Xoghayaha Arrimaha Dibeda KULMIYE Wuxuu Buuxiyey Masuuliyaddii Wasaaradda Dibedda ee Rayaale Qalinkii Cabdirasaaq Sh Cali Askar

Text Size

Hargeysa - Sidaynu ognahay qaranka Somaliland waxa uu madaxbannaanida haystay muddo 19 sanno ah Waxa kaloo aynu ka warqabnaa in 1991 markaynu dalkeenna ka xorreynay daaquudkii Maxamed Siyaad Barre in aynu u nimi dal burbursan iyo dad barakacsan.

Labadii xukuumadood ee ugu horreeyey Allaah ha u wada naxariistee marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) iyo Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal waxay la kulmeen xaalado qallafsan iyo caqabado maadaama xaaladahaasi taagnaayeen, laakiin Alle ku guuleeyey mid walba qayb ha soo qabtee, waxayna qaranka gaadhsiiyeen meel u baahnayd in hoggaamiye daacad ahi kasii amba qaado si uu qaranka u horumariyo, ictiraafna u keeno.

Madaxweynaha hadda Daahir Rayaale oo dalka hoggaaminayey muddo siddeed sanno ah wuxuu helay oo gacanta ku qabtay dal laga soo shaqeeyey oo lagu soo tabcay, una baahnayd oo keli ah dhammaystir, balse wuxuu ku fashilmay inuu dalka hore usii dhaqaajiyo dhinac horumarineed iyo mid aqoonsiba.

Dhinaca wasaaradda arrimaha dibedda wuxuu Rayaale u magacaabay ilaa saddex wasiir oo kala dambeeyey, iyadoo masuuliyadaha loo igmaday ay ugu weynayd inay dalkan aqoonsi u keenan, balse waxay taasi noqotay mid ay ku fashilmeen. Waxaan odhan karaa waxa ugu horreeya inay ku guuldarraystaan masuuliyaddii qaranka ee baahida weyn loo qabay ay tahay karti-darro, daacadnimo-darro iyo danaysi u gaar ah oo ay mudnaanta kowaad siiyeen.

Haddaba, waxaynu wada dareemi karnaa dhaqdhaqaaqa, firfircoonida, kartida, aqoonta, daacadnimada iyo waddaniyadda uu dalkiisa u hibeeyey aqoonyahanka diblomaasiga ah ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ee uu albaab kastoo dunida ah u garaacay iyo meelo aanay weligood gaadhin masuuliyiinta xukuumadda Rayaale u qaabilsan arrimaha dibedda, isaga oo xisbi mucaarid ah ka socday oo aan ahayn wasiir ku hadla afka Jamhuuriyadda Somaliland.

Gebagebadii, waxa uu Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar indhaha caalamka kusoo jeediyey qaramo badan oo dunida caalamka ah oo hadda xidhiidhkoodu aad u wanaagsan yahay. Insha Allaahu waxaan u rajaynayaa muwaadinkan naftiisa u hurey dalkiisa iyo dadkiisa inuu inta yar ee u hadhsan aqoonsiga dalka ku soo gunaanadi doono marka xisbiga KULMIYE hoggaanka iyo masuuliyadda qaranka gacanta ku qabto.

Cabdirasaaq Sh Cali Askar
Hargeisa
4418174

Posted In

Post new comment