Maansadii ugu danbaysay ee Abwaan Hadraawi "Awaal Tiris" Waa Dhambaal Toos Raga u Tumaatiyey

Text Size

Gabaygani waa dube madaxa kaga yaal guud ahaan bulshada gaar ahaan raga kuwaasoo ka siibtay salaankii noloshii taasoo keentay in hanaankii noloshu isbedel ku yimaado oo ay lunto rajadii iyo musqabalkii la higsanayey waxaana sidaan horeba u soo sheegay abwaanku...



Ma gabloobin maan gudhin
Mana gabin hankaygii
Gabaygiina maan deyn
Geeraarradaydii
Imminkaan gardaadshoo
Weli maan gunaanadin

Murti nimaam gunteediyo
Baran gogol-dhiggeedoo
Gonda degi aqoonoo
Garab-daar lahayn baa
Gawl-gawla hadalkoo
Kolba dhinac garoocdee
Sida Webi Ganaanoo
Cirka godollo maaloo
Biyihii ku gaaxdiyo
Gebiyadii ku soo degey
Ku darsaday gufaaciyo
Guullaama diriroo
Geli jabay habeenkii
Kolba gacan ma soo rogay
Qudhaciyo galoolkii
Gunta xididka maw jaray

Abwaan hadraawi iyo maansadii hablaha geeska afrika

Mar kale ayuu cadeeyey in maansadiisu tahay bedweyn aan gudhayn oo hadba degel cusub doojinaysa iyadoo dhawaanan la hadal hayey inuu abwaanku wadada u banaynayo da yarta oo kacaysa ee dariiqa fanka soo higsanaysa hadana murtida hadraawi maaha mid laga dhergayo iyo mid laga xiiso goynayo toona waqti kasta iyo waayo kasta oo la joogana waa mid la talaabsanaysa hadaynu eegno gabaygiisan ugu danbeeyey ee awaal tiris iyo kii ka horeeyey ee dhul gariir wuxuu ku soo beegay xili lagu jiro marxalad adag iyo duruufo qalafsan kuwaasoo u baahan maskaxihii kala shaandhayn lahaa ee kala hufi lahaa aakhirkana xal kama danbeysa ka gaadhi lahaa waxaad moodaa in abwaanku cilmi baadhis dheer ka dib markuu sameeyey dhamaan shaybaadhadii loo baahna in maxsuulkii u soo baxay uu noqday gabaygiisan ugu danbeeyey ee awaal tiris taasoo uu ku muujinayo in maskaxii talada laga sugayey iyaga laftoodii ay yihiin qaar gunta ugu dhacay boholo dhaadheer oo u baahan gargaar degdeg ah, hadii dhul gariir ahaa fariin ku socota inan rag maansadan danbe waxay walaacba ka qabtaa jiritaanka raga oo tolow maxaa ku dhacay? Maansadan ayaa inoo balbalaadhinaysa iyadoo inoo sheegaysa inay joogaan ee aan la tirsanayn oo iyagiiba toodii cuslaysay oo gargaar iyo gacan u baahan yihiin su,aashuse waxay tahay cudurka ku dhacay ma la yaqaan si loogu helo daawadii ku haboonayd iyada lafteeda maansadan ayaa inoo haysa inkastoo hortii jiribe guul ka gaadhi waayey abwaan cabdillaahi suldaan timacade illaahay godka haw nuuree in badan ayuu sidan hadraawi oo kale isu weydiiyey in dhambaalkiisu gaadhayo dhegaha dadkii uu la hadlayey waxaana uu aakhirkii ku soo gunaanaday inay dadkan uu la hadlayo iyo maskaxoodii kala maqan yihiin waa kii lahaa

Anuun baa damqanayee dheguhu uma daloolaane
Dul iyo hoosba waan ugu dhigee, waa dix-dhagaxeede
Dulmi iyo dhac waa waxa kharribay, degelledeeniiye
Anuun baa damqanayee dheguhu uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaabaan lahayn dux iyo iimaane
Bal in ay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray
Wixii hore u soo daashadeey degeshanaysaaye

Ayaan darada meesha taalaa ayaa ah ismaan dhaaf iyo qab aan loo qabin inan rag isuma qabo in wax ka qaldan yihiin dhaliishiisana waa moog yahay halka sartu ka qudhuntay ee aan laysugu keenaynaan ayaa halkaas ah, gefka dhacay iyo garawshiinyo midna ma wado isagiiba isla quman oo qumanahiisu qoorta ugu jiraa, dumarkii ayaa lagu dayacay hawlihii aduun oo dhan iyagiiba la baaxa degaaya oo la legdamaya halkaas ayey maansadani ka dhalatay waana fariin dumarku dirayo

