Saado Ali warsame oo bandhig faneedyo ku maraysa qaaradaha si ay ugu maal galiso Somaliland diidka
Saado Ali warsame oo bandhig faneedyo ku maraysa qaaradaha.
Europa, Asia iyo North America si ay ugu maal galiso Somalilanddiidka.
Saado Ali Warsame oo waa ahaan jirtay fanaanad Soomaaliyeed oo umada Soomaaliyeed ay aad u jeclaayeen isla markaana qabfaneedkeeda ay ku soo bandhigto mashraxyada fanka gaar ahaan dhanka ciyaar jaaska lamaan ee gabarta iyo wiilku wada dheelaan oo ahaa qaabab amba siyaabo casriya oo soo jiidan jiray da`yarta.
Ka dib burburkii dawladi dhexe ee jamhuuriyadii soomaliyeed ayay badiba fanaaniinti Soomaaliyeed midba meel u hayaamay, waxayna noqdeen qaar sii wata fankii iyo qaar siyaabo kala duwan uga hadhay fankii.
qolooyinka ka hadhay fanka ayaa siyaabo kala duwan uga hadhay fanka, qaar ka fadhiistay fanka oo gacmaha ka laabtay gabi ahaanba fanki iyo sugaanti, hawla kalana galay, iyo kuwo uu fanku reebay ka gadaal markii ay si khaldan u isticmaalen hibadi fan ahaan ee Eebe ku manaystay. Ka dib marki ay u isticmaaleen qaab beelaysan, fidno abuur,hurun colaado dhiig islaam oo la daadiyo.
Hadaba saado ali warsame ayaa sanadahan dambe haysa jidkii qodaxaha badnaa ee ay fanaaniin badan oo hore uga siibteen salaanka fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.
Saado Ali waxay cod iyo maalba ku taageertay jabhada nabad diidka, Somalilandiidka ah ee ka dilaacay cidhifka hawd ee Buhoodle. Waxay tiraba qaaday sideed heesood oo lagu kicinaayo beelaha Somalilander-ka ee walaalaha ah dal iyo dhulba wadaaga sii loo wiiqo isku duubnida shacabka Somaliland loona minjo xaabiyo qaranimada muqadaska ee Jamhuuriyada Somaliland.
Waxay hada u qalab qaadatay in bandhig faneedyo ka dhigto qaaradaha Europa, Asia iyo North America si ay markaa ugu tageerto dakhliga ka soo baxa, isla markaana jabhada ku xidhan argigixisada mayalka adag Allshabaab ee Somalilandiidka ahi ay ku fuliyan hawlo ka dhan ah qaranimada Somaliland.
waxbadan odhan maayo oo waa gabadh se talo ayaan siin.
Habaar la igu kari waaye ha karaamo seegin.
Wadaad hayso waa wadadi magool iyo qaar kaloo badane ha ka dhicin salaamada qaar lagu siibta jire; ee is dabaqo intay goori goortahay. Hadaad ficil hinaastay asaad hiilin kari weyday ma afkaad ku hawl bixi cidlaad ka heesaysaaye.
NB: Hiin-raaca waa lagu yaqaan hiida doqoneede hebednimada qaarkeed aday kuuhednoqota.
By: Abdifatah O. Abdi
Kling_king@hotmail.com
Oslo Norge
Related News
- Xisbiga UCID oo si weyn u Canbaareeyey Muddo Kordhinta ay Kordhisteen Golaha Gurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland : 7 Sep 2010 - 18:42
- Mushaharka uu Qaato Madaxweyne Silaanyo & Ku Xigeenkiisa - Mushaharkii uu Qaadan jirey Madaxweynahii hore & Ku Xigeenkiisii : 7 Sep 2010 - 18:35
- Ciidamada Sheekh Shariif oo Maanta Wadada Marta Madaxtooyada Xidhay kadib markii aan Mushaharkoodii la siin : 7 Sep 2010 - 18:08
- Dagaaladii Muqdisho ka dhacay Labadii Todobaad oo ay ku dhinteen dad gaaraya 230 qof : 7 Sep 2010 - 17:48
- Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland oo Mudadii isku kordhiyey : 7 Sep 2010 - 17:21
- Golaha Guurtida oo laga hor akhriyay qoraal uu Madaxweynuhu kaga dalbanayo inay muddada ku kordhistaan iyaga iyo Wakiiladu : 6 Sep 2010 - 19:56
- Marwada Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Xadhiga ka Jartey Dhisme Cusub : 6 Sep 2010 - 19:47
- TACSI: GEERIDA MARXUUM AXMED NUUR JAAMAC : 5 Sep 2010 - 20:09
- Hambalyo Aroos: Boqor Jaamac Xuseen Yalaxle & Boqorada Caasha Axmed Jamac oo arooskodu kadhacay magaalada Burco : 5 Sep 2010 - 20:05
- Dallada Dhalinyarada SONYO oo Maanta Sameeyey Hawlgalo ku Dayasho Mudan oo Dadweynaha Hargeysa ay soo dhaweeyeen : 5 Sep 2010 - 19:22
















Saado Ali Warsame oo waa
Saado Ali Warsame oo waa ahaan jirtay fanaanad Soomaaliyeed oo umada Soomaaliyeed ay aad u jeclaayeen isla markaana qabfaneedkeeda ay ku soo bandhigto mashraxyada fanka gaar ahaan dhanka ciyaar jaaska lamaan ee gabarta iyo wiilku wada dheelaan oo ahaa qaabab amba siyaabo casriya oo soo jiidan jiray da`yarta.
Ka dib burburkii dawladi dhexe ee jamhuuriyadii soomaliyeed ayay badiba fanaaniinti Soomaaliyeed midba meel u hayaamay, waxayna noqdeen qaar sii wata fankii iyo qaar siyaabo kala duwan uga hadhay fankii.
iska hadle
adeer SSC waa xisbi dalkuna darwiishland state of somalia ee iska joog oo nabad ku joog norwey wiilkaagan waalan
Post new comment