Guddida Cusbitaalka Hargeysa Waxay Qaadeen Jid Qaloocan

Text Size

Hargeysa, Sida laga warqabo bishan 12keedii ayuu wasiirka wasaarada caafimaadku Mudane Cabdi Haybe xilkii Agaasimahii Cusbitaalka Guud ee Hargeysa Dr Yaasiin Carab Cabdi ka bedelay Xilkii Agaasime kuna badalay masuul kale oo cusub, iyada oo Wasiirku yahay hormoodka iyo hogaanka guud ee maamulka iyo hagida Siyaasada Caafimaad ee Dalka gabi ahaantii oo ayna cid kale la wadaagi Karin isla markaana wixii wanaaga iyo xumaan ee kasoo baxa guud ahaan hawlaha kala duwan ee Wasaarada Caafimaadkana ayna cidkale kula wadaagi Karin maadaama uu yahay masuulka Madaxweynaha dalku u igmaday siyaasada Wasaarada Caafimaadka,

Waxaa kasoo baxay talaabada uu qaaday Wasiirku ee xilka qaadista Agaasimahaa Guud murano ku saabsan cida xaqa u leh xilka qaadistaa iyada oo ay soo baxday in Gudidii Cisbitaalka Guud ee Hargeysi ay daadafaysay xilka qaadistaa isla markaana ay iyadu waa gudida e ay sheegatay inay iyagu yihiin cida awooda u leh xilka qaadista agaasimaha.

Haddaba, Isweydiintu waxay tahay dalka ma laba wasaaradood oo caafimaad ayaa ka jira?

- gudidase maxaa loo sameeyey ama loo magacaabay?

Jawaabaha su aalahani waxay weeyi dalka waxaa ka jira wasaarad caafimaad oo leh masuuliyada hogaaminta hawl-wadeenada iyo hawlaha caafimaad ee dalka, wasaaradu waxay sidoo kale leedahay cid kasta ama guddi kasta oo hawlaha caafimaadka faraha kula jirta sidii ay uga war hayn lahayd hawlaha ay ku jiraan iyo ogaanshiyaha halka ay wax u marayaan,

dhinaca kale waxaynu ka wada dharagsanahay ujeedooyinka loo sameeyey gudida Cusbitaalka Hargeysa oo ay tahay shaqadeedu horumarinta Cusbitaalka iyo sidii ay ugu raadin lahaayeen mucaawimooyinka iyo taakulada kala duwan ee uu Cusbitaalku u baahan yahay iyaga oo la yeelanayana wada shaqayn joogto ah agaasimaha cusibitaalka isla markaana si toosa ula socodsiinaya hawlahooda mar walba halka ay u marayaan Wasiirka Wasaarada, Wasiir Kuxigeenka iyo Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka.

Waxaan kula talinlahaa haddaba, Guddida Cusbitaalka Hargeysa marka hore ha ogaadaan oo ha gartaan masuuliyada ay u hayaan Cusbitaalka ee ay isku xilqaameen, waxaad qabateen hawl wacan oo shacabku idiin ogyahay oo aad u wanaagsan , umaydaan doonan masuuliyadan awood sheegasho balse waxaad u doonateen in aad umadeena wax u qabataan, imikase waxay u eegtahay in aad wax badan ka badasheen isxilqaankii iyo tabarucii aad umadiina u hayseen oo aad meel aan la idiinka fadhiyin ka fad-kudulayseen, waxaanad shaki ku abuurteen shacabkii wanaaga idiin hayay .

Waxaan kusoo gunaanadi lahaa, guddiyeey usoo noqda masuuliyadihiinii oo kabaxa waxaad hadda ku jirtaan iyo awood ku degaalan, waxaan kale oo aan idin leeyahay xilku waa wareegto Masuulkii hore waxaan ugu mahadnaqayaa waxqabadkiisii hufnaanta lahaa mudadii uu xilka hayay , masuulkan Cusubna Dr. C/rasaaq Yusuf Cabdillahi oo isna ah Masuul bulshadu guud ahaan ay u leedahay aqoon wanaagsan oo ah shakhsi ku sifeysan Aqoon-maamul, hawl-karnimo, dad la dhaqan iyo dabeecad suuban waxaana laga filayaa in uu halkaa kasii amba-qaadi doono hawlaha horyaal ee cisbitaalka guud, waxaanan ka codsanayaa in gudida Cusbitaalku haddii ay ka daacad tahay waxqabadkoodu in ay la shaqeeyaan masuulkan cusub oo ay dhinac istaagan si midho dhal uu u noqdo hawlaha baaxada leh ee ka jira Cusbitaalka Hargeisa.

Wabilahi tawfiq

Cabdirasaaq Sh Cali Askar
Hargeysa, Somaliland
ixsaan2002@hotmail.com

Posted In

Guddida Cusbitaalka Hargeysa

Cabdirisaaq waxaan u malaynayaa inaad wadanka in badan ka maqnayd oo aanad joogin.

Waxaan uga socdaa miyaanad ogayn in dalkan aanu qofna aqoon waxa shaqadiisu tahay ee uu qar iska jafo,marmar waxaabad is odhanaysaa waddanka dhawr dawladood baa malaha ka jira.

Dadkeenu waxay u baahan yihiin wax kasta ha qabteene siminaaro joogta ah oo awoodooda iyo xilkoodu intuu ku egyahay mar walba xusuusiya sida gudidan gudcurka gudaysa.

Haybe

Hargaysa,Somaliland.

Anonymous | November 19, 2009 - 12:13pm

Post new comment