Xidhiidhka Wacan Ee Somaliland Iyo Ethiopia Wuxuu Sare U Qaaday Tacliintii Sare Ee Jamacadaha dalka
Hargeysa - Qowl la yidhaahdo kan ugu qiimaha iyo qadarinta muddani waa kan ilaahay subxaanuhu wa tacaalaa ku yidhi isagoo ka hadlaaya qiimaha tacliinta, “Miyey siman yihiin kuwa wax yaqaan iyo kuwa aan waxba aqoon” Halkaas waxaa inooga cad muhiimada ay waxbarashadu aadanaha u leedahay.
Tacliintu waa mida shakhsiga u suurto gelisa in awooda maskaxeed ee ilaahay ku minaystay uu si heer sare ah u isticmaalo. Maskaxda aadanuhu ma aha mid dhisan oo tababaran ilaa inta ay tacliin ku filan ka heleyso. Maskaxda dhisanina waxaa ay u sahashaa qofka inuu si sax ah u fekero, uuna gaadho goàano macquul ah oo wax ku ool ah.
Lucy UniversityWaxbarashadu waa hab barbaarineed oo u habaysan si ay u hagto bulshada Waxa ay jihaysaa aayaha waddan iyo dadka ku nool. Waa wax la yaqaan , in aanay jiri karin nadaam Dimoqoraaddi oo shaqaynayaa haddii aan aqoonteeda lagu maamulin, ama aqoontu maqan tahay. Ma jiro Dhaqaale kobcayaa oo hore u marayaa haddii aan aqoon lagu qorshayn oo lagu maamulin. Ma jirto bulsho isbeddel iyo horumar gaadhaa haddii aqooni maqantahay. Ma jirto bulsho hab nololeedkeeda sare u qaadi kartaa, haddii aanay aqoonta dadkeeda adeegsan. Noocyadda waxbarashada ee ummadi u qorshayso dadkeeda, waa in ay noqotaa mid laga rabo in ay ka jawaabto marba baahida iyo mushkiladaha / dhibaatooyinka waddanku leeyahay.
Haddii aynu maanta eegno wadamada horey u maray hantida ugu weyn ee ay heerkaas ku gaadheen waa tacliinta dadkoodu leeyihiin. Shirkadaha waaweyn ee wadamadaasi waxaa ay ku tartamaan sidii ay gacantu ugu dhigi lahaayeen qofba qofkii uu ka tacliin wanaagsan yahay. Kelmadaha sida aadka ah loo isticmaalo waxaa ka mid ah: “ The human capital” oo loola jeedo hantida aqooneed ee uu qofku leeyahay. Shirkadaha qaarkood waxaaba ay qabaan in hantidaas aqooneed ee qofka maskaxdiisa ku jirtaa lagu muujiyo xisaabaadka ay shirkadu sanadkii diyaariyaan. Maxaa yeelay shirkadaha ay dadka aqoonta lihi ku badan yihiin waa ka qaalisan yihiin kuwa aan haysan dad aqoon leh. Wadamada horey u maray waxa a ay sanad walba arimaha waxbarashada ku bixiyaan hanti aad u tiro badan
Waxaynu ka warqabnaa wadanka aduunku ugu horeeyaa dhinaca horumarka iyo dhaqaalaha wakhtigan inuu yahay Maraykan isla markaana ah hormoodka tacliinta aduunka ama aynu nidhaahno hormoodka leh jaamacada ugu horeeya dunidan aynu ku nool nahay , waxayna hogaanka u qabteen aduunka markii lixaad liiska Jaamacadaha ugu fiican adduunka. Liiskan oo ay soo wada saareen Xarunta Jaamacadaha Caalamiga ah iyo Machadka Tacliinta sare ee Shanghai waxa Saddexda kaalmood ee u sareeya kala galay Jaamacadda Harvard oo kaalinta koowaad gashay, jaamacada Stanford oo kaalinta labaad gashay iyo Jaamacadda Calinfornia (University of California at Berkeley ) oo gashay kaalinta 3aad.
Qalinkii: Cabdirasaaq Sh Cali AskarJaamacadaha Cambridge iyo Oxford oo ku yaala carriga Ingiriiska ayaa liiskan ka galay kaalmaha 4aad iyo 10aad waa sida ay isugu xigaane. Jaamacadda Tokyo ee dalkaasi Japan ayaa iyadu cidhiidhsatay kaalinta 20aad. 50ka jaamacadood ee u horeeya aduunka 36ka mid ah ayaa Maraykanka ku yaala,halka 100ka u horeeyana 67 kamidi ay Maraykan yihiin, 13na ay ku yaaliin dalka Ingiriiska iyo 5 dalka Japan.
