Dadweynaha Reer Laasqoray oo ku Guulaystay inay Degaankooda ka Saaraan Markab la soo Afduubay

Text Size

Laasqoray (sli)- Taliska guud ee Ciidammada Ilaalada xeebaha Somaliland, ayaa sheegay in aanay ilaa hadda xogo rasmi ah ka hayn markab kuwa xammuulka oo koox budhcad-badeed Soomaali ah subaxnimadii hore ee shalay la tageen degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag, warka arrintaas ku saabsana idaacadaha uun ka maqleen.

Koox budhcad-badeedda Soomaali ah, ayaa markabka ay qafaasheen oo sida la sheegay laga leeyahay dalka Liibiya, balse sitay calanka waddanka Woqooyiga Kuuriya waxay ku soo xidheen deked macmal ah oo ku taal meel la yidhaa Gacan oo qiyaastii 10km dhinaca bari ka xigta magaalada Laasqoray.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Rim oo laga qafaashay biyaha Gacanka Cadmeed, waxa saaran shaqaale tiradoodu dhan tahay 17 qof, waxana afduubay 10 nin oo dhammaantood ka soo jeeda degaanka Laasqoray, iyadoo afduubka markabkaasna caalamka oo dhan shalay laga wada ogaaday.

Haseyeeshee, saraakiisha sare ee ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, ayaa iyagu sheegay haba yaraatee in aanay wax xog ah ka hayn marka la qafaashay, marka laga reebo maqalka wararka idaacaduhu ka baahinayeen dhacdadaas.

Ku-simaha Taliyaha, ahna Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Mr. Axmed Cali Faarax oo saxaafa uga waramey isagoo ku sugan magaalada Berbera oo wax laga weydiiyey waxa ay ka ogyihiin markabka kooxaha budhcad-badeedda ah la tageen xeebaha Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag, ayaa sheegay in aanay falkaas ka hayn xogo ka baxsan warka idaacaduhu faafiyeen eek u saabsan markabkaas.

Laakiin, waxa Taliyuhu tibaaxay in markabkaas oo laga leeyahay dalka Liibiya loo sheegay in kooxda budcadda ah subaxnimadii hore shalay la tageen meel la yidhaa Gacan oo ka tirsan dhul-xeebeedka Degmada Laasqoray.

“Ilaa hadda ma hayno warar aan ahayn kuwa idaacadaha laga baahiyey ahayn oo la xidhiidha markabka la sheegay in budhcad-badeedu la tageen Laasqoray, laakiin sidaanu maqalay markabkaas waxa laga leeyahay dalka Liibiya, meesha lala tegayna waxa la yidhaa Gacan oo way ka shishaysaa Laasqoray,” ayuu yidhi Taliye Axmed Cali.

Geesta kale, odayaasha, culimaa’udiinka iyo dadweynaha degmada Laasqoray, ayaa shalay galab ku guulastay inay ku qanciyaan kooxdii markabkaasi soo af-duubtay inay ka kaxeeyaan degaanka oo ay meel kale la tagaan.

Amiin Muxumed Jaamac oo ka mid ah odayaasha reer Laasqoray oo khadka telefoonka xalay ugu warramayey idaacadda madaxabannaan ee Radio Horyaal, ayaa sheegay in dadweynaha degaankaas oo aad uga cadhooday arrintaas ay budhcad-badeedda ka dalbeen inay degaankooda kala tagaan markabka la soo afduubay, taasoo uu xusay inay aakhirkii ku guulaysteen. ( Burcad badeed Afduubey Markab laga lahaa Liibiya oo maanta kusoo xidheen Xeebta Laasqoray )

“Culimada iyo dhammaan dadka ku dhaqan magaalada arrinkaas isku meel ayaa laga soo istaagay, aad baana looga horyimi dhaqan iyo diin ahaanba, taasoo aannu maraakiibtii hore ka soo waaqsan waynay dhibaatadii ay na gaadhsiiyeen, waxaanna go’aan lagu gaadhay inay dhinac nooga dhaqaajiyaan markabka, arrintaasna waa lagu guuleystay, waxaannu naga tagay 3:30 maanta [shalay] sida aannu warka ku hayno oo waxa uu tegay dhinacaa iyo Saracad,” ayuu yidhi Amiin Muxumed Jaamac.

Oday Amiin oo la waydiiyey in kooxda budhcad-badeedda markabka af-duubtay yihiin dad deegaanka u dhashay, waxa uu ku jawaabay; “Dad degaanka iyo dad kalena way isugu jireen, may ahayn dad khaas ah ee isku jira ayey ahaayeen.”

mar wax laga weydiiyey in ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ama masuuliyiin reer Somaliland ah gacan ka geysteen wax gacan ah ka gaysteen arrintaasi, waxa uu yidhi; “Wax ilaa hadda ciidan ah oo u dhaqdhaqaaqay dhinaca qolyahan Puntland iyo Somaliland ilaa hadda noomaga muuqdo magaalada ee waxa nooga muuqda iyaga, hantidoodii iyo diyaargarowgoodii, laakiin odayaasha deegaanka ayaa af ahaan kaga soo horjeedsaday.

Dadka taageeray waxay ahaayeen dad markii horeba ku jiray oo u go’ay budhcad-badeedda dhulka amma badda ha u joogeene.”

Ma aha markii ugu horreysay ee koox budhcad-badeed ah maraakiib ay afduubeen la tagaan degaanka Laasqoray, balse sannadkii hore ayaa budhcad degaankaas u dhashay xeebahaas la tageen markab nooca saliidda qaada ah oo laga leeyahay waddanka Masar. Haseyeeshee dhawr bilood kadib, ayaa shaqaalihii markabka saarnaa waxa u suurtogashay fursad ay dagaal culus kadib kaga fakadeen afduubayaasha, isla markaana gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah budhcaddii qafaalashada ku haystay, sidaana iyagoo bedqaba ugu laabteen dalkoodii.

Dhinaca kale, Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo la weydiiyey waxa ka jira warar gelinkii dambe ee shalay lagu faafiyey qaar ka mid ah shabakadaha internet-ka oo lagu sheegay in ciidammada badda Somaliland badbaadiyeen markab kuwa xammuulka ah oo koox budhcad-badeeddu damacsanayeen inay waaberigii shalay ka qafaashaan meel aan ka fogeyn xeebaha magaalada Berbera, ayaa ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo xaqiiqda arrintaas, waxaannu si kooban u yidhi; “Ma hayno warkaas oo waxba kama ogin,” ayuu yidhi Taliye Axmed Cali Faarax.

Read Related Story:

  • Burcad badeed Afduubey Markab laga lahaa Liibiya oo maanta kusoo xidheen Xeebta Laasqoray

  • Post new comment