Xukuumada Sheekh Shariif oo Albaabada u xidhasa Safaaradaha ay ku leedahey Yurub
Muqdisho, (sli)- Dowladda Sheek Shariif ayaa ka dhawaajisay in Safaradaha ay ku leedahay dalalka Yurub ay iska xireyso kadib markii dowladda ay lasoo gudboonaatay dhibaato dhinaca dhaqaalaha ah, Wasiirka arimaha dibadda ee dowladda Sheekh Shariif Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa sheegay in dowladiisa ay xiligan ku howlantahay qorshayaal ay ku doonayso in ay irdaha isugu dhufato inta badan safaaradihii ay ku laheyd qaar kamid ah dalalka Midowga Yurub.
Arrintani ayuu sheegay Jangali in ay timid kadib markii Golaha Wasiirada ee dowladda Sheekh Shariif ay kulamo xasaasi ah arintaasi ka yeesheen islamarkaana ay u soo baxday in xiligan safaaradahaasi aanay sii furnaan Karin sababo la xiriira dhinaca dhaqaalaha oo ay dowladda awoodiwaysay in ay bixiso biilashii ay qaadanayeen shaqaalaha ka shaqeeya Safaaradahaasi.
Waxa uu intaasi ku daray Wasiirku in meelaha xiligan Safaaradahooda iridaha la isugu dhufanayo ay kamid tahay Dalka Faransiiska oo ah dalka kaliya ee ay dowladda KMG Safaarad ku leedahay islamarkaana ah dalka kaliya ee leh codka diidmada qayaxan ee Fiitowga ee ku yaala qaarada Yurub.
Jangali sidoo kale waxa uu si cad u sheegay in horay dowladdahii hore ee Soomaaliya ay Safaarad ugu laheyd dalka Ingiriiska islamarkaana ay awoodi waayeen in Safaaradaasi ay hawlaheeda sii wadato sababo la xiriira dhaqaalo faro badan oo dowladda halkaasi uga bixi jiray islamarkaana ay markii dambe awoodi waysay in ay dhaqaalahaasi sii bixiso.
Dowladaha ay safaaradaha wadankooda ka furan maalgelinayaan ayuu sheegay in ay soo dhaweynayaan haddii ay helaanna dhaqaale ay ka furan doonaan halkaasi safaaradahooda waxa loo xirayana iminka uu yahay keliya dhaqaale xumi.
Somalilandinfo.com
Related News
- Gobolada Sanaag iyo Sool oo Diidan Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland : 29 Jul 2010 - 15:45
- Dhanxiir Muxuu ka yidhi Xil la kala wareegi Rayaale iyo Silanayo & Wasiirada cusub? : 29 Jul 2010 - 13:22
- Hogaamiyaha ururka Al-shabaab u Qaabilsan Puntland iyo Bariga Sanaag oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii Puntland : 29 Jul 2010 - 13:13
- Boqor Buur-madow oo Madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqey inuu iskaga dego Xilka maadaama uu shacabka u soo Kireystey Ciidamo : 29 Jul 2010 - 11:54
- Reer Boorama oo Saluugay Saami Qaybsiga Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub : 29 Jul 2010 - 10:50
- Xisbiga Udub oo Ka Hadlay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub Halka Ucidna Ka gaabsaday : 29 Jul 2010 - 10:44
- 40 ka mid ah Ciidmada Somaliland iyo Gaadiidkoodii oo ka Goostay Somaliland una gudbay Puntland : 29 Jul 2010 - 10:37
- Mudaharaad aad loo soo Abaabulay lana garaneyn cida soo Abaabushey oo lagaga soo horjeedo Xukuumada Cusub Calankii Soomaaliyana. : 29 Jul 2010 - 10:15
- Madaxweynaha oo magacaabey Xil Cusub, Lana Dardaarmey Wasiiradiisa Cusub : 29 Jul 2010 - 09:58
- Taliyihii Qaybta Boliiska ee Gobolka Sool oo Xilkii ku Wareejiyey Taliye Cusub : 28 Jul 2010 - 19:58























Post new comment