Suldaanka Guud ee H/Yoonis oo Sheegay inuu KULMIYE Cadho u Galay kana soo Baxay
"Gaaf-warreegii Shirguddoonka Wakiilada iyo Masrixii Maansoor"
Wargeyska "Yool" waxa uu hore u qoray in la isku afgarn waayey Madal qado ah oo ay Suldaan Cismaan ku casuumeen xubno ka tirsan madaxda sare ee Xisbiga KULMIYE oo ay horseed ka ahaayeen Dr. Gabboose, Duur iyo Waabeeyo, warkaasi oo uu beeniyey nin mawqifka beeshiisa keligii ka baydhay, isla markaana huwaday cumaamadad aanay Beeshiisu saarin. Sidaa darteed-na beelaha Guud ee Habar Yoonis aanay ictiraafin.
Haddabaa arrintaa jawaabteedii rasmiga ahayd waxa bixiyey Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Yoonis Suldaan Cismaan Sul Cali Sul. Madar, ka dib markii markii uu Shalay ka cadeeyay madal qado-sharaf ah oo Wasiirka Hawlaha Guud Md. Siciid Sulub Maxamed ugu sameeyay Hoteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, isla markaana sheegay in markii hore cadho u geysay Xisbiga KULMIYE, balse uu hadda ka soo noqday, sidaa darteed-na uu hadda diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumadiisa.
Waxa kaloo Suldaanka carabka ku dhifatay inay jiraan xubno ka cadhooday go'aankiisa, haseyeeshee uu ka doorbiday inuu siyaasada ka baxo, kuna ekaado arrimaha dhaqanka sidii Saldanadaha lagu yiqiin.
Xafladaasi oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirada Maaliyadda, Duulista iyo Hawada, Ganacsiga, Wershadaha, Madaxtooyada, Qoyska, Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibedda, Wasiirul-dawlaha Caafimaadka, Wasiirul-dawlaha Arimaha Dibedda, Waiir-ku-xigeenka Qorshaynta, Waiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Siyaasiga weyn ee Axmed Cabdi Xaabsade, Madax-dhaqameed, Cuqaal, Ganacsato iyo Culimo-awdiin, waxaana kulankaasi hadalo kooban ka jeediyey masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka khaarajiga, Ganacsiga, Hawlaha Guud, kuwaasi oo dhammaantood sheegay inay ku faraxsan yihiin Suldaan Cismaan iyo taageerada uu sheegay inuu la garab-taagan yahay Xukuumada.
Geesta kale, waxa iyaguna madasha Suldaanka lagu casuumay meel aan ka fogeyn ku sugnaa xubnaha Shirguddoonka Golaha Wakiilada, kuwaasi oo aan casuumada ku jirin, balse ay dad badani isweydiinayeen ujeedada uu imaatinkoodu salka ku hayey.
Source;Yool
Related News
- Gobolada Sanaag iyo Sool oo Diidan Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland : 29 Jul 2010 - 15:45
- Dhanxiir Muxuu ka yidhi Xil la kala wareegi Rayaale iyo Silanayo & Wasiirada cusub? : 29 Jul 2010 - 13:22
- Hogaamiyaha ururka Al-shabaab u Qaabilsan Puntland iyo Bariga Sanaag oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii Puntland : 29 Jul 2010 - 13:13
- Boqor Buur-madow oo Madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqey inuu iskaga dego Xilka maadaama uu shacabka u soo Kireystey Ciidamo : 29 Jul 2010 - 11:54
- Reer Boorama oo Saluugay Saami Qaybsiga Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub : 29 Jul 2010 - 10:50
- Xisbiga Udub oo Ka Hadlay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub Halka Ucidna Ka gaabsaday : 29 Jul 2010 - 10:44
- 40 ka mid ah Ciidmada Somaliland iyo Gaadiidkoodii oo ka Goostay Somaliland una gudbay Puntland : 29 Jul 2010 - 10:37
- Mudaharaad aad loo soo Abaabulay lana garaneyn cida soo Abaabushey oo lagaga soo horjeedo Xukuumada Cusub Calankii Soomaaliyana. : 29 Jul 2010 - 10:15
- Madaxweynaha oo magacaabey Xil Cusub, Lana Dardaarmey Wasiiradiisa Cusub : 29 Jul 2010 - 09:58
- Taliyihii Qaybta Boliiska ee Gobolka Sool oo Xilkii ku Wareejiyey Taliye Cusub : 28 Jul 2010 - 19:58























Post new comment