Daawo:Sarkaal kasoo Goostay Ciidamada Sheekh Shariif, iskuna dhiibey Al Shabaab

Text Size

Muqdisho, (sli)- Al Shabaab ayaa maanta saxaafada u soo bandhigay Sarkaal ay sheegeen inuu ka soo goostay Dowladda Sheekh Shariif iyo Hub gacmeed gaaraya 50-qori Ak47 ah, kuwaasoo aanay cidina wadan, balse ay sheegeen in lagala soo goostay Dowladda.

Afhayeenka Alshabaab Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay in Sarkaalka iyo Ciidamo ay la soo goosteen, inkastoo saxaafada ay u soo bandhigeen sarkaalka kaliya iyo Qoryaha Ak47 oo gaarayay ilaa kontameeyo.


Cali Dheere ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan Ciidamo kasta oo ka soo goosta Dowladda Sheekh Shariif, kuwaasoo uu sheegay hadii ay ka soo laabtaan wadada qaldan ay ku socdaan.

Sarkaalka ay soo bandhigeen Shabaabka oo isna saxaafada la hadlay ayaa magaciisa ku sheegay Baashi Axmed Urur, waxaana uu tilmaamay inuu Taliye u ahaa Ciidamada Dowladda ee ku sugnaa Warshadii Nac-naca ee degmada Wada Jir.

Sarkaalkan ayaa sheegay inuu ka mid ahaa Ciidamadii hore ee xooga dalka, isagoo tibaaxay inuu go'aansaday in Dowladda KMG isaga soo tago, maadaama ay ku qaladay buu yiri arrimo badan oo aanay ka dhabeyn fulinteeda.


Arrintan ayaa imaaneysa xilli magaalada Muqdisho xaalkeeda u muuqdo mid dagaal sugto ah, kadib markii dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo diyaar garow dagaal ay bilowday Dowladda KMG, mana jirto ilaa iyo hada war ka soo baxay Dowladda Soomaaliya oo ku aadan sarkaalka ay sheegeen Shabaabku inuu ka soo goostay.

Ma ahan markii u horeysay ee dhinacyada isku haaya Siyaasada Soomaaliya ay soo bandhigaan Ciidamo iyo saraakiil ay sheegaan inuu dhinaca kale ka soo goostay, hase ahaatee shaqsiyaadka hadba ku qanci waayay mansabkiisa siyaasadeed ayaa caado noqotay inuu dhinaca kale uu ku biiro.

Somalilandinfo.com
Muqdisho

Post new comment