Fanaaniinta Waa weyn ma istaahilaan in la Aflagadeeyo Qalinkii Saleebaan Maxamuud Dhiidhi

Text Size

Marka hore waxan salamyaa saxafada ka caagan eexashada codka dadwaynaa waxa baryahaa saxafada la qada dhigayaa, fananada wayn ee sado cali oo dadku si kala duwan uga hadlayaan

hadaba, aniga waxan ku la dardarmayaa dhalinyarta wax qoraysaa in ay ka dayan fananiinta wawayn dacayada iyo
xajiimaynta, qof ka wax alifa ama abwaanka ah ama heesga ah waa qof dadka u dhexeeya oo ruuxiya oo wax qoto dheer ka hadla markaa waa laga fiicanyahay in dadka fanka la cayo ama la aflagadeeyo, wana arin akhlaaqda dhaqanka iyo asluubta ku xun, mana aha hadalka fananada ka soo baxay in si qaldan loo turjumo fananka wax an dadka u muuqan baa u muuqda sikalay wax u sharaxaysay baa laga yaba, markaa hubsiina loo bahanyahay, hadalka ka soo yeedhya fananada in anu wali cadayn ban u arkaa , wayo qofka fananka ah badana waa dacad

oo hadal baa si gara uga soo yeedhaya, markaa yan la aflagadeyn fananada dadka fankana sanadahan

danbe waa la af lagadeeya oo hadii fanka la cayo waxa xumanaya dhaqanka iy dadka wax alifa oo moralka

laga dilayo markaa yan dadkan casriga ah ee walaqa" qarnigan danbe la qabsaday yanay fananiinta xajiimayn.

marka arima siyasada laga hadlayo yan lagu gafin qof fanan ah waa in qofka fananka ah si gara loo ixtirama

oo laga gabsada fananka xasuuqa dhacay ee kadhacay somaliland dafira isagaba shiiqaya oo sumcadiisa

dilaya, see yan lagu dagdagin magista sado cali hadalka ka soo yeedhay la tixracayo, mana aha in arima

abwaanada iyo fananiinta lagu dagdago oo si yar loo mago wayo waa dad qiimo wayn ku leh umada afsomaliga

ku hadasha qofka fananka ah qaran dhan buu u hiisha oo ka hadlaa iyo wadaniyad umad dhan.marka waa

ceeb waxa saxafada lagu qorayo ee qof fanan ah oo umad dhan u hadla in la siyasadeeyo arintiisa

sangub oo ka hadlay arima somaliland ba waa kaa wadada ku soo dhacay markaa waxa fiican in an

markiiba dadka fanka la aflagadyn , wana ceeb cayda dadka wax alifa ee fanka, qofka fanka yaqana

waa qof calool xadhan oo an naxli iyo cuqdad midna lahayn, burhaanta iyo juhdiga uu gasho heesta uu qadayo

waa mid ku soo dhacda qalbigiisa,qof xasidi ma noqdo fanan cana ama dhaba markaa ha ladayo fanaaniinta hore

waxa laga yaba in fananada hadalku si fudud uga boobay afka ee anay dhabka haynba,markana saxafadu iska daba

gashay , hadalkaa,hada waxa jira in heesa la xado oo hees qof leeyahay ama fanan dhinatay midhi hiisa dayarta hada

joogtaa iska qadato uu meelahaa isla taagto wana arima amin darada iyo xiisa la laanta ku keenta fanka

Qalinkii: saleebaan mohamud dhiidhiQalinkii: saleebaan mohamud dhiidhihadii an dadka fanka alifa ama qaada heesa an la ixtiraamin waxa soo oodmaya dhaqanka iyo suudanta,

takale waxan kula talin lahaa, dadka fanka ama jecel in ay fanan noqdaan ama hore ba u ahaa fanan.

in ay iska ilaashan wax yaba u keenaya sumcad xumada , hadii fananiinta ama abwanada ku hadla Afka ama luuqada

somaliga ay ku kala milman siyasada an fadhiisan ee somaliya, soo fananka ceeb uma aha iyo sumcad xumo hadii

fananku ama abwaanku uu, iska idha tiro oo kuwa dadkoodii xasuuqay, difaaco soo ma aha abwaan ama fanan

teegaray, gacan ku dhiigle sida cali samatar, ama moorgal hadii qof abwaan sheegta ama ku suntan uu difaaco

gacan ku dhiigle isna waa ka can kudhiigle, see anigu waxan qabaa iyo inta ila fakarka ah in sado cali an la maagin

inta ay cadaanayso ama ay yadu si cad u sheegayso in ay hadalkaa ka soo baxay ka dhab ahaa iyo in uu si fudud uga

dhacay hadalku,see inaga waa bulshadee waxa inagu wajiba in la xaqdhowro fanaaniinta hore ee looga bartay hesa

qaramiga ah, iyo laxanka macaan.waxan maqalkan ku soo koobaya mansada hadraawi ee daba huwan

madama xaladu qasantahay oo fankii, iyo siyasadii isdhexgaleen,

DABA HUWAN - Maanso

MAXAMED IBRAAHIM WARSAME - (Hadraawi)

