Siilaanyo’s First 100 Days in Office Madaxwyne Silaanyo Talaabada kowaad ee lagaa filaa waa in aad baa’biso by Mohamed H. Xaleef

Text Size

Mudane Madaxweyne Marka Hore Waxaan kuugu Hambalyaynayaa Guusha aad ka soo Hoysay Doorashada aad tartanka Xalaasha ah u gashay , Mudane Madaxweyne Ilaah ha kula garab galo Xilka Culus ee Umada Diiftu iyo Daalku Ka muuqata ay ku igmadeen

Mudane Madaxweyne Quluubta shicibka Somaliland waxa ka muuqata Niyaad wanaag iyo kalsooni faro badan oo ay ku hayaan ”Noolatay Yidi diiladi Naxashka Saarnayd”

Mudane Madaxweyne waxa dadku rabaa in ay arkaan isbedelkii aad in badan ugu gacan haadi naysay

Waqtigii Doorashada dadku waxay ku hadaaqayeen ”We Need Change” oo astaan u ahayd xisbigaaga

Madaxweyne Axmed Guushii tartanka waad hantiday markaa manta waxaanu leenahay ‘’Change we can count’’ Waxa la gaadhay ummadu ay heli lahayd waxay inta badan naawilayeen

Hadaba Mudane Madaxweyne 100 cisho ee u horeeya waxaa laga filaayaa isbedel lataaban karo

Hadii aad ku guulaysato in aad isbedel samayso 100 cisho ee ugu horeeya waxaa hubaal ah in aad dadka iyo dalka cagta u saari doonto wadada isbedelka horumar ahaaneed ”Bilawga Wanaagsani waa Guusha Badhkeed!

Dhisida Dawlada

Dawlad ku shaqaysa hanaanka dimuqraadiyada ah oo wafaaqsan diints islaamka

Dawlad Kooban oo aad ku soo xusho shaqsiyaadka aad dooranayso in ay yihiin ku leh Diin iyo Daacadnimo si aanay u noqon kuwo u soo shaqo taga cashuurta ummada lakiin ay u noqdaan kuwo u shaqeeya dadka iyo dalka

Dawlad shaqaysa saacado badan oo ka duwan kuwii wadanka hore u soo maray ee wasiirku soo shaqo tegi jiray 10 subaxnimo 12ka duhurnimona uu ka rawixi jiray (Waa Wasiirka Wasiiro ugu Fiicna) Qaar ayaan soo xaadiri jirinba

Saaxafada

Mudane Madaxweyne saxaafadu caqabo badan ayay kala kulantay dawladii ka horaysay waxa laga filaaya in helo saaxafad madax banaan iyo idaacado ka madax banaan kuwa dawlada

Dhaqaalaha iyo Musuqmaasuq

Somaliland waxa ay ka mid tahay wadamada dunida ugu saboolsan, waxaana sabab u ah hoggaan xumo, musuq-maasuq, maamul xumo, Somaliland oo ah dawlad aan caalamka laga ictiraafsanayn waxa ragaadiyay musuq maasuq taxan mijo ilaa madax kaas oo aynu la wadaagno Qaarada aynu ku naal ee Afrika

Waxa la dhawrayaa in aad musuqmaasuqa la dagaalanto adiga oo kaashanaya Xafiiska Hanti dhawka ee guud iyo Samaynta Komishanka la Tacaalidda Musuqa (Anti Corruption Commission) sidii aad hore ugu balan qaaday

Waxa iyana meesha ku jirta in aad soo celiso ganacsiga xorta ah adigoo hoos u dhigaya cashuurta dekeda berbera si ay u noqoto mid la tartanta dekadaha wadamada aan jiraanka nahay taasi waxay suuro galinaysaa in ganacsatada reer somaliland ee dekedeena uga yaacay cashuurta qaliga ah ay soo laabtaan oo dhaqaalaha iyo dakhliga dekadu u saro u kaco

Garsoorka iyo Caddaaladda

Madaxwyne Talaabada kowaad ee lagaa filaa waa in aad baa’biso Nimanka isku magacaabay gudiga nabad gelyada ee dastuurka meel ay kaga jiraan aanu jirin iyo in aad cafis u fidiso umada masaakinta ah ee ay jeelasha ka buuxiyeen

