Xafladii Dabaldaga 18 May ee Wadanka Denmark iyo ka qaybqadashadii Ururka Jiilka cusub

Text Size

DENMARK, KOPANHEGAN- Xaflad ay soo qaban qabiyeen haween waynaha somaliland ee ku dhaqan wadanka Denmark gaar ahan casimada (kOPENHEGAN) xafladan oo ahayd mid loogu dabaldagayo sanadguurada 19 ee ka soo waregtay malinta qaranimada iyo jiritaanka Somaliland.

Xafldasi oo ka soo qayb galeen dadwayne aad u tiro badan oo ah dadka ku daqan wadanka Denmrak xaflada oo si heer sare ah loo soo agasimaay ayaa waxa goobta aad loogu qurxiyeey astanta Calanka Somaliland iyo walxo kale oo ka turjumaya asatanta calanka dadwaynuhuna waxay ahayd qaar si habasami ah uga soo qayab galaay xafladasi aadna ugu faraxsanaa

waxayna iskugu hanbalyeeynayeen dabaldaga sanadguurada 19aad ee madaxbananida Somaliland xaflada aya bilabantaay wakhti sacada tahy 18:00 waxan lagu furay ayado quraana intaa ka bacadina waxa loo gudbay xaflada iyo khudbadihii loogu tala galaay xaflada ugu horayna waxa xaflada furaay oo ka hadlaay Marwo( SUCAAD SHEEF) oo ah Gudoomiyaha jaliyada somaliland ee wadanka Denmark

Hadalada Sucaad sheef oo u badnaa u mahadnaq ka soo qayb galayasha xaflada iyo soo dhwayn ayaa ugu horayn waxay si kooban uga hadashay tariikhda somaliland iyada oo u rajaysay in sanadkan sanadkiisa shacbiga somaliland ku gadhaan nabadqab iyo ictiraaf sida kale Marwo Sucaad Sheef waxay u rajaysay shacbiga jarkeena eh ee Somaliya in iyagana ilahay nabad siiyo oon noqono laba Dal oo jaara oo walaltinimo ka dhaxayso waxa kale oo Marwo Sucaad u rajaysaay in doorashada soo socotaa ku dhacdo si nabad galyo ah shacbigana doortaan cidii ay dantooda u arkaan balse laaakiin la ilaaliyo nabadgalyda iyo kala danbaynta dalka .

Intaa ka bacdi waxa xaflada lagu soo dhaweyey Mahad Isimail Cali Abokor Oo ka yimid UK halkaasan ka soo jeediyeey khudabad tariikhda somaliland iyo waano iskugu jirtaa taasi oo dadwaynaha aad u soo jiidataay waxana aad ugu dheraday maraxladaha uu soo maraay dalka Somaliland .

Waxa kale oo isna khudabad ka so bilabmaysaa halkaas ka soo jeediyeey nin Oday ah oo ku soo jiray xisbiyadii Xornimada iyo kuwii xsbiyadii hore CABDI HAWD oo ka mid ahaa xubnihii ururkii SYL Xornimo doonka ahaa waxana ka waramay tariikhda dheer ee Somaliland soo martaay iyo Wakhtigii gumaysataha isagoo sheegaay inuu wakhtigaa xubin ka ahaa ururka SYL waxana u dardarmaay shacbiga somaliland iyo jaliyadahaba inay is caawiyaan ilaaliyana calanka iyo qaranimada jamhuuriyada Somaliland tariikhada Cabdi Hawd ayaa ahayd mid dhalinyarada dhamaan la dhaceen .

