Madaxweyne: Gurigii Ina Siyaad Bare Lahaan Jirtay iga Gad!

Text Size

Hargeysa - Madaxweyne marka hore salaan iga gudoon, Madaxweyne, Aniga oo ah muwaadin Somalilander ah jecelna horumarka islamarkaana ka mid ahaa ragii sida diiran kuugu soo dhaweeyey markii aad timi U.A.E. Waxaan maqlay intii aan maqnaa warar tibaaxaya in aad waayo aragnimo wayn ka qaadatay safaradaadii qurbaha oo ku wajahan bilicda iyo muuqaalada guud ee ay lahaayeen Caasimadaha kala duwan ee dunida isla markaana aad go’aansatay in aad dalkeena u yeesho muuqaalo lamid ah kuwaa wadamada dibeda,

adiga oo dhismayaashii dawlada ee shaaricyada waaweyn u dhawaa gabi ahaanba aad ku guda jiro iibintooda kuwa badan oo horena aad ka xaraashtay Ganacsadayaal si ay uga dhisaan Sarar dhaadheer oo labaataneeyo dabaq ah. madaxweyne in aad ku fikirto in aad abuurto wax lagagu xusuusto oo jiilka soo socdaa uuna ilaaawin magacaaga waa arin geesinimo leh.

Madaxweyne, doorashadii madaxweynaha laguugu doortay May 2002, waxaan ahaa ragii geed –gaaban iyo mid dheerba u fuulay sidaad ugu guulaysan lahayd, xitaa waxaad la socotaa in uuna wakhtigaa jirin bahalkan magaca adag leh ee Surf – ka la yidhaahdo ee la magac ah masiibadii 29 October Makhsinka kuugu soo gashay oo waxaa ii suura gashay oo aan codeeyey dhawr iyo toban jeer oo aan ku noqnoqday, balse waxa isku key qaban wayday markii natiijadii codbixinta lagu dhawaaqay,

adiga oo hogaaminta qaranka xumaan iyo wanaag wax lagaa arkay aanay jirin wakhtigaa , xilka madaxweynenimana aad haysay wax ka yar sannad, Kharash laga warwaraan uuna meesha oolin oo uu halyeygii reer Kenya garbahaagaa taagnaa , anigoo u yaraana aan kuu codeeyey dhawr iyo toban jeer in aad ku foosno 80cod wax ka yar, waxay ahayd arin fajiciso ah haddaba maanta oo aad dalka hogaanka aad u haysay todoba sanno ku dhawaad aad ogtahayna muddadaa aynu sare kusoo xusnay wixii qarankan ku habsaday sida:

- macaluusha,
- barakaca,
- tahriibka ,
- kalataga,
- qaranjabka,
- qaraxyada,
- amaandarada,
- xidhiidh-xumada wadamada jaarka,
- niyad-jabka beesha caalamka ku dhacday,
- dimoqoraadiyada ladagaalanka ,
- doorasho nacaybka,
- saxaafad cabudhinta
- iyo kali-talisnimadda

ma waxaad haweysan kartaa madaxweyne xitaa inaad 10 cod oo kali ah ka hesho shacabka Somaliland?

Waxaan madaxweyne kugula talin lahaa in aynu bishaa ama labadaa bilood ee doorshada ka hadhay ka faa idaysano kolay waxaa laydhi aduunyadu ma tobnowde e oo waxaad ogtahay in “Bilgate” oo kamid ah maal qabeenada aduunka ugu waaweyn uu halgan aduunyo iyo waxsoo kordhin uu ku mashquulsan yahay.

Madaxweyne , markaan dalka imid , waxaan arkay iyada oo meelihii aan ku taamayey in aan iibsado ee ay kamid ahaayeen India lineska aan arkay iyada oo jiingad lagu wada wareejistay oo lagu kala calafqaaday , waxaan ku fikiray oo aan is idhi madaxweynuhu hakaa iibsho boqcadaa Dugsiga Sheikh Bashiir oo ku haboon in laga bineeyo dhismo ganacsi oo caalamiya , waxaa la iisheegay in halkaa uuna wax fursad ahi iiga banaanayn!! Waxaan hungureeyey garoonkii Hargeisa stadium oo aan is idhi waa meel ku haboon in laga dhiso warshado oo halkaa anigu awood uma helaayo oo lacagteedaa badane in aan kusoo hago maalqabeenada carbeed , iyana cidii aan waydiiyey waxaabay iigu jawaabeen adaa dayacay qorshahaagaa oo haddii aad Maxamud Haybe oo arimahaa u dhuun daloola markaad maqnayd lasoo hadli lahayd !!!

