Taliyihii Qaybta Boliiska ee Gobolka Sool oo Xilkii ku Wareejiyey Taliye Cusub
Laascaanod, (sli) - Munaasibad xilwareejin Taliyaha qaybta Booliska gobolka sool iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta lagu qabtay xarunta qabyta ciidanka bilayska xilwareejintan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay kana soo qayb galeen dhamaan laamaha kala duwan ee ciidanka amaankam Taliyayaasha ciidanka qaranka iyo saraakiil kale.
Taliyaha Cusub ayaa xilalkii ay la kala wareegeen Taliyaha qaybta Booliska ee cusub Axmed Maxamed guutaale iyo taliyihii qaybta ee xilka wareejiyay Maxamed Saleebaan Gooni oo uu ku waheliyaan taliye xigeenadooda xilka la kala wareegay iyo Taliyaha laanta sirdoonka oo dhamaanba kala tirsaday xilalalkii Ciidanka Booliska.
Kulankii Munaasibadan ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay Taliyiihii Hore ee qaybta Booliska Gobolka sool Maxamed Saleebaan Gooni isagoo sheegay inuu ku soo dhaweynayo Taliyaha Cusub ee loo soo magacaabay Qaybta booliska wuxuuna intaasi ku daray in guud ahaanba laamaha kala duwan ee boolisku ay la shaqeeyeen Taliyaasha cusub.
Sidoo kalena waxaa halkaasi ka hadlay Taliyaha Cusub Ee Qaybta Booliska Axmed Maxamed guutaale wuxuuna uga mahadceliyay Taliyaha ay xilka la kal wareegeen sida qiimaha leh ee uu ugu wareejiyay xilka wuxuuna itaasi raaciyay inuu ka sii anba qaadi doono sidii ciidanka boolisku ay wax weyn uga qaban lahaayeen Xaalada amaanka magaalada Laascaanood.
Waxaa iyana halkaasi ka hadlay saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska iyo kuwa ciidanka qaranka Mayer ku xigeenka Degmada oo dhamaantood kula dardaarmay Taliyaasha xilka la wareegay inay halkii ay soo gaadhsiiyeen taliyaasha ka horeeyay ay ka sii wadaan.
Ugu danbayntiina waxaa munaasibadii xilwareejinta Taliyaasha Qaybta Booliska soo xidhay badhasaab Xigeenka Gobolka sool maxamed cabdi Dhinbiil Daad oo ku dheeraaday in markasta Ciidanka Boolisku uu masuul ka yahay ilaalin nabadgelyada bulshada looga baahanyahay inay la shaqeeyaan si ay ugu fududaato inay haleen cidkasta oo masuul ka ah fal danbiyeed.
Si kastooy ahaataba xilwareejintan cusub ee taliyaha qaybta booliska ayaa ku soo beegmaysa xili maanta la kala tirsanayo jagada madaxtinimo oo uu la wareegay madaxweynaha Cusub ee Axmed maxamed Maxamuud siilaanyo kala badalka ciidanka ee gobolka sool ayaa sida ay noo sheegeen saraakiisha ciidanka booliska ayaan khusayn arimaha madaxtinimo balse ay tahay qorshe laga soo badalaya dhinaca hargaysa.
Cabdiraxmaan Cabdisamed axmed(ciise Yare)
Related News
- Xukuumada Silaanyo oo ka hadashey sameynta ay Somaliland ku leedahey dagaalka Galgala iyo Xildhibaanada ku Xidhan Borama : 8 Sep 2010 - 17:20
- Dadwaynaha Somaliland oo La yaab la noqotay Muddo kordhinta ay isku Kordhiyeen Golaha Guurtida, Wakiilada iyo Deegaanka : 8 Sep 2010 - 17:11
- 30 Suxufi oo ka hawlgala Warbaahinta Somaliland oo dhameystay Tababar ay Hayada Wadaniga WAAPO u qabatey : 8 Sep 2010 - 16:37
- Xisbiga UCID oo si weyn u Canbaareeyey Muddo Kordhinta ay Kordhisteen Golaha Gurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland : 7 Sep 2010 - 18:42
- Mushaharka uu Qaato Madaxweyne Silaanyo & Ku Xigeenkiisa - Mushaharkii uu Qaadan jirey Madaxweynahii hore & Ku Xigeenkiisii : 7 Sep 2010 - 18:35
- Ciidamada Sheekh Shariif oo Maanta Wadada Marta Madaxtooyada Xidhay kadib markii aan Mushaharkoodii la siin : 7 Sep 2010 - 18:08
- Dagaaladii Muqdisho ka dhacay Labadii Todobaad oo ay ku dhinteen dad gaaraya 230 qof : 7 Sep 2010 - 17:48
- Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland oo Mudadii isku kordhiyey : 7 Sep 2010 - 17:21
- Golaha Guurtida oo laga hor akhriyay qoraal uu Madaxweynuhu kaga dalbanayo inay muddada ku kordhistaan iyaga iyo Wakiiladu : 6 Sep 2010 - 19:56
- Marwada Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Xadhiga ka Jartey Dhisme Cusub : 6 Sep 2010 - 19:47
















Post new comment