Somaliland Arrimaha Cadaalada ha laga Daaweeyo, Dibna ha loo Eego Qalinkii Saleebaan Mohamud Dhiidhi
Marka hore waxan salamya saxafada ka caagan eexashada codka dad wayna hadii an u daadago dulucada maqalkan iyo waxa igu kalifay in an ka hadlo arintan cadalada waxan arkay oo ii muuqata in aad moodi in wasarada cadalada meel kale iyo wadamo kale laga xukumo, waxa taasi ku cadahay in ay xabsiyada ka buuxan dad gacan ku dhiiglayal ah oo badan baa jeelasha ka buuxa qarna la siidaya ku was oo an laga heshiin
hadana waxa dhacda in loo dilo oo gacan ku dhiigla qof kale oo an waxba galabsan si habqabiila,
taas oo hada tirooyin badan ay dhacday inta wasarada cadaladu meer meerisay qof ka gacan ku
dhiigle ah oo la doonayo in an loo dilin dhibana tasina waa waxa keena in qof an waxba galab san
loo aneeyo wana dulmi iyo jahlinimo gacan an waxba dilin in qof an galabsan loo dilo waxa kale oo
ka xun taa in dadka wax bartay ee cadalada fadhiyaa ay dulmigaa tuurta u ridanayaan oo ay
qadarinayaan siyasad shisheeye kale oo aynan isku sharci ahayn, mana aha in qof wax baratay
oo cadalad ka garsoore ah in uu daawado dulmi wa anin cadab u yeedhanaya , tana hada wax
ba uma naqaano marka laga yimaado arima qisaasta oo la caga jiido, waxa taa kadaran ee wadanka
ka jirtaa waa, yada oo la noqday shilin caabud oo an xafiis cadalad ka shaqeeya anu kula hadlayn
hadii anad fara lab hoos u bixin tusale magalada hargaysa nin an lacag haysan hadii dhul lagu qabsado
waa laga qaadayaa,takale gabadh hadii nin keeda ay isku yara dhacaan ama uu ka raago sanad
oo muraad rabaniya ku habsaamo maxakamadu markiiba waxay ka siinaysaa warqad an ka fiirsi lahayn,
ileen haween lacag haya iyo nin caadila oo laluush qata markay is helaan guryaa duma waa yaabtasi
takale waxa jira, in wasarada cadaladu anay kaba hadlin wax yabo badan oo ay xaq uleedahay in ay
la socoto wana ta shaqala shaqala oo wadanka ku dulman shaqalu waxay u soo shaqa tagaan dad bahan
oo masakiina qof kasta guri buu masariifta u soo radsha , taas oo an la siin shalaqa mushahar ku filan
sii ba shirkada madaxa ba nan oo an cadalada shaqala la sugin wax ka hadlayana anad arkayn arinata
waa mid ah nidaam xumo ina baraysa oo inagu dhaqaysa cadalad xumada iyo kala eexashad dadka
tusaale , xafiiska maxakamada waxa soo wada galaya, qof muwaadina oo yara diifaysan ama
shacaba oo an can ahayn ama aduun haysan muuqda iyo qof malqabeena ama nin madaxa oo la yaqano
markaasad arkaysaa yada oo laga horaysiinayo muraadka ninka muuqda ama magaca leh ama aduunak
cadalada ma ogala sidaa diin islaam daa mamul cilmaaniya daa mid shoociya daa mid kale daa wax
waxaa yeela lama arag , waa calamada marka qoom dagayo wadamada diinta kiristaanka haysata
ama an haysan ninka muwaadinka ah ee shacabka ah danyarta ah iyo ka ugu malqabeensan
ilaa wasiirka ah waa u siman yihiin markay cadalada dani ka gasho somaliland cadalada, ha dawayso
ilaa cadalada la daweeyo wax dhismayaa ma jiraan, waxay nu ognahay in maxakamada wadanku ka
