Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo ka waramay Sababtii loo Aasaasay Shirkada isgaadhsiinta SOMTEL

Text Size

Hargeysa, (sli)- Xaflad Xadhiga lagaga jarayey shirkadda SOMTEL oo lagu qabtay Hotel- ka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxaa Munaasibadaa hadal kooban iyo sababta loo Aasaasey ka waramay Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo hore u sameeyay isku day uu ku doonayay inuu waddanka kaga hirgeliyo shirkad isgaadhsiineed, waxaana uu yidhi.

“Aniga oo Hargeysa jooga oo dadka bilaash ku daaweeya, ayaan arkay shirkadaha STC iyo SOLTELCO, oo dadka halka daqiiqo ka qaadaya 2.50cent oo doolarka maraykanka ah, oo waliba labada shirkadoodba ka heshiiyeen, dabadeedna waan la hadlay oo waxaan ku idhi adeerayaal waala jabin karaaye qiimahan jabiya, markii aan arkay in aanay u jeedin ayaan la hadlay shirkadaydii Washington, waxaanan ku idhi intaan soo socdo la taliye ii qabta, waxaan doonayaa inaan Somaliland ka bilaabo shirkad telefoonada ahe oo aanan ku talin jirnay, markii aan tagay halkaa waxaanu bilownay abaabulka sidii shirkadaa loo samayn lahaa, koox Maraykan ah ayaanu wadda soconay oo aanu is lahayn wada sameeya.

Waanan diiday oo waxaan idhi lacag aad gashataan oo aan Somaliland ka soo ururiyo ma ogoli ee waxaan doonayaa in dad reer Somaliland ahi ila galaan oo aan iyaga wada dhisno.”

Isagoo hadalkiisa sii wata Dr; Bulxan waxaa uu sheegay in shirkadaasi markii danbe muran-gashay islamarkaana lagu xaraashay qiimo toban jeer ka yar intii ay joogtay, ka dib markii sida uu ku dooday Garyaqaanaddu ka hiiliyeen laaluush la’aan darteed, sida uu hadalka u dhigay; “Dabadeedna intii aan Maraykanka ku maqnaa ayaa si aan sharci ahayn shirkadii dhamayd ee 1.600,000 oo doolar nagaga baxday ee aan anigu 950,000 ku lahaa, ayaa si sharciga ka baxsan loogu xaraashay 150,000 doolar. Markaa waxaan leeyahay dadka wax wada galla, Maxkamad ha tagina, si kale wax u xalista oo odayaasha, culimada iyo waxgaradka ula tagga. Mida kale waxaan kula talinayaa in shirkaduhu isku xidhmaan, haddii kale shirkadaha ayaa la isku dilayaa, taas ayaanan ku talinayaa.”

Somalilandinfo.com
La soco Dhacdooyinka ka socda Somaliland...

Post new comment