Waa dhiig miirato umada ku dhex

Difaaca iyo Amaanka

Booliska= Booliska oo ah gaadh haya umada iyo hantida wadanka gudahiisa waxa ka muuqda baahiyo badan oo ay kow ka tahay xirfadoooda oo aad u hoosaysa waxa isha lagu hayaa in la helo boolis akhlaaq fiican leh oo bulshadu ka samaysan kara in ay la shaqeyaan oo aan u cagu jugleyn oo saxiib la noqda shacabka si aan uga hor tagno gaadmooyanka cadawgu inoo qorsheeyay

Ciidanka Asluubta= Ciidanka asluubta waa macalinka maxbuuska waxa laga dhursugayaa in aad tayadooda sare u qaado si maxbuuski shalay la xidhay oo beri u soo baxo isagoo qofnimadisi is bedeshay oo nolosha iyo qiimaheeda ku soo fahmay intii u xabsiga ku jiray waxa hubaal ah in ay hoos u dhacay dadka caadaystay tuuginimada iyo dembiyada la hal maala

Milateriga= Waxa innagu xeeran khataro iyo halista ka jirta gobolkan. Ciidanka dalkeenu waxa uu lafdhabar u yahay jirtaanka dalkeena iyo qaranimadeena ” Ciidan Dhaarsanbaa Dhudhun iyo Awood Kugu Dhowrayee Calanyohoow ha Dhicin” Abwaan Cali Seenyo

Mudane Madaxwyne Ciidanka qaranka hawshoodi iyo wajibkoodi way guteen lakiin waxa ka muuqata dayacaad badan waxa laha naawilaya in aad abuurto cudud milateri oo xoogan, qalabaysan oo tababaran

Waxa iyana meesha ka madhnayn in aad u samayso Derajooyin oo ah waxyaabaha aad inta badan ku taamaysay hadii aaad mushaharka u kordhisona waa mid haboon

Waxbarashada

Madaxwyne waxaad balan qaaday in aad bilaash ka dhigi doonto waxbarashada asaasiga ah waa mid shacabka ka dhur sugayaan in aad kaga dhabayso

Taasi waxay suuro galinaysaa in ilmo kasta oo somalilander ahi uu helo waxbarasho ku filan waayo hooyada tamaandhada iibisa ee haysata 4 caruur ahi ma kafaali qaadi karto in ay school ka wada bixiso dhamaantood

Waxa kale oo kor u kacaysa waxbarashada hablaha oo ah mid ay saamayn badan ku leedahay awooda waalidka oo hooyada dhashay 1wiil 1 gabadh waxay doorbidaaa in ay wiilka schoolka ku darsato …. Waxaa suurobi doonya in markaa hablo badan oo dhaqaaluhu u saamixi wayay in ay waxbrasho helaan in ay qalinka qaataaan

Caafimaadka

Mudane Madaxwyne goobaha caafimaad ee dawlada waxay noqdeen goobo ganacsi dawada yar ee caawimada lo hela waxay noqotay mid farmasiiyada dib looga xaraasho waxa laguugu dheg taagaya in aad si aad arimaha uga hor tagto aad shaqaalaha goobaha caafimaadka siiso mushahar ku haboon heerka nololeed ee dalka si ay u nabad hesho dawada bukaanka loogu talo galay

Waxa iyana meesha ka madhnayn in cusbitaalada ama goobaha cafimaad ee gobolada aad ka dhigto kuwo isku filan si gabadha foosha ah ee Ceerigaabo laga soo qaado aan lo keenin Burco ama Hargeisa

Mudane Madaxwayne Waxaa ku hortaala hawl aad u badan lakiin waxaad tahay shaqsiyada u ba’bac dhigi karta oo umada ka saari karta xaalada nololeed ee qalafsan ee ay maanta ku nooshahay waxaan ku leeyahay ”Dawladii loo Xiisa Qabay Waatane Xadhigeeda Qabo”

Ayaamaha 100 ka ah waxaa laga dhur sugaa in aad in la arko isbedel wax ku ool ah insha allah Waxaanu ku cabiro doona cabirka la yidhaado The Kulmiyemeter oo ah mid sheegi doona talaabooyinka Togan iyo kuwa Taban ee ay xukumadaadu qaado (Positive and Negative Actions).

Guul iyo Gobanimo

Mohamed Hassan Xaleef
xaleev@hotmail.com

Posted In

SALAAM

SAXIIB MAXED XASAN AAD BAAD UGU MAHADSANATAHAY TALADA IYO TUSAALAYNTA AAD SIISAY MADAX WAYNAHA CUSUB WAANA MID AAD LOOGU BAAHANYAHAY ISBEDELKAASI OKAY BYE WAAD WADA MAHADSANTIHIIN

BY ADAN

Anonymous | August 28, 2010 - 3:31pm

Post new comment