001. Markay dani meeday tidhi
002. Maxaan talo meel ka deyey,
003. Markay dani maaha tidhi
004. Weyddiiyey qof meel ka deyey,
005. Markay dani maaha tidhi
006. Ku laabtay halkaan ka deyey,
007. Markay dani maaha tidhi
008. Ka sii deyey meel la-deyey.
009. Maxay doqonniino tidhi
010. Ruuxaan jirin raad ku doon,
011. Intaan isku duubay been
012. Ka buuxsadey labada dacal
013. Maxay runi daadi tidhi.
014. Maxaan arrin dawlis dhow
015. Ma-diiddo la-soo qor-qoray
016. Ku daabacan baal madow
017. Ku daawaday meel madow
018. Wax aan duluc sii ridneyn
019. Indhuu ku daraandareen.
020. Maxaan dogob beer is idhi
021. Daruuro u soo sasabay
022. Dar-yeelka ku maal is idhi
023. Biyuhu uga sii dareen.
024. Wax aan degdeg jeer ku liqay
025. Maxay shishe ii damqeen
026. Kashayda dalooshadeen,
027. Muxuu hadba shay dellegan
028. Dareensigu soo tuf yidhi.
029. Ammuuraha duur-xulka ah
030. Duunkayga maxaan qod-qoday
031. Weydiiyey su'aal da' weyn
032. Dibnuhu iga aammuseen.
033. Dal-xiiska maxaan bilqaday
034. Maxaan farax-deeddankii
035. Maxaan sida daad jirfaday
036. Maxaan hadba daaf qulqulay
037. Maxaan hadba deex sunsumay
038. Maxaan deli jeer ka dhacay
039. Maxay jarar soo deldelan
040. Doolaaladu fuul i-tidhi,
041. Dushooda markaan u baxay
042. Ha soo degin laygu yidhi.
043. Maxaan dihin weel la galay,
044. Ku-dayga maxaan ummuur
045. Daboolka ka qaad is idhi
046. Cabsidu iska daa i-tidhi
047. Indhuhu dib u soo noqdeen.
048. Maxaan dhilay doog lingaxan
049. Hal daahan maxaan furfuray
050. Inaan dib u sii xidh-xidho
051. Garaadku ku daaley, yidhi.
052. Maxaan dardaraa habeen
053. Anoo daba jooga raad
054. Dedaalku i-soo xidh-xidhay,
055. Dakaanka anoo jil-jilan
056. Muxuu dayax soo mir-kacay
057. Degaan kale ii fur-furay
058. Dayaan igu sii gil-giley.
059. Maxaan qoday doox sal weyn
060. Maxaan helay deeq mug weyn
061. Wax uu dad jeclaan lahaa
062. U waayey wax soo dal-dalah.
063. Waqtigu boqol-doocsanaa,
064. Dersuu kugu beerayaa
065. Dur-duur kugu siinayaa
066. Dar-daaran adoo qabuu
067. Dagaal kugu riixayaa
068. Dil buu kugu oogayaa,
069. Markaad del-delaad gashuu
070. Haddana kugu diidayaa
071. Dorraato wuxuu Ku-yidhi,
072. Intuu ku diruu haddana
073. Dabbaal kugu sheegayaa.
074. Rugaha dunidaa bulsho ah
075. Indhaha deyayaa xujo ah
076. Docaa laga eegayaa
077. Daymaa lagu eegayaa
078. Danaa laga eegayaa,
079. U daana cid baa taqaan
080. Ka daana cid baa taqaan
081. Ta doora Rabbaa yaqaan
082. Ka dooro adaa yaqaan.
083. Dildilo-rogan baad tihiin
084. Sidaa isu doorisaan
085. Ayaa isu doorataan.
086. Markay dahatay dhul tahay
087. Markay dihatay dhir tahay
088. Markay duhur-tiigsi tahay
089. Ayey dalan-dool caddahay
090. Duf bay ku sarbeeban tahay
091. Dabay ku aleelan tahay
092. Lafiba diirkeed qodnayd.
093. Dal iyo magac bay lahayd
094. Dad iyo mudan bay lahayd
095. Duunyiyo mahad bay lahayd
096. Diin iyo dhaqan bay lahayd
097. Duug iyo dhaxal bay lahayd
098. Dan iyo tacab bay lahayd
099. Dedaal xejiyey lahayd
100. Xadhkiyo dabar bay lahayd
101. Aqoon durugtay lahayd
102. Xil daacadah bay lahayd
103. Duleed-jiratay lahayd
104. Duggaal hanatay lahayd
105. Daw iyo marin bay lahayd
106. Dareer taxan bay lahayd
107. Dardaaran cad bay lahayd
108. Dabool adag bay lahayd
109. Digtooni horay lahayd
110. Dabaylo hadday ruxaan
111. Durbaan weriyey lahayd