1. Uub baad ku jirtaa qarsoone,
2. Ka soo baxa iilka Qaadka,
3. Adduunka ragoow mar kaalay,
4. Abuurtiyo heega daawo,
5. Awoodaha saaran daawo,
6. Falaadkiyo alabbadeeda,

7. Ilaah samihiisa daawo,
8. Udbaha iyo teedka daawo,
9. Aloolka ku jeeran daawo,
10. Hagoogta aslaysa daawo,
11. Cadceedda ifaysa daawo,
12. Ilwaadkiyo nuurka daawo,

13. Abaabul-caddaanta daawo,
14. Ummuuraha toosay daawo,
15. Dayaxa ishin-buuxsankiisa,
16. Aashaa socodkiisa daawo,
17. Cir-jiidhiyo ololka daawo,

18. Rugaa afo-gaalladiisa,
19. Laxaa iyo ururka daawo,
20. Aleelaha guudka daawo,
21. Habeenka amuuman daawo,
22. Shareerkiyo aqalladiisa,
23. Haddana ashqaraarradiisa,

24. Ardaayada gogosha taalla,
25. Ammuuraha seexday daawo,
26. Haddaanu arbeebigeedu,
27. Ku barin abtirsiimadeeda,
28. Inbiig ku dhex joogi maysid;

waxay sheegtay in ragii ku maxbuusan yahay aqal madow dhexdii oo ka qoslayo qaadna ku cunayo isla markaana aanu aduunka waxba kala socon sidii qof yar oo caawa dhashay ayey ragii ula hadlaysaa oo leedahay kaala aduunka ila daawada markay sawirkaas ka bixiso ragii ayey hadana u gunda degaysaa siduu waayo ahaa ee u haystay furaha koonkan wax kasta oo ka hor yimaadana u xalin jiray intaanu uubta isu qodin ee isagu iilka is dhigin

29. Ugaas bokhran baad ahayd’e,
30. Irdaha noloshaad ahayd’e,
31. Ilayska dhulkaad ahayd’e,
32. Ragoow indho-beelistaada,
33. Asaayo maxaa ka beermay!
34. Halkaad ku lahayd astaanta,

35. Maxaa umal soo fadhiistay,
36. Maxaa gudcur soo af yeeshay,
37. Naftaada markaad illowday,
38. Bal soo tiri aafadaada,
39. Wixii lumay aynabkaaga,
40. Bal daawo inkaarahaaga!

Halkaas markay marayso ayey ilmaynaysaa oo dareemaysaa sida talo faraha ugu haaday ka dib markii ragii dariiqii toosna ka leexday in wax kasta oo kalena la qaloocdeen dabadeedna waxaa dhacay dunuub is daba taxan oon cidina u mqnayn ceelna u qodnayn wuxuuna abwaanku sawir ka bixinayaa sida wax waliba isu bedeleen iyo siday ahaan jireen markii ragu ifka joogay ee talinayey

41. Unuunka dhirtaad ka goysay,
42. Aahdeeda bal soo dhegayso,
43. Hashii iyo awrka geela,
44. Abaaludda loo dareershay,
45. Ureenkiyo tiinka daawo,
46. Rasaasta alwaysa daawo,

47. Oomaarkiyo dhiigga daawo,
48. Areerinka meydka daawo,
49. Islaan curadkeeda weyday,
50. Asayda la saaray daawo;
51. Habliyo ubixii dalkeenna,
52. Markay Ingiriis u xiistay,
53. Markii Inglan looga yeedhay,

54. Wedkay ku aroortay daawo;
55. Uneexada gabanka xoortay,
56. Abaydinka dooxa yaalla,
57. Abkiisa la sheegi waayay,
58. Aboodigu boobay daawo;
59. Addoonka addoonka maagay,

60. Ku yidhi isku Aadan miihin,
61. Gabooye agtiisa yaalla,
62. Walaalnimadii ka ootay,
63. Aayaadkiyo diinta qeexan,
64. Sidaas kaaga aayo beelay,
65. Halkuu illin mooday daawo;
66. Cirkii onkodkiyo hillaaca,

67. Daruuraha alabaskooda,
68. Cuslayn jiray alalagtiisa,
69. Bal daawada uummigiisa;
70. Dhulkii ubixiyo caleenta,
71. Ugbaadkiyo doogga laaca,
72. Ilwaadkiyo nuurka sheegtay,
73. Awaaraha jiifa daawo;

