Suldaan Cusub oo lagu Caleemo saaray Burco
“Anigu noqonmaayo mid Hargyesa fadhiista ee waxaan noqonya mid idnika dhexdiina fadhiya” Suldaankan cusub ee maanta lagu caleemo saaray Magaalada Burco ayaa maanta waxa khudbado kala duwan ka jeediyeey madashii lagu boqrayey madax dhaqmeedyo kala duwan, oo u badnaa Sualaadiin, cuqaal.
Burco, (sli)- Munaasibad balaaadhan oo loogu talogalay in lagu caleemo saaro Suldaan cusub oo ka mid noqondoona Salaadiinta Goolka Togdheer ayaa maanta lagu qabtay Hotel Cigaal oo ku yaala waqooyiga magaalada Burco.
Munaasibadan oo ay ka soo qaybgaleen madax dhaqmeedyo isugu jira saladiin, cuqaal, xubno ka mida madaxda dawlada ee Gobolka Togdheer iyo weliba boqolaal ka mida dadweyne ka soo jeeda Beelaha Gobolka Togdheer ayaa waxa lagu boqray Suldaan Cismaan Sh Ibraahim Aw Muxumed, oo ah suldaan dhalinyaro ah oo ay caleemo saartay beesha Waqooyuga Magaalada Burco.
Suldaankan Cusub Suldaan Cismaan Sh Ibraahim Aw Muxumed oo maanta hadalo kooban ka jeediyey ayaa waxa uu siweyn ugu mahadnaqay dadkii ka qaybgalay munaasibadiisa, waxaanu kale oo ugu baaqa daweynaha gobolka togdheer inay ilaaliyaan nabadgelyada oo indho dheeban ku eeegaan dadka habeemnii u faqaya nabadooda.
Suldaankani waxa kale oo ka sheegay caleemo saarkiisa in islaaxa iyo midnimadu ay keenim karto aqoonsiga aynu raadinayno, isaga ooa rintaasi kahadlayana waxa uu yidhi”
“Kala danbyenya iyo in la ixtiraamo daka madaxda ahi waa islaaxa diiniga ah, waxaan ugu baaqayaa madaxda ina hogaaminaysa ee uu kamid yahay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeeenka iyo golayaasha qaranku inay ku guulaystaan raadinta ictiraafka”.
Suldaan Cismaan Sh Ibraahim Aw MuxumedSuldaanikani waxa kale oo ka balanqaaday bulshadii dooratay inuu noqon doono mid ku shaqeeya iraadadooda iyo rabitaankooda, waxaanu yidhi: “Anigu noqonmaayo mid Hargyesa fadhiista ee waxaan noqonya mid idnika dhexdiina fadhiya” Suldaankan cusub ee maanta lagu caleemo saaray Magaalada Burco ayaa maanta waxa khudbado kala duwan ka jeediyeey madashii lagu boqrayey madax dhaqmeedyo kala duwan, oo u badnaa Sualaadiin, cuqaal, kuwaasi oo dhamaantoodba ugu baaqay Suldaankan cusub inuu noqdo mid ku hogaamiya beeshiisa iyo Beelaha gobolkaba cadaalad iyo inuu ka shaqeeyo nabada.
Caleemo saarkan suldaankan cusub ayaa waxa uu noqon doonaa mid ku soo biira bahda salaadiinta ee Gobolka Togdheer, kuwaasi oo ay sare u sii kacayso tiradooda.
Reported By : Yuusuf Ibrahim Warsame Ilkacase
Wariyaha Somalilandinfo.com ee Burao
Email:xagaa67@hotmail.com
Related News
- Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in doorashada Somaliland wakhti badan qaadan doonto : 11 Mar 2010 - 21:43
- Ciidanka Amaanka ee Laascaanood oo Xabsiga u Taxaabay Shan Suxufi oo shaqadooda ku guda jiray : 11 Mar 2010 - 20:12
- Xukuumadda Somaliland oo u digtay Isimada Gobolka SOOL iyo Heegan la galiyay Ciidamada Amaanka ee Somaliland : 11 Mar 2010 - 20:03
- Afhayeenka xisbiga KULMIYE oo Xukuumadda ku eedeeyey in xiliga doorashooyinku soo dhawyihiin ay bilawdo balan qaadyo Been ah : 11 Mar 2010 - 19:48
- "Somaliland waxaa jira Ciidamo aan jirin oo Lacag lagu qaato, Canshuurtana lagu Naas-Nuujiyo" Cali Khaliif Galaydh : 11 Mar 2010 - 19:18
- Sawiro: Wefti uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo Booqasho ku tagey Magaalada Burco : 11 Mar 2010 - 18:55
- Xisbul Islaam oo dagaalkii maanta wax gacan ah ka gaysan ugana baxday Al Shabaab : 11 Mar 2010 - 18:07
- Watch: Saudi's King Abdullah awards Turkey's Erdogan for service to Islam : 10 Mar 2010 - 22:29
- Afhayeenka Xibiga Udub oo si kuluul u weeraray Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo : 10 Mar 2010 - 19:40
- Bayaan:- Salaadiinta Habar Yoonis oo ka shiraya sidii Magaalada Maydh looga furi lahaa Dakad Maraakiibtu ku soo xirtaan : 10 Mar 2010 - 19:23




























Post new comment