Heshiiskii Lix-da Qodob ee Beesha Caalamku Wuxuu ahaa Minddi Laba Afle by Cabdirasaaq Sh Cali Askar
Hargeysa - Somaliland oo hadda lagu yaqaano meelaha sida fiican uga hirgashay hanaanka xisbiyada badan oo aan si fiican uga hana qaadin wadamada geeska Afrika ayaa waxa soo maray sanooyinka dambe Jawi siyaasadeed oo qalafsan , keenayna isku dhac badan.
Sabbabaha ugu wayn ee inta badan keenayay deganaansho la,aanta siyaasadeed ee ka jirtay Somaliland oo ay ugu waynayd doorashada madaxwaynaha oo mudaba dhawr jeer dib loo dhigay, siyaabo kala duwanna keeneen.
Xisbiyada mucaaridka oo dhawrkii hore iska ogolaaday in doorashada dib loo dhigo, waxay aad uga gilgisheen markii ugu danbaysay, ilaa ay gaadheen in taageerayashoodu u soo baxaan mudaharaad balaadhan dhamaan gobolada Somaliland oo dhan.
Mudaharaadkii ugu danbeeyay ee ka dhacay caasimada Somaliland oo ay ku dhinteen dhawr ka qof ayaa aad u gilgilay jawiga degenaansho ee ka jiray Somaliand .Waxa dadka lasoo darsay cabsi badan oo ay ka qabaan in arinta muranka siyaasadeed ee ay keentay doorashadan dhici la, faraha ka bixiso nabadii Somaliland ku soo caanno maashay
Waxaana intaa kadib arintan soo faragalisay beesha caalamka oo ay hormood u ahaayeen waddamada dariska inala ah , waxayna dhinacyada khilaafaadku ka dhexeeyay usoo gudbiyeen heshiis ka koobnaa lix qodob, kuwaasoo si weyn ay usoo dhaweeyeen uguna damaashaadeen dhinacyadii iska soo horjeeday.
Heshiiskaas ay soo saartay beesha caalkamku ayaa ugu danbayn
Waxa ansixiyay golaha guurtida, soona afjaray murankii siyaasadeed Ee daba dheeraaday. kuwaasoo ay sheegeen inay u arkaan xalka kaliya ee lagu kala badbaadi karo ka gole ahaana ay dhex ugu noqon karaan Axsaabta isla markaana ay danta ummaddu ku jirto, Lixdaa qadob hadii aynu is xusuusino waxay ahaayeen sidan;
1. In Koomishanka doorashooyinka wax laga bedelo, weliba hoggaanka
2. In Seerafkii dib loogu soo noqdo, oo ay khubaro imanaysaana dhammaystiri doonto waxa ka dhiman.
3. Wakhtiga ay doorashadu ku suurtoobayso, waxa ka wada tashanaya koomishanka dorashooyinka iyo khubarada imanaysa, waana go’aan ka fog siyaasadda oo ah go’aan farsamo.
4. In Wada Jir loo wada shaqeeyo
5. In Doorashoyinkan iyo kuwa dambe ee soo socda lagu galo diiwaangelin.
6. In Saddexda xisbi soo saaraan go’aan wada jir ah, marka lagu heshiiyo qodoban, si loo ambo qaado hawshii doorashada
Heshiiskaas ay soo saartay beesha caalkamku ayaa ugu danbayn
Cabdirasaaq Sh Cali AskarHaddaba, markaynu leenahay heshiiskaasi waxa uu ahaa midi laba afleh Marka hore waxa uu ahaa mid dejiyey xaaladii carkirnayd ee dalka ka taagnayd wakhtigaa sida; xaraaradii taageerayaasha asxaabta qaranka ee iska soo horjeeday, hogaamiyaasha asxaabta qaranka oo iyaguna si weyn ugu wada riyaaqay, golihii odayada oo iyaguna mudadaa khilaafaadka taagnaa oo si midaysan u wajahay heshiiskaa lixda qodob, iyo ifafaale nabadeed iyo daganaanshiyeed oo wada saameysay guud dalka oo dhan.
Afka kale ee mindidda hadii aynu iyana milicsano; waxa uu xididada u saaray dimoqoraadiyaddii curdinka ahayd ee aynu magaca , ammaanta iyo maamuuskaba kaga helnay waddamada hurmoodka ka ah adduunka , waxa uu ina mataaneeyey waddamada aynu dariska dhawnahay oo iyagu ku caano maalay la-dagaalanka dimoqoraadiyadda, xisbiyada badan iyo cabudhinta xorriyatul qawlka, waxa uu cagta inoo saaray jid qaloocan iyo hogaamiye waara wad la’aantii.
