Qiso muhiim ah: Hogaamiyahii ugu magaca waynaa ee soo mara dawladdii Andulus (Spain)
Xaajib Mansuur wuxuu ahaa madaxdii ugu magaca waynayd ee soo marta dawladdii Andulus magaciisa caadigii waxa weeye Mohamed bin abii Caamir noloshiisii hore wuxuu la noolaa laba nin oo dameer layaal ah {dameeraha dhaqa} isaga iyo labadaa ninba waxay ka shaqayn jireen arrimaha dameeraha iyo xanaanayntooda deedna dib ayay uga ganacsan jireen, waxayna ahayd shaqadani shaqooyinka ugu liita wakhtigaas.
Meeshu waxay ahayd magaaladii Qurduba habeen ayaa iyagoo wada sheekaysanaya ayaa wuxuu ku yidhi (Mohamed bin abi Caamir): "waryaadheen ka warama haddaan noqdo amiir maxad iga codsan lahaydeen". Deedna intay qosol la kala jeesteen ayay aamuseen!!
Waaka yidhi: "maxaad la aamusteen?"
Waakuwa ku yidhi: "ma kaa dhabbaa?"
Waaka yidhi: haa waa iga dhab....haddii aan amiir wadanka ka noqdo maxad iga codsan lahaydeen?
Waakuwa ku yidhi: nala dhaaf riyada.....dameerle ka dallac oo amiir noqo!! Waa ma dhacdo.
Su'aashii ayuu ku celceliyay, mid ka mid ah waaka ku yidhi: maba lihid qaab madaxwayne!!
Su'aashii buu ku celiyey mar kale.
Kii ugu horreeyay waaka ku yidhi: waxan codsan lahaa "haddii aad madaxwayne noqoto guri wayn oo qasri oo kale ah.
Waaka yidhi: maxay kale?
Waaka ugu jawaabay: "bustaan iyo fardo iyo 100000 oo diinaar oo dahaba"
Waaka yidhi: "iyo maxay kale"
Waaka ugu jawaabay: "waxba!! deedna qosol ayay isku dareen."
Deedna kii labaad ayuu waydiiyay: "maxaad iga codsan lahayd hadaan noqdo madaxwayne?"
Waaka ugu jawaabay: "inta cirku kuu jiro ayaa inaad amiir noqotaa kuu jirtaa."
Hadana waaka kamuu aamusine su'aashii ku celiyay.
Waaka ku yidhi: haddii aad amiir noqoto dameer korkii i saaar deedna askartaadu ha igu wareejiyaan magaalada gabigeeda hana dhahaan "Danbiile, ciddii la macaamiisha ha la dhigo jeelka."

Maxamed binu Caamir wuu garanayay inuu dameerle uu sii ahaado aanu ku noqon karyan Amiir. wuxuu iska dhaadhiciyay sida uu ku gaadhi karo himiladiisu inay tahay inuu noqdo Askari, askartii ayuu is qoray in muddo ah markuu askari ahaa ayuu ka dallacay oo "Taliyaha ciidamada Qurduba" ayuu noqday. Wuu ka dallacay oo wuxu noqday "Wasiirka Gaashaan dhigga."
Dabadeedna waxa dhintay Boqorkii wadanka xukumayay, xukunkiina waxa dhaxlay inankiisii u waynaa oo la odhan jiray Hishaam Mu'ayid Billaah oo 10 jir ahaa waayo waxay ahayd dhaxaltooyo. Kadibna waxa laga maarmi waayay cid la talisa wiilka yar deedna waxay yidhaahdeen (Reer Ummayah oo ahaa qoyska Boqortooyada ) haddii aynu hal nin La taliye uga dhigno armuu xilka kala wareegaa wiilka yar. Si aanay taasi u dhicin ayaa waxay sameeyeen Gole Lataliye. Khilaaf ayaa halkaa ka yimid oo dhamaantood (Reer Ummayah) ma dhici karto inay ka mid noqdaan Golaha kumana heshiinayaan.
Ugu danbayn waxay ku heshiiyeen inay xubnaha Goluhu ka koobnaado dad aan reer Ummayah ahayn waxayna doorteen saddex nin:
Ø Wasiir Maxamed Masxafi.
Ø Wasiir Maxamed bin abii Caamir.
Ø Iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka.