112. Awaal-deyis bay lahayd
113. Dawiyo kabashay lahayd
114. Xidhiidh degsan bay lahayd
115. Dagaal sharafay lahayd
116. Duciyo nabad bay lahayd
117. Caqiibo danbay lahayd
118. Han iyo dugsashey lahayd
119. Deeq iyo hirashay lahayd
120. Duddiyo gacal bay lahayd
121. Dareen xidid bay lahayd
122. Xormiyo deris bay lahayd
123. Dul iyo magan bay lahayd
124. Xishood dedan bay lahayd
125. Dux iyo soddoh bay lahayd
126. Dumaashi dhan bay lahayd
127. Dad kala-guran bay lahayd
128. Rag iyo dumar bay lahayd
129. Nin-door taliyay lahayd
130. Marwiyo degel bay lahayd
131. Duq iyo garashay lahayd
132. Haween darban bay lahayd
133. Barbaar diran bay lahayd
134. Habliyo dardaray lahayd
135. Halyey diriray lahayd
136. Darmaan boqrran bay lahayd
137. Duud iyo oday bay lahayd
138. Da' iyo da' dhexay lahayd
139. Da'aad yar-yar bay lahayd
140. Is-daaddihin bay lahayd
141. Deryaale cad bay lahayd
142. Dalaandaliyay lahayd
143. Hor-weyn dal maray lahayd
144. Irmaan dararay lahayd
145. Hal iyo dalaway lahayd
146. Wan dool culus bay lahayd
147. Sal iyo daab bay lahayd
148. Dallaayad saray lahayd
149. Shishiyo duluc bay lahayd
150. Wixii dumey bay lahayd!!!
151. Iskuulladu waa deyeyn
152. Damiinnimaday dhigaan
153. Dartay uma soo lug go'in
154. Duruustu falkay tiqiin
155. Digtoor cadoway sideen
156. Digrii nacabay sideen
157. Xaq bay garba-duubayeen
158. Diintay gibil saarayeen
159. Waxay dedayeen ummuur
160. Dhibteedu dib iigu tiil,
161. Waxay doc-faruurayeen
162. Dedaal abid soo taxnaa.
163. Xafiisyadu waa dulleyn
164. Dulmay ka hor-seed yihiin
165. Dikteetarraday dhalaan
166. Direyska wedkay tolaan
167. Dardaaran shishay qabeen
168. Dalkay shil u loogayeen
169. Dadkay u shidhaynayeen
170. Dardaar-werin meel u tiil
171. Nin bay u danaynayaan,
172. Dugaagnimaday dhalaan
173. Indhaha dannigay dhalaan
174. Intii daran bay dhalaan
175. Xadhkaha doqonkay tidcaan
176. Naftay damac-raaciyaan,
177. Waxbay daba qaadayaan
178. Qofkii biya-diid yaqaan
179. Darleefyey ninkay baraan
180. Sagaashan dabeecadood
181. Hadday kol ku soo degaan
182. Diihaal iyo saar gumeed
183. Ma aamino deeq ka weyn
184. Inay laba duul dhintaan.
185. Dukaannadu waa nuxuus
186. Sun iyo dacar bay hayaan
187. Daraandariyay hayaan
188. Dareen xagatay hayaan
189. Dalaaqda Tus bay hayaan
190. Waxay demesh soo rogeen
191. Waxay diric raarayaan
192. Durraaxad u heesayaan
193. Waxaa lagu doonayaa
194. Waxaanan u daafad hayn.
195. Waxaan diro lay carree
196. Wax soo degey lay cusbee,
197. Ka dooro intaan lahaa
198. Ku sii dar intaan lahaa
199. Ku sii dil ayuu lahaa
200. Ninkii digashada badnaa.
201. Daaruhu tayo waa ka Gaal
202. Dulmay taran leeyihiin
203. Bar duunyo ah waa ka caydh
204. Waxay ku dul nool yihiin
205. Nin daaqsada xoolo nool
206. Dubbaha fakhrigay tumaan
207. Waxay derbi jiifiyaan
208. Barbaarkiyo doobka nool
209. Carwada dib-jirkay dhalaan,
210. Hadday kugu soo durkaan
211. Ducaa laga hoos galaa,
212. Maxay damal weyn shiteen
213. Maxay qudhac deebiyeen
214. Waxay dab sudheen dhirtii
215. Dhulkay midab-dooriyeen,
216. Bal eeg degelkii hufnaa
217. Bir iyo waxa daasad yaal,
218. Bal eega dalkii xallaa
219. Waxay lafo daadiyeen!!!
220. Shil baa dunidii ka dhacay
221. Daacuun halisaa ku fiday
222. Duufaan simay baa la tegey,
223. Doofaarrada aan gudnayn
224. Diin-laawaha Gaalku dhalay
