Xisbul Islaam oo dagaalkii maanta wax gacan ah ka gaysan ugana baxday Al Shabaab

Text Size

Muqdisho, (sli)- Ururka Xisbul islaam ee uu madaxda ka yahey Sheekh Aweys oo bilihii lasoo dhaafay qayb weyn ka ahaa dagaaladii cuslaa ee lagula jiray dowlada Sheekh Shariif iyo Ciidamada AMISOM ayaa markii ugu horaysay ka baaqsaday in ay ka qayb galaan dagaalada.

Al Shabaab ayaa shalay iyo maanta ku kaliyeysatey dagaaladii cuslaa oo ay kula jirtay ciidamada AMISOM iyo ciidamada dowlada KMG ah waxaa gebi ahaanba dagaalada ka baxay Ururkii Xisbul islaam oo awood ciidan ku yeelan jiray dagaalada Muqdisho.

Ilo xogogaal ah ee aan helnay ayaa xaqiijiyay in xalay saqdii dhexe ay ciidamada Xisbul islaam ka guureen fariisimo ay ku lahaayeen Nasiib-buundo iyo Aagga Beexaani degmada Shibis oo ay in mudda ah isku hor fadhiyeen ciidamada dowlada Sheekh Shariif.

Isgarabsigii u dhexeeyay Al Shabaab iyo Xisbul islaam ayaa soo dhamaaday kadib markii ay labada dhinac Saraakiil iska dileen waxayna xaaladdu sii xumaatay markii dhawaan dharaar Cad suuqa Bakaaraha lagu dilay Barre Cali Barre oo ahaa saraakiisha Xisbiga katirsanaa.

Aagagii ay ka bexeen Ciidamada Xisbul Islaam waxaa durba soo buux dhaafiyay xoogag katirsan Al Shabaab waxayna taasi sababtay in ciidanka taageersan sheekh Shariif ay saaka horumar kasoo sameeyaan aagga Nasiib buundo oo ay horay Xisbul islaam u joogeen waloow markii dambe ay Shabaabku dib u qabsadeen.

Inkastoo Ciidanka Xisbiga aysan ka tanaasulin dagaalkii ay kula jireen dowladda hadane waxay yareeyeen dagaaladii ay shabaab kula safnaayeen waxayna difaacyo uga jiraan degmada Hodon iyo Wardhiigleey.

Waxaa shalay iyo Maanta aamusan Afhayeenadii Xisbiga ee Idaacadaha magaalada Muqdisho ka hadli jiray xiliyada ay socdaan dagaalada.

Dhinaca kale Afhayeenkii Howlgalada Xisbul Islaam maxamed Caruus ayaa iska dhigay xilkii uu hayay kadib markii ay Xisbul Islaam ku gacan saydhey la garab istaaga Shabaabka iyo fursad-siinta Cadowga.

Somalilandinfo.com
Muqdisho

Post new comment