Fulinta Xukunkii Ceelbardaale Miyaa La Ilaawey?
Gudida Nabadaynta Golaha Guurtida ee gashay beelaha isku haya Mashruuca Ceelbardaale oo ka koobnayd 12 xubnood oo dhamaantood ka tirsanaa Golaha Guurtida Somaliland, Kuwaasi oo loo xilsaaray inay soo xaliyaan arinta muranku ka taagnaa ee Mashruuca ceelbardaale, waxay wadeen hawsha nabadaynta intii udhaxaysay 27/02/2009 ilaa 07/06/2009.
Gudidaasi intii ay hawsha ku jireen waxay kulamo, fadhiyo iyo shirarba iskugu keeneen dhinacyada arintaasi mashruuca ku muransanaa, fadhiyadaasi oo lagu kulmay qawska burdi iyo kalabaydh laguna Dhaariyay min 25 xubnood oo dhinac walba leh, kuwaasi oo ka xaajo qaadanayay arinta furka, dhimashada, dhaawaca, iyo dhulkaba ahayd ee ay ku muransanaayeen iyada oo labada dhinaca Gabiley iyo Awdal kala sheeganayeen anagaa leh mashruuca iyo dawladbaa lahayd mashruuca dhulkaana anagaa qaadanay, "Guurtiduna ka garnaqaysay yaa leh Dhulka mashruucaas lagu muransanyahay?"
Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtidu Aragtay Qoraalka Dacwada Dhinaca Gabiley ee ku taarikhaysanaa 26/04/2009 nuxurkiisuna ahaa mashruuca Ceelbardaale oo ka kooban sideed Kaam oo kala ah: Kaamka Boodhka , Kowniin, Nuuriye , Ceelbardaale, Qoska, Ceeriga, Buqdhada, Xarunta Gaadiidka , Anagaa leh waxaa naga haysta reer Awdal , horena waa la noogu Xukumay 18/06/1993.
Sidoo kale waxay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtidu Aragtay Qoraalka Jawaab celinta ee Reer Awdal ee ku taariikhaysnaa 02/05/2009 Nuxurkiisuna ahaa Mashruuca Dawladbaa lahayd Dhulkana anaga ayay naga qaaday 1961.
Haddaba markay gudida nabadayntu baadhitaan aad u qoto dheer sameeyeen waxay soo saareen xukun qodobadiisa ay kamid ahaayeen :
- in qofkasta oo reer Somaliland ah uu xaq u leeyahay lahaanshaha hantidiisa ma guurtada ah sida beer, dhisme , barkad, aqal, iyo ceelbereed.
- in aan cidna gaar u sheegan Karin, xoolaha dadkan laga celin Karin daaqa, ceelasha caadiga ah , biyaha qulqulaya iyo wadooyinka
- in qofkasta looga tago hantidiisa gaarka ah bil gudeheedna ku dago gurigisii iyo beertisii.
- in mashruuca ay leedahay cidii hore u lahayd ee loo xukumay 18/06/1993 oo ahayd reer Gabiley
- Gudida nabadaynta ee golaha guurtidu waxay ayiday xukunkaas hore looga gaadhay mashruucaasi 18/06/1993 oo wafaqsana shareecada islaamka, waxayna gudidu uu xukuntay dhinaca Gabiley
Dhinaca kale haddii aynu taariikhda ceelbardaale kayara milicsano waa mid sifiican loo wada yaqaan qaabkii loo aas aasay iyo cidii aas aastay mana aha wax mugdi iyo mala awaal gali kara marnaba, habase noqotee waxa jira dad iyagu dana gaar ah kale oo isku daya markasta inay qaloociyaan oo ay been ka sheegaan taariikhda iyo aasaaskii ceelbardaale.
