Rashiid iyo Risaaq Mooyee inta kale ma Roodhibaa!
Hargeysa, (sli)- Soomaalidu waxa ay ku maah-maahdaa “Nin durbaan tuntay ilaaq dalbay” waxaan uga socdaa ninku hadduu yimaado saaxada siyaasadda waa wax ka mid ah sunnaha nolosha in isna wax laga sheego ama ha noqdo mid ay siyaasadda iskaga horjeedaan oo ay ku tartamayaan ama mid uu shaqsi caadi oo muwaadin ahi ku diiddan yahay aragtiyihiisa siyaasadeed. Sidoo kale waxa la helayaa in kaloo badan oo la dhacsan afkaarihiisa iyo waxyaabaha uu aaminsan yahay siyaasiga u tartamaya hoggaamin Ummadeed.
Mararka qaar waxa dhici karta hadday bulshada meel ku wada nool yihiin kuwo ka feyow ciriqa qabyaaladda iyo waxa maalin dagaalka loo yaqaan ee rubuc qarnigan ugu danbeeyay innagu soo biiray, kana mid noqday wax ka mid ah hab-dhaqanka bulshadeena, waxa dhacda in xataa argtiyaha siyaasadeed ee aan sax ahayn ee waxyeelanaya shacbiyadda Xisbigooda haddayka soo yeedho hoggaamiyaha Xisbigooda inay si adag u muujiyaan kuwa kalee kula jira siyaasadda ee ay isku Xisbiga yihiin in aanay ku raacsaney, balse isaga ku kooban tahay ama’se fikirka saxa uu arko ee ka duwan kiisa u soo bandhigo siyaasi ay isku xero yihiin.
Somlailnd waxa ka jira cisaabado doona inay had iyo jeer kuwa aan la aragtida ahayn ee Magac iyo qaddarin mudan inay ka faafiyaan dacaayado been ah oo ay ku dhaawacayaan sharaftooda iyo karaamadooda.
Haseyeeshee, waxa ayaan darro ah oo nusqaan muuqata ku ah cisaabadahaasi marka wax laga sheego kuwa ay raacsan yihiin siyaasadooda ee weliba wax looga sheego ama loo naqdiyo si ka debecsan oo ka asluub roon siday iyagu wax uga faafiyaan kuwa dhiggooda ah ee ka horjeeda siyaasadooda oo ah wax uu xaq distuuri ah iyo xaq diineed-ba u leeyahay, ay haddana ku qaadaan weerar af, adin iyo ficilo kaloo ciyaala-suuqnimo ah qof kastoo dhaliila siyaasadooda, Odaygooda iyo ag-joogahooda-ba.
Waa xaqiiqo dhab ah oo jirta in Somaliland Maanta ay cisaabadoo noocaa wax u difaacaa ka jiraan oo weliba isticimaala hadba kaartada ay ku waxyeeli karaan cid allaale ciddii wax ka sheegta kuwa ay ku tas-biixsadaan ee ay ku daba-joogaan sax iyo khalad, isla markaana ku sharaf dilaan dacaayado kuwa kalee u dhigma ee ka soo horjeeda mabaa’didooda ee kula beretamaya saxaadda siyaasada.
Haddabaa waa yaabka-yaabkii’e dadka Risaaq iyo Rashiid mooyee inta kale ma roodhibaa? Waxaan kula talin lahaa cisabadahaasi mabda aad aaminsan tahay hayso oo af iyo qallinba ku difaac, laakiin marnaba ha filan in aad wax kaga celin karto caga-damdamlayn, cabsi gelin iyo cay qaawan ka kale difaaca kaala soo horjeeda, waayo kuma jirto nidaamka Dimuqraadiyada ee qof walba tiisa u daaya, idina tiina haysta.
Wargeyska Yool
Related News
- Gobolada Sanaag iyo Sool oo Diidan Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland : 29 Jul 2010 - 15:45
- Dhanxiir Muxuu ka yidhi Xil la kala wareegi Rayaale iyo Silanayo & Wasiirada cusub? : 29 Jul 2010 - 13:22
- Hogaamiyaha ururka Al-shabaab u Qaabilsan Puntland iyo Bariga Sanaag oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii Puntland : 29 Jul 2010 - 13:13
- Boqor Buur-madow oo Madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqey inuu iskaga dego Xilka maadaama uu shacabka u soo Kireystey Ciidamo : 29 Jul 2010 - 11:54
- Reer Boorama oo Saluugay Saami Qaybsiga Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub : 29 Jul 2010 - 10:50
- Xisbiga Udub oo Ka Hadlay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub Halka Ucidna Ka gaabsaday : 29 Jul 2010 - 10:44
- 40 ka mid ah Ciidmada Somaliland iyo Gaadiidkoodii oo ka Goostay Somaliland una gudbay Puntland : 29 Jul 2010 - 10:37
- Mudaharaad aad loo soo Abaabulay lana garaneyn cida soo Abaabushey oo lagaga soo horjeedo Xukuumada Cusub Calankii Soomaaliyana. : 29 Jul 2010 - 10:15
- Madaxweynaha oo magacaabey Xil Cusub, Lana Dardaarmey Wasiiradiisa Cusub : 29 Jul 2010 - 09:58
- Taliyihii Qaybta Boliiska ee Gobolka Sool oo Xilkii ku Wareejiyey Taliye Cusub : 28 Jul 2010 - 19:58























Post new comment