Madax-Dhaqameedyada Samaroon Ee Gobolada Awdal Iyo Selel Maxay Ka Yidhaahdeen Caleemo-saarka Ugaaska Beesha Ciise?

Text Size

Hogaamiyayaasha Beelaha Samaroon ee Gobolada Awdal Iyo Selel ayaa si wayn u soo ugu hambalyeeyay Beesha Ciise Caleemo-saarka iyo Doorashada Ugaaskoodi 19aad, isla markaana sheegay in beeshu asiibtay xulatayna hogaan iyaga iyo beelaha kale xidhiidhiya.

Salaadiin, cuqaal iyo madax-dhaqameedyo kale oo beesha Samaroon ah kuna sugnaa madashii caleemo saarka Ugaaska 19aad ee Beesha Ciisaha oo arintaa ka hadlay ayaa sheegay in beel ahaan ay soo dhawaynayaan uguna hambalyaynayaan, beesha walaalahood ee Ciise oo ay yihiin dhal iyo dhasheed. Waxa kale oo ay sheegeen madax dhaqameedyada beelaha Samaroon in beesha Ciise ay tahay beelaha daris wadaagta ay yihiin.

Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo ugu horayn arintaa ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu mahadnaqayo dhamaan dadkii soo agaasimay iyo intii ka soo qayb gashay caleemo saarka ugaaska Beesha Ciise, sidoo kale waxa uu Suldaanku u mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland iyo guud ahaan xukuumada Somaliland ee suura galka ka dhigay in Madaxda intaa leeg iyo dadweynaha kumaanaanka qof ah ee ka soo qayb galay ay nabad galyo ugu dhamaato.

Suldaan Saleebaan waxa uu isagoo ka hadlaya sida uu arko caleemo saarka Ugaaska 19aad ee Beesha Ciisaha Ugaas Mustafe Maxamed sheegay in ay tahay shay dhaqan ah, oo beeshu leedahay, waligeedna jirayay, wanaag iyo hambalyayn mooye aanay iyagu beel ahaan wax kale oo xumaan ah ka qabin aadna ugu faraxsan yihiin, Illaahayna uga baryayaan inuu ka dhigo kii beeshiisa ururiya dariskiisana nabad iyo wanaag kula noolaada.

Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar oo isagu Suldaan u ah beelaha Samaroon ee daga Gobolo dhawr ayaa isna u hambalyeeyay Ugaaska Cusub ee beesha Ciisaha, isla markaana sheegay in beel ahaan ay aad u soo dhawaynayaan si kal iyo laab ahna uga soo qayb galeen Caleemo saarkiisa, waxa uu Suldaanku ka waramay tariikhda iyo soo jireen-nimada saldana Somalida, waxa kale oo uu Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar ka sheekeeyay Saylac iyo ahmiyadeeda iyo waliba taariikhdeeda.

Cuqaal iyo wax garad kale oo ka tirsan beelaha Samaroon oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa muujiyay sida ay u soo dhawaynayaan hogaanka cusub ee Beesha Ciise yeelatay isla markaana muujiyay in dareen ahaan beeshoodu wanaag iyo walaaltinimo ku soo dhawaynayso.

Si kastaba ha ahaatee duqayda iyo wax garadka beelaha Samaroon ee Gobolada Awdal Iyo Selel ayaa si wayn ugu hambalyeynayay ugaaska Cusub ee Beesha Ciise isla markaana si aad u diiran uga soo qayb galay Xaflada Caleemo saarka Ugaaska, uguna duceeyay in Illaahay ka dhigo kii umadii soo dooratay anfaca deriska iyo Somalida kalana wanaag kula noolaada.

Faysal Maxamed Xassan
Reporter Harowo
Somaliland
Email: daralla06@yahoo.com

Post new comment