ceelbardaale waxaa la sameeyay horaantii kontomaadkii waxana horseed u ahaa ilaahay raali haka noqdo sheekhii caalimka ahaa sheekh muxumed raage, abuuri taankii ceelbardaale wuxu beri ka ahaa oo aan marnaba lagu tirin karin mid ku salaysnaa qaab qabiileed ama dawladeed ama si gaar ah ugu adeegato cid gaar ahi sida ay markasta kuwa isku daya inay been ka sheegaan taariikhda ceelbardaale
Sheekha oo bud dhig u ahaa mashruuca ceelbardaale wuxu yimid wakhti la odhan karo waa loogu baahi badnaa waayo waxa jirtay baahi diineed oo ka jirtay meel badan oo ka mid ah gobolada somaliland gaar ahaan galbeedka shishe waxanu hilfaha u laabay oo uu la dagaalamay dhaqamo caqabad ku ahaa diinta islaamka sida sixirka iyo faalka oo aad looga isticmaalo jiray Boorama iyo hareereheeda taasi waxay keentay inay cadaawad u qaadaan rag ku shaqaysan jiray sixirka iyo faalka oo isaga dhigi jiray dadka mashaikh wax dabiibta waxanay dhinaca saareen qabiilkii ayka soo jeedeen .
Haddaba, waxaa nasiib darro ah in la ilaawey xukunkii iyo fulintii ceelbardaale ee ay 7 June 2009 oo soo saareen hormoodkii golaha guurtida qaranka somaliland . masuuliyadaasi may ahayn mid loo wada sinaa balse waa mid u taalay xukuumada madxweyne Rayaale, dad badan waxay illaa hadda isweydinayaan tolow madaxweynaha Ma ka illawshiyaa? Miyuu ka badheedhay oo wuxuuna ogolayn beesha loo xukumay? Ma wuxuu ka kaga dhabeeyey guurtida colbaanu nahay?
Waxaan kusoo gunanadayaa , Madaxweyne mararbadan ayaa lagaala hadlay arimaha xaalaha ceerbardaale oo aad adigu dhab ahaan aad tahay masuulka kowaad ee leh fulinta xaqsoorkii ay hore u gaadheen goleheena guurtidu . Markaa waxaan kaa codsanayaa imika iyo haatan arintaa fulinteeda waa mid xagaaga lasoo wada eegayo oo aanan la ilaawin. Lagaana sugaayo, waa dhab oo filic runtii aad xun ayaa dhacay xukunka kadib oo ahaa jidgooyadii dhacday 10 July 2009 , balse waxaan meesha ka madhnayn in ficilkaasi ka dhashay fulin la’aantii xagaaga ka timid.
Wabillahi tawfiq
Cabdirasaaq Sh Cali Askar
ixsaan2002@hotmail.com
Hargeisa, 4418174
Related News
- Gobolada Sanaag iyo Sool oo Diidan Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland : 29 Jul 2010 - 15:45
- Dhanxiir Muxuu ka yidhi Xil la kala wareegi Rayaale iyo Silanayo & Wasiirada cusub? : 29 Jul 2010 - 13:22
- Hogaamiyaha ururka Al-shabaab u Qaabilsan Puntland iyo Bariga Sanaag oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii Puntland : 29 Jul 2010 - 13:13
- Boqor Buur-madow oo Madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqey inuu iskaga dego Xilka maadaama uu shacabka u soo Kireystey Ciidamo : 29 Jul 2010 - 11:54
- Reer Boorama oo Saluugay Saami Qaybsiga Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub : 29 Jul 2010 - 10:50
- Xisbiga Udub oo Ka Hadlay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub Halka Ucidna Ka gaabsaday : 29 Jul 2010 - 10:44
- 40 ka mid ah Ciidmada Somaliland iyo Gaadiidkoodii oo ka Goostay Somaliland una gudbay Puntland : 29 Jul 2010 - 10:37
- Mudaharaad aad loo soo Abaabulay lana garaneyn cida soo Abaabushey oo lagaga soo horjeedo Xukuumada Cusub Calankii Soomaaliyana. : 29 Jul 2010 - 10:15
- Madaxweynaha oo magacaabey Xil Cusub, Lana Dardaarmey Wasiiradiisa Cusub : 29 Jul 2010 - 09:58
- Taliyihii Qaybta Boliiska ee Gobolka Sool oo Xilkii ku Wareejiyey Taliye Cusub : 28 Jul 2010 - 19:58























Post new comment