Hadaba , Madaxweyne waxaan kaa codsanayaa , waxaan balaf ku maqlay hadal hayn kusaabsan gurigii gabadhii ina Siyaad Bare ku lahayd hargeisa , doorashadiina fooda ayay inagu soo haysaa, waxaa layidhi nin weyni wadkii waa yaqaan, markaan ku leeyahay gurigii ina siyaad waad i fahantay ayaan filayaa , farta yaryar ayaan wax kuugu sheegayaa ta waaweyn waa la ina fahmayaa , markay toban maalmood ka hadhsan yihiin doorashada waxaad u wareegtaa guriga aad ka dhisatay dhismaha baarlamaanka xagiisa dambe, waxaad leedahay gurigii waxaa kusoo baxay Jugihii qaraxyadii 29 oct oo habeenkii gariir ayaan dareemaa waxaanan ka baqay inuu igu dumo, dib u burburin iyo dib u dhis ayuu u baahan yahay , tani waa talo aan garaad kayga kooban aan ka keenaye , talooyinka lagu aflaxo iyo farsamooyinka cilmiyeysan Ambassadorka ayaa alle bareya isaga ayaa ina tilmaami doona.

waxaan rajaynayaa in aad aniga isiin doonto tixgelinta kowaad.

Wabillahi tawfiq

Cabdirasaaq Sh Cali Askar
Hargeisa, 4418174
ixsaan2002@hotmail.com

Posted In

Fadhiga Radiyo Hargeisa

Ku: Madaxweynaha JSL---Madaxtooyada.
Og: wasiirka hawlaha Guud iyo Guryayenta-- Rugtiisa
Og: Wasiirka Maaliyada---- Rugtiisa
Og: Wasiirka Warfaafinta----Rugtiisa
OG: Golaha Guurtida --------Guriga odaydaya
Tixraac: Balanqaad Hore.

CODSI: Iibsasho Guul aan loo baahnayn

Mudane Madaxweyne waxaan ahayn Mawaadin ka soo jeeda Somaliland kana mid ah Xisbigeenna UDUB. Mudo dheerna waxaan ka mid ahaa dadka geed dheer iyo mid gaabanba u fuuley meel marinta ujeedooyinka iyo falsafadaha Xisbigeena barakaysan. Waxaan ka mid ahay dadka aad u taabacsan xisbiga udub ee weliba godobo badanna u galay. Waadna og tahay oo waxay dawladdu waxtartaa dadka dadka godobta u gala.
Waqtigii tirakoobka ilaah waa ogaaye, magaalada oodweyne ee aad iyo aad lagaaga taabacsan yahay, foomamkii la buuxinyey waxaan gurigayga u qaatay 560 kobi oo aanu magacyadda dad aan jirin ku buuxiney si aan u helo taageeroyaal badan oo xisbiga ah. Doorashadii ina dhaaftayna waxaanu buuxinay oo soo dirnay intaas in ka badan sidaas oo kale waanu ku hawl jirnaa doorashada soo socota.
Madaxweyne taxaa goobo badan oo qaarka mid ah mucaaradku ay kaacaayeen waan ku dagaalamay, oo dhibaatooyin qofeed baa iga soo gaadhay. Taxaa labada fool ee hore baa la iga jebiyey oo aan hadda dahab iigu jiraa.
Madaxweyne beryahan dambe oo dhan waxaan ka shaqaynayey in dhalinyaro badani wadamada debeda uga baxaan oo dalka ka tahriibaan weliba kuwa aqoonta leh dhowr ujeedo ayaan arinta ka lahaa;
1- Inaan waxoogay dhaqaale ah ka helo oo aan xisbigeenna ugu ololeeyo iyo mid naftayda ahba.
2-Inaan dalka ka saaro kuwa wax yaqaan waayo kuwa aan la iibsan karin oo dhawr jeerbay igu diiday wahyaabihii aynu isla ogayn ee aan is idhi ha qaateen oo xisbigeenna ha u codeeyeen sidaas darteed intay mucaaridka u codeyn lahaayeen dalka ha ka bexeen.
3-Inaynu helo dad tayo leh oo wahaji karta mucaaradka wadamada debeda waayo dadka ugu badan ee taageersan mucaaradka ee lacagta bixiyaa waxay joogaa qurbaha sidaas awgeedna waa inaynu lahaa dad tayo leh oo jawihi kara mucaaradka bannaanka.
4-Inay wadamada debeda dhaqaale ama baasbooro ajaanib ah kala soo noqdaan ka dibna aynu madaarka lacag adag kaga helo.
5-iyo kuwa kale oo aan marka kaaga xog warami doono.

