Gabaygii Dhabi Baa Socdo Budh Baa La islaa Dhacaya waxa uu gabaygan ka hadlayaa dhalinyarada dhakafaarka ku haysta Yurub
Marka Hore Waxaan idiin so Dirayaa Salaan Qaali Ah Bahda Shabakaadda Caalamiga Ee Somalilandinfo & Akhyaarta Sharaafta Badan Ee Somaliland Gabaygan waxaa layidhaahda Dhabi Baa Socdo Budh Baa La islaa Dhacaya waxaa midhahiisa curiyey ama sameeyay abwaanka sannaadka 2010 Abwaan cabdinaasir axmed muuse "Cabdinaasir Macalin".
Abwaanku waxaa u ku sharaxaaya gabayga sida dhalinyaro iyo waayeel dhakafaarka yurub ku haysta iyo xaladaha ka jira dalaalka yurub markii aan arakay ayaan gabaygan ka sameeyay saaxiib "Mudiir Shevodinio" sidaan ayaan ku billaabay gabaygii:
Dhada gabayga anoo dhiran
baan dhiinjar kuu ahayee
maba aan tirin
dharaarahan sidaan
dhoof u soo galay
dhaga dhageenta sheekaadda
haddaan
hadalka soo dhuuxo,
Dhalan dhoolka waayahuu
ragg buu dhinaca haystaa
Nin uu dhargiyo iyo
Nin uu dhobada ku Nabo iyo
Nin uu dhiilo daran siiyo,
dhankastoo aad joogtaba
Nasiib wuu ku dhiinacyaalee
dhan dhamaaddii lagu
Qooray ayaad dhuunta marisa
haddaan Rabbigu kuu
dharag Shifiin
Kaama dhaadhacoo,
Suubanaba uu may dhiibin Ee
waay ka dhacayeene
kaa dhuufay yidhaahdeen
sidii awr la dhaan raray
dhun dhumaadu go,naa oo
biruu dheega ku lahaa
Fays kay ka dhiisheen
Ayuu dhaban wareer qaaday,
dhaladey sameeysten ayaan
laga dhamaanayn
ragg baa dhimasho dhafsaday
wareer oo
dhiisha buuxsaday,
dhuul wixii aan soo maray
haddaan dhagarta aan sheego
dhamacdiyo kulaylkii
raggbaa dhiigga fuuqsaday
xaladahu haddeey isku dhagaan
way isku dhacayaanee
farahoo lagaa dhiigay
dhibtuba way ku dhinac taala,
dhalinyaro iyo waayeel
dadkii waa ba dhakafaar,
Dhawr sanno raggii joogay
baa beer ku dhelmadaayee
Ama dhaqan xumaays noqotayaa
Finiishka dhuuqdaaba
dhirta fuushaya iyo
maryaha suuqa dhigatayaaba,
Dhabi Baa Socdo Budh Baa La islaa Dhacayaa.
Waa bilaahi tawfiiq
Abwaan cabdinaasir axmed muuse
"Cabdinaasir Macalin"
E-mail naasirmacalin10@hotmail.com
Maamulka S.y.n-Eu
Guddoomiye ku xigeeynka uruurka s.y.n-eu
Related News
- Gobolada Sanaag iyo Sool oo Diidan Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland : 29 Jul 2010 - 15:45
- Dhanxiir Muxuu ka yidhi Xil la kala wareegi Rayaale iyo Silanayo & Wasiirada cusub? : 29 Jul 2010 - 13:22
- Hogaamiyaha ururka Al-shabaab u Qaabilsan Puntland iyo Bariga Sanaag oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii Puntland : 29 Jul 2010 - 13:13
- Boqor Buur-madow oo Madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqey inuu iskaga dego Xilka maadaama uu shacabka u soo Kireystey Ciidamo : 29 Jul 2010 - 11:54
- Reer Boorama oo Saluugay Saami Qaybsiga Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub : 29 Jul 2010 - 10:50
- Xisbiga Udub oo Ka Hadlay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub Halka Ucidna Ka gaabsaday : 29 Jul 2010 - 10:44
- 40 ka mid ah Ciidmada Somaliland iyo Gaadiidkoodii oo ka Goostay Somaliland una gudbay Puntland : 29 Jul 2010 - 10:37
- Mudaharaad aad loo soo Abaabulay lana garaneyn cida soo Abaabushey oo lagaga soo horjeedo Xukuumada Cusub Calankii Soomaaliyana. : 29 Jul 2010 - 10:15
- Madaxweynaha oo magacaabey Xil Cusub, Lana Dardaarmey Wasiiradiisa Cusub : 29 Jul 2010 - 09:58
- Taliyihii Qaybta Boliiska ee Gobolka Sool oo Xilkii ku Wareejiyey Taliye Cusub : 28 Jul 2010 - 19:58























salaan qaali ah somalilandinfo
abwaan cabdinaasir waa fanaan waa abwaan waa madax waa cuqaal waa midhe miire marka midhahiisa aad baan uga heela aad iyo aad buu somaliland kor ugu qaaday suugaanteeda maxamuud dalmar frankfurt By
Post new comment