225. Maxay dulin faafiyeen
226. Maxay samo duudsiyeen
227. Maxay godob daaqsadeen
228. Maxay denbi xoogsadeen
229. Maxay dabar soo xardheen
230. Maxay dabin soo shaqleen
231. Danbeed-maran soo asleen.
232. Waxay dumiyeen aqoon
233. ILaa dura’ soo taxnayd,
234. Waxay damiyeen ilays
235. U daaran qof meel lahaa,
236. Waxay kala daadiyeen
237. Dar-yeel isu dheelli tiran,
238. Naf daahira bay legdeen
239. Docdeeda xun dhiirriyeen
240. Dan bay can-labeebiyeen
241. Dawgeedu xidhiidhsanaa,
242. Waxay iga soo duween
243. Jidkaan isku daawan jirey,
244. Waxay dibad-yaaliyeen
245. Nin tiisa u door ahaa,
246. In loo dewerey rabeen
247. Da'diisa nimaan baryeen,
248. Waxay ka dhigeen dadkii
249. Af iyo labadiisa daan,
250. Duuggii ubadkay cuneen
251. Wixii jirey bay dubteen,
252. Dusuud madhan bay dhigeen
253. Halkii beri doobi yiil,
254. Waxay dambas toomiyeen
255. Rugtii digo loo yiqiin
256. Duxdii noloshay tireen,
257. Waxay debciyeen naftii
258. Waxay dac wadheen hankii
259. Waxay isku soo dareen
260. Dadkii kala caagganaa,
261. Intii gabadh diib lahayd
262. Daf iyo Kaban baa la tegey,
263. Dhulkii derrimaha lahaa
264. Deegaantiyo baadku yiil
265. Dabaylo cas baa ka kacay,
266. Dorraatiyo guulihii
267. Dallaallimadii dhisnayd
268. Wixii dalag meersanaa
269. Daadduun qaxay baa ka hadhay,
270. Wixii duluglaa ka nool
271. Dibnuhu dhubbad qaadayeen.
272. Dagaalku sal buu lahaa
273. Daad soo jabay baan intaas
274. Gacmaha ku dabbaal lahaa,
275. Anigu dirir maan hanbayn
276. Dooddayduna may hinnayn
277. Hubbaa lagu diiddanaa,
278. Waxay igu soo dabreen
279. Halkay ila doonayeen,
280. Aniyo debad baannu nahay
281. Cidlaan dil-dillaamayaa
282. Daleel madhan baan tub nahay
283. Sas iyo dala'saan qabaa
284. Dareen dhidar baan gashaday
285. Dugaag falan baan qor nahay
286. Daaraantuna way fog tahay
287. Duullaankuna waa sidii.
288. Haddaad liqday daacaddii
289. Adaa damacow yaqaan
290. Sidaad uga deyn baxdee,
291. Wixii dummaddaada jira
292. Ku sii dar tu kaaga daran.
293. Cilmigan dib u heega-dhaca
294. Cilmigan dul-ka-xaadiska ah
295. Cilmigan sama-dawdarka ah
296. Caqligu ka daboolan yahay
297. Bukaankiyo daafka qaba
298. Gumaysigu diin u yahay
299. ILaah lagu diiddan yahay
300. Islaam-la-dagaallanka ah
301. Danaysigu weel u yahay
302. Dir-soocu u aabbe yahay
303. Daandaansigu guul u yahay
304. Dabkiyo wada hawsarka ah
305. Dilkiyo wada dhiig-cabka ah
306. Duullaankiyo boobka jecel,
307. Cilmigan dal-daloolka badan
308. Damiirku ka meydka yahay
309. Khansiirkiyo duufka cuna
310. Dillaalkiyo tuugga dhala
311. Wanaaggu ka dayro yahay
312. Xumaantu u dooran tahay
313. Dadkiyo simay xoolihii
314. Raggiyo dumarkii fur-furay
315. Intuu dumarkii is-baday
316. Raggii dumar qaar ka dhigay
317. Af-duubkiyo qoolka taxan
318. Run baa lagu daahayaa
319. Dijaal korayaa qarsoon.
320. Dalaal iyo been madow
321. Ninkii Run ku doonayow
322. Abuurtu dumaal miyaa?
323. Ma duur iska beermay baa?
324. Ma baadi dibbootey baa?
325. Ma doonni hallawsan baa?
326. Dawliil iyo quus miyaa?
327. Ma buur lagu daalayaa?
328. Ma boog damaqdaa wadnaha?
329. Ma doonis calool bugtaa?
330. Ma shay laga daawadaa
331. Garaadka nin daymo dhow?
332. Ma Daarwin siduu yidhaa?
333. Daayeer nin ka soo farcamay
334. Ma suu u dareemayaa?
335. Miyaanay dastuur lahayn
336. Kitaab iyo diin lahayn?
