Xidhiidhka Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB iyo Xukuumada Siilaanyo soo diyaariyey ismail M Gadiid
Salaan qiimo iyo qaayo weyn leh iga gudooma dhamaan bah weynta saxaafada Somaliland iyo bulshada barakeynsan.
ee Somalilandba, ka dib 26/07/10 waxeynu wada hoos hadhsan doonaa xukuumada Siilaanyo oo dhinaca kalena ay soo fadhiyaan ragii mudada todobada sanno ka badan magaacda kale ay reer kulmiye ugu yeedhi jireen, isla markaana kala masuugi jireen guulaha QARAN ee ay intey talada hayeen soo gacan geli jirtey isku soo wada duuboo ciyaartii dheereyd ee la magac baxdey (KU-JIQSII) ee aan dal iyo dad-toona u danta aheyn MA KU SII JIRI KARNAA?
Jawaabta su’aashaasi waxey u baahan tahey kolka hore ineynu indhaheynu gudaheenu ku eegi jirney bal sare u qaadno oo aynu ku eegno hareeraheena marka labaadna in aynaan sanado badan ku khasaarin loolan siyaasadeed oo gudaheena ah sidii dhacdey 7-dii sanadood ee u danbeeyey, waxaa waajib weyni saran yahey xisbiga mucaaridka ah ee UDUB iney ciyaartii KU-JIQSII u bedelaan GARAB IS-TAAG inta laga gaadhayo loolanka doorashada ee 5 sanno ka dib, sababahan hoos ku xusan awgood
1) Iyagoo khibrad u leh dagaalka culus ee dibadeed ee inagu bilaabmey ee ay hogaanka KULMIYE ka indha la’aayeen
2) Iyagoo khibrad dhabb ah u leh inaan ROMA habeen lagu dhisin
3) Iyagoo u yeeshey nasiib iney hogaamiyaan siyaasad mucaarid oo casri ah
4) Iyagoo rajeynaya in geedkey beereen midhahooda la goosan doono dhawaan.
Shaki kuma jiro in dagaal hor leh oo dibadeed ku bilaabmey Somaliland kaasoo adeegsanaya shaqsiyaad akadeemi ah oo u dhashey Somaliland iyo hay’ado aan dawli aheyn, dagaalkaas oo wejiyo badan waxuu kazoo burqanayaa shariikadihii saliida ee DAAQUUDKII SIYAAD BARRE la galey heshiiska oo markey ka caal waayeeen xukuumad dhexe oo MUQDISHO ka dhisanta u soo jeestey in la hakiyo geediga horimarineed ee Somaliland ku talaabsaneyso isku deygoodii u danbeeyeyna ay ku fashilmeen doorashadii dhawaan dalka dhacdey.
Dareenkeeda waxaa iyana leh una baahan in si weyn loogu kuurgallo qalaalasaha ka socda BARIGA kaasoo marna ka faramadhneyn faragelin shisheeye ku darsoo argagaxisada oo ficilkeedu Muqdisho saldhig u yahey balse fikirkoodu daadsan yahey dhamaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland.
Hadaba waxaa waajib qaran saran yahey maanta ka sokow xukuumada Siilaanyo xisbiyada Mucaaridka ah khaasatan UDUB ineyna
• aargoosan oo ayna ilaawin waajibaadkii qaranimo ee saarnaa markii hore inuu hadana saran yahey.
• u dhaqmin sidii axmaqnimada aheyd ee xisbiga KULMIYE ula dhaqmi jirey Xukuumadii ay ka talin jireen.
• jeexaan jid hor leh oo hoosta ka xariiqeysa DANTA QARANKA si loo wada ilaaliyo.
• dalka gelin loolan joogta ah iyo yooyatan, waa inaad bilowdaan mucaaridad muujin karta gefka siyaasadeed/hagaamineed ee ku jirtey qaabkii mucaaridada KULMIYE u shaqeyn jirtey, taasoo dalka iyo dadkaba dan u ah, isla markaa waa inaad dadka u jiheysaan in la gallo oo la waajaho dagaalada qorsheysan ee dibeda lagasoo alkumey.
