MAXAA QAYRKEEN INNAGA REEBAY? by Cabdirasaaq Sh Cali Askar

Text Size

Aqoonta maamul ee suubani waa mid ku dhisan isku xidhnaanshiyo dhamaystiran kana soo unkama qorshe dejin ( Planning) isku dubaridid wixii la qorsheeyey ( Organizing) magacaabid cidii dhmaystiri lahayd wixii la qorsheeyey ( Staffing ) isku-xidhid iyo hogaamin guud( leading) iyo qiimayn iyo ogaanshiyo ku aadan in natiijadu ay waafaqday wixii la qorsheeyey taas oo micneedu tahay haddii ayna waafaqin in la qaato talaabo degdeg ah oo lagu saxaayo waxyaabihii sababay.

Haddaba waxaa ku waajib ah guud ahaan shacabka Somaliland iyo waliba Xukuumada midida daabkeeda haysa in lasameeyo dib u qiimayn ku wajan waxa illaa hadda Somaliland ka hortaagan aqoonsi, waxaa aan rumaysanahay in aynu u qalano aqoonsi balse ay jiraan waxyaabo badan oo ay bulshada caalamku inagu qiimaynayaan, haddii aynu dib u saxno oo aynu la nimdaad talooyinka aan kusoo gabagabeeyey qoraalkaygan, Somaliland waxay ku biiri doontaa oo ay afar ku noqon-doontaa seddexda wadan ee aqoonsi caalamiya helay intii u dhaxaysay 1993 ilaa 2008 oo kala ah Eritrea, Kosovo iyo East Timor,

waxa kale o inala gudboon inaynu ka barano seddexdan wadan hababka dawladaha kale u caawiyeen, doorka Qaramada midoobay ka qaadatay aqoonsigooda, doorka qurbajoogta wadamadaasi ka ciyaaren raadinta aqoonsi caalamiya, wadamadan oo in ka badan 20 sano u dhabar adaygay xoriyada raadin tooda iyado kumanaan dadkooda kamid ah dhiig dhagta loo daray, halka millions kalana ay dalkoodi hooyo ka haajireen. Haddaba bal aynu mid mid u milicsano seddexdan wadan ee aan sare kusoo xusay iyo dariiqii ay usoo mareen aqoonsiga ay ka heleen beesha caalamka:

Kosovo : waxay hore u ahaan jirtay ismaamul goboleed ka tirsan Jamhuuriyada Serbia dalka Kosovo waxa ku nool dadka Albanianta oo ah majority iyo Serbians oo ah dadka laga tiro badan yahay, sanadkii 1998 ayaa dawlada Serbia ciidamo geysay gobolka Kosovo iyado la wareegtay ismamulkii Kosovo ee dadka Albanianta kaaso sababay dhibaatoyin bina aadanimo oo aad u daran.

Iskuday wada hadalo dhex maray Kosovo iyo Serbia ayaa guul daraystay si ciidamada Serbianka looga saaro Kosovo, markii wada hadaladi guul daraysteen waxa weerar cira ak ku qaaday Serbia Ciidamada NATO oo ku khasbay inay ciidamadooda kala baxaan Kosovo.

Faro galintii NATO kadib waxa UN ku soo saaray qaarar numberkiisu ahaa 1244 (1999) kasoo UN ka awood u siinayay inay iyadu maamusho Kosovo si loo so celiyo is maamulkii gobolka Kosovo, waxa kale oo xiliga dhinac socday wado hadalo la doonayay in Serbia iyo Kosovo ku gaadhan heshiis lagu sugaayo xuquuqda Kosovo waxa wada hadalada ku lug lahaa US , Russia iyo Midowga Yurub ugu danbayn 2007 waxa la cadeeyay inanu suuro gal ahayn heshiis ay gaadhan labad dhinac waxan la sheegay in dhinac waliba aanu ogalayn inu ka soo dabco halkiisa.

Kadib burburkii wado hadaladi labada dhinac waxay sababtay in ugu danbeyntii 17 February 2008 baarlamaanka Kosovo uu ku dhawaaqay in ay si toos ah u go’aansadeen inay noqdaan dal madax banaan.

Ku dhawaaqida Kosovo Madaxbananided waxa markiiba ka booday Serbia iyo Russia ayaa ku dooday inaan qaraarkii UN ka ee 1244 ogolayan in Kosovo ku dhawaaqdo madaxbanindeed hadan ogolaansho ka haysan Serbia dhanka kale wadamo badan oo katirsan Midowga Yurub, US , wadamo carbeed iyo kuwo African ayaa markiiba aqoonsaday madaxbananida Kosovo ku dhawaad 30 wadan ayaa bil gudaheed ku aqoonsday Kosovo.

