Mudaaharaad maanta ka dhacey Laascaanood, Hal Ruuxna uu ku dhintay

Text Size

Laascaanood, (sli)- Arday ka tirsan ardayda wax ku barata Malcaamadaha Quraanka ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa Saaka galinkii hore Mudahaharaad ka dhigay gudaha magaaladaasi ka dib markii ay Ciidamada booliska Laascaanood sida la sheegay ay xabsiga u taxaabeen macalimiin ardaydaasi wax u dhigi jirtay.

Xadhigan ay Ciidamada boolisku kula kaceen macalimiintan quraanka ayaa la sheegay in uu ka danbeeyay ka dib markii ay raadad lagu dabajoogay Qaraxyadii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Laascaanood ay galeen dadkan la qabqabtay . Arintaasina ay dhalisay in ay ardaydii malcaamaduhu ay mudaharaad ka sameeyaan Jidadka magaalada kuwaas oo la sheegay in ay dhagxaan ku tuurayeen xarumaha booliska isla markaana ay Taayiro ku gubeen wadooyinka qaar ka mid ah.

Isu soo baxaas ardaydaa oo ay boolisku markii danbe kala eryeen ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday Hal Qof ka dib markii uu gaadhi uu boolisku lahaa oo dhagax-tuur ka gudbaayay uu ku xarooday ama galey Guri ay leeyihiin dad Shicib ahi kaas oo uu ku dhintay dadkii guriga daganaa mid ka mid ahi Alle haw naxariistee.

Ramaasnews
Laas-caanood

Post new comment