Iskusoo duuduuboo waxa xukunkii labadan kale ka maroorsaday Maxamed bin abii Caamir (Dameelihii) wuxuuna la baxay (Xaajib Mansuur) deedna wuxuu soo saaray wareegto uu ku mamnuucayo inaan Qasriga la soo gali karin isagoo ogolaado mooyee iyo in ay lacagta dawladda oo dhan ku soo hooyato Qasrigiisa iyo sidoo kale in aanu wiilka boqorka ahi ka bixi karin Qasriga illaa uu isagu ogolaado mooyee.
Waxaana markii danbe Boqortoyadii loo bixiyay Boqortooyadii Caamiriyah. Wayo wuxu furtay meelo badan oon hortii loo furan boqortooyadiina wuxu ku ballaadhiyay dhul badan.
Saddex sano kabacdi ayaa wuxuu xusuustay sxbadiisii dameerlayaasha ahayd.
Wuxuuna amar ku bixiyay: in raggii la soo raadiyo waana loo keenay iyagoo dulundulucaynaya.
Waaka ku yidhi: ma i xasuusataan?
Waakuwa yidhi: Haa, dabcan.
Deedna wasiiradiisa ayuu uga sheekeeyay waxa soo kala dhexmaray isaga iyo raggan odayaasha ah.
Kii ugu soo sokeeeyay(waa kii dahabka iyo guriga dalbadaye) waaka waydiiyay: maxad dalbatay barigii?
Waaka yidhi: waxaas iyo waxaas.
Waaka yidhi: siiya siiya uguna dara kaadh uu Qasriga wakhtiga uu doono ku soo galo.
Kii labaad waaka waydiiyay: aduu maxad dalbatay?
Waaka ugu jawaabay: arrintaas way dhamaatay mudane.
Waakaku yidhi: ma dhamaane dheh waxad hore u dalbatay.
Waaka haddana yidhi: Nolol iyo Badhaadhe.
Waaka yidhi (waa xaajib Mansuure): waar dheh waxad dalbatay.
Waaka yidhi: waxan dalbaday inaad dameer I saarto iyo caynkaas iyo caynkaas.................!!
Deedna waaka yidhi amiirkii(Xijaab Mansuur): ku sameeya sidaas illaa uu ogaanayo inuu Ilaahay waxkasta qadaray dhici karaan bani aadankuna gaadhi karo himiladiisa xidgahana ha ahaadeene
Qisadan waxan uga socdaa in akhriste aanu jirin caalamkan nin u dhashay madaxwayne ama leh qaabkiisa ee qofkasta meesha uu is dhigo uun uu gaadhayo.
Cabdiqani Ahmed Faarah (Buraale)
Cabdiqani_82@hotmail.com
Related News
- Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in doorashada Somaliland wakhti badan qaadan doonto : 11 Mar 2010 - 21:43
- Ciidanka Amaanka ee Laascaanood oo Xabsiga u Taxaabay Shan Suxufi oo shaqadooda ku guda jiray : 11 Mar 2010 - 20:12
- Xukuumadda Somaliland oo u digtay Isimada Gobolka SOOL iyo Heegan la galiyay Ciidamada Amaanka ee Somaliland : 11 Mar 2010 - 20:03
- Afhayeenka xisbiga KULMIYE oo Xukuumadda ku eedeeyey in xiliga doorashooyinku soo dhawyihiin ay bilawdo balan qaadyo Been ah : 11 Mar 2010 - 19:48
- "Somaliland waxaa jira Ciidamo aan jirin oo Lacag lagu qaato, Canshuurtana lagu Naas-Nuujiyo" Cali Khaliif Galaydh : 11 Mar 2010 - 19:18
- Sawiro: Wefti uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo Booqasho ku tagey Magaalada Burco : 11 Mar 2010 - 18:55
- Xisbul Islaam oo dagaalkii maanta wax gacan ah ka gaysan ugana baxday Al Shabaab : 11 Mar 2010 - 18:07
- Watch: Saudi's King Abdullah awards Turkey's Erdogan for service to Islam : 10 Mar 2010 - 22:29
- Afhayeenka Xibiga Udub oo si kuluul u weeraray Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo : 10 Mar 2010 - 19:40
- Bayaan:- Salaadiinta Habar Yoonis oo ka shiraya sidii Magaalada Maydh looga furi lahaa Dakad Maraakiibtu ku soo xirtaan : 10 Mar 2010 - 19:23




























Post new comment