Xus-balaadhan oo loogu baroor diiqayo Abwaankii Caanka ahaa ee Cabdilaahi Suldaan Timacadde oo Hargeysa lagu qabtay

Text Size

Hargeysa, (sli)- Munaasabad Balaadhan oo lagu Xusayay Sanad guuradii 37aad ee ka soo Wareegtay Geeridii Abwaankii Waynaa Alle ha unaxariistee C./laahi Suldaan Timacadde ayaa Xalay Lagu Qabtay Hotel Emperial ee Magaalada hargeisa,

Munaasabadaasi oo ay Soo Qabanqaabisay Shabakada Wararka ee Timacade News Network (TNN) ayaa waxaa ka soo Qayb galay, Seddexda Xisbi Qaran, Wasiirro, Abwaano, Qorayaal, Aqoonyahano, Salaadiin, Dhalinyaro iyo Marti Sharaf kale oo aad u tiro badan.

Ugu horayn Waxa halkaasi Hadal kooban ka jeediyay Qoraaga Caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu si Qoto dheer uga hadlay Taariikhda iyo Suugaantii Abwaan C/laahi Suldaan Timacadde waxaa uu Sheegay In C/laahi Suldaan sanadkii 1973-gii ku Geeriyooda Magaalada Kalabayd oo dhinaca galbeed ka xigtay Magaalada Gabiley “waxaan Xasuustaa C/laahi Suldaan wuxuu yaalay wakhtigaasi Tuulada Galoolay, Xaaskiisa Ardo Qalinle Alle ha u naxariistee ayaa noo timi Dhawr iyo Tobadan cisho ka hor, Markaasay tidhi ‘odaygii Xaalkiisu wuu xunyahay, maalmahaas halkaasaan joogay, C/laahi Suldaan kansar baa kaga dhacay Cunaha oo Dalooliyay” ayuu yidhi Boobe yuusuf Ducaale.

Boobe waxaa uu ku dheeraaday Shaqsiyada C/laahi Suldaan Timacadde iyo Suugaantiisa waxaanu Halkaasi ka tiriyay Maansadii labad ee C/laahi Suldaan Timacadde uu tiriyo.

Nimco Muxumed Ibraahin oo ah Madaxa Barnaamijyada Arimaha Bulshada ee Timacade News Network (TNN) oo Madashaasi hadal kooban ka jeedisay ayaa faahfaahin ka Bixisay Taariikhda Shabada Wararka ee Timacadde oo soo Qaban qaabisay Xuska Sanad guurada 37aad ee Alle ha u naxariistee C/laahi Suldaan Timacadde waxaanay ka warantay heerarkii kala duwanaa ee Shabakaddu soo martay, Iyada oo Xustay in Dhawaan dib u habayn lagu sameeyay oo Loogu Magacdaray Abwaanka Wayn ee C/laahi Suldaan Timacadde.

Nimco waxay kale oo ay xustay in aanay Noqon doonin markii ugu horaysay ee shabakadu Qabato Xuska Abwaan C/laahi Suldaan balse ay joogtayn doonaan, taasi oo ku tusaysa kaalinta uu ku lahaa Suugaanta Somalida.

Axmed Aw Geedi Amiin (Dheeraad) oo isaguna Halkaasi ka hadlay , waxaa uu ka waramay Suugaantii C/laahi Suldaan Timacadde iyo kaalintii uu Ka galay Bulsho waynta Somalida..

Axmed Aw Geedi Amiin (Dheeraad) oo ka waramay Suugaantii C/laahi Suldaan Timacadde iyo kaalintii uu Ka galay Bulsho waynta Somalida{C/laahi Suldaan Timacadde ayaa waxa uu yidhi “Waa Abwaanka Kaliya Ee Maanta Idfaal Lagu Yahay., Qofka kalliya ee Soomaali Heshiisku Tahay Waa Abwaan Timacadde, Walaa Siyaasibaan Heshiis Lagu Ahayn, Walaa Halgamaabaana Maanta Heshiis Lagu Ahayn, Walaa Sheekhbaana Heshiis Lagu Ahayn., Lakiin C/laahi Suldaan Timacadde Qofkasta Oo Soomaaliyeed Ixtiraamgaar ah ayuu u hayaa” ayuu yidhi Axmed Aw geedi

Waxaa isaguna Madashaasi ka hadlay Abwaanka Caanka ah ee Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi)- waxaana uu halkaasi ka jeediyay Maanso la yidhaando Hal-Abuur oo uu kaga hadlayay Qiimaha uu hal abuurku leeyahay.