337. Miyaan laga sii danbayn?
338. Sidii Daraygii miyaa
339. Midhii daraygii miyaa?
340. Duudduub ku liq yaa ku yidhi?
341. Nin diidey Inaad Run tahay
342. Ku doodey Inaanad jirin
343. Rabbow dunidaada bilan
344. Dunteeda ma sheegi karo.
345. Daayeerka waxaa ka yimi
346. Waxaan dad habboon ahayn!
347. Innagu dir kalaynnu nahay
348. Duudkii Nebigaynnu nahay
349. Deeqdii Rabbi baynnu nahay
350. Dar loo buriyeynnu nahay
351. Ka sii daray baynnu nahay
352. ILaah ka durkaynnu nahay,
353. Islaam dilan baynnu nahay
354. Dugaag u dhacaynnu nahay
355. Ka daatay muskaynnu nahay
356. Ibleys didsadaynnu nahay,
357. Doofaarrada aan gudnayn
358. U doortay runtaynnu nahay
359. Xaqay garba-duubayaan
360. Ku diirsanayaynnu nahay,
361. Diin-laawaha gaalku dhalay
362. Ku dayday ayaynnu nahay
363. Dayeysan ayaynnu nahay.
364. Sidee duni loogu lumay
365. Maxaa dad ku soo lug go'ay
366. Maxaa ku hungoobey duul
367. Diihaal kula soo dhex dhacay,
368. Maxay duluc guud martaa
369. Maxay dersi yeedhisaa
370. Maxay nin u deexataa
371. Ladnaan ugu duur xushaa
372. Hadhow xagal-daacisaa,
373. Maxaa deg-deg wiil ku yimi
374. Dusheeda ku foos bur-buray,
375. Maxay doqon loogataa
376. Maxay laqan dooxataa
377. Maxay danab liicisaa
378. Maxay dabar liilisaa
379. Maxay dil-dillaacisaa
380. Ummuur kun dabool lahayd,
381. Maxay sado daadisaa
382. Maxay amar duulisaa
383. Maxay dar-dar loodisaa
384. Maxay diric quusisaa
385. Maxay kibir daalisaa
386. Maxay damac beenisaa
387. Maxay nin dabbaal yaqaan
388. Dalluun ku waraabisaa,
389. Maxay dal-daloolisaa
390. Deeqdeeda hadhuub lahaa,
391. Maxay lur u sii dirtaa
392. Ku sii dar ninkii yaqaan,
393. Maxay dab ku sii shiddaa
394. Ninkaanay daweyn karayn!
395. Adduunyadu waa daryeel
396. Daryeelka wixii ku nool
397. Dad bay magantiisa tahay,
398. Dardaaran cad baa ka yaal
399. Daymiyo garashay rabtaa
400. Hog loo dayo bay rabtaa,
401. Runteeda qofkii duwaa
402. Xaquu kaga dayro yahay,
403. Dawgeeda haddaan la-marin
404. Daliil Rabbi looga dhigin
405. Deynkeeda waxaad guddaa
406. Mar aanad u daafad hayn,
407. Ninkii dabinkeeda gala
408. Dib bay u xusuusisaa
409. Digniino horoo badnaa.
410. Abuurtu dahaysanaa
411. Sir iyo duluc raaranaa
412. Daabkeedu aroorsanaa
413. Degaandeg ballaadhanaa
414. Dawgeedu aloosanaa
415. Rugaanrugo durugsanaa
416. Muggeedu daruuranaa,
417. Dijaallada soo if-baxay
418. Weelkay darayaan yaraa,
419. Damiinka waxaa ka dhigay
420. Ummuurahan daalka badan
421. Siday u dul cararayaan,
422. Kashii demman bay legdaan
423. Siday wax u duufsadaan
424. Daliil uma sii hayaan.
425. Hubkooda dayaanka dheer
426. Markay daran-doorriyaan
427. Cid bay ku dullaynayaan
428. Cabsay dad ku beerayaan
429. Korkeenna inay degaan
430. Dusheenna ka soo hadlaan
431. Waxay ugu duur xulaan
432. Kasheenna inay dabraan
433. Hankeenna inay dilaan
434. Jidkeenna inay duwaan,
435. Dawaafka is dhaafayaa
436. Duullaanka cirkee socdaa
437. Dedaal iyo maaha guul
438. Daryeel kuma baadhayaan
439. Wanaag kuma doonayaan
440. Inay cilmi daalacshaan
441. Aqoonta ku sii durkaan
442. Wixii dedan qaawiyaan
443. Dantoodu ka sii gun dheer,
444. Rugaa dirir saran yahay
445. Waxay u docaynayaan
446. Dayaxa u hadhaynayaan
447. Dagaar u cagaynayaan
448. Inay Run ku duudsiyaan
449. Xaqiiqada daah sudhaan
450. Adduunyada dooriyaan
451. Iyagu u daliil noqdaan.
