayaa
Adeer kaagan le Rayaale Gobol na siiyey-kumuu siin Gebiley cidwaliba gobol waa u magacaabi kartaa waayo waa gobol.Somaliland arrimaheeda haku qiimayn magacaw gobol ku qiimee maxay inoo tareen UDUB iyo Rayaale.Adeer Cabdirisaaq run ayuu kuu sheegay e toos oo indhaha kala qaad.Ma waxaad doonaysaa in oromo iyo PUntland dalkaaga ka taliso.Haddii aad doonayso in Somaliland reer Somalinad u taliyaan ha dooran UDUb ee dooro dadka dalka u faydnaa weligood.
Samatar
Post new comment