74. Basaastiyo oonka daawo,
75. Geyiga umal-toobankiisa,
76. Ayaayurantiisa daawo,
77. Bal dhawr laba-eefiddaadu,
78. Waxay af-dhabaandhab keentay!
79. Garaadka abloobay daawo,

80. Adduunyadu baadi maaha,
81. Mudkeediyo bulad ammaanka,
82. Afkii cunay quusan waaye,
83. Hadduu laba-aabudh saaray,
84. Hadduu ugubkeeda leefay,
85. Muxuu ka dhex joogi uuska.

talo faraha ka haaday, dumarkii ku soo boodayaa gegi cidla ah iyagoo garnaqsanaya oo leh ragow idin mee, meesha waa taagan tihin laakiin waxba kama taraysaan xataa wax kale iska daayoo bilaale shaah ah cadaystii kama adkidin, masuuliyad kale oo dhan kolkaa baylihiseen waxaa maraysaan heer aad nafahiina dayacdaan weedho qiiro miidhan ah oo canaan iyo calool xumo ka keentay ayaa hooyadii la ilmaynaysaa oo la ooyeysaa iyadoo dhanka kalena waqtiga iyo waayuhu ku sanduleeyeen inay tuurta u ridato oo la baaxaa degdo qaar ka mida masuuliyada ragu lahaa iyadoo weliba ugu dhabar adaygaysa duruuf kasta oo la soo derista, waxay ka sheekaynaysaa sida aanay u damqin dhaxanta iyo kulaylka dhacaya midna iyo siday maalin iyo habeen ugu ordayso masruufka reerkeeda taasoo marmarka qaar la gasha sakalo iyo surumo cidhiidhyoon kolkaasay ilayn qof nool lagama quustee isagii tirtirsiyeysaa oo leedahay waar nacasow khayrkaa gaadh oo meesha ka kac oo fadhi kuuma yaalee intaad nin iska dhigto maruun dhibkaan qabo ila arag oo wax igala qabo hadaadse taladayda diido adiga iyo meel xun ayaa is leh dib danbena kuugu dul qaadan maaye ama nin jooga oo la tirsado oo dhibkaan qabo ila wadaaga noqo ama dadka iskama xignee daarada inagu kala kaxee ayey hooyadii ku soo gunaanadaysaa

86. Ugaasadu meeday? hee dhe,0
87. Dorraato miyaan la aasin,
88. Miyaan kafan loo amaahan,
89. Miyaan axan loo yaboohin,
90. Markii araggaa la waayay,
91. Miyaan jinku qaylo oogsan,
92. Miyaan insigii gadoodin,
93. Miyaan ollogeenu yaabin!

94. Ishaaro san kaama hayno,
95. Shidaad naga oollin maysid,
96. Ogaal nagu caymin maysid,
97. Itaal nagu xoojin maysid,
98. Qudhaanjo afuufi maysid,
99. Dalool naga awdi maysid,
100. Xashiish nala ururin maysid,

101. Aqool nala seesi maysid,
102. Aqoon nagu biirin maysid,
103. Xilkaagana oofin maysid,
104. Afkaagana dhawri maysid,
105. Sidii gabadhii Ayaan’e,
106. Ayaan-Hooday dhahaan’e,
107. Abwaannimo sheegan maysid,

108. Aroor qudha toosi maysid,
109. Dhiggaagiyo aynigaaga,
110. Adduunka la qaybsan maysid,
111. Iskaaba xusuusan maysid,
112. Wixii Rabbi kuu abuuray!
119. Ufiyo bacad baan fadhiistay,

120. Anfaaciga aad cunayso,
121. Ilaaqda raggaan ku keenay,
122. Waxaan u adkaystay maagis,
123. Amaah iyo qaylo joogta,
124. Uurkayga waxaan ku haysto,
125. Afkayga ka sheegi maayo,
126. Asluubtana qoomi maayo,
127. Awaashiyo waayahayga,
128. Ka daalaco oogadayda.