haddii aan dib ugu noqdo ujeedada maqaalkaygan , waxaynu la wada soconaa hayaankii dheeraa ee ay soo martay geedisocodka waxbarashada Somaliland laga soo bilaabo yagleelidii ama dib ulasoo noqoshadii qaranimada Somaliland oo ku beegnayd 1991. markaynu ka milicsano dhinaca aqoonta sare ee dalka marka laga yimaad jaamacadaha dalka ka furan ee dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay oo runtii kaalin lama illaawaan ah ka qaatay taabo – galka aqoonta sare ee dalka waxaa jira jaamacaddo iyaguna dalka qiimo weyn oo tacliineed kusoo kordhiyey , daboolayna baahiyo waxbarasho oo ah dhinaca tacliinta sare ah ,
kuwaas oo laga leeyahay dalkan aynu jaarka iyo walaalahaba nahay ee Ethiopia ayna ugu horeeyaan LUCY UNIVERSITY COLLEGE , ADMAS COLLEGE iyo ADIS ABABA MEDICAL COLLEGE runtii waxay jaamacadahaasi dalkeenan kusoo kordhiyeen aqoon tayo leh oo aad u sareysa sida barashada aqoonta ganacsiga iyo dhaqaalaha “Business Admistration and Economics” Aqoonta Sharciga (Law), Barashada Aqoonta Technologyada casriga ah ( Information Communication Technology ( ICT) , iyo culuumta caafimaadka ee kala duwan .
waxay dabooleen oo ay kafaalo qaadeen baahiyo waxbarasho iyo aqooneed oo dalkeena iyo dadkiisuba aad ugu baahnaa , waxay fudaydiyeen culeyskii jamacadaha gudaha dalka laga leeyahay hore u haystay , waxay noqdeed “ factor” shaqo abuuriseed oo muwaadiniin badan ay ka heleen shaqo, waxaan leeyahay xidhiidhka wacan ee Somaliland iyo Eithiopia ayaa keenay horumarka waxbarasho ee aynu soo xusnay.
Gabagabadii, marka hore waxaan mahad u celinaya Allaha fududeeyey ee suurgaliyey guud ahaan horumarkaa aqooneed ee aynu sare kusoo xusnay, marka xigta waxaa mahad iska leh Ethiopia iyo aqoon yahaynkeeda ka aqbalay dalabkii muwaadiniinta dalkeenu ay ugu gudbiyeen si dalka looga hirgeliyo jaamacadahaa aynu sare kusoo xusnay, marka xigta wasaarada waxbarashada ee iyana ka aqbashay ee soo dhaweysay ee u fududaysay jamacadan dalka kusoo kordhay . waxaan odhan lahaa guul usoo hoyatay guud ahaan bulshaweynta somaliand gaar ahaan inta jecel horumarka .
Wabillahi Tawfiq
Cabdirasaaq Sh Cali Askar
ixsaan2002@hotmail.com
Hargeisa, 4418174
Related News
- Gobolada Sanaag iyo Sool oo Diidan Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland : 29 Jul 2010 - 15:45
- Dhanxiir Muxuu ka yidhi Xil la kala wareegi Rayaale iyo Silanayo & Wasiirada cusub? : 29 Jul 2010 - 13:22
- Hogaamiyaha ururka Al-shabaab u Qaabilsan Puntland iyo Bariga Sanaag oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii Puntland : 29 Jul 2010 - 13:13
- Boqor Buur-madow oo Madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqey inuu iskaga dego Xilka maadaama uu shacabka u soo Kireystey Ciidamo : 29 Jul 2010 - 11:54
- Reer Boorama oo Saluugay Saami Qaybsiga Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub : 29 Jul 2010 - 10:50
- Xisbiga Udub oo Ka Hadlay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub Halka Ucidna Ka gaabsaday : 29 Jul 2010 - 10:44
- 40 ka mid ah Ciidmada Somaliland iyo Gaadiidkoodii oo ka Goostay Somaliland una gudbay Puntland : 29 Jul 2010 - 10:37
- Mudaharaad aad loo soo Abaabulay lana garaneyn cida soo Abaabushey oo lagaga soo horjeedo Xukuumada Cusub Calankii Soomaaliyana. : 29 Jul 2010 - 10:15
- Madaxweynaha oo magacaabey Xil Cusub, Lana Dardaarmey Wasiiradiisa Cusub : 29 Jul 2010 - 09:58
- Taliyihii Qaybta Boliiska ee Gobolka Sool oo Xilkii ku Wareejiyey Taliye Cusub : 28 Jul 2010 - 19:58























jaamacadaha itoobiya
S/calaykum
xidhiidhka itoobiya iyo waxa kale oo soo kordhiyay, in
oromoadu ku soo qulqulaan somaliland, oo ay ku dhiiradaan
inay hargeysa dhexdeeda dad dhulka u dhashay ku budheeyaan,
ogaadana oromadu inay tahay qowmiyada somalida ugu naceb
marka loo xabishida kale, gobolo badan oo ay somalida degi
jirtayna, dawlada maanta ka talisa itoobaya ay ku
wareejisay, tana waxa doonayaan inta aynu isu hayshaysano
xisbi fulaan iyo xisbi ficiis,inay ka faaidaystaan oo ay
sheegtaan inay deegaan yihiin mudo gaaban ka dib.
laba arimood halaga digtoonaado
1.hayda unchrta oo doonaysa inay xabishida inagu
deegaamayso amaba dhulkeena ku wareejiso.
2.iyo in oromadu dhulkeena degto oo ay ku taranto.
wabilaahi tawfiiq
Gaadh haye.
Post new comment