Sarkaal Ajanabi ah oo Muqdisho lagu dilay

Text Size

Muqdisho, (sli)- Warar ka soo baxaya sarkaal ajanabi ahaa oo xalay ku dhintay isku dhac Maleeshiyo ka wada tirsan kooxaha mucaaradka ee degmada yaaqshiid, kaas oo dhex maray labo kooxood oo midi ilaalo u aheyd sarkaalka iyo koox kale.

Sarkaalkan ayaa magaciisa lagu sheegay Camaar Ibraahim waxaana uu u dhashay dalka Urdun, Sarkaalkan ayaa degenaa guri u dhowaa Hotelka Kaah gaar ahaan Hoygii Madaxweyne Sheekh Shariif, xilligii uu ahaa Hogaamiyihii Midowga Maxaakimta sanadkii 2006-dii, waxaana sarkaalkan oo ay la socdeen ilaalo oo watay Gaari Runeyd ah ay isku dhaceen Ciidamo kale oo ka yimid dhanka Hotelka Ramadaan.

Wararka maanta iska soo daba dhacayay ayaa ahaa kuwo kala gedisanaa, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay jirintaanka iska hor imaadkaa oo muddo daqiiqado ah socday, kaas oo ka dhacay goobaha ay sida weyn ugu xoogan yihiin kooxaha mucaaradka.

Iska hor imaadka uu ku dhintay sarkaalkaas ajnabiga ah waxaa uu ka dhashay kadib markii ay kala shakiyeen Ciidamo la sheegay in ay taabacsanaayeen Xizbul Islaam, kuwaasoo dhinaca Hotel Ramadaan ka yimid.

Laakiin warar subaxnimadii hore soo baxayay ayaa sheegayay in sarkaalkan ay si qorsheysan u dileen Ilaaladiisa, markii ay weerar ku gaadeen xilli uu cibaadeysanayay, ha yeeshee war kale ee hada soo guuxaya ayaa ah in sarkaalkaas uu ku dhintay si Kam’a ah, markii Koox kale oo Hubeysan ay is rasaaseeyeen Ilaaladiisa.

Ciidamo fara badan ayaa lagu arkay guriga Sarkaalka uu deganaa kuwaasoo isku gadaamay, waxaana ciidamadaas oo ahaa kuwo feejigan ay hakiyeen dhaq dhaqaaqya nawaaxiga guriga si aan loo ogaan khasaaraha goobta ka dhacay.

Post new comment