Waxa kale oo xafladasi lagu soo dhaweyey safiirka Somaliland u fadhiya Denmark Mudane MUUSE SHEEKH Oo ka waramay xalada somaliland iyo sida uu hada ay marayso waxana shacbiga u soo jeediyeey in mantaa somaliland marayso meel fiican isla markana ku dhiiradaan inay dalkooda ku noqdaan oo ka qayb qataan sida ay u hurumarin lahayeen hawlaha ka socda Somaliland waxa kale oo ka waramay rajada inay Doorashada ka dhacado somaliland oo aad ugu badayeey inay ka dhacayso si nabadagalyo ah

Intaa ka bacdi waxa xaflada lagu soo dhaweyey MUKHTAAR MUUSE Oo ka socday urur dhalinayaro dhawaan lagaga dhawaqay wadanka SWEDEN ururkaasi oo lagu magacabo JIILKA CUSUB Mukhtaar ayaa waxa ugu horayn u Hanbalyeey shacabiga Somaliland sanad guurada 19 ee ka soo wareegta malinta qaranimada iyo jiritaanka Somaliland

intaa ka bacdina waxa u soo jeediyeey salaan uu uga sido ururka JIILKA CUSUB oo magacooda huwanyahay kagana soo qayb galaay xaflada Mukhtaar ayaa waxa halkaasi ka soo jeediyeey tariikhada somaliland iyo maraxaladaha soo martaay taasi oo ka soo bilaabay sanadkii 1884kii markii uu yimid gumaystiha wadanka Somaliland iyo xornimada taariikhada oo kaga waramay Hlaglankii xornimada dabaldaga calanka Somaliland 26juun 1960kii sidii calankaasi ku lumay

waxa kale oo Mukhtaar ku xusaay halgankii qadhaadha ee SNM u soo mareen xornimada iyo gooni isku taaga calanka Somaliland waxa kale oo oo ka waramay sidii somaliland ku gonsataay goonis isku taageeda iyo Dimuqradiyada mantaa ay marayso iyo sida aya ku yimadeen xibsiyada dalka mantaa ka jira Somaliland intaa ka bacdi Mukhtaar waxa hanblayo u diraay haween waynaha Somaliland oo oo la jecladay in sanadkan lagu maamuuso wax qabadka iyo siday uga qayb qataan hurumarinta wadanka Somaliland

waxa kale ugu danabyantii u soo jeediyey ka Qayab qatayasha inay ka qayb galaan asasaida Ururo cusub kuwaasi oo wax ka Qabata marxaladaha ka jira Dalka somaliland si ay u huru mariyaan ugu danbayntiina waxa ugu baqaay inaay ku soo biiran cida Xiisaynaysa ururkan JIILKA CUSUB kaasi oo ka qayb galayashu aad u soo dhaweeyen intaa ka bacdi waxa hadalka ku soo gunanadaay in loo Gurmado dadkii ku waxyeeloobaay xaladii robabka ee khasaraha gaysataay ee ka dhacay dalka Somaliland kaasi oo ku Guryo wayeen inka badan 415 Qoys una bahan in loo gurmado.

ugu danbayntii xaflada waxa lagu soo gunanadaay Abdirasaaq Ahmed Ibraahin(Qaraf Qaraf) Oo Ah dhalinayarada ku kortay wadanka DENMARK kuna hadlaay magaca dhalinayarada Somaliland waxa u hanbalyeey haween waynaha wadanka Denmark ee soo abaabulaay waxa kale oo Abadirasaaq ugu baqay in dhalinayarad is caawiyan talada dalkana loo dhiibo haweenka.
Ugu danbayntii xaflada ayaa loo gudbay qaybteedii 2aad oo u badnayd heeso Somaliland amaan u ah halkaasoo uu habeenkaasi ugu heesayey fananka caanka eh ee reer DENMARK Cabdisamad (ILKA CASE) Oo halkaasi ka qadaay xaflado heeso ka turjumaya Somaliland .

Guud ahanba xafladan aay soo agasimeen Haween waynaha wadanka Denmark gaar ahaan KOPENHEGAN ayaa ahyd mid ku dhamtaa si qurux badan oofarxadi ku jirto iyagoo dadkuna iskugu hanbalyeeynayey Sanad Guurada 19aad ee ka soo waregtaa malinta qaranimada iyo jiritaanka Somaliland.

Mohamed Xaleef
xaleev@hotmail.com

Posted In

Post new comment