452. Nin diidey Inaad Run tahay
453. Ku dooday inaanad jirin
454. Rabbow dunidaada bilan
455. Ammaan kuma daaqi karo.
456. Diddii hungurow diddii
457. Kal daaf hagayaay diddii
458. Dhegaa dedanow diddii
459. Dareenka bukow diddii
460. Adduunyadu maaha dool
461. Dijaallada soo if-baxay
462. Haddaanay war deeqa hayn
463. Sidaan u dayaaba waa
464. Docdaan u kacaaba waa
465. Dushaydiyo hoostu waa
466. Daliil iyo waa Yiqiin
467. Dallaallimadeeda guud
468. Siday u dalaysan tahay
469. Siday u degmaysan tahay
470. Siday u duggaashan tahay
471. Siday u dalleensan tahay
472. Siday u damiin caddahay
473. Siday u dareersan tahay
474. Sidaanay u daadsanayn
475. Da'deeda la-yaabka weyn
476. Siday uga duug la'dahay
477. Siday dalandool u tahay
478. Siday u dekeysan tahay
479. Siday u taqaan didmada
480. Siday u dareen la'dahay
481. Siday u daryeelan tahay
482. Siday u darbaysan tahay
483. Siday u daraandaraan
484. Siday uga dayriyaan
485. Siday laba duul u tahay
486. Siday laba-deeq u tahay
487. Siday degel-degel u tahay
488. Siday degel qudha u tahay
489. Hal-doorba hal-doorka kale
490. Siduu ula daawo yahay
491. Ummuurahan laysku dabay
492. Dawaarahan laysa sudhay
493. Sidii deleb loo dhig-dhigay
494. Wadaagahan laysu diray
495. Lammaanahan laysku daray
496. Hadday is daboolayaan
497. ILaah dejiyaan maqnayn.
498. Cadceeddu dorraad ma dhalan
499. Kulkeeda dawaa ku shuban
500. Ifkeeda Run baa ku duxan
501. Dayuxu marin buu hayaa
502. Xil loo diray buu hayaa
503. Daw buu ku aroorsan yahay
504. Dilluu ku hoggaansan yahay,
505. Dooggiyo dhirtu maaha baad
506. Caleen iyo maaha daaq
507. Ka sii duluc dheer intaas
508. Waxaa ku dareersan nuur
509. Run bay ku dalaysan tahay
510. Wadduur culus baa ku taal
511. Daymaan lagu faaqidayn
512. Dareen akhriyaan la-hayn
513. Indhaha damac baa hor yaal
514. Waxaan dahab meel ka gelin
515. Waxaan magac Doollar sidan
516. Diinnaar iyo lacag ahayn
517. Yaqiin kama sii dayaan,
518. Damiirku hadduu qallalo
519. Hadduu dufan-raadis yahay
520. Daliilka hortiisa yaal
521. Waxaa kaga beegan daah
522. Dadkuna badi waa sidaas
523. Dakano gacal bay qabaan
524. Dagaal ramatay noqdeen
525. Dabrayn iyo weerar bay
526. Runtii kaga duuban tahay,
527. Xaqiiqada daahirka ah
528. Dulmay kaga hoos jiraan
529. Abuurta ma daawadaan
530. Denbay kala boobayaan
531. Dushooda ma eegayaan
532. Dux bay kaga fooraraan
533. Si bay u dar-jiidhayaan
534. Dunuunuc bukay liqeen
535. Dalqay wax ku eegayaan
536. Dil bay u hamuumayaan
537. Dibnay la haliilayaan
538. Dedaal ma haleelayaan
539. Daryeel ma hanbaynayaan
540. Dardaaran ma dhuuxayaan
541. Digniin ma dhabaynayaan
542. Dharaar kama doodayaan
543. Halkay ku dambaynayaan
544. Dayow kama toosayaan.
545. Wax-diiddo markay jirtaa
546. Wax-doonkuna meel-mar yahay
547. Naftana dabar baa xaslada
548. Dibsooduna waa ammaan
549. Digtooni haddaan la-hayn
550. Dagnaaniba way jirtaa
551. Dannaanni miyuu xunyahay
552. Markaan danan loo maqlayn.
553. Xilkii dadnimay gabeen
554. Xuquuq dadnimay rabaan
555. Naf daallina bay rabaan
556. Inaan dulmigeedu qaban
557. Dawgii noloshay rabaan
558. Inay shar ku daydayaan
559. Xumaan qof ku daalayaa
560. Wanaag damaciis hayaa
561. Dammiinka halkii ahayd
562. Siday uga soo durkeen
563. Miyay dib u soo noqdeen
564. Siday u duleed-baxeen
565. Ayay u dabayshadeen