Cabdirasaaq Sh Cali AskarCabdirasaaq Sh Cali AskarDoorka Qurba joogta reer Kosovo. Sanadkii 1989 marki ciidamda Serbia galeen Kosovo ayaa waxa Europe galay dadkii ugu badna ee reer Kosovo ahaa waxanay deganaasho ka heleen wadamo badan oo Yurub ah sida Germany oo hada lagu qiyaaso 270,000 qof inay degen yihiin, Swezirland 160,000 qof, waxan guud ahaan qurba joogta Kosovo lagu
Sanadki 2000 waxa lagu qiyaasay lacagta soo gaadhay Kosovo ee ka timi qurbajoogta 275 Million Eurohalka sanadkii 2008 ay gaadhay 535.8 Million
Xiligi 1990 waxay qurbajoogta Kosovo si xoogan uga qayb qaaten dagaalki ay kula jireen Serbia dhaqaale ahaan iyo siyasad ahaanba

2008 marki ay ku dhawaaqday madaxbananided waxay qaaday talaaboyin badan oo xaga dawladnimada ah waxayna samaysteen dastuur u gaar ah.

Dalka Kosovo waxa aqoonsan 63 dal oo xubno ka ah UN iyo hal wadan oo aan xubin ka ahayn UN (Taiwan) hada waxa safaarado ku leh Kosov 14 wadan oo u badan kuwa reer Europea 7 non residents ambassadors iyo 11 liaisons offices (xafiisyo xidhiidhiyayal siysasadeed) ah sidoo kale hal Million oo Euro ayaa loo qondeeyay in lagu dhiso wasaarada arimaha debada Kosovo hada waxay xafiisyo diplomasiyeed ku leedahay 11 dal hadan waxya wada sanadkan 2009 11 safaradood oo kale in la furo.

East Timor : Dalkan oo sidoo kale loo yaqano Timor-Leste oo ku yaala Southeast Asia waa jasiirad yar oo u dhaw dalka Indonesia waxa guumaystay Portuguese qarnigi 16aad sanadki 1975 ayay ka qaadatay madaxbanaanideed Portuguese ka lakin sanad kadib 1976 waxa qabsaday oo la wareegay ciidamada dalka Indonesia waxa dawlada Indonesia sheegaty in East Timor tahay gobolka 27aad ee dalka Indonesia.

Dakd reer East Timor waxay kaga jawaaben galitaanka dalkood mudaharado rabashado wata iyo quluqulatooyin kuwaso la sheegay inay ku dhinteen dad ka badan 60,000 oo qof waxa report laga diyariya East Timor lagu sheegay in mudadi u dhaxaysay 1974-1999 inay dhinteen dad gaadhaya 102,800 kuwaso 18,600 lagu dilay dagaalada halka 84,200 u dhinteen gaajo iyo cuduro kale.

Dadka East Timor waxay bilaaben sanadki 1976 dagaalo kudhufo ka dhaqaq ah oo loga soo horjeedo Indonesia kuwaso tageero ka helayay wadamada US , Portuguese iyo Australia. Ugu danbayntii wado hadalo dhex marya US iyoPortuguese oo dhinac ah iyo Indonesia ayaa lagu go’aansdatay in UN ku afti ka qaadan dadka reer East Timor waxan ugu danbaytii August 1999 dadka reer East Timor la waydiiyay inay kal doortan inay xor ka noqdan Indonesia iyo inay ka sii mid ahaadan Indonesia yeeshan Ismaamul goboleed Waxan 78.5% doorten inay ka badax bananadaan oo ay noqdan dawlada gaar ah arinta ayaa sababtay rabshado xoogan oo ay bilaben ciidamdi Indonesia ee jogay East Timor iyo dad reer Timor ah oo taagersan Indonesia. Rabshadah kadib waxa soo faro galiyay nabad ilaliyayal caalamiya oo ay hogaaminayso Australia loona yaqaanay INTERFET (international Force for East Timor), waxa yar kadiban waxa nabad ilaliyasha lagu badalay maamul UN ka hoos yimaada oo loo yaqanay hawlagaka UNTAET oo ka koobna maamul isugu jira 11 xubnood oo East Timor iyo afar xubnood oo ah UNTAET ugu danbayntii waxay si toos ah ugu bireen UN September 27, 2002.

