Gabiley : Mar Nadage Alle Hadago Mar Labaad Nadagana Anagaa Isdagnay
Marka la isku daro banaan bixii Gobolka Gabiley kadhacay 14 Aug 2009 iyo kan Sept 01 2009 ka dhacay Degmada Wajaale ee isla Gobolka Gabiley uun ka tirsan waxay tusaale u tahay bisaylka iyo waayo aragnimada ay bulshada Gobolka Gabiley ay ka kasbadeen Maamulka Madaxweyne Rayaale mudadii 8sanno ku dhawaadka ah ee ay qarankan curdinka ah ay hogaanka u haysay,
waxay sameeyeen xisaabtan dhaba oo ku wajahan wax qabadkii xukuumada wakhtigeedii dhamaaday ee Madaxweyne Rayaale ee dhinaca Arimaha Bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo Dariiqyada oo Gobolka Gabiley uu yahay Gobolka ugu liita ama ugu dayaca badan marka la isku daro 13 gobol ee uu ka kooban tahay Somaliland, dhinaca kale marka laga eego Gobolka Gabiley waa Gobolka labaad ee ugu dakhliga badan oo aan haddana waxba loogu qaban oo kuna dhacda jeebado shakhsiyaad, waxaa kaliya oo tusaale loosoo qaadan karaa Cisbitaalka Gabiley oo muddo 10sanno ku dhawaadka qabyada ah,waxbrashada iyo iskuulo la,aanta baahsan ee gobolka ka jirta, caafimaad darada teedsan ee dhamaan degmooyinka iyo tuulooyin gabolku ay ka siman yihiin, biyo la;aanta iyo dariiq xumada aan indhaha laga qarsan Karin ee gobolka ka jirta.
Waxaas oo dhan marka la iskusoo wada xooriyo banaan baxyada iyo jawaabaha ka imanaaya bulshaweynta Gobolka Gabiley waa kuwa kayimid xisaabtan iyo damiir caafimaad qaba , waxaase la isweydiinayaa xukuumada dayacaa aynu soo sheegnay ee gobolka sababteeda lahayd ama lehba ee haddana taageero iyo soo dhaweyn karabta ama ka sugaysa shacabka waxaan leeyahay waa nasiib daro , waxayna leeyihiin bulshada reer gabiley Mar Nadage Alle Hadago Mar Labaad Nadagana Anagaa Isdagnay.
Waxaan kusoo gunaanadayaa oo leeyahay Xukuumada Rayaale Gobolka Gabiley go’aan ayay gaadheen oo waxay yidhaahdeen wallee lanama siro oo lanama khayaameeyo sanadkaa manta ah , bulshada lama khasbee waa la kasbadaa, xadhig iyo caga juglayna noqon mayso xirfad bulsho lagu soo jiidan karo ee waa dariiqa kalis-talisnimada ee ay hore u calafsadeen rajiimo badan oo soo maray qaaradan Africa. Waxaa kale oo aan leeyahay ashkhaasta gobolka kasoo jeeda ee u ololaynaya xisbul-xaakimka waxaad arkaysaan waxa dhacaya ee idinkaga yimi bulshada aad kasoo jeedaan ee aan magacooda ku haysataan mansabyada, aduunka taariikh ayaa lagaga tagaa , taariikh-xumo hakaga tagina dadkiina raaca oo u hogaansama oo ha iska indha- tirina rabitaanka shacabka aad kasoo jeedaan, u adeegid maamulka laga siijeestay wax laguma noqdo balse waxaa meel lagu gaadhaa rabitaanka shacabkaaga oo aad u hogaansato , tixgelina aad siiso.
Wabillahi tawfiq
C/rasaaq Sh Cali Askar
ixsaan2002@hotmail.com
Hargeisa, Sland
Related News
- Gobolada Sanaag iyo Sool oo Diidan Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland : 29 Jul 2010 - 15:45
- Dhanxiir Muxuu ka yidhi Xil la kala wareegi Rayaale iyo Silanayo & Wasiirada cusub? : 29 Jul 2010 - 13:22
- Hogaamiyaha ururka Al-shabaab u Qaabilsan Puntland iyo Bariga Sanaag oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii Puntland : 29 Jul 2010 - 13:13
- Boqor Buur-madow oo Madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqey inuu iskaga dego Xilka maadaama uu shacabka u soo Kireystey Ciidamo : 29 Jul 2010 - 11:54
- Reer Boorama oo Saluugay Saami Qaybsiga Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub : 29 Jul 2010 - 10:50
- Xisbiga Udub oo Ka Hadlay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub Halka Ucidna Ka gaabsaday : 29 Jul 2010 - 10:44
- 40 ka mid ah Ciidmada Somaliland iyo Gaadiidkoodii oo ka Goostay Somaliland una gudbay Puntland : 29 Jul 2010 - 10:37
- Mudaharaad aad loo soo Abaabulay lana garaneyn cida soo Abaabushey oo lagaga soo horjeedo Xukuumada Cusub Calankii Soomaaliyana. : 29 Jul 2010 - 10:15
- Madaxweynaha oo magacaabey Xil Cusub, Lana Dardaarmey Wasiiradiisa Cusub : 29 Jul 2010 - 09:58
- Taliyihii Qaybta Boliiska ee Gobolka Sool oo Xilkii ku Wareejiyey Taliye Cusub : 28 Jul 2010 - 19:58























Post new comment