Aqoontaada Tijaabi Waa Su'aalahii Jimcaha iyo Barnaamijkii Kororso Aqoontaada

Text Size

Akhritayaal Maanta Barnaamijkeynii Kororso Aqoontaada waxaa ku soo qaadan doonaa Jawaabihii 15-kii Su’aaladood ee aan idin dirnay Jimcihii lasoo dhaafay kii ka horeeyey. Hadaba akhristayaal ka faa’iideysi wanaagsan, Naftaada U Faa’iidey Si Beri Lagaaga Faa’iideysto.

1-Su’aal sheeg yaa-calanka u waday Dagaalkii Beder ciidanka Islaamka Guud ahaan?

2-Su’aal Sheeg gaar ahaan yaa calanka u waday Muhaajiriinta?

3- Su’aal Sheeg gaar ahaan yaa calanka u waday Ansaarta?

4- Su’aal Sheeg Asxaabigii dhashay aabihiis oo 12 jir ah?

5- -Su’aal Sheeg goorma ayuu dhacay dagaalkii Qaadisiya?

6- Su’aal Sheeg Kumuu ahaa Macalinkii ugu horeeyey ee reer Madiina Qur’aanka Baray?

7- Su’aal Sheeg Magaca Nebi Luud Cs Aabihii ?

8- Su’aal Sheeg Magaca Magaaladda uu ku aasan yahay Abuu Xaniifa?

9- Su’aal Sheeg qofkii ugu horeeyey ee Faras Fuula?

10- Su’aal Sheeg Asxaabigii Nebiga (NNKH) yiri waxaa dileysa Koox Xad-gudubtay

11-Su’aal Sheeg goorma ayaa Muslinmiinta loo-baneeyey dagaal?

12- Su’aal Sheeg imisa Axaadiis ayey Caa’isha Binti Abii Bakar Rc Imisa ka warisay Nebiga (NNKH)?

13- Su’aal Sheeg C/laahi Bin Cabaas Rc Imisa Axaadiis ayuu ka wariyey Nebiga (NNKH)?

14- Su’aal Sheeg C/laahi Bin Cumar Rc Imisa Axaadiis ayuu ka wariyey Nebiga (NNKH)?

15- Su’aal Sheeg Aanis Bin Maalik Imisa Rc Imisa Axaadiis ayuu ka wariyey Nebiga (NNKH)?

Jawaabaha waxay kala yihiin”

1-Jawab: Waxaa u waday Muscab Bin Cumeyr Rc.

2-Jawab: Waxaa u waday Cali Bin Abii Daalib Rc.

3-Jawab: Waxaa u waday Sacad Bin Mucaad Rc.

4-Jawab: Waxa Weye C/laahi Bin Cumar Bin Caas Rc.

5-Jawab: Wuxu dhacay sanadkii 14-aad ee Hijriyadda.

6-Jawab: Waa Muscab Bin Cumeyr Rc.

7-Jawab: Waxa Weye Haaraan.

8-Jawab: Wuxu ku aasan yahay Magaaladda Baqdaad ee dalka
Ciraaq.

9-Jawab: Waa Nebi Cismaaciil Cs.

10-Jawab: Waa Camar Bin Yaasir Rc.

11-Jawab: Waxaa loo-baneeyey sanadkii 1-aad
ee Hijriyadda.

12-Jawab: Waxay ka warisay 2210 Axaadiis.

13-Jawab: wuxu ka wariyey 1660 Axaadiis.

14-Jawab: Wuxu ka wariyey 1630 Axaadiis.

15-Jawab: Wuxu ka wariyey 1286 Axaadiis.

Ogeysiis Muhiim ah

Dhex-taal Gaaban

haddii aad tahay qof cusub, doonaayana inuu kamid
noqday bahda ku taxan barnaamijkaan xiisaha badan ee Kororso Aqoontaada Su'aalo
iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud, la-xiriir baashi053@hotmail.com
si'aad u heshid casharadii horey ku dhaafay. Anagana waxaa ku balan
qaadeynaa inaad heli doontit wixi horey ku dhaafay oo dhan Insha’Allah

Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Kedis114@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia….

Posted In

Post new comment