129. Haddaad na ilaalin weydo,
130. Axsaanta ku laaban weydo,
131. Abaal nagu yeelan maysid,
132. Ammaan naga dhowri maysid,
133. Anigu kugu faani maayo,
134. Dharaar kugu aarsan maayo,

135. Adiga kuu uunsan maayo,
136. Agtaydana jiifi maysid,
137. Haddaan beri kuu il-duufay,
138. Haddeer ku abaysan maayo;
139. Markay ajashaada gaadho,
140. Cidina kuu ooyi mayso,
141. Ilaahay ka dhuuman maysid,

142. Jannada ku aroori maysid,
143. Cadaabta ka oolli maysid,
144. Godkaaguna waa aboor,
145. Abeesiyo waa ciqaab.
146. Ragoow amarkaaga weyni,
147. Haweenka uleeya maaha,

148. Dhibtooda ku iida maaha,
149. Ufaan uf qadhiidha maaha,
150. Albaabbada kheyrku seegay,
151. Caqaar ku aroosta maaha,
152. Asaasaq ku gaadha maaha,
153. Ku aakhiro-seega maaha.

kolkuu ragii gabay waajibkiisii waa tii hooyadii gashay kaalintii uu baneeyey laakiin hadana dhibkiisii ma yara dhaqan xumadiisa lama koobi karo, dhinacna uma fayooba, hooyadii ayaa weli hadlaysa iyadoo muujinaysa dhibaatooyinka kale ee ragu ku hayo kol hadii bulshada ka lumo xakamihii iyo xadhigii xidhayey ee isu hayey xayawaanka waxba ma dhaamaan siday doonaan ayey u soconayaan wixii laga xishoon jiray ayaa lagu xaragoonaya dabadeedna waxaa dumaya dayrarkii kala xadaysaa, waxaana bilaabmaya dhaqan xumo iyo fawaaxisho aan loo aabo yeelayn

154. Ragoow irdho qaadan maysid,
155. Ugaadhsi ka seexan maysid,
156. Abeerka badbaadin maysid,
157. Ugeybkana dhaafi maysid,
158. Haddaad cunto aayahaaga,
159. Xulkooda haddaad abbaarto,

160. Unuunka haddaad ka goyso,
161. Areebo sidaad ka yeeli?;
162. Sabeen inanteennu maaha,
163. Adeeri ka sii mug weyn’e,
164. Asoolka hablaa ka daaya!
65. Abaartiyo roobka dhoofay,
166. In waalan, intiinna dhoohan,

167. In qaawan, intii sawaaban,
168. Dhammaan ifafaalayaasha,
169. Ka muuqda adduunyadeenna,
170. Ragoow ubadkaaga leexday,
171. Islaamnimadii ka baydhay,
172. Agoonnimadooda buuxda,
173. Dhashiinna ku aabbo weyday,

174. Asmay ku calool galeen’e,
175. Ammaanada boodhka taalla,
176. Ragoow ololaynta Jaadka,
177. Haddaad kaga ood fogaatay,
178. Maxaa arrin kuu dambeeya!

Waxaa weli cod baahiya haysata hooyadii oon ka quusan ragii waxayna hoga tusaaleynayaa wanaaga iyo waajibka saarani wuxuu yahay waxay leedahay qof nool lagama quustee ii soo dhawaada oo dhawaaqeygan dhegihiina u raariciya waxayna ku soo khatimaysaa iyadoo leh waajibkiina garta oo wixii tegay tiigsi maad la malee haatan iyo dan wixii idinla gudboon hagaag u guta, waxayna leedahay ragaa hogaanka hayee haday wax toosiyaana wax waliba waa toosayaan haday xumaan iyo xil gudahso la,aan u dhaqaaqaan wax waliba waa khaldanayaan bulshaduna waxay ku danbaynaysaa mid lunsan oo khayrkeed ka hadha kol hadii go,aankii anbaday dhamaan bulshadiina waa anbanaysa

179. Ragoow ka adkoow xilkaaga,
180. La saayira ooryihiinna,
181. Irmaanta xaqeeda siiya,
182. Ragoow ubadkaaga toosi,
183. Wixii arrin kaa daboolan,
184. Iimaanka ku baadi-doona,
185. Afeefna ka yeesha xaajo,

186. Ilaashada baylahdiinna;
187. Alhuumadu way fiddaaye,
188. Haddaad ummad liil ka weydo,
189. Hadday ahab yeelan weydo,
190. Waayeelku hadduu ab-guuro,
191. Hadduu odaygeedu waasho,
192. Hadduu la anbado xilkiisa,

193. Hadduu runta aamusiiyo,
194. Hadduu kolba eed xanbaarto,
195. Asuulkiyo xeerka soohan,
196. Hadduu marba oof-daloosho,
197. Hadduu laba-eef caddaysto,
198. Iimaanka hadduu xaraasho,
199. Hadduu wacadkiisa iibsho,

200. Araadi hadduu ku doono,
201. Ilaahay ka yaabi waayo,
202. Hadduu kolba iin’ caddaysto,
203. Hadduu umal saaqa yeesho,
204. Sidii abris qooqan guuxo,
205. Hadduu sida awr xunbeeyo,
206. Hadduu abur xoor leh saydho,