Qurbajooga ku jira dhaantada iyo shaqsi weerarka/difaaca, waxaa looga fadhiyey aqoonyahanada iney aqoonta ku darsadaan caqliyahananimo ay ku gartaan inaan cahdigan looga fadhiyin cayda iyo aflagaadada lagula dhacey Muj MUUSE BIIXI (oo taariikhdiisa iyo milgihiisa-toona nina uga baahneyn weerar iyo difaacid) balse waajibkoodu yahey iney indha fiiqfiiqan ku eegan xoogaga sida xaaraanta ah isu gaashaanbuureystey si ay u beeniyaan hiigsiga umadda Somaliland, kuwaasoo ayna dantoodu ku jirin qaran Somaliland la yidhaahdo oo cagahooda isku taaga.
Xukuumada Siilaanyo hogaaminayaa ha dhadhamiyo hana garwaaqsado xanuunka ay leedahey markuu walaalkaagii cadowga kula dhicin lahaa isagii mindida dhabarka kaala dhacayo inaanad talaabo hore u qaadi Karin, inaan umad lagu hagi Karin naceyb dadkiisa loogu abuuro hogaankooda isla markaa in aanad meelna ku gaadhi Karin mabda’ nuxurkiisu yahey hebel ka rid kursiga ee loo baahan yahey aragti siyaasadeed oo fog.
Gebogabdii caano daatey dabadood la qabey xaalka aynu ku soo ururino, halku dhega maantuna ha ahaado QODAXI MEESHEED,sidii caadada u aheyd bulshada Somaliland mar kale 10 iyo 0 aynu kaga badino cadowga isbiirsadey(waan sarey cadowgaas mase saafin sababo badan awgood qof kasta oo u kuurgala ama daraasad kooban sameeyana wey u fududahey inuu xogtaasi wax ka ogaado).
F.G: QORMADAN LOOGUMA TALO GALIN KUWA 12-KA INDHOOD LEH EE 11 KU EEGA GURUGOODA MIDKA KALENA QODAXDA ISKAGA EEGA WAXA KELIYA OO AY GAAR U TAHEY INTA ISKU DEYDA INEY WAXKA OGAADAAN/KA BARTAAN WAXA DUNIDA KA SOCDA.
Ismail M Gadiid
imgadiid@gmail.com
LONDON UK
Related News
- Xukuumada Silaanyo oo ka hadashey sameynta ay Somaliland ku leedahey dagaalka Galgala iyo Xildhibaanada ku Xidhan Borama : 8 Sep 2010 - 17:20
- Dadwaynaha Somaliland oo La yaab la noqotay Muddo kordhinta ay isku Kordhiyeen Golaha Guurtida, Wakiilada iyo Deegaanka : 8 Sep 2010 - 17:11
- 30 Suxufi oo ka hawlgala Warbaahinta Somaliland oo dhameystay Tababar ay Hayada Wadaniga WAAPO u qabatey : 8 Sep 2010 - 16:37
- Xisbiga UCID oo si weyn u Canbaareeyey Muddo Kordhinta ay Kordhisteen Golaha Gurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland : 7 Sep 2010 - 18:42
- Mushaharka uu Qaato Madaxweyne Silaanyo & Ku Xigeenkiisa - Mushaharkii uu Qaadan jirey Madaxweynahii hore & Ku Xigeenkiisii : 7 Sep 2010 - 18:35
- Ciidamada Sheekh Shariif oo Maanta Wadada Marta Madaxtooyada Xidhay kadib markii aan Mushaharkoodii la siin : 7 Sep 2010 - 18:08
- Dagaaladii Muqdisho ka dhacay Labadii Todobaad oo ay ku dhinteen dad gaaraya 230 qof : 7 Sep 2010 - 17:48
- Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland oo Mudadii isku kordhiyey : 7 Sep 2010 - 17:21
- Golaha Guurtida oo laga hor akhriyay qoraal uu Madaxweynuhu kaga dalbanayo inay muddada ku kordhistaan iyaga iyo Wakiiladu : 6 Sep 2010 - 19:56
- Marwada Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Xadhiga ka Jartey Dhisme Cusub : 6 Sep 2010 - 19:47
















Post new comment