566. Waxay dumiyeen Runtii
567. Waxay u dumeen Runtii
568. Markay dumiyeen Runtii
569. Nin daacad hoggeeda qoday
570. Miyuu ka danbaynayaa.
571. Intuu bahalaa dugsado
572. Intuu Dubur hawd ka xulo
573. Ayuu qofku doonayaa
574. Dugaaggu inaanu cunin.
575. Naftiisa qofkii dulmiyey
576. Deyrkaaga Rabbow ka baxay
577. Muxuu halis daaqayaa!
578. Addoonku Rabbow ma dayo
579. Deeqdaada intuu hantiyo
580. Duntii maqan buu tebaa,
581. Wax uu deg-deg kaaga filay
582. Haddaanay ku soo dul quban
583. Cadhuu la dakaamayaa,
584. Dibnuhu baryaday karaan
585. Daryeel kama mahad ceshaan,
586. Jiilaal la-darbaysan yahay
587. Diihaal iyo gaajo kulul
588. Haddii beri roob ka da'o
589. Qof doogey markaas illow
590. Siduu u ducayn yiqiin,
591. Xusuusba ka sii durduri.
592. Nin duunyadu mool ku tahay
593. Dadkiisuna maansha yahay
594. Ayaa misna kuugu duda
595. Waxaanu u daafad hayn,
596. Qofaad shar u diiddan tahay
597. U doortay si khayr ku jiro
598. Ayaa misna kuugu duda
599. Waxaad uga daacad tahay.
600. Sifaadkaaga deyr ma xidho
601. Dareenku ma gaadhi karo
602. Garaadku ma duubi karo
603. Dibnuhu ma macnayn karaan
604. Qof doonay inuu dhex galo
605. Ku daaley, ma dhaafi karo.
606. Dunjiga khalqigaagu yahay
607. Haddii gelin laysu dumo
608. Raggiyo dumar laysu guro
609. Jinkiyo insi laysku daro
610. Hadday ku dedaal galaan
611. Intay dar-dartoodu tahay
612. Hadday orod dooddiyaan
613. Hadday fadal deeddamaan
614. Muggood daran-doorriyaan
615. Haddii badda loo dar-daro
616. Dawaad milan looga dhigo
617. Dureemada loo qor-qoro
618. Waxay ku danbaynayaan
619. Inay dib u soo gurtaan.
620. Astaamaha dawladnimo
621. Markay derejiyo Run tahay
622. Adaan cidi kaaga dayan.
623. In daalacan Baad taqaan
624. Intii dedan Baad og tahay
625. Horraysana Waad digtaa
626. Dambaysana Waad sugtaa,
627. Intii daran Baad kartaa
628. In doora Rabbaad u Tahay
629. Dulleynna Adaa ku filan
630. Daryeella Adaa ku faxan
631. Sidaad damacdaaba fudud,
632. Dardaar-werintaada guud
633. Adaa naxariis ku daray
634. Dannina Boqor Baad ka Tahay
635. Dayrona Hodan Baad ka Tahay
636. Denbina Dhaafaad u Tahay
637. Dulqaadna Allaad u Tahay
638. Baryana Deeqlaad u Tahay,
639. Adaan talo kaa deg-degin
640. Dorraato wax Kuu ekaa
641. Adaan dib u qoomamayn
642. Adoo isla doonay laba
643. Adaan midi Kaa durkayn
644. Adaan waxba Kaa dib-jirin
645. Adaan damac fuushanayn
646. Adaan waxba daba ordeyn
647. Aday dani Kuu dhan tahay
648. Adaan xagal-daac lahayn,
649. Wixii hadhay baa dellegan
650. Daalaa-dhacu waw astaan,
651. Waxaa doqonniino badan
652. Intuu dadba kow ka yahay,
653. Waxaan dalab waayi karin
654. Intuu durey hoog ku yahay,
655. Hadduu dib-qallooc yar yahay
656. Naftuu damqayaan is bixin.
657. Sidii dur-durkaan socdaa
658. Si baan u dur-durinayaa
659. Hortayduna waa der-deran
660. Hareeruhu waa del-delan
661. Gadaashuna waa dam-daman
662. Aboor iyo waa dun-dumo
663. Daddaabba-xidh baan tog nahay
664. Darmaan falan baan sudh nahay
665. Dameero jin baan intaas
666. Dib uun ugu guurayaa,
667. Shax baan degayaa hog-hogan
668. Hog baan ka il duufayaa,
669. Wadaamo dugeed ayaan
670. Darroor ka gufeynayaa
671. Qabyaan ku dul meerayaa
672. Iyadu dal-dalool ku nool,
673. Markaan gudin daab u helo
674. Ayuu dumayaa habeen,
675. Dab baan dab cunsiinayaa
676. Dab baan ku bakhtiinayaa,
