Nin Siralanka ah oo lagu qabtey Hargeysa isagoo sita Gabadh uu ka soo kaxeystay Boosaaso

Text Size

Hargeysa, (sli)– Nin dhalashadiisu tahay Siralanka oo gabadh yar oo da’deedu tahay 10 jir oo somaliyad ah oo uu ka soo kaxaystay magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland oo la sheegay in uu gabadhaasi yar ka soo iibsaday gabadh u dhalatay talyaaniga ayaa shalay galab ciidamada boolisku ay magaalada Hargeysa ku qabteen iyagoo ninkaasina xabsiga u taxaabay.

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay taliska guud ee ciidamada booliska oo faahfaahin ka bixinaya ninkaasi Siralanka u dhashay ee gabadha yar watay, hase yeeshee ilo xogogaal ah ayaa xaqiijiyey in ninkaasi dhalashadiisu tahay Siralanka oo xalay ay saldhiga dhexe ee booliska su’aalo ku waydiinayeen ayaa noo sheegay in ninkaasi oo gabadha yar kala soo kicitimay magaalada Boosaaso dirawalkii waday gaadhiga uu soo kiraystay markii ay caasimada uu soo galay uu ninkaasi booliska ku wargaliyey una sheegay in gabadhaasi yar uu ka soo iibsaday gabadh Talyaaniyad ah taas darteedna ay xabsiga u taxaabeen ciidamada amaanku oo wakhtigan xaadirka ahna ay baadhisi ku socoto.

Gabadha yar ee uu ninka Siralankiga ah Boosaaso ka soo kaxaystay da’deedana lagu sheegay 10 jir ayaa waxa wakhtigan xaadirka ah gacanta ku haya ciidanka amaanka, taas oo isla shalay makhribkiiba la sheegay in la geeyey guri uu leeyahay askari ka tirsan ciidanka booliska Somaliland.

Taliyaha ciidanka booliska General Maxamed Saqadhi Dubad oo aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay waxna kaga waydiinay ninkaasi dhalashadiisa tahay Siralanka ee xabsiga loo taxaabay ayaa isagu sheegay inaanu jirin ninkaasi Siralanka u dhashay xadhigiisa waxaanu si kooban u yidhi taliyuhu “warkaas waxba kama jiraan, war beenaana laydin siiyey”.

Haatuf

Post new comment