Eritrea : Sanadkii 1890 waxa dalka Ertirea qabsada Italia oo guumasan jiray 1941 waxa la wareegay ciidamadi British ka 1949 kiina waxa mamulki Bristish loo badal mid UN ka hoos tagta, sanadki 1952 waxa Eritrea UN ka dhigtay gobol federal ah oo ka tirsan Ethiopia

Hogaamiyihii Ethiopia Haile Selassie ayaa sanadki 1961 kala diray barlamaanki iyo maamulki Ismamul goboleedka Eritrea wuxuna sheegay in Eritrea tahay gobolka 14aad ee Ethopia sandkii 1962 inta kadibna waxa dadka reer Eritrea bilaaben dagaal xornimo doon ah waxay samaysteen jabhad la odhan jiray Eritrean Liberation Front (ELF) wadamo badan oo carbeed sida Masarida, Suriya iyo kuwo kale ayaa caawiyay ELF madama oo dad Muslim ah u badnayeen markii hore jabhada ELF ta

Sanadihii 1970 iyo bilowgii 80 waxa aad u tageerayay Ethopia dalka USSR (Midowgii sofiyati) iyo Cuba oo siyay cawimo badan taaso keentay inay diciifiyan dagaal yahanadi Eritrea ka ahaa, lakin markii sanadki 1989 Russia looga adkaaday dagaalki qabooba waxa wiqmay tageeridi ay ka heli jireen waxan markaas jabhadi Eritrea oo xiliga xoogaystay isla markaan dad badan ku soo bireen qabsaden Magalo xeebadka Massawa sanadkii 1990 taaso wax badan u fududaysay Jabahadi isla markaan sahashay qabsashada inta badan dalka marka laga reerbo caasimada Asmara waxa ugu danbaynti ay caasimada Asmara soo galeen jabahdu oo markaas magaceeda loo badalay Eritrean People's Liberation Front (EPLF) 24 May 1991 xiligaaso gabi haanba dalka Ethiopia na lag eryay boqorki xukumayay Mengistu Hailemariam oo u carara dalka Zimbabwe oo uu manta ku nool yahay. Kadibana waxa la dhisay Dawlada Eritrea oo la yeelatay dawladi cusubayd ee wakhtiga ka dhalatay dalka Ethopia oo ay la soo wada dagaalameen maamulki Mengistu isla markiiba waxay dalbadeen in UN ka qaado afti si loo sugo madaxbananidooda ugu danbaynti waxa aftidii laga qaaday April 1993 waxan lagu dhawaaqay natijadi 24 May 1993 oo in ka badan 99% ogaldeen madaxbananida Eritrea oo ku beeganayad labo sanad guuradi marki jabahada qabsatay Asmara.

Eritrean People's Liberation Front EPLF ayaa dalka u keenay xoriyada markii danabna loo badalay magacii ururka People's Front for Democracy and Justice, (PFDJ) ururkan oo ila maanta ka taliya Eritrea.

Gabagabadii , si aynu qayrkeen u gaadhno , dadkii hore waxay ku ducaysan jireen Allow qayrkayo hanaga reebin! , Waxaan isleeyahay inagaa ayaa halkaa isdhignay , oo hogaankii aynu dalka u dooranay ayaa halkaa ina dhigay , shacabka gudaha iyo qurba jooga ayay kaalintoodii banaantahay .

waxaana haboon si aynu aqoonsi u helno inaynu laniimaad arimahan :- Dimoqoraadiyada oo sida saxan loo qaato laguna saleeyo doorasho xor iyo xalaal ah, Musuqmaasuqa oo lajoojiyo, Cadaalada oo la wanaajiyo, xuduudaha dalka oo lawada sugo, gobolada dalka ee gudaha ku jira balse aan gacanta somaliland ku jirin ( buuhoodle) oo si diblomasiyadiyad ah oo aan degaal ahayn lagusoo xerro galiyo, beelaha Xabada isla hor fadhiya ee walaalaha ah ee horena arinkeeda loo galay in si degdeg ah loo soo afjaro si ayna aqoonsigeena ugu noqon barmadaw,

Siyaasada dibeda oo qorshe cad loo sameeyo dadkii ku haboonaana la keeno hadii ay noqon lahayd dhinac diblomaasiyadeed iyo dhinac daacadnimo ba, in wasaarada arimaha dibeda loo qorsheeyo miisaaniyad ku filan halka ay hadda ku jirto kuwa ugu miisaaniyad hooseeya, in la xoojiyo xidhiidhka goleyaasha qaran isla markaana si wada jir ah loogu wada hawlgalo looguna wada baxo safarada dibeda ee wasiirku ku kaliyeystay , ina xidhiidh lala yeesho wadamada aan wali la aqoonsan ee sida Somaliland raadinaya aqoonsiga waliba xidhiidh dhaw la la sameeyo kuwa siyasad ahaan inala jaan qadi kara in xidhiidh iyo wax ka barasho lala yeesho wadamada dhawaan helay aqoonsigooda kuwa la fahmi karo sida East Timor, Kosovo iyo kuwa kale si waxa looga barto jidkay mareen, in qurba joogu siwada jira oo ka madaxbanaan xisbinimo kuna dheehantahay qaranimo ay kaga qayb qaataan hoo iyo hiilba ictiraaf raadinta Somaliland.

Wabillahi tawfiq

Cabdirasaaq Sh Cali Askar
Hargeisa, 4418174
ixsaan2002@hotmail.com

Posted In

Post new comment