Markay natiijadii lixda qodob keeneen sidan ;
qodobka kowaad; Commission la baddelay iyo kuwa kale ee beddelay oo ay calaamad su’aal saarantahay in ay noqdaan kuwa kasoo bixi kara garsoorka baaxadda leh ee horyaal iyaga oo u badan dhalin yaro aqoon leh balse ka aradan waayo aragnimo,
qodobka labaad; Surfarka oo isagana laga rajo dhigay inay kasoo baxaan natiijo lagu wada farxo oo cid walba raalligalisa,
qodobka 3aad oo ah Madaxaa ha ku furta ahna ka lafdhabarta u ahaa wadamada arintan ku lug leh dhigayana wakhtiga doorashu qabsoomayso.
qodobka afraad; wadashaqayntii dhinacyada kala duwan oo iyana faraha ka baxday asxaab qaran iyo golayaal qaran intaba taas oo maanta lagawada warqabo.
ujeedada dhabta ah ee ay ka lahaayeen dadka inoo keenay heshiisan waxay tahay, marka aad hawl aad rabto in aad qabato isla markaana aad ka gaadho natiijo wanaagsan waxa daruuri ah in aad samaysto‘ “alternatives” macanaha inaad samayso ugu yaraan seddex option ama waddo oo aad kala dooraynayso ta ugu wanaagsan ee ku gaadhsiin karta ujeedadaada. Iyada oo ay sidaa tahay, hormoodkii ka dambeeyey heshiiska lixda qodob oo ahaa Ethiopia iyo Djibouti oo si dadban hawshaa ugu jirtay ayaa waxay go’aansadeen in ay Somaliland la mataaneeyaan wadamadooda, ayaa waxay ay dejiyeen siyaasadii ay halkaa ku gaadhi lahaayeen taas oo noqotay inay marka hore keenaan xalkii lagu dejin lahaa xaalada muranka keentay ee Somaliland oo noqotay heshiiskaa lixda qodob ka koobnaa noqotayna mid ay ku guulaysteen.
Gebagebadii, waxaan rumaysanahay in aynu innagu halkaa is dhignay markaynu qaadanay tallo shishiiye kana tagnay talooyinkii waxgaradkeena, waxaa loo baahan yahay in marka hore lasoo afjaro khilaafaadka hadda ka taagan golaha odayaasha, kadibna dib la isugu noqdo oo talo caafimaad qabta la isugu yimaad guud ahaan waxgaradku oo aan dib dambe loo qaadan talo shisheeye. Manta meel daran iyo wado halaq ayeynu cagta saarney , waxan leeyahay badbaado qaran ayaa loo baahan yahay.
Cabdirasaaq Sh Cali Askar
Hargeisa, 4418174
ixsaan2002@hotmail.com
Related News
- Gobolada Sanaag iyo Sool oo Diidan Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland : 29 Jul 2010 - 15:45
- Dhanxiir Muxuu ka yidhi Xil la kala wareegi Rayaale iyo Silanayo & Wasiirada cusub? : 29 Jul 2010 - 13:22
- Hogaamiyaha ururka Al-shabaab u Qaabilsan Puntland iyo Bariga Sanaag oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii Puntland : 29 Jul 2010 - 13:13
- Boqor Buur-madow oo Madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqey inuu iskaga dego Xilka maadaama uu shacabka u soo Kireystey Ciidamo : 29 Jul 2010 - 11:54
- Reer Boorama oo Saluugay Saami Qaybsiga Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub : 29 Jul 2010 - 10:50
- Xisbiga Udub oo Ka Hadlay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub Halka Ucidna Ka gaabsaday : 29 Jul 2010 - 10:44
- 40 ka mid ah Ciidmada Somaliland iyo Gaadiidkoodii oo ka Goostay Somaliland una gudbay Puntland : 29 Jul 2010 - 10:37
- Mudaharaad aad loo soo Abaabulay lana garaneyn cida soo Abaabushey oo lagaga soo horjeedo Xukuumada Cusub Calankii Soomaaliyana. : 29 Jul 2010 - 10:15
- Madaxweynaha oo magacaabey Xil Cusub, Lana Dardaarmey Wasiiradiisa Cusub : 29 Jul 2010 - 09:58
- Taliyihii Qaybta Boliiska ee Gobolka Sool oo Xilkii ku Wareejiyey Taliye Cusub : 28 Jul 2010 - 19:58























Post new comment