677. Ummuur dedan baan haddana
678. Dabool kale saarayaa,
679. Bar baan kula doodayaa
680. Bad aan bado daalin karin,
681. Naf baan isla doonayaa
682. Is-diiddo dhexdeeda taal,
683. Duunkayga baqaa ku jira
684. Dareen cabsiyaygu badan,
685. Hadduu dacaw meel ka ciyo
686. Didmaan isla boodayaa,
687. Malyuun dakhar baan qabaa
688. Doogtooda ma ciidmi karo,
689. Waxaan ahay ruux u dagan
690. Cadaawiyo duullan baas,
691. Kal dooxani way habtaa
692. Dar-daaran haddii la-faro
693. Digniintu hadday caddahay
694. Damiinku ma dhuuxi karo
695. Dorraad ma xusuusan karo
696. Waxaan dibindaabyo falay,
697. Shalay kama daacad noqon
698. Dantayda wixii ahaa,
699. Haddeerna si dawgu yahay
700. Dib baan ka illaawayaa.
701. Dad baan ahayoo Rabbow
702. Kolley denbi way ag yaal
703. Hawiyo damac baa i-sida
704. Hiyiga falan baa i-dira
705. Dareenka xun baa i-shidan
706. Ta ii daran baan jec lahay
707. Kas baan ahay daymo dhow
708. Kal baan ahay doonis badan,
709. Inaan dumey maan ogeyn
710. Inaan degey maan arkayn
711. Sidii qori daad la tegey
712. Wed baan dul sabbaynayaa,
713. Intii dabin ii xidh-xidhan
714. Intii belo ii dahsoon
715. Intii dalag loogu dhaco
716. Dalluumaha ii qarsoon
717. Rabbow debecaaga saar.
718. Miisaanku doc buu jiraa
719. Docdii halistuu jiraa!!!
720. Intaan dawan laysu tumin
721. Dayaanku intuu neg yahay
722. Intay belo deyran tahay
723. Intay weli duur-xul tahay
724. Duul-duulka ku kooban tahay
725. Hadday tahay maalin daran
726. Ka sii daran baa jirtee
727. Intay weli doobir tahay
728. Dib iyo noqoshaan rabaa
729. Dan iyo nolol baan rabaa
730. Dawiyo nabad baan rabaa
731. Xil daahirah baan rabaa
732. Naftayda inaan u diro
733. Wax uu dugsadaan rabaa
734. Hankayga inaan ku dayo
735. Dagaal xaqa baan rabaa
736. Deeqdaada inaan ku helo
737. Damiir xalan baan rabaa
738. Deynkaaga inaan ku gudo.
739. Rabbow ifka nooga door
740. Dedaalkana noo rumee,
741. Rabbow danbe noo ogow
742. Wixii tegey duudsi yeel,
743. Rabbow dunidaada weyn
744. Dabaylo fayow ku xeer,
745. Intii dulin baas dhex taal
746. Rabbow diga-xaadh ku fiiq.
747. Rabbow magac dawladeed
748. Intaan dugsanayn Yiqiin
749. Rabbow dumi waa hungee.
750. Dastuurrada baaddilka ah
751. Intaan xaqa daafacayn
752. Ka reeb dambas waab dhex yaal.
753. Rabbow dalka kaanu nahay
754. Intii degel muummin yaal
755. Wanaag ku dallaallimee
756. Islaamka ka soo dabbaal
757. Waxay ku dulloobayaan
758. Dijaallada soo if-baxay
759. Qof deyma leh haw shidhayn,
760. Haweenkuna waa duggaal
761. Deeqdaada badh bay yihiin
762. Waxaa lagu daaqayaa
763. Siday u dul leeyihiin
764. Shar daalacan baa jiree
765. Iyagu dedan bay dhasheen
766. Dunuubta ninkay badhxaan
767. Rabbow ducadayda sii
768. Samaa dumar noogu dhiib,
769. Raggana dummaddooda saar
770. Waxay dumiyeen Rabbow
771. Haddaanay xumaanta deyn.
772. Rabbow dalandoolka dhow
773. Shil noo dihin maalintaas
774. Rabbow naga sii dabool
775. Hortaadana noo dalee
776. Degaankana nooga yeel
777. Daryeelku halkuu Run yahay.
778. Haddanay dir-sooc lahayn
779. Falkaagu u daw-bannayn
780. Cibaadadu waa ku daal,
781. Badbaado qof doonayow
782. Kashaada dareen ku beer
783. Dareenka samaa ku beer
784. Indhaha dib u soo Muslimi
785. ILaahay Dartiis ku eeg
786. Daliilka hortaada yaal.

waba lahi towfiiq

saleebaan maxamuud dhiidhi

Posted In

Post new comment