Madaxweyne sidaan horeyba u sheegay waxaan beryahan dambe ku dhex jiray shaqada (business) tahriibinta waxaan ilaah iga siiyey dadkaas waxoogay lacag ah, haddana waxaan rabaa reerkii oo Hargeisa hoy la,aani ku hayso inaan guri u dhiso hayeeshee dhulkii Hargeisa waa qaali mana goosan karo oo intan yar ee aan haystaa way dhisi kartaa guri, laakiin haddii laga iibiyo dhul waxba ka soo hadhi maayaan markaas madaxweyne anniguu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay inaan addigu madaxweyne noqoto waxaan jeclaan lahaa inaad anniga igu abaal mariso waxaan u qabtay xisbigeenna markaas maanta waxaan kaaga baahnahay inaa inankeena wanaagsan ee ina Xaaji Daahir aan iigu sheegto inuu isiiyo ama igaga iibiyo lacag aan badan dhulkan aan cidina waxba ku falin ee ku dhexyaala Radio Hargeisa. Weliba haddii la rabo in meesha laga raro Radio Hargeisa dhul waxaynu iga heli dhulka sii ragan ee Gacan libaax amaba dhinaca Hawdka ee Oodeweyne u dhow. Waayo taxaa way fiican tahay in Raadiyowga laga fogeeyo meelaha dadku degan yihiin waayo waxaa la sheegay in uu shucaac badan bixiyo oo dhaliya cududrka kansar la dhaho. Waayo codkiisa dheer ee meel walba gaadhaya ama dadka dhexmaraya ayaa la sheegay inuu cuduro halis ah dhaliyo.
Waxaan ilaahay ka rajeynayaa inaad tixgelin doonto codsigaygan
Guul iyo Gobannimo Somaliland
Saaxiibka Cabdullah Hawd
hawd1962@hotmail.com

Anonymous | December 10, 2009 - 4:01am

Madaxweyne: Gurigii Ina Siyaad Bare

La yaabi maayo waxan uu soo mulmulaaqay ina Cali Askar oo waa caqli jibroabokore,waxaanse kula talin lahaa Illaahii ku abuuray u toobadkeen,intaad isleedahay waxaanad cadayn u hayn iyo kutidhi kuteenkii aqladiina ku magacdoon car yaan Illaahay calaamo ifka kaaga soo saarin.

Ina Rayaale intuu dalkan u qabtayna cidina hore uguma qaban hadduu ka tagana maalintuu ka dhaqaaqo ayaa halkaa Koonfuri marayso iyo ka dheer la inaga doondoonayaa,waana hubaal tani,haddaba jibriiloow ilka waawaynidine maxaad isku halaynaysaan ilayn tolkiinii reer Nuurna waxba ulamaydaan hadhine.

Haybe

Hargaysa,Somaliland.

Anonymous | December 9, 2009 - 2:47pm

Gurigii Ina Siyaad Iga Gad.

Haybe, waxaan kugu raacay caqli-xumida Iidoor wagaashleha afka kala qaaday ee "Waliga" Ilaahay u soo diray afka calyada hagaarini ka buuxdo shaadhka kaga tufay ninka Odayga ah.
Wax kale ayaa ka higle ee maha arrintu guri doon. Iimaan Alle ayaa uur buuxsha af cagaare Ina Cali Askaroow.
Ismaaciil Khadar.
Minnesota USA.

Anonymous | January 2, 2010 - 2:00am

Post new comment