Aqoontaada Tijaabi Waa Su'aalahii Jimcaha iyo Barnaamijkii Kororso Aqoontaada
Akhritayaashada Qiimaha lahow Waa barnaamijkii aad inooga barateen Maalin walbo oo Jimca ah, Wuxuuna xanbaarsan yahay macluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso.
Akhritayaashada Qiimaha lahow maanta barnaamijkaynii xiisaha badnaa ee Kororso Aqoontaada, waxaan kusoo qaadan doonaa 10-kii Su’aaladood ee aan idin weydiinay Jimcihii lasoo dhaafay jawaabahooda.
1-Su’aal Sheeg Suuradda ay laba aayadood oo Sujuud ah ay ku jiraan?
1-Jawaab: Waa Suuratul Xaj.
2-Su'aal Sheeg Suuradda Aayadaheyda lagu sheegay Magaca(Yathrib) ee kamid ahaa magacyada Magaalaadda Madiina?
2-Jawaab: Waa Suuratul Axzaab.
3-Su'aal Sheeg Suuradda Dhamaan Aayadaheyda ku dhamaadaan Xarafka Siin?
3-Jawaab: Waa Suuratul Naas.
4-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhacay dagaalkii Qandaq?
4-Jawaab: Wuxu dhacay sanadkii 8-aad ee Hijriyadda.
5-su’aal sheeg Dhaqtaradii ugu horeysay ee Islaam-ka?
5-Jawaab: Waa Rufeydah Bintu Sacad.
6-Su’aal sheeg yaa-calanka u waday Dagaalkii Beder ciidanka Islaamka Guud ahaan?
6-Jawaab: Waxa u waday Muscab Bin Cumeyr.
7-Su’aal Sheeg Ninkii ugu horeeyey ee Islaam-ka laga dilay?
7-Jawaab: Waa Camar Bin Yaasir.
8-Sheeg Sheeg Sacad Ibnu Maalik imisa axaadiis ayuu Nebiga (NNKH) ka wariyey?
8-Jawaab: Wuxu ka wariyey 1170 Axaadiis.
9-Su’aal Sheeg halka uu ku dhashay Sayid Maxamed Cabdule Xasan?
9-Jawab: Wuxu ku dhashay Tuuladda Sac-madeeq ee degmada Buuhoodle.
10-Su’aal Sheeg halgankii Axmed Gurey uu kaga soo horjeeday Xabashida sanadkii u dhamaaday?
10-Jawaab: Wuxu dhamaaday sanadkii 1542-kii.
Dhextaal Gaaban
Haddii aad tahay qof cusub, doonaayana inuu kamid noqday bahda ku taxan barnaamijkaan xiisaha badan ee Kororso Aqoontaada Su'aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud, la-xiriir baashi053@hotmail.com si'aad u heshid casharadii horey ku dhaafay. Anagana waxaa ku balan-qaadeynaa inaad hesho wixii horey ku dhaafay Insha'Allah.
Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Kuala Lumpur Malaysia
Kedis114@hotmail.com
Related News
- Gobolada Sanaag iyo Sool oo Diidan Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland : 29 Jul 2010 - 15:45
- Dhanxiir Muxuu ka yidhi Xil la kala wareegi Rayaale iyo Silanayo & Wasiirada cusub? : 29 Jul 2010 - 13:22
- Hogaamiyaha ururka Al-shabaab u Qaabilsan Puntland iyo Bariga Sanaag oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii Puntland : 29 Jul 2010 - 13:13
- Boqor Buur-madow oo Madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqey inuu iskaga dego Xilka maadaama uu shacabka u soo Kireystey Ciidamo : 29 Jul 2010 - 11:54
- Reer Boorama oo Saluugay Saami Qaybsiga Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub : 29 Jul 2010 - 10:50
- Xisbiga Udub oo Ka Hadlay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub Halka Ucidna Ka gaabsaday : 29 Jul 2010 - 10:44
- 40 ka mid ah Ciidmada Somaliland iyo Gaadiidkoodii oo ka Goostay Somaliland una gudbay Puntland : 29 Jul 2010 - 10:37
- Mudaharaad aad loo soo Abaabulay lana garaneyn cida soo Abaabushey oo lagaga soo horjeedo Xukuumada Cusub Calankii Soomaaliyana. : 29 Jul 2010 - 10:15
- Madaxweynaha oo magacaabey Xil Cusub, Lana Dardaarmey Wasiiradiisa Cusub : 29 Jul 2010 - 09:58
- Taliyihii Qaybta Boliiska ee Gobolka Sool oo Xilkii ku Wareejiyey Taliye Cusub : 28 Jul 2010 - 19:58























Post new comment