207. Hadduu ilko jiira yeesho,
208. Hadduu noqdo aadun huursan,
209. Abeesada meel la daaqo,
210. Aqoonta qofkii ku dhaama,
211. Hadduu asaraar ku beensho,
212. Dhirtuba kala ayni weeye,
213. Hadduu Garan-waa’ abuuro,

214. Hadduu kala geeyo uunka,
215. Hadduu marba qayb la ooyo,
216. Hadduu marba iil banneeyo,
217. Hadduu yahay uur-ka-gaal,
218. Wanaagga ku aabi badan
; 219. Aleelo hadduu ku waasho,
220. Islaan iyo foox karaarsan,

221. Agtooda hadduu fadhiisto,
222. Ijaabo ka baadi-doono,
223. Ibliiska hadduu la showro,
224. Hadduu marba ood ka boodo,
225. Ishaaro xun baa qarsoon;
226. Haddaanay astaan lahayn,
227. Abbaar iyo nuxur lahayn,

228. Aroor iyo raad lahayn,
229. Ammaaniyo qawl lahayn,
230. Asluub iyo dhaqan lahayn,
231. Islaamnimo sheeganayn,
232. Hadday wada eexo tahay,
233. Hadday asaroorin tahay,
234. Asaasiran lagu bursado,
235. Hadday dabin aasan tahay,

236. Shil iyo wada eeso tahay,
237. Hadday wada aano tahay,
238. Hadday agaraadam tahay,
239. Addoonsigu diin u yahay,
240. Hadday orgobaysan tahay,
241. Iimaanku ka qooman yahay,
242. Hadday Arraweelo tahay,
243. Hadday abnawaasad tahay,

244. Af-duub iyo beeno tahay,
245. Axsaantu ka maydhan tahay,
246. Hadday orgi iyo ri’ tahay,
247. Or iyo wada qaylo tahay,
248. Hadday adhiyaysi tahay,
249. Hadday adhax-tuujin tahay,
250. Ilduuf iyo jeeble tahay,

251. Hadday wada ‘Aniga’ tahay,
252. Siyaasadi aabbe ma leh.
253. Ku daalka abaabulkeeda,
254. Alooskiyo baanaheeda,
255. Ujeeddo ka keeni maysid!!!

Aakhirkiina gabaygani waa dube madaxa kaga yaal guud ahaan bulshada gaar ahaan raga kuwaasoo ka siibtay salaankii noloshii taasoo keentay in hanaankii nolosho isbedel ku yimaado oo ay lunto rajadii iyo musqabalkii la higsanayey waxaana sidaan horeba u soo sheegay abwaanku raadiyey cudurka bulshadan ku dhacay ee galaaftay mustaqbalkoodii iyo rajadoodii kaasoo la degay mustaqbalkii iyo rajadii shacabka

bal isweydiisaa akhriste dhib waxaan ahayn oo bulshadeenu ku qabto cunista qaadka, miyaanu mustaqbalkii bulshadeena daluun dheer u qodin bal akhriste si cilmiyeysan u akhriso cidhib la,aantiisa qaadku caafimaad ahaan uma wanaagsana, dhaqaale ahaan, uma wanaagsana, mustaqbal ahaan uma wanaagsana, cibaado ahaan uma wanaagsana, shaqo ahaan uma wanaagsana, dabeecad ahaan uma wanaagsana, akhlaaqi ahaan uma wanaagsana,

wax aan dhib ahayn oo cunistiisa lagu qabo lama yaqaan kolkaa waxaa isweydiin leh oo hadaa maxaa laga cunistiisa laga faa,iidayaa,oo waqtiga iyo maalka loogu luminayaa jawaabtu ma foga maskaxda illaahay wuxuu inoo siiyey inay nafaheena ku hagno oo wixii san iyo wixii xun ku kala garano kolkaa maskaxdeenii waxaa afduubtay oo ka adkaaday balwada cunista qaadka

waxaa kaaga daran dhibkiisa cidi kama hadasho waxaan filayaa in gabaygan abwaan hadraawi iridaha u furi doono in suugaan yahanadu hada wixii ka danbeeya si cilmiyeysan oo baahsan uga hadli doonaan dhibaatada qaadku ku hayo bulshada taasoo mudo dheer indhaha laga qarsanayey oo huursanayd.

Jaamac cabdillaahi suleymaan
Cigaal215@gmail.com

Posted In

Post new comment