Xigmadii-Tasowday waa Maanso Tusaale ka bixinaysa markii aan arkay Suugaantii oo la boobay Abwaan Cabdinaasir Macalin

Text Size

Marka hore waxaan idiin soo dirayaa salaan qaali ah Bahda shabakaadda caalamiga ah Somalilandinfo thank you more & Asxaabta sharafta badan ee somaliland, Maansadan waxaa layidhaahda Xigmadii-Tasowday waxaa midhahiisa curiyey ama sameeyay abwaanka Sannaadka 2010 Abwaan cabdinaasir axmed muuse "cabdinaasir macalin".

Anigoo tusaale ka bixinaaya markii aan arkay suugaantii oo la boobay waxaan curiyey ama sameeyay maansadan Xigmadii-Tasowday waxaan ku billaabay sidan wacaan:

Tada gabayga anoo tagaan
baan toobiyeen jiray
tabaalada adduunyadda
haddaan kubeese tiigaaloo
Murtida raggii toosin jiray
wuu ka sii tagay

todobaadba Ninkii taarikh leh baa
toonka joogsada
inaan heeso tiriyaan
intaa tarastii siiyaa
ina tarabi iyo qays
ayaan ciddi u tookhayn

xassan ganey tabtiisii
ayaan togog hiraabaa
ereyadduu tukaaleba lahaa
bay ragg tiriyeenee
waxaay toos u sheegteen

inay taffo sameeyeene
xigmadii tasawdoo
ragg baa tuugo leexsadayee
catiiqaa ku heesoo
cidleey tororog laysaa
sidii todob hilaacoo
xareed teeska kicinaayaa,

Abwaan Cabdinaasir MacaallinAbwaan Cabdinaasir Macaallin
Ama turud irmaanoo
Nin lihi
goruf ka soo tuujaay
dhallinyaro tamuuxaa ka badan
wada taxaashaysa
siday qurux u taabeen
ayaan tixxo sameeystaa
tu kastoo timaadanna
run baa tamar lasiiyaa,

Taladaba haddaan lagu
tuusayn maba tisqaadaysoo
haddaan tooska loo wadin
cid baan tabo ku gaadhayn
tawaawaca yabaal kaba
hadduu waranka kuu tuuroo
tasbiixdiyo salaadii iyo ducaduu
marnaba yanay kaa tagin
haddaad tiishka fuushiyo
haddaad torinka u taagtoo
nasiibkuba halkii u tabdhigo
waa la tagayaa
rabbiyow na tageer
adaay taadu socod taa,

waa bilaahi tawfiiq

xidhiidh wacaan asxaabta sharafta leh

abwaanka sannaadka 2010
abwaan cabdinaasir axmed muuse "cabdinaasir macalin"
E-mail naasirmacalin10@hotmail.com
maamulka uruurka s.y.n-Eu
suugaanta somaliland

Posted In

salaan qaali ah somalilandinfo

abwaan cabdinaasir macalin waa fanaan abwaan cuqaal madax geesi marka asxaabta somaliland waxaan lee yahay uruurka s.y.n waa uruur calami ah axmed keeyse belgeum

Anonymous | February 12, 2010 - 11:27am

salaan qaali ah

abwaanka sanaadka waa runtii ina maanta fankii la boobay mid dhab ah saaxiibayaal

Anonymous | February 7, 2010 - 8:30am

Post new comment