Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo Xukuumada ku dhaliilay Qaabkii loo maamulay Munaasibadii lagu caleemasaarayey Ugaaska Beesha Ciise
Hargeysa, (sli)- Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo Madashii Shalay xadhiga lagaga jarey Shirkada Isgaadhsiinta hadal kooban ka jeediyey, waxaana uu si ba’an u naqdiyay xukuumadda Madaxweyne Rayaale oo uu ku eedeeyay inay gabtay dantii loo igmaday, waxaana uu ku celiyay dhaliil uu xukuumadda hore ugu jeediyay qaabkii loo maamulay Munaasibad dhawaan lagu caleemasaaray Ugaaska Beesha Ciise.
“Waxaan hambalyeynayaa ugaaskii Ciise iyo Beesha Ciise meel kasta oo ay joogto, waliba Ugaaskii kan ka horeeyay qadiyadii xasuuqa ahayd ee Somaliland lagula kacay wuu ka hadlay gacana wuu ka gaystay,” Ayuu yidhi Gudoomiye Faysal, waxaana uu intaa ku daray oo uu yidhi “Laakiin wixii maalintii dhawayd ka dhacay Saylac waxay u ekayd tiiyoo qaranimadii Saylac ee Somaliland la inala sheegtay, Raysal Wasaare dal kale ka yimid ayaa joogay, waxa joogay Wasiirkeenii daakhiliga kamuu hortagin manuu soo dhawayn, waxa baratakoolka lahaa Wasiirka arimaha dibada, isaguna meesha ma joogin.” Ayuu yidhi.
Waxaa kale oo uu soo qaaday Maab ay sameysay Hay’adda UNHCR iyo qodobo ka dhan ah Somaliland oo uu sheegay inay maleegayaan kooxo ka horjeeda Somaliland. “Somaliland oo aan dawlad shaqayna aan lahayn ma jirayso ayaan idin leeyahay, dawlada maanta joogtaa magaceedu wuu jiraa laakiin ma shaqaynayso, Wasaaradii arimaha dibadu ma shaqaynayso, Caafimaadkana Edna ayaa sheegtay oo telefoon ayaa laga hagayey inantii gabadha ka dhalinaysay Ceerigaabo. Markaa waxaanu leenahay aynu doorashadaa xooga saarno, inta dawladu joogtana ha shaqayso, waxaanu leenayay dawlada Somaliland-nay toos.”
Somalilandinfo.com
La soco Dhacdooyinka ka socda Somaliland...
Related News
- Gobolada Sanaag iyo Sool oo Diidan Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland : 29 Jul 2010 - 15:45
- Dhanxiir Muxuu ka yidhi Xil la kala wareegi Rayaale iyo Silanayo & Wasiirada cusub? : 29 Jul 2010 - 13:22
- Hogaamiyaha ururka Al-shabaab u Qaabilsan Puntland iyo Bariga Sanaag oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii Puntland : 29 Jul 2010 - 13:13
- Boqor Buur-madow oo Madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqey inuu iskaga dego Xilka maadaama uu shacabka u soo Kireystey Ciidamo : 29 Jul 2010 - 11:54
- Reer Boorama oo Saluugay Saami Qaybsiga Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub : 29 Jul 2010 - 10:50
- Xisbiga Udub oo Ka Hadlay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub Halka Ucidna Ka gaabsaday : 29 Jul 2010 - 10:44
- 40 ka mid ah Ciidmada Somaliland iyo Gaadiidkoodii oo ka Goostay Somaliland una gudbay Puntland : 29 Jul 2010 - 10:37
- Mudaharaad aad loo soo Abaabulay lana garaneyn cida soo Abaabushey oo lagaga soo horjeedo Xukuumada Cusub Calankii Soomaaliyana. : 29 Jul 2010 - 10:15
- Madaxweynaha oo magacaabey Xil Cusub, Lana Dardaarmey Wasiiradiisa Cusub : 29 Jul 2010 - 09:58
- Taliyihii Qaybta Boliiska ee Gobolka Sool oo Xilkii ku Wareejiyey Taliye Cusub : 28 Jul 2010 - 19:58























Post new comment