“Waxaa ina kulmiyay Cabdillahi Suldaan Timacadde,
Xaaladan oo kale marka laga hadlayo Qofkii dhintay la xusayo, qofna qoysbaa xusa, Ninna Qaranbaa Xusta, Malaha Caawa Cabdillahi Suldaan Timacadde waa loo dhan yahay” ayuu yidhi, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi)

Maryan Cabdillahi Suldaan Timacadde oo iyaduna Hadal kooban Munaasibaasi ka jeedisay
ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay Xuska loo sammeeyay Aabaheed, Maryan
waxay ka hadashay Taariikh nololeedkii aabeheed intii ay ka soo gaadhay iyada
oo Boobe yuusuf ducaale ku amaanta kaalina uu ka qaatay soo ururinta Taariikhda
aabeheed.

Maryan C/laahi Suldaan waxay ku Canaanatay Xukuumada maanta jirta in Looga Baahanyahay Dadka
qiimaha Wayn ku dhex lahaa Qaranka iyo Bulshada Reer somaliland oo uu ka mid
ahaa Abeheed in Dadkii uu ka tagay wax loo qabto, iyada oo tilmaantay in 41 qof
ay ka joogaan tafiir C/laahi Suldaan Timacadde waxaanay si gaar ah usoo
qaadatay Afar wiil oo ay hooyo u tahay oo ku sugnaa Madasha in Dawladu
ushaqaalaysiiso.

Guddoomiaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye oo isaguna Xuskaasi ka jeediyay ayaa waxa uu
sheegay in Marxuum Timacadde uu ka soo qayb qaatay halgankii Dalka kaalin muhim
ahna uu kaga jiray.

Gudoomiyuhu waxaa uu balan qaaday in dadka dalka usoo halgamay iyo inta Qiimaha leh ee ka
baxday ay Ubadkooda wax uqaban doonaan hadii ay ku guulaystaan Doorashada soo
socota oo ay hooska ka xariiqi doonaan.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Ucid ahna ku simaha Xisbiga Aaden Maxamed Mire
(Waqaf) iyo Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Abiib Xasan Fil Fil,
waxaanay ka warameen kaalintii wax ku oolka ahayd ee uu Ummada kaga jiray iyaga
oo sheegay in uu ahaa Haylyay Somaliyeed oo qiimo Ummada Qiimo wayn ku dhex
lahaa. Waxa ay xuseen in loo baahan yahay in Dadkii uu ka tagay la wanaajiyo oo
wax loo qabto.

Waxa madasha Shahaadooyin lagu guddoon siiyay Dadkii ugu wax qabadka badnaa Sannadkii ina
dhaafay ee 2009. kuwaasi oo isku jiray Abwaano, Salaadiin, Qorayaal, Ururo
Bulsho iyo Shaqsiyaad kale oo Muhim ah.

Salaadiinta la guddoon siiyay Shaadooyinka:

Suldaan
Xasan Suldaan Cabdillahi Suldaan Cabdiraxmaan
Suldaan
Maxamed Suldaan C/qaadir Suldaan Cabdillahi iyo
Suldaan
Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Muxumed

Abwaanada la
guddoon siiyay Shaadooyinka:

Abwaan
Axmed Aw Geedi Amiin
Abwaan Xasan Daahir (Weedh-same)
iyo
Abwaanad Deeqa Xasan Axmed

Qorayaasha guddoon siiyay Shaadooyinka:

Cabdi Yuusuf Ducaale(Boobe)
xasan Cabdi Madar iyo
C/raxmaan Cabdillahi
Faarax(Barwaaqo)

Seddex Shaqsi oo ku guulaystay
Qiimayn uu sameeyay website-ku sanadkii 2009:

Guddoomiyaha Golaha Guurtida

Mudane
Saleebaan Maxamuud Aaden

Maamulaha Cisbitaalka Edna ee
Hargeisa

Drs.
Edna Aden Ismaaciil iyo

Mulkiilaha
Telefishanka Madaxa banana ee Horn Cable Tv
Farxaan Xaaji Cali Axmed

Madaxa Horn
Cable TV

Ururada
Bulshada ee Shahaadooyinka la guddoon siiyay:

Ururka
Mutadawaciinta Havayoco
Ururka
Gargaarka Masaakiinta Xaafada Xawaadle
Dallada
Dhallinyarada Somaliland ee Sonyo iyo
Naadiga
Akhristayaasha Hargeysa

Axmed Maxamed ShaqalleXafiiska Murtimaal Ee HargeisaShaqalle02@gmail.com
Hargeisa
Somaliland

Post new comment