ka kooban tahay qaybahan hoos ku xusan marka si guud loo tilmaamo wana 5 qaybood
1. Maxkamada Degmadda.
2. Maxkamada Gobolka.
3. Maxkamada Rafcaanka.
4. Maxkamada Sare.
5. Maxkamada Ciidamada.
waxas oo dhan hadii ta u saraysaa baydho ma wada saxmayso, markaa dulmiga ka u hooseeya
saxeexo, waxa danbigiisu saranyahay ka su sareeya , waxan leeyahay aniga iyo inta ila fakarka ahba
in la daaweeyo garsoorka wadanka oo wadanku dadku iska aamusan yihiin see ay ka jirto dulmi abuuri
kara in uu inagu dilaaco aduunka nidaamkiisa waxa saxa marka garsoor saxa la helo,
waxan ku soo gaba gabaynayaa maqalkan kooban tix gabaya oo uu yidhi ninka gabyaga ahaa lona yaqno
adam yusuf tixdan oo uu ku lahaa cabdi hurre wana sidan hoos ku xusan
Sida nimanka daarood haddaynu, duunka ka colowno
Badda lacagta kamaad soo dirteen, dagalka Maarsay e
Dawaarna kamaad jeexateen, daaska cadameede
Dakedaha Berbera kama aad jarteen, dun iyo qaydkeede
Dumarkaaga umaad soo dhigteen, dabacaddii suur e
Adiguu dux kuu noqon lahaa, daaniyaalluhuye
Dooxaa Hargaysa ee gobka le, kama dillaasheene
Dubbaha iyo laaskaan ku baraanad, dam isku siiseene
Doqonkaal xeryaha kama jarteen, dacaska jiilaale
Dardarkaa cadaadood rugaha, kama daruurteene
Aniga oo duuban baan iman lahaa, dixida laan dheere
Dalka waxa lagaa badi lahaa, daaqsin maqaleede
Daaroodna kuma qaayibteen, diifta kugu taale
Waar digtoonaada yaannaan sidii daad ku soo geline.
wabilahi towfiiq
saleebaan maxamuud dhiidhi
Related News
- Xisbiga UCID oo si weyn u Canbaareeyey Muddo Kordhinta ay Kordhisteen Golaha Gurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland : 7 Sep 2010 - 18:42
- Mushaharka uu Qaato Madaxweyne Silaanyo & Ku Xigeenkiisa - Mushaharkii uu Qaadan jirey Madaxweynahii hore & Ku Xigeenkiisii : 7 Sep 2010 - 18:35
- Ciidamada Sheekh Shariif oo Maanta Wadada Marta Madaxtooyada Xidhay kadib markii aan Mushaharkoodii la siin : 7 Sep 2010 - 18:08
- Dagaaladii Muqdisho ka dhacay Labadii Todobaad oo ay ku dhinteen dad gaaraya 230 qof : 7 Sep 2010 - 17:48
- Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland oo Mudadii isku kordhiyey : 7 Sep 2010 - 17:21
- Golaha Guurtida oo laga hor akhriyay qoraal uu Madaxweynuhu kaga dalbanayo inay muddada ku kordhistaan iyaga iyo Wakiiladu : 6 Sep 2010 - 19:56
- Marwada Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Xadhiga ka Jartey Dhisme Cusub : 6 Sep 2010 - 19:47
- TACSI: GEERIDA MARXUUM AXMED NUUR JAAMAC : 5 Sep 2010 - 20:09
- Hambalyo Aroos: Boqor Jaamac Xuseen Yalaxle & Boqorada Caasha Axmed Jamac oo arooskodu kadhacay magaalada Burco : 5 Sep 2010 - 20:05
- Dallada Dhalinyarada SONYO oo Maanta Sameeyey Hawlgalo ku Dayasho Mudan oo Dadweynaha Hargeysa ay soo dhaweeyeen : 5 Sep 2010 - 19:22
















Post new comment